Ruuxii la Doortoow. W/Q Xassan C/llaahi xaashi (timacadde)
Ruuxii la Doortoow
Xassan C/llaahi xaashi (timacadde)
hassanhashi2010@hotmail.com
Agoosto 15 2012
Marka hore salaan guud dhammaanumadda soomaaliyeed meel ay kastoo ay joogaan, marka xiga waxaan halkaan ka salaamayaa maamulka iyo shaqaalaha degelka www.raxanreeb.com.
Salaantaa ka dib waxaynu wada ogsoonahay in dalkeenna ay ku soo fool leedahaymaalmaha soo socda doorashada xilka madaxweynenimada Soomaaliya, hadaba waxaaay iila muuqatay inaan ereyo kooban ku idhaahdo ruuxa doorashadaas ku soo baxa ee ku guulaysta xilkaa, ruuxaa oo aan hadda la ogayn ruux uu yahayba waxaa laga doonayaa kaliya inuu garto dantadalka iyo dadka soomaaliyeed ee mudada dheer qabyaaladda iyo isjiidjiidka iyois rif-rifka ku soo jirtay ee hadda u baahan hoggaan san iyo horumar lagu baraaro. Hadaba maansada aan kulatalinayo madaxwyanaha mustaqbalka ayaa la yidhaahdaa “RUUXII LA DOORTOOW!”
Waxay soo baxday maanta oo ay taariilkhdutahay 14/augost/2012 waxayna ku bilaabatay maansadii :
Talo waadi duxayiyo
Durdur weeye quruxlee
Ruuxii la doortoo
Darajada la saaroow
Aan kula dardaarmoo
Duluc maanso leedahay
Dawaad kuugu qoro’ee
Daljiryahow bal ila soco!
Dalka iyo dhashiisiyo
Dumarkiyo caruurtiyo
Duqaydiyo waxgaradkiyo
Inta samaha doontiyo
Danjiraha la sheegiyo
Kan danaysanaayow
Doorkaani kii hore
Iyo maaha deel qaaf!
Maalmahan dagdagayaa
Kolba ruux dantiisiyo
U wareeja deexdee
Dalku waa gudbahayaa
Shacabkuna dalayn iyo
Duddaduu cayaar iyo
Dalawada la marayaa
Kolley daacaddii iyo
Dulmi waa tartamayaan!
Ruuxii la doortoo
Darajada la saaroow
Dalka iyo dadkiisiyo
Maatada daweeyoo
Docdan iyo docdaas iyo
Daymoo u jeedada
Danta iyo siday tahay
Iyo dunida maanta ah!
Xilliyada is daba mara
Dibba ha u jalleecine
Dugsi iyo waxbarashiyo
Diritooro soo saar
Digir iyo galley iyo
Danab iyo awood iyo
Damaceenni soo saar!
Degellada samaan iyo
Doog iyo barwaaqiyo
Ha durduro wanaagguye
U sin nabadi waa deeq!
Ruuxii la doortoo
Darajada la saarow
Dire-dire xumaadiyo
Nin qabiil u duuliyo
Mid danaysanaayiyo
Dibutaati haw noqon!
Madaxweyne diintiyo
Garan dowga nabi iyo
Noqo daacad waa kow!
Ma huraan na daayoo
Dadabtiyo dhigtii iyo
Nala duma arooskiyo
Noqo aabbe waa door!
Marna daanta hoosiyo
Mid daryeela liitaha
U daneeya shacabkoo
Habeenkii dawaaf taga
Deriskiyo degaankoo
Ka warqaba darkiisiyo
Noqo daahir noo kaca!
Madaxweyne diiftiyo
Daaduunka reebiyo
Daljir lagu hirtaayoo
Taariikhda dihin iyo
Diiwaanka lagu qoro
Da’ waliba xustaayoo
Magaciisu daan iyo
Daan iyo ka daan iyo
Ku wareego daarfaha
Iyo noqo mid diir naxa!
