Raysul Wasaare C/weli Gaas oo Markale Sharci Darro Ku Tilmaamay Degmooyinkii Madaxweyne Shariif uu Magacaabay Iyo Dadkii Derejooyinka uu Siiyey (War Saxaafadeed)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Raysul Wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu galabta ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Muqdisho wuxuu kaga jawaabay hadal uu madaxweyne Shatriif ku difaacay go’aankii uu ku magacaabay degmooyinka cusub iyo xilal askareed oo uu dhowaan siiyey saraakiil kala duwantaasoo golaha xukuumadda horey u diideen.

Wareegtada raysul wasaaraha ayaa markale cadeysay in waxba kama jiraan iyo sharci darro ay tahay dhamaan wixiii degmooyin iyo xilal uu madaxweynuhu bixiyey tan iyo bishii July ee la soo dhaafay.

Wareegtadan oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Raxanreeb, ayaa u qorneyd sidatan:-

Ref: XRW/LT//00.435/08/12                                                                                    Date 15.08.2012

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Markuu arkay: Qodobka 3aad ee Axdiga/KMG ee Dowladda Soomaliya,Farqadiisa 1aad & 2 aad

Markuu arkay: Qodobka 46aad, Farqadiisa 1aad & 2aad iyo qodobka 48aad, Farqadii 1aad-xarafkiisa (A & B) oo qeexaya (Waajibaadka Wasiirka 1aad)

Markuu arkay: Qodobka 52aad Farqadiisa 1aad & 2aad oo qeexaya (Waajibaadka Golaha Wasiirada)

Markuu arkay: Qodobka 53aad Farqadiisa 3aad, Xarafkiisa ( a iyo b ) oo qeexaya (Xilka Golaha Wasiirada):

a) – Fulinta Awooda Golaha Wasiirada iyo meelmarinta waajibaadkooda.

b) – Maareynta iyo dhaqangelinta shuruucda loo xilsaaray

Markuu arkay: Qodobka 44aad ee Axdiga KMG ee qeexaya (waajibaadka Madaxweynaha)

Markuu arkay: Qodobada 81, 83, 85 ee Dastuurkii 1960 –kii oo qeexaya waajibaadka Golaha Wasiirada

Markuu ogaaday: Wareegtooyin ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha JS oo aan ku Salaysnayn go’aan golaha wasiirada sifo sharciga waafaqsan

Markuu arkay: Go’aankii kalfadhiga Golaha wasiirada oo ku taariikhaysan13kii, August 2012 oo lagaga dooday Habsami usocodka Howlaha

Qaranka oo ku dhisan nidaam dawli ah oo sharciyaysan

Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, isagoo tixraacaya qodobada kor ku xusan iyo Go’aankii Golaha Wasiirada ee 13kii, August 2012, wuxuu halkan ku cadaynayaa in wareegtooyinka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee ku saabsan magacaabida Gobolo iyo Degmooyin cusub, dalacsiin Saraakiil Dowladeed iyo wixii lamid ah ee aan soo marin habka sharcigu qeexayo in ay sharciga dawliga-ah ka hor imaanayaan lana dhaqangalin Karin sida kucad Qodobka 3aad ee Axdiga (Sarraynta Sharciga) Farqadiisa 2aad oo qeexaya “ Sharci kasta oo aan la soo marin ama ka hor imanaya Axdiga Dowladda wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan”.

MUQDISHO 15/08/201

 

Waxaa ku saxiixan

Mudane Cabdiwali Maxamed Cali

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya

Share

Tags:

Comments are closed