Raysul Wasaare Gaas oo Saxiixay Natiijada Codeynta Dastuurka, Khudbadna Jeediyey
Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa goordhow saxiixay natiijadii ay ku dhawaaqeen guddigii tirinta codadka ergada ansixinta dastuurka ee maanta lagu ansixiyey xarunta Iskool Boolisiya ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa raysul wasaaraha ku wareejiyey dukumintiga natiijada codbixintakaasoo raysul wasaaruhun uu saxiixay.
C/weli Gaas ayaa khudbad uu ku soo afmeeray natiijada codeynta dastuurka wuxuu ka jeediyey madasha isagoo sheegay in maanta ay guul u tahay dawladiisa iyo ergada ansixisay dastuurka.
“Haddii Soomaaliya lagu yaqaanay burcad badeed, Haddii Soomaaliya lagu bartay gaajo iyo macluul, haddii Soomaaliya lagu bartay dawlad aan awood lahayn, maanta Soomaaliya waa xor waxayna heleysaa dawlad awood leh” ayuu yiri raysul wasaare Gaas oo ka hor khudbeeyay ergada ansixinta dastuurka.
Raysul wasaaruhu wuxuu sheegay in maanta uu ka markhaati kacay in dastuurkii qabyada la ansixiyey uuna dhaqangalay laga bilaabo maanta.
Raysul wasaaruhu wuxuu u mahadceliyey ergada ansixisay dastuurka kuwaasoo uu ku tilmaamay halyeeyo qaran oo taariikhda ay xusi doonto.
“Waxaan maanta soo afmeernay hawl mudo ka badan siddeed sano soo socotay oo dhib badan laga soo maray” ayuu yiri isagoo ka hadlay shaqadii laga soo maray ansixinta dastuurka cusub.
Wuxuu sheegay in wixii maanta ka dambeeya aan la dhihi karin Soomaaliya dastuur ma leh.
Gabagabadii ayuu raysul wasaaruhu sheegay in dalka uu horey u sii socon doono maalmaha soo socda.
HALKAN KA AKHRI NATIIJADA ANSIXINTA DASTUURKA
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











Hambayo shacabka somaliyeed .
Waligeey ma arag nin ka liita cabdiwali gaas wariye ayaa weeydiiyay suaal muhiim ah oo yiri waxaa ka dilaacay uganda cudurka dilaaga ah ee apola ee maxaad ka qabaneeysaan askarta la idiinku soo tabababaro iyo ugandhiiska ka imaanaya. waxa uu ku jawaabay ugandha waxaa ku nool 30 million somalidanana dadkaas ayeey wax la qabaan anagu muqdisho ayaan joognaa maxaan ka qaban karnaa ugandha bal ilaah baa idinku dhaarshee qof saa u hadlayo umad ma hogaamin karaa somalida waxaa ku dhacay nasiib daro marwalba waxaa madax u noqonayay ilaa eey xoriyada heleen dad aan u qalmin in eey laba qof xitaa hogaamiyaan ilaahoow umadeena u soo dir hogaamiye wanaagsan iyo dowlad caadil ah oo karti leh waa bil ramadaan ee.
Asc sln ka dib hadan ka hadlo fikrateyda waa arin taarkhii ah oo ey umada somalyed horay u qatay ka dib xornimadeeni 1960 waxana ugu baqaya umada somaliyed dhan in aan garab istaagno dowladeena dowlad la’aan na waaan aragnay alle na hana wafajiyo towfiiqda aamin guuul guuul guul
CABDI MAXAMED CALI GAAS iyo ROAD MAP . in badan waa laysku xasuusandoonaa . Wana tarikhi , haday xuntahay iyo hadii kaleba…wuxuuna kamira dhaliyay hawl adag xaqiiqdiina anigu maanan arag ninkan wax dhaama Farmaajo maahee wixii xilalka soo qabtay ,kuwa an wali qaban maaqaan .