Marna doodda shicibkiyo
Ninka damiya xumihiyo
Garaad kala daweeyoo
Isu duwa inoo noqo!
Marna dunida joogtiyo
Dagiddaa cadaawaha
Nin ka garan dushaas oo
Waligii digtoon oo
Lagu dayin inoo noqo!
Ruuxii la doortoo
Darajada la saaroow
Kala garo dul iyo hoos!
Aan sii daleeyee
Caqligiyo dubkeenniyo
Naftu daalka necebee
U xir-xiro dagaal dheer!
Rabbi baa ku daawane
Umaddaan dillaantoo
Duul kale u guurtiyo
Dhaqankaan la diidee
Laga raacay dibaddiyo
Soo celi dadnimadii
Iyo dawladnimadii.
! Mee dalkaygii?
Mee janankii doorraa?
Diritoorkii toosnaa?
Shacabkii damiirkiyo
Danqashada ku caanaa?
Odaygii duleedeedada
Garta daallan naqi jiray!
Hablihii dayaca iyo
Nici jiray dulliga iyo
Aaway deeqa iyo luul?
Hooyadaa la dilayee
La danqaabay eegoo
Rabbi derejo siiyow
Xaqa iyo dulmiga eeg!
Dibindaabyadaan iyo
Digashada u jeedoo
Kala hay dab iyo gaas!(1).
Ruuxii la doortoo
darajada la saaroow
deelleeyda maansada
waxa aan ku dedayaa
adigiyo dedaalkaa
sida aad darmaantaas
u daaq geyso weeyaan!
1. Gaas: waxaan uga jeedaa gaaska dabka lagu shito oo loo isticmalao tamar ahaan ee uma jeedo qof ama shakhsi gaar ah.
W/T Hal abuur: Xassan Cabdillaahi xaashi (timacadde)












[...] See more here: Ruuxii la Doortoow. W/Q Xassan C/llaahi xaashi (timacadde) [...]
waa uu hindhisay
Noqo daahir noo kaca! mansha alah wa gabay aad u xikmad badan waad ku mahadsan tahay abwaan timo-cade khyr allah haku siiyo
maansha alh waa gabay aad qiimi badan balse somali miyaa waano maqlaysa waxay rabaan dhiig ay daadiyaan iyo lacag ay iska gurtaan e
maan sha alah, dib waxaa u dhashay haashi fiqi yusuf, gabyagii caankaha \’; [ANA DABASHAAN BAR TIYO DOONIDU II XIRAN] waxa yimid xaashi fiqi yusuf junyer
mansha allah abwaan ad bad umahadsantahay xigmada allaha kusiyadiyo
Maasha’allaah! Aad iyo aad ayaan oga helay!
Inaba caadi ma ahan!
Saxiib wadanka usii wad Maansada macaan!!!!
ABWAAN XASAN WAXAAD TAHAY ABWAAN SOO BAXAY WAANA GABAY QIIMO BADAN
SOO BAR BAR BAAN KULEENAHAY ABWAANKA DA D,YAR
Naftu Daalka Necebee, Uxidh-Xidho Dadaal-dheer. Maansha Allaah, Hal Abuur Tima-cadde,Aadbaan Kaaga Mahadcelinayaa Maansaddan Quruxda Badan. Weli, Waxaa Dhegahayga Kaguuxaysa Maansaddaaddii Barasho Deegaan Oo Kamid Ah Kuwa Aan Liiska Hore Kudaray. Alle Haka Yeelo Kuwo Waannaddii Qaata Kii Doorto. Adna Halkaa Kahay Dadaalkaagga Aad Samata-bixinta Dalka Ugu Jirto.
Asxaabta mahadsanidiin dhammaan brothers,,@xoghaye, \@puntland @xoogsade @jojo toronto @ papaaje @nugaal and shabeel iyo Abdirahman laaso dhammaantiin mahadsanidiin sxbyaalll maahdcelintina iyo bogaadintiinaba. waxaanan idin leeyahay dalku dad u kacuu rabaaye aynu fadhiga ka kacno.