Saxiixayaasha Road-Mapka Oo Maanta Magaalada Nairobi Shir Ku Yeelanaya
Muqdisho (RBC Radio) Saxiixayaasha qorshaha nabada ee Road Map-ka Soomaaliya ayaa manta waxaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Nairobo ee dalka Kenya ka dib markii ay halkaasi gaareen dhamaantood.
Kulankaan ay leelanayaan Sadaxda masuul ee ugu saraysa dowlada Soomaaliya madaxweynaha Puntland, maamulka Galmudug, iyo wakiilo ka socda Ahlu Suna, ayaa waxaa ka qaybgali doono ergaga gaar ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Agustiin mahiiga.
Waxaa la sheegayaa in kulankaan looga hadli doono halka ay marayso howsha Raod Map-ka iyo iyo Dastuurka Soomaaliya oo dhamaan la meel mariyay iyo arimo kale oo dhowr ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Raysal wasaare Gaas iyo waliba Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa kulankaasi ka dib ayagu waxay kulan gaar ah la qaadan doonaan xogeeyaha arimaha dibada ee dalka Maraykanka Hilary Clinton.
Waxaa la sheegayaa in ay kala hadli doonto madax Soomaaliya haweenaydaan marxalada kala guurka ah ee haatan uu ku jiro wadanka iyom sida looga bixi karo.
Lama oga waxa ka soo bixi doona dhamaanba kulamadaan ay ka qaybgalayaan madaxda dowlada Soomaaliya, waxaana kulamadaan ay ku soo adayaan xili ay jiraan howlo badan oo loo baahanyahay in la qabto oo ay ka mitahay in la soo gudbiyo baarlamaanka cusub ee badalaya baarlamaanka hada jira.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











Ma saxiixayaal baa ? mise waa Sixiroolayaal ? ?