Muxidiin. Walaal C/ Wali Gaas mawuxuu kuudiday inuu kusiiyo Interview marka waa Nin Xun. Walaal qofka lama xaqiro waayo Abdiwali wuxuu qabtay shaqo fiican adigana waad ogtahay somali oodhan wey ogyihiin
Cwali awalba waan naqaanay inuu doqon ahaa, haddana dadkiisii xaqoodii buu baaba’shay markuu ergadii puntland ka timid ka horistaagay shirka, hadda wixii lagu heshiiyey Puntland ergadeedii kamana qaybgelin mana ogayne manalagu khasbi wax aanaan goobjoog u ahayn oo cidnaga matasha aysan jirin oo qaata oo xoog ah bay tahay. cwali asagaa yaqaan meeshuu gaynayo dastuurka uu sheegayo. teeda kale @Abdul waa lagugu yaqaan cuqdadda adiguba Faroolaa lagu daba dhigay ma xooluu ka dhacay.
@Muxyadiin,
Walaal wax jidha mar iska hadalku uusan micno weyn sameyneyn! Waxaan ku leeyahay Abdiweliga aad ku hadaaqayso waa ka soomaaliya guusha u horseeda adna ragganimadaadii waxay ku soo ururtay wax ka sheeg…kkk Waxaan u baahan nahay rag soomaaliyeed oo rag karmeed ah sida Professor Abdiweli Ali Gaas Illaahy ha kor yeelee, waana hubaal in rag fiicani jiraan ee bal siku day inta hadal aan micno weyn sameyneyn oo baaa’ikh ah aad meesha la taagnaan lahayd inaad ragaas dhinac ka raacdo dalka sidaas professor Gaas wax ku soo siyaadiso!
Professor Abdiwelina waxaan leenahay Illaahay ha ku koryeelo guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul
baaaaaaaaaaaaaaaaaaaaad nooooooooooooooo sooooooooooooooooo, hoyisaye!!!!
maa sha allh waa halyaygii aqoonyahan wxan orankaraa waa nin ninka soo labeeya farmaajo waana aqoon yahn meesha qabyaalad lama rabo adoo xanuunsan lama soo baraarugo awoowayaashaa waydii dadkan taariikhdooda heer ayay wax gumaystaan ayay gareen haday reer noqoto waa dadkii xukumi jiray baladkan caqligoodaana heerkaa gaarsiiyay wxaa laga yaabaa ninka aad afka jaahilka ku taagayso in uu ka aqoon badan yahay 1000 awoowayaashaa ah ma taqaan shahaadad uu haysto waa diktooraa ama bhd holder adeer dadkan taariikhdooda hadii lagu xasusuyo wxay adkaagaa nacaysaa mar danbena meelahan oo kale iman mayso kkkkkkkkkkkkkk
midkan faroole u hadlaya adeer anaa reer puntlan ah faroole waa nin siyaasadu ku cusubtahy maxay tahay cuqdad aad sheegayso war ninkan waa aqoon yahan ma wxaa mooday faroole ay afka kaga hartay isagoo aan la aqoon meel uu ka arimiyo war sxaaafada waa laga cararaa adeer u sheeg faroole ama wxaa u sheegtaa aaran jaan nimanka la dhoho ee la taliya adeer ma gaari kadho nimankaas reer ahaan iyo qof ahaanba waa niman siyaasiyiin waawyn oo taariikh leh haysta rikoorka ay leeyihiin maadan aqoon meesha ma riyihii badnaa ayaa xasbahle lagu ilaalinayaa anaga waa noo simanyihiin war dadka aftahamiinta ah xataa saxaafada ma ogola tusaale marxuum cabdulaahi hadalkiisa dhayman ayaa lagu raadin jiray hadaldiisii wxaa ka mid ahaa adeer kuu jaawabi mahayo waad dhamaysatay ayaan filayaa dadka habeenkii shaqeeya waan la