Raysal Wasaare Gaas Oo Rajo Wanaagsan Ka Muujiyay In Doorashada Madaxtinimo ay Waqtigeeda Dhacdo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Raysal wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ayaa wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay mar hadii la ansixiyay dastuurka Soomaaliya in howlaha kale ee ka dhiman qodobada Road Map-ka ay sidooda u dhaqan galaan.

C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in waqtigii loogu talagalay lagu keeno baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, oo ah maalmaha dhow.

Sidoo kale Raysal wasaaraha ayaa wuxuu sheegay in howlaha kalana ay sii xigi doonaan, oo ay ka mitahay in doorashada waqtigeeda ay dhacdo oo aysan dhaafin 20-bishaan.

“hadii dib u dhac uu ku yimaado howshaan oo la dhaafo bishaan Augusta waxaa dhici karta in uu yimaado qal qal sidaa darteed waxaa loo baahanyahay in howshaasi la qabto” sidaa waxaa yiri Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa Raysal wasaaruhu wuxuu ka sheegay kulankii lagu ansixinayay Dastuurka cusub ee Soomaaliya ee ka dhacay xarunta iskool Bulusiyo ee magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa haatan waxaa u harsan mudo kooban waxaana wali jira howlo badan oo loo baahanyahay in la qabto oo ay ka mitahay in baarlamaanka cusub ee la sugayo ay isku yimaadaan ka dibna ay doortaan Gudoomiye, sidoo kalana 20-bishaan la qabto doorshao madaxweynenimo.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

3 Responses for “Raysal Wasaare Gaas Oo Rajo Wanaagsan Ka Muujiyay In Doorashada Madaxtinimo ay Waqtigeeda Dhacdo”

  1. [...] More here: Raysal Wasaare Gaas Oo Rajo Wanaagsan Ka Muujiyay In Doorashada Madaxtinimo ay Waqtigeeda Dhacdo [...]

  2. safi says:

    dr cabdi wali allaha ku xafido marka hore cadowgana allaha kaa qabto
    aniga waxan ku dhihi lahaay siyaasadaan iskaga bax maxaa yeelay magacada mesha ayuu ku sharaf belay waxana sabab u ah shariiifyo iyo qurun aad la soo shaqeysay marka dr and pro magacada ilaalso
    waxaa tahay nin fiican waana u qalantaa madaxweeeyne , wajigada ayeeyba ku taalaa nin fiican in aa tahay

  3. ali says:

    Awalba doqon baad ahayd aan garayn waxa uu meesha ku joogo, bal aan aragno in Khaatumoseegyada iyo afarta wiil ee reerihiina ah eed qurbaha kasoo urursatay in madaxweyne kaa dhigi karaan iyo in kale, balan waxaa igu ah inaad Ra-iisal wasaaranimda waayeyso madaxweynenimo ha joogtee.

Leave a Reply