Sargaalka Puntland ee hogaaminaya hawl-galada Amni ee Gaalkacyo oo ka hadlay halka marayaan hawl-galada ka socda magaalada
Gaalkacyo (RBC Radio) Taliye Ku xigeenka ciidanka booliska Puntland Col; Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa Shir Jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada Gaalkacyo waxaa uu kaga warbixiyay hawl-gallo wali aan lagu guulaysan oo ka soconaya magaalada ammaan darada ay gaamurtay ee xarunta u ah gobolka Mudug.
Col; Muxiyadiin Axmed Muuse oo dhawaan soo gaaray Gaalkacyo isagoo wata cutubyo ka mida ciidanka ammaanka Puntland ayaa hawl-gallo amaan sugida ka waday gobolka Mudug.
Taliye ku xigeenka oo Shir-jaraa,id Saxaafada qaybaheeda kala duwan ugu qabtay xabsiga weyn ee Gaalkacyo oo xiligaas lagu soo bandhigay Khamri fara badan oo ciidanka ay soo qabteen ayaa sheegay inay meel wanaagsan u marayaan Hawl-galladii lagu sugayay Amniga ayna ku guulaysteen qabqabashada dad badan oo lagu tuhmay xasilooni darada qaarkoodna la sii daayay markii wax lagu waayay qaar kalana ay hada ku jiraan xabsiyada Gobolka.
Taliyaha ayaa Shirkiisa Jaraa,id waxaa uu si kulul ugu soo hadal qaaday dilalka qorshaysan ee ka dhacaya magaalada Gaalkacyo oo lagu ugaarsanayo Nin karmeedka waxaana uu ku eedeeyay inay ka danbeeyaan kooxo gacan saar dhaw la leh xoogagga Alshabaab ayna taageero ka helaan Dad reer Puntland oo uu ku tilmaamay wax ma garato.
Taliye xigeenka Bilayska Puntland Col; Muxiyadiin ayaa tilmaamay inaysan haba-yaraatee aysan ku guulaysan karin Amniga Gaalkacyo hadii aysan shacabku la shaqayn Hay,adaha Amniga wuxuuna ku baaqay inay Reer Gaalkacyo la shaqeeyaan Ciidanka si loo suga Amniga loogana guulaysto kooxaha dhameeyay Nin-garboodka gobolka.
Shirkan Jaraa,id ee Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Col; Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa ku soo beegmaya xili todobaaydo ka hor magaalada ay soo gaareen Ciidamo ka socda Dawlada Puntland ka dib markii uu faraha ka baxaya Amniga Gaalkacyo ayna dhaceen dilal iyo
qaraxyo lagu waxyeeleeyay Saraakiil Maamul iyo dad Shacaba.
Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mida deegaanada Soomaalida ee ugu Ammaanka xun Soomaaliya waxaana inta badan ka dhaca falal wax u dhimaya Xasiloonida.












[...] Read More: Sargaalka Puntland ee hogaaminaya hawl-galada Amni ee Gaalkacyo oo ka hadlay halka marayaan hawl-gal… [...]