Samsam Farax Iyo Maxamed Xasan Oo Maanta Iyo Caawa Ordaya Ciyaaraha Olonbikada Aduunka
Muqdisho (RBC Radio) Ciyaaraha orodada ee olonbikada aduunka ayaa maanta si rasmi ah waxay kaga furmayaan magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska, iyadoona ay qayb ka yihiin ciyaarahaasi ciyaaryahanada Soomaaliya.
Samsam Maxamed Faarax oo ah gabar u ordaysa ayaa waxay ordi doontaa oradka 400-km, marka saacada wadanka ingiriiska ay tahay 12:00 Duhurnimo halka Soomaaliyana ay ka tahay 2:00 Duhurnimo.
Gabadhaan ayaa ciyaarahaan ka muujisay rajo wanaagsan in ay ka keeni karto, waxaana sheegtay in ay u baahantahay in calan Soomaaliya ayada oo hugan in ay gasho kaalin wanaagsan.
Maxamed Xasan oo asna ah wiil u matalaya Soomaaliya ayaa wuxuu ordi doonaa Arodka 1500-KM, xiliga Saacada London ay tahay 08:00 Fiidnimo Soomaaliyana ay tahay 10:00 Habeenimo.
Mo-Faarax oo ah orodyahan Soomaaliyeed una ordaya Dalka Ingiriiska ayaa kulan la qaatay OrodyahanadaSoomaaliya u matalaya Ciyaaraha maanta London ka furmaya,isagoo kala taliyay arimaha ku aadan qaabka loo ordo.
Waxaa lawada sugayaa ciyaaryahanadaan natiijada ay ka keeni doonaan ciyaarahaan caalamig ah oo ay ka qayb galayaan ee ka soconaya magaalada London ee xarunta wadanka England.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] See original article: Samsam Farax Iyo Maxamed Xasan Oo Maanta Iyo Caawa Ordaya Ciyaaraha Olonbikada Aduunka [...]
Guul ayaa ilaahay uga baryeenaa waxaana leenahay guuleesta guuleesta
Guul ayaan u rajeynayaa orodyahaniinta qaranka u matalaya London 2012 Olympic Games gaar ahaan Zamzam oo run ahaantii ah qof dhiiran oo Soomaaliyad dhab ah aadna u dadaashay si ay heerkan usoo gaadho ayadoo inan ah oo waliba koonfurta Soomaaliya oo dagaalo la dageyn katimid.
Go ZAMZAM Go Mohammed GUUL SOOMAALIYA HANOOLAATO!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Waa arin fiican in ay soomaali ka qeyb gasho cayaaraha adduunka.Laakiin umalayn mahayo in ay xiligaan ka gaarayaan meelo sare.Sababtoo ah dadka ay la tar-tamayaan waa dad soo wada qaatay tababaro badan ama mudo dheer ka soo baaraan degayey sida loo ordo.
Xiriirka Olympica Soomalia waa in dacwad laga gudbiyaa abaalkoodana la marsiiyaa. Waxeey lacag duunka kaga qaateen ineey soo xulaan shaqsigii Soomaaliya u matali lahaa Olympica caalamka, waxeey meesha keeneen gabar aan u qalmin tartanka dugsiyada. Ceeb iyo fool xumo ayaa maanta ka dhacday markeey Zamzam xitaa la qabsan weysday waxa meesha loo keenay, kaalinta ugu dambeeysana ka gashay groupkeedi, waqtigeeduna ahaa 1:20:47.
Beenti maanta iyo Website beeleedka.
Zamzam ayaa waxeey gashay kaalinta todobaad!! Bogus, hadii runta la sheego waxeey gashay kaalinta 47:aad. Samabtoo ah heatkeeda ayeey ka gashay kaalinta todobaad waqtiga aan kor ku soo sheegay, waxaa la qabtay todobo heat, qofki iyada u soo dhawaana waxeey aheyd gabar ka timi Djibuti. inta kale waa ka hooseeyeen 1:00:00.
Su’aashu waxeey tahay, yaa leh eeda?. Yaa noo soo xulay Zamzam? maxaa dhexeeya iyada iyo kuwa soo xulay?. Ma Soomaaliyaa laga waayay gabar ka dheereeysa diindiin?
Iyadu wax qalad ah maleh, waa dadaashay waana waxeey ku faani karto ineey la tartantay gabdhaha aduunka ugu dheereeya. Laakiin someone have to answer the real deal!!!
Ilaahay magaceena soomaaliya dib ha u nooleeyo waad Mahad dadkii Ka qabgal samsam aad Ayaad Kugu farxay Masha Allah