Shariif Xasan oo Safar Deg Deg ah ku Jooga Nairobi Iyo Qorshaha Safarkiisa oo Warar Hordhac ah Ka Soo Baxayaan (Sir Culus)
Nairobi (RBC) Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horey u ahaa gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya haatana ah musharax madaxweyne ayaa maanta lagu arkay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya isagoo sida wararku sheegayaan safar deg deg ah kaga soo ambabaxay Muqdisho shalay gelinkii dambe.
Sida Raxanreeb ka ogaatay dad ku dhow Shariif Xasan, saraakiil ka tirsan xafiiska raysul wasaaraha dawlada Kenya ayaa shalay diyaarad gaar ah kaga soo qaaday magaalada Muqdisho si ay wada hadal ugu yeeshaan magaalada Nairobi.
Raxanreeb waxay ogaatay in socdaalka Shariif Xasan uu ku wehlinayey Ilyaas Barre Shiil oo ah la taliyaha xafiiska raysul wasaaraha Kenya Raila Odinga. Ilyaas Barre Shiil oo ah nin Soomaali ah ayaa beryahan dambe dhowr jeer safaro ku tagay magaalada Muqdisho, wuxuuna kulamo la yeelanayey siyaasiyiin ka mid ah DKMG ah.
Ujeedada socdaalka Shariif Xasan
Mid ka mid ah gacan yarayaasha Shariif Xasan oo aan rabin in la magacaabo ayaa Raxanreeb u sheegay in Shariif Xasan xalay kulan waqti dambe qaatay la yeeshay raysul wasaaraha Kenya Raila Odinga iyo wasiiro ka mid ah golaha xukuumadda Kenya. Waxaana jiray kulan kale oo maanta ay yeesheen.
Illaa hadda warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxyaabaha sida gaarka ah ay uga wada hadleen Shariif Xasan iyo masuuliyiinta Kenya. Ilo wareedyada qaar waxay sheegayaan in Shariif Xasan lagacodsaday inuu codadka xildhibaanada uu ku leeyahay baarlamaanka siiyo musharax C/weli Gaas oo Kenya ay u aragto nin xiriir dhow la leh isla markaana aan ka hor imaaneyn qorshayaasha dawlada Kenya ee gudaha Soomaaliya.
Dawlada Kenya, sida ilo wareedkan uu sheegayo waxay ad uga walaacsan tahay in heshiiskii badda ee loo saxiixay sanadkii 2009 uu burburo iyo in carqalad ku timaado qorshaha shidaal baarista ee ay dooneyso inay ka sameyso meel u dhow xeebta Lamu oo badweynta Hindiya ka mid ah.
Shariif Xasan wuu ka fekerayaa cida uu siinayo codadka taageerayaashiisa ku jira baarlamaanka taasoo dabcan uusan ku bixin doonin bilaash balse micne weyn ayey ugu fadhidaa waana sababtaasi mida keentay in saraakiisha Kenya kula gorgortamaan inuu codadka ku taageero C/weli Gaas marka la gaaro doorashada madaxtinimada ee dhacaysa toddobaadka dambe. Shariifku waxaa uu heystaa illaa 65 xildhibaan oo ah kuwii uu isaga gacantiisa ku qoray ee baarlamaanka uu geeyay, iyo qaar isaga raacsan.
Warar horey u soo baxay ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu ku gacanseyray dalab uga yimid saaxiibkiisa hore Shariif Axmed oo ka codsaday inuu codadka taageerayaashiisa ku biiriyo maadaama Shariif Xasan isaga haray tartanka madaxtinimada mar haddii uu Prof Jawaari (oo beesha Digil iyo Mirifle ka soo jeeda) uu ku guuleystay jagada afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya. Waxaana sababta uu u diiday lagu micneeyay in Shariif Xasan uu raadinayo qorshe isaga dani ugu jirto uu ugu yaraan gorgortan fiican ku heli karo, ugu yaraana ay ku jiraan in xilal fiican oo wasiiro dawlada cusub iyo danjirayaal ahba.