shaqaynaynaa dadka maalintii shaqeeyana waan la shaqaynanaa dadka aad aad siyaasada u sheegayso adoo laguu maaliyaa 2012ka kow siyaasada ku ah war dadkan waa dadkii dowladhii ugu xooga badnaa sfrica am soomaaliya dumiyay intay mucaarad noqdeen marki cadkooda meel loo dhigi waayay taariikhda baro riya raacyohow anagaa dadkuu ah oo dadka kuu xigna ku qabanayna faroole waa wxa aan wxauu qabto la aqoon isagoo garoowe taagan maahe oo dad canbaaraynaya oo leh anaa iri anaa sheegaya wxaa niyada kaga jirta dadku way ku yasayaan ismuuji waa cusubtahye anaa saa iri wxan xasuustaa markii ugu qosolka badnayd isagoo london shir kaga qayb galaya ayuu jaaliyada puntland ayaa makaroofanka lagu soo dhaweeyay wxuu hadalka ku bilaabay wxaan u sheegayaa heestii hada socotay wxaa tiriyay abwaan hebel wxa miraha iska lahaa abwaan hebel cidaan ogayn ha ogaato kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk walaahay been ma ah waa xaqiiq war wxan u sheegayaa ha ogaato anaa iri wxaa lama dhoho waa ixtiraam daro hadalka ayaa kaa xumaanaya tixgalin ma ah waa lagu ogyahay in wxa sheegi karto niyada ka saar wxa ma sheegi karto ama wxa ma yaqaan ama cusubyahy ayay dadku leeyihiin kkkkkkkkkkkkkkkk waa madaxwaynahaygii lakin xaqiiqda in laga hadlo waa raganimo lama qarsado waxaa qabto faroole aarn jaan ayaa waalay mida kale qofkii meelka hadla wuu u jaawaabayaa xataa hadaysan isku taytal ahayn looma baahan siyaasiyiintii ka horaysay wxa media ka hadlaya lama hayo isna markuu hadlo faawal ayuu dalaq dhahaa kkkkkkkkk siyaasadii gaas u isticmaalay weligii ma fahmi karo xataa hatuu caana riyaad soo cabo in xasbahala tago kkkkkkkkk shirkiina waala ansixiyay dadka uu soo dirsadayna xataa rasalwasaaraha lama tusin wxaa lagu yiri asxaabta raysalwasaaraha nimanka la dhoho oo si caadi ahyn u tababaran ayaa lagu yiri ka xeeya nin waalan ayaa soo dirsady koorjoogto ahaan u kexeeya yaan lagu qarxin banaanka lacag guno ahna waala siiyay isna dantiisa waa yaqaane ilay ka dhamaatay nacnacdii kkkkk wuu soo dhaweeyay dastuurka haduu xataa hadli lahaa looma jawaabeen waala labartay war odayga siyaasad ayaa lala ciyaaray markaas ayaan kaas reer garoowaha ah oo aan weligii dawlad maqal faroole lasoo boodayaa war odayga aaran jaan ka qabta way waaleen walaahay
Aaf baan u soo dhawaynayaa dalku inuu nidaam yeesho iyo tixraac sharciyadeed oo lagabaxo qoriga qabka umada soomaaliyeed kareebay danahiigood iyo latartankii dunida inteeda kale. Waxaanan sigaar ah ugu hambalyeeynayaa pm gaas iyo xukuumadiisa oo u dhabar adeygay dhibaatooyin badan kahoryimid,sida dadka aan dantu ugu jirin sharciga iyo dowladnimada ku sadbursi iyo kafaaiidaysi ku qaba dowlad la,aanta dowlada shisheeye oo aan Rabin somaaliya dib usoonoolaata, kuwa aaminsan in burburka soomaliya Ay dalka ku kalagoonkaraan waalaga guuleeystay dhamaan ,hambalyo u mada somaaliyeed iyo xukuumada pm gaasba.