Saca Naasaha Adag iyo Weedha Maxaa Kulmiyay?!!!. W/Q Mohamed Said Yusuf (Mohamed Yamani)
Saca Naasaha Adag iyo Weedha Maxaa Kulmiyay?!!!.
Mohamed Said Yusuf (Mohamed Yamani)
Yamani143@gmail.com
Agoosto 16 2012
Inkastoo Hawgalka Meleteri Ee Kenya ee gudaha dalka Soomaaliya ee salka ku Haya Arimo Dhaqaale iyo kuwo Siyaasadeedba ayaa hada waxa uu marayaa Meel Xasaasi ah, Hadaba waxaa jira Dagaal Meleteri oo Cirka, Dhulka iyo Badaba ah oo Mudo sanad ku dhow ay Kenya ku haysay Gobolada Koonfureed ee Jamhuuriyada Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Jubooyinka, Ahmiyada Ugu wayna ay tahay in Magaala Xeebeeda Kismaayo ay Gacanteeda soo geliso, Iyadoo talada iyo Tusaalahaba ka qaadanaysa Wadamo ay Israel kamid tahay, Kadib markii uu Fashilmay (Plan 1), oo ahaa In Derbi dheer ay ka samayso Xuduuda u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya, Taas oo dhaqaalihii ku bixi lahaa Derbigaas loo weeciyay In lagu qabsado Deegaanada Jubooyinka.
Hadii aan Taariikhda inyar dib u Milicsano Sanadii 2007-dii, waxaa dalka Kenya ka dhacay Doorasho Qaran oo aad loogu hoobtay kadib markii uu Isqabqabsi ka dhashay Natiijadii Doorashada, Isla markaana ay U xuubsiibatay Dagaal salka ku haya Qabiil, oo dad badan ay ku Dhinteen qaar kalena ay ku Barakeceen “Iyadoo dadkii ku barakay Dhibaatadaas aan ilaa iyo Hada dawlada Kenya dib u dejin u Samayn “, iyadoo Qalalaasahaasna ay Kenya ku wayday Dhaqaale badan oo ay ka Heli jirtay wadamada Reer Galbeedka iyo Lacagihii kasoo geli jiray Dhinaca Dalxiiska oo dalkaasi uu Caan ku yahay, Natiijadii Doorashadaas ayaa Ugu danbayntii waxaa lagu dhameeyey Xaal Mastuur ka yimid Beesha Caalamka oo uu Hor boodayay Kofi Annan oo ahaa Xooghayihii hore ee Qaramada Midoobay.
Waxaan Ognahay in Doorashadii 2-aad ee Kenya uu Qorshuhu ahaa in ay dhacdo December 2012-ka, Laakiinse Doorashadaas ayaa dib loo dhigay kadib markii Kenya iyo Beesha Caalamkuba ay u arkeen Doorashada soo socota in ay Kenya ku Burburayso, Maadaama ay Jiraan Khilaaf u dhexeeya Siyaasiinta Kenyaanka ah iyo Qabaa’il badan oo isu guuxaya, Arintan ayaa Salka ku haysa iyadoo aan si buuxda loo xalin Murankii ka dhashay Doorshadii 2007-dii iyo Isqabqabsi ka jira Dhul u dhexeeya Qabaa’ilada waawayn ee Kenya.
Doorashadan ayaa waxaa dib loogu dhigay March 2013-ka, Si jaah wareer loogu rido Shacabka Kenya waxaa loo furay Olole dagaal oo lala gelayo Urur Diimeedka Alshabaab Ee ka dagaalama Gudaha Soomaaliya, Siyaasiyiinta Kenya ayaa Shacabka U tusaalaynaya in Ururkaasi uu Khatar wayn ku yahay Amaanka Guud ee dalka Kenya. Hadalkaas ayaa waxaa Dhaqaale lagu galo Doorashada soo socota looga Raadinayaa wadamada Deeqaha Bixiya oo uu Maraykanku Ugu Horeeyo, Khubarada qaar ayaa Tilmaamaya in Shaki wayn uu ku Jiro qabsoomida Doorashada Kenya ka dhici doonta bilawga Sanadka Fooda inagu soo haya.
Dhinaca kale, Burburkii laga cararayay oo si dadban loo galay Laba Sababood Awgood:-
1-Dhaqaalihii ay rabeen oo aanay Helin iyo
2-Dagaalkii oo ku daba Dheeraaday, iyadoo aanay jirin Wakhti badan oo u haray.
Hadaba “Dhidar Xabaalo Qudeen Ahi, Qudhun ayuu ula Dhaadhacaa”.