Ilo wareedyada ku dhow Shariif Xasan waxay Raxanreeb u sheegeen in sababta Kenya u rabto in C/weli Gaas codka la siiyo ay tahay in illaa hadda masuuliyiinta Kenya ay ku kalsoon yihiin in C/weli Gaas uusan ka hor iman doonin qorshayaasha Kenya iyo heshiisyadii lala galay (Arintaasi waxaa xaqiijiyey Ilyaas Barre Shiil oo u xogwaramay Odinga markii uu ku laabtay Nairobi), iyadoo ay dhici karto in haddii musharixiin kale ay jagada madaxweynaha ku guuleystaan ay diidi karaan, gaar ahaan ragga bannaanka ka ah musharixiinta KMG ah ee loo arki karo inay yihiin kuwa u ololeynaya mabda’a wadaniyadda “nationalists”.
Ilyaas Barre Shiil wuxuu sidoo kale warbixinta uu siiyey xafiiska raysul wasaare Odinga kaga digay in rag uu ka mid yahay xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ku jira baarlamaanka Soomaaliya ay dagaal ku hayaan danaha Kenya ee gudaha Soomaaliya sidaasi darteedna wuxuu ku taliyey in Kenya xayiraad ku soo rogto ragga diidan danaha Kenya ee Soomaalida ah. Akhri warbixin hordhac ah oo Raxanreeb qortay
Arinta Jubbooyinka
Saraakiisha Kenya waxay kaloo walaac ka qabaan in cadaadis kaga iman kari qabiilada dega gobolka Jubbada Hoose oo hadda qeybo ka mid ah ciidamadeeda ku sugan yihiin, iyadoo sida saraakiisha Kenyanka sheegayaan ay ka cabsi qabaan in xifaaltan dhanka awooda qabiilada ah ay ka abuuranto marka la qabto magaalada Kismaayo, halka qabiilada qaarkood laga tuhunqabo inay diidmo kala hor iman karaan qorshayaasha dawlada Kenya- kuwa qarsoon iyo kuwa muuqda intaba.
Sida lagu daabacay wargeysyada wadanka Kenya, Kenya waxay dejisay inay shidaal ka baarto illaa 8-goobood oo afar ka mid ah ay ku yaalaan xeebta Lamu. Waxaana afartaasi ka mid ah illaa labo goobood oo ku teedsan xeebta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Waxaana goobahaasi ka mid ah meel qiyaastii 15,000 square km ka baxsan xeebta Lamu halkaasoo qiyaastii ku beegan 3900 Sq km xeebta magaalada Kismaayo ee gudaha Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in Kenya ay dhulka ay shidaalka ka baareyso oo ay ku jirto xeebta Kismaayo u taqaano “dhul biyood lagu muransan yahay”. Illaa haddana DKMG ah ee xilkeedu dhamaaday kama hadlin boobka lagu hayo dhul biyoodka Soomaaliya, waxaana xiise leh in waqtiga ay arimahan Kenya ku dhawaaqday ay tahay xilli doorasho ay ka dhacayso Muqdisho oo dawladii dhacday maamulkeeda iyo musharixiinta cusuba ay ku jiraan loolan siyaasadeedtaasoo micne weyn ugu fadhida dawlada Kenya in waqtigan oo kale ay kaga faa’ideysato danaheeda qarsoon.
RAADRAACYO DHEERAAD AH:
Akhri C/raxmaan C/shakuur oo dhowaan ka hadlay iibkii badda Somalia:
Kenya oo 60 maalmood gudahood ku bilaabeysa shidaal baaris xeebaha Somalia:
Warbixin lagu daabacay bogga wararka istiraatiijiyada oo ka hadlay shidaal baarista Kenya:
Warbixin faahfaahsan Iiibka badda Soomaaliya:
Kenya oo masuuliyiin Somali ah cunaqabateyn saareysa:
____________________________________________________________________
Malyuun Cali
RBC Radio, Nairobi
Email: Raxanreeb@gmail.com














Xildhibaandda digil iyo Mirif le ma xooloaa. waa maya waar codkiinna xor baa u tihiine nin nadiif ah dooorta oo FARMAAJO iyo BAADIYOW uun doorta. see Alle idin yiri!
Aad baad u mahadsantahay Malyuun. Walaahi Raxanreeb waxaan ku jeclahay shaqaaleheeda xirfadda sare u leh shaqadooda iyo dadaalka dheerigaa oo ay muujiyaan. Mansha Allah!
Waa warbixin Cajiib ah oo xaqiiqada ku saleysan una baahan inay Baarlamaanka iyo Shacabkuba ku baraarugaan.
