Sarkaal AMISOM: Waxaan La Dagaalameynaa Cid Kasta oo Nabadda Ka Hortimaada Sidaan Ula Dagaalanay Al-Shabaab
Muqdisho (RBC) Sarkaal ka tirsan saraakiisha sare ee ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho oo xogeareysi kooban siiyey Raxanreeb goordhow ayaa ka digay dad uu ku ilmaamay “siyaasiyiin” carqalad ku haya geedi socodka nabadda ee Soomaaliya.
Sarkaalkan oo aan rabin in magaciisa si toos ah loo xigto ayaa sheegay in AMISOM ay ka hortagi doonto cid kasta oo isku dayda inay fashiliso nabadeynta Soomaaliya, oo sida uu sheegay AMISOM iyo caalamka ay kaga baxday dhiig iyo dhaqaale.
“Ma ogolaan doono in nabadda dalkan ka jirta ay baabi’iyaan siyaasiyiin xukun doon ah” ayuu yiri sarkaalka.
“Imisaad u maleyneysaa inaan ku khasaarinay dalkan, dhiig, dhaqaale iyo wax kasta, bal qiyaas raggeena iyo dumarkeena halkan ku dhintay si ay u difaacaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri sarkaalkan u xog waramay Raxanreeb.
Sarkaalka oo aan weydiinay bal walaaca uu qabo ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin qaarkood dawlada ku jira oo haddii ay xukunka wax ka waayaan ku fekeraya inay dhiig daadiyaan.
“AMISOM Waxay si taxadar leh oo dhow ula socotaa kuwaasi” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Digniinta hanjabaada wadata ee sarkaalkan ka tirsan AMISOM uu so jeediyey ayaa imaaneysa iyadoo saacadihii u dambeeyay magaalada Muqdisho la hadalhayey in haddii doorashada madaxtinimada ee dalka ka dhacaysa ay ku soo bixi waayaan siyaasiyiinta qaarkood ay sameyn karaan fawdo iyo dagaalo.
Dhanka kale waxaa walaac weyn laga muujinayaa in ka badan 200 maxbuus oo horey uga tirsanaa ururka Al-Shabaab oo ku jiray xabsiga dhexe oo shalay sida la sheegay lagu siidaayey cafis madaxweyne, arintaasoo AMISOM lafteeda ay ka shaki qabto.
RBC Radio











[...] Visit link: Sarkaal AMISOM: Waxaan La Dagaalameynaa Cid Kasta oo Nabadda Ka Hortimaada Sidaan Ula Dagaalanay Al-… [...]