1-Doorashooyinka Kenya & Duulkaanka Kismaayo:-
Iyadoo uu soo dhowyahay Xilliga loo Asteeyey in ay Dhacdo Doorashada Madaxtinimada ee Kenya, ayaa Siyaasiyiinta Bahwadaagta ku ah Dawlada hada ka Talisa Kenya waxaa ay Shacabka dhegta Ugu sheegayaan in Dalku uu ku jiro Xaalad Dagaal oo aan Dhamaad lahayn, Maadaama Hamigii ahaa in Jubooyinka Mudo Dhowr Todobaad ah lagu qabto ay hada madaxa lasii galayso Sanadkeedii Kowaad, Arintaas oo aan Shacabka Kenya wax dan ah ugu jirin. Waxaana sidoo kale sii Fogaanaysa Rajadii laga qabay in Doorasho si Nabad gelyo ah ku dhacda lahelo.
Dawlada Kenya ayaa waxaa uu Cadaadis xoogan kaga imanaya wadama Daneeya Arimaha dalkaasi oo ku dhiiri Gelinaya, in Inta ka horaysa Doorashada dalkaasi ka dhici doonta Bilawga Sanadka soo socda, ay Ciidamada Kenyaatigu wiiqaan Awooda Ururka Alshabaab oo loo arko in uu yahay Khatarta ugu wayn Ee Maanta dalka Kenya hortaagan, Istiraatiijiyada Dagaal ee la dejiyay ayaa Muujinaysa in la helo Ciidamo kale oo Garab ku siiya kuwo Kenya qabsashada Gobolada Jubooyinka si loo helo Doorasho si Nabad ah uga dhacda dalka Kenya.
2-Ka Bixitaanka Marxalada KMG ah Ee Soomaaliya & Dawladnimo Buuxda:-
Dalka Soomaaliya ayaa waxa uu soo maray Marxalado Kuumeel-gaar ah oo kala Duwan, laga soo bilaabo Sanadkii 2001-dii Ilaa Maanta oo aan joogno 2012-ka, Waxaana Hubaal ah In marxaladihii Kumeel-gaar ka ahaa ee aynu soo marnay inaanay Miro dhal noqon, Wadamadii Horboodayay Kumeel-gaarnimadana in ay ku Garbo iyo Dhaqaale beeleen, Maantana ay U arkeen Kumeel-gaarnimada inaanay Dan ugu jirin, iyagoo eeganaya Danahooda Dhaqaale iyo Siyaadeed, Marka laga reebo Siyaasiyiinta Soomaalida ah oo Kumeel- gaarnimada Si buuxda Uga Faa’iiday.
Xilliga Kumeel-gaarnimada oo loogu tala galay in lagu Joojiyo 20-August 2012-ka , loona Guuro Dawlad Buuxda, Inkastoo uu jiro Shaki laga qabo in Xilligaas wax ku Qabsoomi karaan.
Ka bixitaanka Marxalada Kumeel-gaarka ah, Micnaha Ugu wayn ee ay samayn karto Waxay tahay, In la helo Dawlad rasmi ah oo Hanata Dawladnimada iyo Amaanka dalka Soomaaliya oo dhan, Dhanka kale Doorashada Kenya oo si Nabadgelyo ah u dhacdana waxay Dhinaca kale Lamicne tahay, In la helo Dawlad buuxda oo la wareegta Amaanka dalka. Labada Dawladoodba waxa ay u arkaan in Amaankooda iyo Dawladnimadooduba ay ku xirantahay in ay Gacanta ku Dhigaan Gobolada Jubooyinka oo hada ay ka Taliyaan Xoogaga Ururka Alshabaab.
Gunaanadkii:-
Gebagebadii, Kumeel-gaarnimada oo ay Soomaaliya ka baxdo iyo Doorasho si Xor ah oo Nabadgelyo ku jirto uga Dhacda dalka Kenya, ayaa loo Aanaynayaa Gulufka Colaadeed ee hada ka Aloosan Gobolada Jubooyinka ee Koonfurta Jamhuuriyada Soomaaliya, Khubarada Ariman Meleteri ku xeelka dheer ayaa sheegaya in Duulaanka Kenya ee Gobolada Jubooyinka Gaar ahaan Magaalada Kismaayo ay ka danbayso Arimmo Siyaasadeed iyo kuwo Dhaqaale, Waxaana la saadaalinayaa in ay Adkaan doonto in ay si Sahlan ay ku gaaraan hadafkooda koowaad oo ah Magaalada Kismaayo iyo in ay helaan Doorasho si Nabdoon ugu qabsoonta , iyadoo Xoogaga Ururka Alshabaab ay u diyaar garoobeen Dagaal daba dheeraada oo ay la galaal Ciidamada Isbahaystay ee hada kusoo wajahan, Hadaba Ma Hubaalbaa in la helo Dawladnimo Buuxda iyo Kenya oo Doorasho Xor ah ka dhacdo?!!!.
Dhamaad:-
Mohamed Said Yusuf (Mohamed Yamani)
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












[...] Continue reading here: Saca Naasaha Adag iyo Weedha Maxaa Kulmiyay?!!!. W/Q Mohamed Said Yusuf (Mohamed Yamani) [...]
Waxaa iska cad oo cid walba ogtahay inaan Soomaaliya saaxiib dhow lahay; sokeeye ka naxana lahayn; deris fiicanna lahayn. Waxaa kale oo aan daah saarnanyn in aan Soomaalidu carab ahayn; afrikaanna ahayn; cid kale oo layaqaanna ahayn. Waxaa kale oo muuqata in Soomaaliya cidkasta u cadow tahay ama ha ahaato deris; ama ha ahaato carab; ama ha ahaato reer galbeed. Caalamkii wuxuu u qaybsamay qayb laynaysa, qayb boobaysa khayraadka, qayb summaynaysa, iyo qayb kale oo is ku diraysa. Haddaba waxaas oo hagardaamo ah waxaa u sabab ah laba arrimood oo kala ah: 1) khayraadka dabiiciga ah ee alle ku mannaystay inkasta oo aan dadkeennu ogaynba, iyo 2) Soomaalida oo isku diin ah, isku dub ah, isku af ah, isku dhaqan ah, isku sinji ah oo haddana intaasiba u muuqan oo aad moodayso inay yihiin cadow xero lagu wada xereeyey oo aan waxba wadaagin. Waxay u dhaqmayaan sidii waxaan isku dub ahayn, isku dad ahayn, isku dan ahayn, isku dal ahayn, isku sinji ahayn, isku diin ahayn, isku af ahayn, isku dhaqan ahayn, oo reerba reerka kale rabo in la waayo, oo qofba qofka kale rabo in aanu noolaan. Haddaba arimahaas aan kor ku soo sheegey waxay keeneen in Soomaalidu faraha iskaga gubato, oo derisku faraha kaga holco, oo caalamku faraha kaga basbeelo, oo laga dhigto tusaale xun, marka laga hadlayo meeshii massibo ka dhacdaba. Waxba yaan hadalka ku dheeraane waxaan ku soo koobay: DHAMMAAN SOOMAALIDA WAA LA WATAA oo waa mid cadow wato, mid gaajo wadato, mid shaydaan wato, mid deris wato, mid qabyaalad wadato, mid wax boob wato, mid shisheeye wato, mid jinni wato, hunguri wato, mid xin wato, mid caqli xumo wadato, mid meleg wato. . . . dhammaantoodna waxa wata kursi jacayl aan xisaantan iyo caqliba u wehelin, waana tan meeshaas xun Soomaali dhigtay. Taas waxaa idiin caddayn kara gabay uu tiriyey Cabdullaahi Suldaan timacadde wax yar ka bacdi markii xorriyadda la qaatay oo uu yiri “. . . dheguhu uma daloolaan oo wixii hore u daashaday bay dabada haysaa” waxaa kale oo gabay ku sheegay Yamyam oo yiri “. . .isma dhaanto iyo dhasheed weeye oo oday macangagaa dhalay. . .” Sayidkuna waa kii yiri ” an ka quustay soomaalidii qurunka weyneyde” Cismaan Yuusuf waa kii ku taabtay “yow garniqi doona” Isku soo wada duuboo Soomaalidu taariikh bay u leedahay “waa lay wataa oo isma wadi karo” oo waagii hore qabyaalad baa wadi jirtay haddase waxkasta oo xunbaa wada.
Ku Somalia ,
saaxiib waa ku sugtay waxaanad tahay nin afka soomaaliga garanaya maashaa allaaah,
sxb waa sidaad u sheegtay dadka soomaaliyeedna intiisa badan waa kula qabaan waana wax xaqiiq ah intaas aad sheegtayba , laakiinta aan aniguna ku darsado,
sxb waxaan u af duubannahay INTA LAWATO: hadaba sxb aan wakhtigeena sugno ayagaaba dhamaane, hadaba inyarbaa kahadhay oo intoodii ugu shidada badnayd waa socdeen, marka sxb ha welwelin wakhtigu waa dhawyahay.
Ku: Somalia
Waxaa tiri, “Soomaalidu Carab ma ahan”. Soo ma aragtid Maxamed Yamani, miyuusan Carab Soomaali ah aheyn? …..Just kidding!
Ku: Maxamed Yamani
Walaal sidaad sheegtay arrimaha dhani way isku xiranyihiin oo isku marmarooqsanyihiin. Wayna adagtahay si xal loo helo ilaa hannaanka siyaasadeed ee wadamada Geeska Afrika oo dhan wax laga badalo.
Ws cl wr