Ra’iisul wasaraha Soomaaliya oo Caawa Afur Sharaf U Sameeyey Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin


Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Caawa Afur Sharaf u sameeyay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana Afurka kasoo qeybgalay Golaha Wasiiradda, xildhibaano, suxufiyiin iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Ganacsigga ayaa hadal kooban u jeediyay Odayaasha Dhaqanka isagoona ku amaaney sidii ay isugu howleen in Soomaaliya yeelato Dastuur dalkuna kabaxo KMG.

Wuxuuna intaasi ku daray in hadii ay mar ansixiyeen Dastuurka Odayaasha Dhaqanka ay tahay mid guul ah waayo waxey aheyd mar xaladii ugu adkeyd oo ay Odayaasha Dhaqanka meel mariyaan waxaana arrintaasi mahadeeda iska leh Alle ka sakoow Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo runtii muujiyay geesinimo iyo dulqaad taariikhda baal dahab ah ay ka galeen.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeen ayaa sheegay in sharaf weyn ay u tahay in maanta Odayaasha Dhaqanka iyo Xukuumaduba ay kulan noocaani ah isugu yimaadan waxeyna arrintaani muujineysaa inaad tihiin dadkii soo dhisi lahaa dowladda maantana sida aad la socotaan waa maalin taariikhi ah 6, August sanad ka hor waa maalintii Al-Shabaab laga saaray Caasimada Muqdisho.

Wuxuuna intaasi ku daray Wasiirku in Geesiyadii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku naf waayay ka xorayntii Al-Shabaab ee Muqdisho ay tahay in la xusuusto loona duceeyo marka xornimadda aan caawa ku joogno Muqdisho waxaa sababteeda lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan xusuustaa maalintii aan Muqdisho imid oo aan ka soo degay Garoonka diyaaradaha ayaa la ii soo qaaday hoyga Ra’iisul Wasaaraha si la ii dhaariyo markaan gaarigii ka soo tagay ayaan in yar istaagay Iridda durbadiiba waxaa ila carayay Ciidanka waxeyna igu yiraahdeen Wasiir Wiiftada yaysan kugu dhicin, Caawana waad aragtaan si xuriyad leh ayaan banaankaan u wada fadhinaa, maantana waa maalin taariikh u ah Umadda Soomaaliyeed waana inaan ugu mahadcelinaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo si geesinimo leh ugu xureeyay Muqdisho Kooxaha fidna wayaasha ahaa ee Al-Shabaab”.

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa uga mahadceliyay aqbalaadii aad aqbasheen inaad nala afurtaan wuxuuna tilmaamay in 135 Odey Dhaqameedka Soomaaliyeed ay maanta ku guuleysteen iney dalka ka saaraan KMG..

“Runtii waxaan caawa idin kugu yeeray waxa weeye inaan idin kaga mahadceliyo shaqadii adkeed oo aad soo qabateen oo aad u soo dhabar adeegteen oo waliba aan ogahay in daruufo aad u adag oo dhib badan inaad ku soo wadeen laakiin aad ku guuleysateen waxaadna maanta taarkiih weyn ka galeysaan kaalintii aad ka u weyneyd oo aad ka soo qaadateen samatabixinta mustaqbalka Soomaaliya”.

Wuxuuna intaasi ku daray in sababta aad u ansixiseen dastuurka dalka uu ahaa caqabadii in mudada aheyd Soomaaliya heysatay in laga baxo ee KMG waxaana Soomaaliya u horseedeen meeshii ay istaahishay oo aad soo celiseen sumcadii iyo karaamadii ee adduunka ku lehyd.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 20 August ay wax walbo la rabo iney dhamaadaan marka waxaa la idin ka doonayaa inaad soo dedejisaan xubnaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya muhiimaduna wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay iney tahay mar haddii aad dalka ka saarteen KMG oo aad Dastuur u sameyseen Soomaaliya oo aadna soo xuleysaan Baarlamaanka waxaa la rabaa in 21 August iney Soomaaliya ku Ciido dowlad rasmi ah iyo Ciidul fidri wada socda.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale u mahadceliyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed islamarkaana ku amaaney sida wadaninimada leh oo ay Al-Shabaab ugu xoreyeen 6, August, 2011 Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna ku dhiiro geliyay in ay sii wadaan howlgalada ay kaga xoreynayaan dalka Al-Shabaab.

Dhamaad

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia
 
Share

Tags:

6 Responses for “Ra’iisul wasaraha Soomaaliya oo Caawa Afur Sharaf U Sameeyey Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed”

  1. [...] See the original post: Ra’iisul wasaraha Soomaaliya oo Caawa Afur Sharaf U Sameeyey Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed [...]

  2. mahmed abdikarim says:

    Waan kuu rajaynaynaa in aaf ku goolaysatey agoust 21madaxtinimada dalka goodluck

  3. Caddaawe says:

    Cabdiweli wuu ka fiican yahay labada jeeble Shariif Sakiin iyo Sheekh Shariifba. Alla Sheekh ha baxdo.

  4. B Jameeco says:

    INTU SIDAY U SOCOTO ANIGGGGGGGGGGGA WAAAN KU DHIHILAAA LACAGA HA ISKA BEEERDARA^N

  5. Gin Gin says:

    Gaas Waa tuug ====;;;;;

  6. Abdi says:

    Cabdiwali Gaas, prime ministerka waa nin qabiiliista ah, oo qabiilkiisa ayaa kala weeyn soo celinta rajada umada Soomaliyeed iyo qaranimadeena. Qaladkana waxaa iska leh, Madaxweeyne Shiiq Shariif, maxaa yeelay waxaan ka mid ahaa dadka aaminsanaa in nin Puntland ah in uusan Prime Minister u magacaabin sababtoo ah, bal fiiriya historiga mas’uuliyiintii halkaa iyo Puntland ka yimid ee dowladaha kumeel gaarka ah labaatankii sano ee lasoo dhaafay dowlada dhexe xil ka qabtay, sida Xasan Abshir, Abdirashiid Sharmaake iyo qabiiliiste Gaas oo ugu daran, waa niman usoo shaqatagay in eey danta qabiilkooda ka hormariyaan danta jamaaciga umada Soomaliyeed. Aleylehe, been waa xaaraane Dr. Cali Khaliif waxuu ahaa nin ka fayow qurunka qabyaalada oo dadaal badan iyo fiiro dheer ku shaqeeyay. Asaga iyo reerkooda waa SSC, amaba beelaha kale sida Caabudwaaq iyo Kismaayo dadka dago ayeey aheeyd in Prime Minister Somaliya uu kasoo dhex xulo shiiq Shariif, laakiin taas waa eey ka hoosbaxday, marka hada ayaad eersan qaladkii aad gashay. Ma fahmi karo dadku waxeey arrinkaan u fahmi la’yihiin. Halaga ilaaliyo dadkaan xagal daacinaayo soo celinta qaranka Soomaliyeed in xil qaran loo magacaabo misana fikir qabiilka oo aan rabno in dadka laga masaxo ayeey ku shaqeeynayaa, taasoo nasii kala fogeyneysa hadaan Somali nahay. Marka aan leeyahay xilka sare halaga ilaaliyo igama aha in la dulmiyo, ee danta umada ayaa ku jirto marxaladahaan oo adag oo kale, ee xaquuqdooda inta la dhowra, ilaa eey dad caafimaad qaba kasoo baxayaan. Wasaamucaleykum.

Leave a Reply