Waad ku mahad santihiin raxnreeb interpetation ka aad samayseen, laakiin in yar wuxu umuuqdaa mid dhinac jan jeera…Tan koowaad wa macquul in kenya arimaha aad sheegteen ay kala hadlayso shariif,laakiin sidee fikraddiina ugu cabbirteen in cabdiwali ay uaragto kenya nin daneheeda u fududaynanaya…..
Walee Raxanreeb wayba ka dareen, bal arka waxa hadal aan sal iyo baar lahayn ay dhoodhabayaan. Talow Malyuun waxyi bay ka soo xigatay Ina Shiil warka ay leedahay wuu soo tabiyay madaama uu Odinga la fariisteen. Ilaah ka cabsada oo warxumo tashiil xumada joojiya, god aakhiro wuu idin sugaayaa. Bisinka
Shariif Xsan. Hadii uu CID waxtarayo oo. Musharrax soo saari karo. Galleyr Ayaa. Tusaale noogu Filan. Sheekada kor ku qorna waa. Borobogaan larabo in gaas lagu wiiqo rag qarsona nalooga dhigo belaayo wadaniyiin ah ,Hadii somalidu tahay wadaniyiin, iyo Muslim. Dib u fiiri waxii ka dhashay soomaliya, waa Wada afkudhiigle,gacanku dhiigle,qalinku dhiigle, sharif xasan codad Hadii uu haysta waa XOR qofkuu Rambo ayuu kula gorgortami hadaba maxaa keenly Kenya mise shekadu waa ninkan Rabay had an lasiin waa khiyano qaran.
Raxanreeb Waxaa wadaan waa campaign Islogan , Waxaad Isku qabaneysaan Maa Joojisaan Qof walaalkaa ah Lagama Been Abuurto Sharifkaad ka hadleysaane Maxaa meesha Keenay Gaas ? Hadiise Layiri Codkaaga Sii Gaas Hadana Maxaa ugu la maanissen Boobitaanka Wadanka Kenya Boobeeyso , Kenya boobitaan keey rabto Nimanka La ogna Aay yihiin 2 Shariif, Hadiiba lasoo Hadal Qaadey Dhicitaanka Aay rabto Kenya Ineey dhacdo Badeena Waxaa iyana Lasoo Hadal Qaadey Shariifka Ex Madax weyne Codkaaga sii, Maahan Gaas nin Wadankiisa Bixinaya Hadii Aay cid rabto Ineey wadanka Bixisoo Waa 2 Shariif , Sidaay Horayba u bixiyeen Marka Ha wasaqeynina Muwaadin Nadiifa , aaduunka meel bad la isa siiyo waxaa Kajirta Soomaalia Markaad maa mul U dhiibatid Qof aan wax maamuli Aqoon, Viva Puntland & Soomaalia
walle cawaro jaan (Gaas) sharka uu soo wataa ma yara
kenya iyo sheekadeeda waxaad moodaa nin daad qaadey xunbo kuskey nin asagaba laga taqalusey ayey wax weydiinayaan adeer mid walboo yimaada shariif ama c/weli ama farmaajo ama kuu doono ha noqdee wadanku waa isbedelay baarlamaan tayo leh oo aan wax ansixin cid wax sameyn kartaa iska yar kenya yaa yiraahdo ka joog intey goori goor tahay
Gaas waa tuug khaa ina
sakina waa daalin najaas ah
kuligood waa qurun iyo fadaro
waxat rab taan bat no shegaysaan mr gaas ninka kawadanisan yaa weye midakale waxa fiican markaat kawara maysaan siyaasada in aat lakashataan dat ka caqligooda saliim ka yahay ee ma ahan in aat noo sheektan dat caqliga lugaha kuwato niman xamar burburi yay ba waxay dhahayaan wadani ban nahay hala xishoodo mantay waxa lagaaray malin tii qalin ka iyo cilmiga xoog waqtigiisa wa dhamaday
WAR CAYDA JOOJI GAS WAA WADANI LAAKIIN ADOO KALE WAA OGAHAY CEEB UMA HAYSID GAS LAAKIIN QABIIL BAAD KU NACAYSAA QABIILNA WAA LAGA GUDBAY U FIIRI SHAQSIYADIISA SXB
Raxanreeb warkaan war fudud ma ahan waa dacaayad aad ka fididnaysaaniin nin wadani ah.
sidaas awgeed waxaan talo idin ku siinayaa in aad ka fiirsataaniin mesha aad warka kasoo qaadanaysaaniin.
cadaawadada iyo dhibaatada ay abuuri karto darteed ka waantooba.
Doqon meeshii lugu diriray ayey ee meeshi lugu heshiiyay ma oga.
Hadaanan aqoon u lahayn malyuun hadalkeeda shaki buu igu abuuri lahaa, bal akhristo dib u fiiri qoraaladii Ay malyuun qori jirtay xiligii mashaqada gaalkacyo ka dhacday (puntland iyo reer garsoor),
Waxey markasta soo qori jirtay hadalo been abuur u ah iyo guinaabo ay ku kicin jirtay qaboilka ayka soo jeedo.ma ahayn wariyo dhexdhaxaad ah waxey markasta qalinka u qaadan jirtay inay fidno ka dhex abuurto dad walaalo ah oo arin mar si ka noqotay. Ilaahay mahadii sidey jaclayd waxba uma dhicin.
Maantana waxey dharaar cad qalinka u soo qaatay inay been kale oo ay soo dhoobdhoobtay inay naga gado.qoraalkeeda waxaa ku jira inay tiri “arintaas waxaa u xaqijiyay ilyaas barre shiil oo u xog waramay raila odinga” . Arinta ilyaas u raila odinga u xaqiijiyay waa inuu cabdi wali u hogaansan yahay kenya…
Adiga malyuun ah miyuu kuu waramay ilyaas bare shiil mise idaacafaha ayuu ka sheegay. Maba uusan kuu waramine kaba dhig inaad suuqa ka soo maqashay.
Waxaad suuqa kasoo maqashay oo aadan cadeyn u ahayn sidee ke keentay inaad qof dhan oo raba inuu qaran dhan hogaamiyo uga masabidato.
Kolayba gabarbaad tahay inaan kugu dheeraado ma rabo laakiin qalinka wuxuu ku fiican yahay in wanaaga wax looga qoro.
kkkkkkkkkkkkkkkk war dadkaan mesha mucaarad nimo raqiisa oo aan shaqaynayn bay wadaan iyo indho iskatir marin habaabsan .
midkaan MUDUG MIDNIMADA SOMALIA ku qortay oo dadka ceebeyey daya xooolo
adeer anaa reer muduga una dhalaynay ee magaca mesha nooga tir neefyahay qooraha dabangaalaha leh.
mida kale ninka gaas ka wadaniyadsan oo ka aqoonta badan oo ka siyaasisan waa kee oo maanta wadanka badbaadinkara waa cidna dee dadka dhalilsan gaas sxbayaal ha idin ku taagnaato eg;{MALYUN ALI}
Hadii xitaa C/wali madaxweyne noqdo wuxuu la mid yahey ajnabi muqdisho madax ka noqday oo waxba kama galo mida kale ciidamada amisom muqdisho nabad kuma joogayaan oo qudhoodu wey ogyihiin beesha caalamkuna wey og-tahay.Kenya wey dhici kartaa in nin talada la doonto laakiin ugandha ayaa ka sii muhiimsan oo cidii ey iyadu wadato ayaa kasii fursad fiican:D
Waxaa wax lagu qosla ah in usan jirin warar shegaya in badaha somalia la gatay qof jahil ah aya lo shega intas waxa kalo ceeb ah in aad wax u dhintid shaqsiyadisa kuma jirta saxafada oo ah in uu raiskul wasarihii hore Mr Gaas dooa nayo in u gato bada somali ay tahay wax an jirin e aben abur ah qof shaqsi ah iska daaye usan gadan karin dowlad rasmi ah oo ka talisa somalia o dhan raxanreeb dad caynke ah aya u hesatan in u webkan aqristo ma dad rer miyi ah oo galdogob ka yimid in aad wax walba noo shegtan waxay ceeb ku tahay idinka iyo anaga aqrisadayasha dhamante Ceeb weye isku xishoda nagana xishoda anaga
asc ..salaan ka dib faalada shariif sakiin iyo socdaalkii shaakada ka danbaysa waa wax cid gaar ah loo la jeeda ruuxan qoray warkaana waa qof cuqdad qaba
maaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaasha allaaaaaaaaaaaaaaaah wadaniyiinta raxanreer jaawaan shulaatiina iga hooya aad baan ugu farxey sida wadaniyada leh ee aad farta ugu fiiqeysean khaainul wadaniyiinta u shaqeeya shisheeyaha insha allaaaaaaaaah wey jabayaan cid cod siineyso ma laha gaas=faroole wax dhintey faroole tv itoobiyu ka baroorana sanawi waa halyeyga afrika kkkkkkkkkkkk sanawi waa aabaha afrika kix ikx kix faroole cid qabsato ma laha miyaa subxaanala beesha heley sakiin iyo gaas kkk hadey 5 cod helaan bey nasiin leeyihiin gaas dooro waa faroole dooro ilaahey swc waxan ka baryayaa mid qeyr qabo oo aqoonyahan wadani ah uu talada noogu dhiibo dhabodhilifyaasha caadoqaatayaashana ilaahey uu naga qabto aaaaaaaaaamiin.
kkkkkkkkkkkkkk raxenreeb…….dadka qaarkood ka soo jeeda Puntland…..dhiiga ayaa ku kacyo markey akhriyaan qoraalkaan……..markaa qoraal kale oo Cabdiwali gas lagu amaanayo soo qora sidey u qancaan please lol
Warkaan waa borobagaando raqiis ah oo aan inaba run ku salaysnayn iyo mala awaal aan caqli lagu Darin cilmina ka aradan
Cabdiweli cali gaas u malayn maayo Nin ka wadanisani inuu jiro waxaan aaminsanahay dadka soomaliya wax ka bedeli Kara inuu kow ka yahay
Raxanreeb taageera farmaajo baad ku dhimanaysaa, C/wali Gaas waa Madaxweynaha mustaqbalka waana muwaadin soomaaliyeed oo wadani ah, waxaa wax laga xishooda ah qormadiina qaabka aad ucaayasaan Gaas oo u amaanaysaan dad kale oo aydaan aqoon u lahayn tusaale ahaan maxaa kawadaan (, iyadoo ay dhici karto in haddii musharixiin kale ay jagada madaxweynaha ku guuleystaan ay diidi karaan, gaar ahaan ragga bannaanka ka ah musharixiinta KMG ah ee loo arki karo inay yihiin kuwa u ololeynaya mabda’a wadaniyadda “nationalists”.) ?? Waa lagahmay micnihiina waa C/wali muwaadin Maaha waa shariif Sakiin oo kale. Iyo idinkoo quudaraynaya inaad doorsshada ka hor Bulshada ka gadaan fikir nacayb iyo doqonimo kujirto oo ah Gaas Waxaa wata kenya….. Qoraalka micno daradaa ha ku daalina waa la idinka aragti iyo garasho dheeryahaye Insha Allaah Gaas Waa madaxweynaha Soo socda ee JFS.
Arintan sida loo dhigay waa mid aan ku haboonayan in looltanka siyaasada dalka lasoo dhex galiyo ,waayo waxay wax u dhimaysaa masuul wadani ah oo u shraxan in uu xilka u taratamo.
haddiise aan qiimayn saaro prof gaas waxuu u eg yahay mawaadin wadani ah ,lana tijaabiyay waxii uu qabtay ,isag iyo madax waynihii hore…waana nin aan filayo arimaha hada laga sanqariyay ee iibka ama bixinta dalka aan laga filayn.
Rajda uu leeyahay in uu ku helo jagadana ay ku dhawdahay 51%.
waxaan dhici karat in si lam filaan ay u soo galaan rag muwaadiniina oo looga xiiso badan yahay.
waa aragti ..lakiin in raji fiican ay jirto Soomaliydii hore ee Kenya taqiina aanay imany baan filayaa,
Ma aaminsani in Pr:Gaas ay ka suurtawdo in badda ama taako ka mid ah dhulka Soomaliya uu iibsado ama uu siisto Kursi!!!! Wax macquul ahna ma ahan Arintaan ii websityo badan qorayaan ayaan u arkaa mid lagu buun buuninayo waana kacdoon ka dhan ah olalaha raisul wasaarihii hore Pr:Gaas.
