Sarkaal Ka Tirsanaa Kooxda Buurlayda Galgala oo Puntland Isu soo Dhiibay
Boosaaso [RBC Radio] Sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ee Buuralayda Galgala oo lagu magacaabo Mowliid Aadan Qalalan ayaa Isku soo dhiibey Ciidamada Daraawiishta Dawladda Puntland ee ku sugan jiida hore ee togga Sugure.
Col. Jaamac Siciid Warsame oo ah Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan jiida hore ee togga Sugure oo maanta la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Sarkaalkan uu si iskiis ah isugu soo dhiibay Ciidanka.
Waxa uu tibaaxay in Sarkaalku uu xili danbe oo xalay uu usoo galay difaaca Ciidanka Daraawiishta ee ku sugan jiida hore ee togga Sugure isla markaana waxa uu intaas ku daray in uu ku hubaysnaa hubka PKM,AK47,Taleefanka Tooreeyaha,Dukumintiyo muhiim iyo agab kale.
…”"Ninkan kasoo goostay kooxda Al-shabaab ee ku jira Buuralayda Golis waa nin Sarkaal ah oo magaciisa la yiraahdo Mowliid Aadan Qalalan,xalay wuxuu soo galay 10:30 habeenimo soonka Ciidanka difaaciisa jiida hore ee Sugure si amni ah ayaa loogu guuleystay in loo qabto Isaga iyo qalabkii uu watey…”"ayuu yiri Col. Jaamac Siciid Warsame.
Gacan ku haynta Galagala.
Sidoo kale waxa uu qiray Col. Jaamac Siciid Warsame in deegaanka Galgala ee gobolka Bari ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab ee Buuralayda Galgala balse ay Ciidanka Puntland ka fadhiyaan meel dhowr kilomitir u jirta deegaanka.
…”"Galgala gacanta Ciidanka kuma jirto laakiin Kiilomitir aan badneyn bey Ciidanku hadeer u jidhaa sida la ogyahayba laakiin iyaga ruuxoodu gacanta si buuxda uguma hayaan mar mar bey Sahan ahaan kusoo galaan…”"ayuu sidoo kale.
Rag badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ee Buurlayda Galagala ku sugan ayaa bilihii ugu danbeeyey isu soo dhiibayey laamaha Ciidanka Puntland,waxaa arrintan ay daba socotaan cafis uu Madaxweyne Faroole u fidiyey cid kasta oo kasoo baxda kooxda in Puntland si wanaagsan ula dhaqmeyso.
____________________________
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso










