Raysul Wasaare Gaas iyo Faroole oo Si Wadajir ah ugu Dhoofay Nairobi (Faahfaahin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garowe (RBC) Raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray magaalada Garowe ayaa galabta u duulay magaalada Nairobi halkaasoo berito uu ka dhacayo kulan dhexmari doona madaxda siyaasadda Soomaaliya iyo xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton.

Wafdiga raysul wasaare Gaas waxaa hotey u sii raacay madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo isaguna la sheegay inuu ka qeybgali doono kulanka berito Hillary Clinton la yeelaneyso masuuliyiinta DKMG ah iyo maamul goboleedyada.  Waxaa Magaalada Nairobi kaga sii horeeya Madaxweyne Shariif iyo Shariif Xasan oo iyaguna kulanka ka qeybgali doona.

Waxaa sidookale kulanka lagu casumay maamulka Galmudug iyo ururka hubeysan ee Ahlusuna Waljamaaca oo ku jira saxiixayaasha qariirada roadmap-ka.

Dib u dhaca kulanka

Madaxda Soomaalida ayaa caawa isugu tagay magaalada Nairobi iyagoo wada sugaya Hillary Clinton oo diob uga soo dhacday ballantii ay la lahayd siyaasiyiinta Soomaalida [saxiixayaasha roadmpka] iyadoo sida masuul ka tirsan safaaradda Soomaalida ee Kenya uu u sheegay Shabakada Raxanreeb arintaasi lagu micneeyay safaro kale oo Hillary Clinton ku soo martay wadamo kale.

Kulankii loo ballansanaa inuu dhexmaro Hillary Clinton iyo madaxda siyaasadda ee dhinacyada Soomaalida ayaa dhacaya berito gelinka hore, waxaana si weyn loo dhowrayaa waxyaabaha looga hadlo, walow siyaasiyiinta qaar ay sheegeen in laga hadlayo dhameystirka qrorshaha roadmap-ka iyo wixii ka harsan.

 

RBC Radio

Share

Tags:

8 Responses for “Raysul Wasaare Gaas iyo Faroole oo Si Wadajir ah ugu Dhoofay Nairobi (Faahfaahin)”

  1. Soomaaliweyn says:

    “Madaxda Soomaalida ayaa caawa isugu tagay magaalada Nairobi iyagoo wada sugaya Hillary Clinton” Allow sharafti Soomaaliyeed soo celi, oo madax kuwan ka wanaagsan dalka u soo bixi. Wallaahi waa murug dhaqanka 6 saxiixe iyo bahdilka ay nagu wadaan.

  2. madaxdiin ba dhacday,waa mooryaan xoog dalka ku haysata ee alloow na dhaafi,bedel khayr leh ayaan alloow kaa barinay.aaaaaaamiiiiiiiiin.

  3. Waa guul usoo hoyatay umada somaliyed maadaama la meel mariyay qariirada nabada ee Road-mapka hada ayaana dawlad noqonay aduunka la xisaabtanta wixii kahoreeyay shacab ayaan ahayn in nalala xisaabtamana ceeb maaha aduunka asagaa garbaha nahayay la.antodna waxba ma hagaageen Dadka wax magaratada ahna POLITICAL ka waxba kama taqaanaane iska aamusa hadii kale talaabo ayaa laidinka qaadayaa waxana hambalyo udirayaa raiisal wasaaraha umada somaliyed oo asagu dadaal ugalay in somalia ay dawlad noqoto KMG kana laga boxo

    FROM LOS ANGELES

  4. Waayeel75 says:

    KU.Cabdnaasir Sayid Axmad.
    Jaalle maxaad ku eedaysay oo ku cayday madaxda soomaaliya?Ma waxaad mashaqay warbixintii ninka gaalka ah ee ay u FUUSHO gabar la yiri waa reer Hargeeysa.Ninkaas oo ujeedadiisu tahay in uu soomaaliweeyn kala diriro in aysan marna helin qaranimadeedii.Saaxiib illaa ad wax hubsatid meel cidla ah cidna ha ka eedayn.Dr.Gaas iyo Shariifyo midna kuma cadayn karno in ay xoolo ka xadeen dalkooda iyo dadkooda.Ugu dambeyn ha ku aakhiro seegin hadala la iska yiraahdo ee la soo tabiyo

  5. Waayeel75 says:

    Qofka la baxay F.B.I Amerika soo ma ogid in aad ku cayaaraysid dad magacood adan waxba ka aqoon?
    Mase ogtahay in dambi lagaaga dhigi karo?Waliba waxaad leedahay waxaan joogaa Lose Angeles oo ah xurunta magaca ad ku cayaaraysid.Ma magac ad la baxdo baad weyday?Maad la baxdid Mooryaan ama Dhafoor Qiiq.

  6. ceel-ciid says:

    qooxdii hoobalada waa bari ma nrbi ayeey ka tumayaan cawada

  7. daljirka says:

    Sharafta alla idinka qaad waa daba dhilif miiran 7 sixiroole, caqlina iskuma dhaaman waa calooshod u shaqaystayal. Shirarkodu badanaa oo hadana meekhan darana a , ilohow kuwan umada kuwa dhama ugu bedel.

Leave a Reply