Raxanreeb marna na dhaha beesha caalamka hawiyey rabtaa, marna na dhaha cabdi weli baa kenya siinaya badda somaliya………..waa idin fahanay….. sh shariif baa taageersantihiin
Maqaalkan aqoonyahan wadani ah oo dalka wax u qaban kara ayaa lagu sumcad dilayaa bilaa caddeyn……. saxaafad qayru masuul ah
raxanreeboow been udhimo waa nasiib daro inaad dacaayad been ah ka faafiso prasadent gaas oo ah nin wadani ah waana sumcad xuma ayay kuu tahay ka naxoo nafta waa gaas waa prasadent
Waxaa xaqiiqa ah in haddii Kenya maanta la waydiiyo qofka ay u rabto in uu Somaliya madaxwayne ka noqdo in ay ku talin lahayd C/Wali, waayo waa loo wada jeedaa in uu yahay nin aan dan ka lahayn haddii dhul somaliyeed la boobo iyo in kale.
wali kama uusan hadlin Shidaal baarista Kenya ka wado biyaha somaliya, xataa waxaa ka hadla wasiir ku xigeen iyo Safiiro. Marka C/Wali haddii uu dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ka hadli waayay boobka Kenya wado, oo waliba haddii uu ka hadli lahaa wuxuu ku heli lahaa magac iyo sumcad, oo caawin lahayd doorashada uu ku jiro, sidee lagu aamini karaa inuu arintaas ka hor imaan karo haddii uu madaxwayne noqdo?
Arinta markii dhinacaas laga eego, waa dhici kartaa in qorshe noocaas ah ay Kenya wado. Koley haddii la xaqiijiyay in Shariif sakiin masuuliyiin sare oo Kenya ah la kulmeen, waa iska cadahay in dano gaar ah Kenya wadato.
Kkkkkkkkkkk alla maxaa tuugo iyo aakhin pintiland ka buuxa bal eega faroole burcad badeed. Omar abdirishiid waa ninkii xeebta somaliya kenya u saxeexay. Gaas million dollers ayuu liqay kkk
Viva farmaajo
Mooriyaantii muqsisho ayaan maqli jiraye ee isbaarada dhigan jirataye hada waa medheeen oo aan wax ka baxsanayaa jirin
Qofka wadaniga ah burush xaar leh ayey mariyaan. Sida hero ali khelif galeydh iyo farmaajo iyo sheikh shariif sheikh ahmed
Horta ma hubo sida ay raxanreeb u heli karto warkan ku saabsan unucda dawlada Kenya waxaanse shaki ku jirin labada nin ee soomaaliyeed ee meesha lgu magacaabay waa shariif sakiin iyo c/weliye inay yihiin niman arrimaha lagu sifeeyey ay ka suuro galaan(they are two villains who would do everything for money and prestige)
Aniga Waxaan la yaabay dadka qabyaalad indho la’ ku taageeraya Abdiweli Gaas, rabana inay ka dhigaan Malaa’ik cirka kasoo dhacay. War ninkan Waalida lagu ogyahay Waxba ma soo kordhin doono. Wax Waalan ninkii wax u dhiibta Baa kasii daran iyo midka ku taageeraya qabyaalad oo kaliya.
Somalia waxay u baahan tahay shakhsi cusub oo Nadiif ah, Dhaqaalaha qarankana aanan xadeyn, maskaxdiisana caafimaad qabto. Wadani dhulkiisa, dadkiisa, naftiisa. Iyo diintiisa aanan iibineynin. Qabyaalada shakhsi lagu taageero qaran laguma dhiso. Hadii kale, nin walba ninka qabiilkiisa Waa u libaax, nadiif Saalim ah.
kkkkkkkkkkkkkkkk raxanreeb goooooooooooood job sxbayaaaaaaaaaaaaal, ciyaaaaaaaaaaaaaaaal gaaaaaaaaaaaaaaaaas adeeeeeeeeerkiin meeeeeeeeeeeeeeeesha kala taga hanagu khasbinee wadinayad idinka dheere
Somalia waxa la haray oo horumar u diiday Waa qabyaalad. Danta qabiilka baa ka weyn mida Guud. The Average Somali person waxaa ka dhex qeylinaya qalbigiisa reerkeyga darajada ugu sareyso ha hesho AMA ha la wada baaba’o . Fikirka noocaas Waa waxa wadanka la socon la’ yahay, qaranimadiina u luntay. Marka Danta Guud ha la fiiriyo, shakhsi walbana ha lagu cabiro laguna tixgeliyo wax qabadkiisa. Shariif Sh. Axmed, Shariif Sh. Adan, iyo Abdiweli Gaas waan wada aragnay, dhamaantood looma baahna. Maxaa yeelay wax cusub oo hor leh ma soo wadaan mana keeni karaan. Mas’uul cusub iyo fikrad ka duwan kuwii hore Baa loo baahan yahay.
Yaabka reerkan qabyaalad ayaa googoysay haday maqlaan
Nin ayaa is sharaxay islaantooda iyo ilmahooda wey daba yaacayaan qalad xitaa
Wey ku taageerayaan reerahan siyaasi wadani ah waligood kama soo bixin mid wadanka amxaaro keena iyo mid bada iibsada ayaa kasoo baxa maba ku jiro nin umada somaaliyeed ka gadmaya sida farmaajo oo kale ninkan ay uwada doodayaan taageero kuma lahan shacabka somaaliyed waa neef meesha qabyaalad ku yimid hada haday arkaan meel lagu amaanayo neefkan dhamaantood intay isa soo urursadaan ayay webka amaanayaan reerahan waa caruur qabyaalad baratay aqas
adeer haladoordo qofka aqoonta u leh oo dalaka hogaaminkarah waan c/gaas waayo cid ka aqoon badan oo kasiyaasan ku majirog tartankaan hada soconaayah waayo waan ognahaye one yearkii uu hayeye xilka waxuu dhisaye waan oganahey waakaas maantaye lawada harsanayo ku wii ka horeeyey ma xaay qabteen waxaan buuq ahayen iyo qalalaase siyaasadeed marka somalia hadii future laka raboh hala doorto dadaka sxb aqoonta u leh oo hogaaminkarah
@maxamed qaliif: dameer qabyaalad martay ayaad tahay maxaa hadalkaada
Goldogob soo dhec galiyay war ninyahawn ii kaalay anigaa kaa gubaya cudurka ku haya
Goldogob dhib badan ayay kugu haysaa oo la seexan la dahay gaas waa neef bal wakaas anigaa caayay ee wax dheh webkan haduu ku dhibayo hasoo booqon carran ayad tahay
Yaaa ii sheegikara waa maxaay lol afkeewaayay kole wa turtuuridii labadeenii xara oo looa hadlo meeshan qaxooti ku noqono
sideedaba waxaa qalada in nin waalan oo drug ama kiniin ku socda masuul laga dhigto
anigu waxaan ku talin lahaa in kan abdi/weli lagu sheegayo marka hore dhakhtar loo
diro oo la baadho maskaxdiisa, wadani maaha ee munaafaq isaga iyo faroolaba caqliga digaagay
leeyihiin sheekadooduna waxa weeye haddii aan anigu xukun waayo waddanku ha qasmo oo ha baaba’o
ma kaas baa dadka qaar taageerayaan waar orda amxaarada baqtida jinaasadooda ka ooya, cancerka somalia waa la fahmey fartaana lagu fiiqay ninkii ragahi waa ogyahay doqona loo sheegi maayo,
Nimankiinaan qaybaalada indhaha la’ GAAS kuu taageeraya ma waxaad RAXANREEB moodeen websiteyada reer puntland qabyaalad ku taageera, websiteyada ugu runta badan oo dhan ayaa sirtaan qoray, waana wax dhici kara GAASna ka suurtoobi kara
ANIGU WARBIXINTAAN WAXAY IILA MUUQATAA WAX MACQUUL AH. WAXAAN SIDAAS U LEEYAHAY WEYN U WADA OGNAHAY IN KENYA AY HADDABA BOOB KU WADDO BADDA SOOMAALIYA SIDAA DARAADEED LA YAAB MA LEH INEY ORSHE NOOCAAN AH WADDO.
TAN LABAAD GAAS IYADOO BADDA SOOMAALIYA LA BOOBAYO WELIGIIS KAMA HADLIN. TAAS MACNEHEEDU WAXAA WEEYE HADUU MADAXWEYNE NODO INUU WAX WALBA U FULINAYO SIDA KENYA RABTO.
WALAALAHAYGA GAAS TAAGEERAYA WAXAAN U SHEEGAYAA ANIGUBA REER PUNTLAND BAAN AHAY. LKN NINNA KU TAGEERI MAAYO QABIIL.
NIN QABIIL LAGU TAAGEERO WAA WAXA ADUUNKA INAGA REEBAY.
HADII LA RABO 20SANO OO KALE OO BURBUR AH SHAKHSI AAN U QALMIN INUU UMMAD HOGAAMIYO ABIIL HA LAGU TAAGERO.
warkaalaya ma laga wayay ha nin oo wadani ah wayoo shalay waxan khaati ka taagnayn cumar abdirashiid ali sharmarke oo badii somalia gatay maanta ma GAAS baa allow somalia cadowgeeda jabi
Ninka Shariif Sakiin xulufo ka dhigtay wadanimo ka dheer
C/Wali waxaan ka quustay markii uu shirkii ka dhacay Roma ka sheegay in loo baahanyahay in la ilaaliyo xuquuqda dadka Somaliyeed ee Kristaanka ah/dadka haysta Kristanka ee laga tira badan yahay.
Hadalkaas waxaa soo jeediyay wasiirka arimaha dibadda ee Talyaani oo ku dooday “waa in Dastuurka somaliya lagu daro in diinta Kristaanka looga dhaqmi karo Somaliya”. Markii C/Wali hadalkii la wareegay ayuu asna si cad u yiri ” waa in la ilaaliyaa xuquuqda dadka Kristanka ah ee somaliyeed”.
Bal ninkaas maxaa lagu tilmaami karaa? xagee ku noolyihiin dadka Kristaanka ah somalida ahi?
mar walba oo uu shir ka qayb galo wuxuu u nacamleeyaa wax kasta oo qalada uu la shiro ay soo jeediyaan. Laakiin arintaas ceeb ayaa ka raacday, waxaana cadaatay in uusan ogayn waxa uu ku hadlayo!
salaaan sare dhamaan meelkasta ood joogtaan horta wadaniyad waaloo dhashaa ee la,iskamadhigo marka horta cabdi wali waxaa dhaama mr ex president sheikh shariif cabdiwali waa nin hurda jaamacada markuu dhameeyay hurdaduu galay ayuu walikujiraa wuxuu kala ogyahayna majiraan waxaan kubaraarujin lahaa inaysan is qasaarin sidii shariif xassan
this is good news, but not quite. the best speculation would have been, whether sharif hassan is defecting. the story about selling part of Somalia stays on with whoever has signed the first draft, fortunately, thanks for the Somali Parliament. its unlikely that anyone dares to leap into that direction. what is next, is abdiweli a potential president for new Somalia?. and how about another 4 more years for sharif ahmed? if you have given these two likely choices, which one you will take?,
if you choose sharif, you have chosen to drink and drive, and by the way it was not illegal to drink and drive in Somalia. I hope for the best for Somalia.
Waxaan helnay Xuldhibaanno la isku hallayn karo oo aan cidna u joojinaynin.
Cwali GAAS iyo Dhariif axmed xilligoodii waa dhammaaday cid dambe oo wax u dirsanaysano lama arko.
Waxaan rabnaa FARMAAJO. waa ninka keenay waxa GAAS iyo Shariif ay ku faanayaan. Wxaan aad ugu qoslay Shariif axmed oo ku faanaya Xamar baan xoreeyay. Markii uu cabdullaahi tagay Xamar oo dhan, Shabeelada dhexe, hiiraan Dawladdaa ka talinaysay, shabaab ayaa qabsaday intii shariiif joogay illayn diyaarad raac iyo dhoof aan hore loo aqoon baa lagu mashquulsanaaye. waa Farsamadii farmaajo ilaah ka sokow waxa lagu dhaqaaqayo
jaamis in la siiyo weeye farmaajo, reer puntland iyo xulafada shariifka uun baa maanta qabiil ku haray. Yaa farmaajo xamar ku soo dhaweeyay oo u dhintay? qabiiilkiisa ma aha.
Soomaali waa xorrawday.
ASC
annaga oo ka duulayna xaqiiqda ah in adduunkan cidina aanay axsaan bilaash ah kuu falayn, waxaa aniga ii muuqato Kenya oo dan way inaga lehi in cidna aanay taagereyn illaa ay iska hubsato inuu danteeda ruuxaasi fulin karo iyo in kale.
waxaan rajeynayaa mar hadday saxiixyo meesha ool, in haddi xattaa heshiiskaas uu galo R/W Gaas uu uga bixi doono markuu dantiisa ku gaadho oo uu wadaniyad muujin doono, Insha Allaah!
laakiin ninka soomaaliya dhibteeda dal iyo keeda dibadba xallin kara waynu wada naqaan ee aynu fadlan u duceyno inuu Allaah guuleeyo…..
thanks!
bulshada waan salaamay qabiil in laga hadlo waa ceeb dadka reer galdogob dr gaas ayey aminsanyihiin inuu yahay madaxwaynaha soo socda waana guuleysanayaa ama ku farax ama kanax ku dadka isku diraya iska daah qabiilka ee ka haday fira daad adoon nina eeday raxanreeb waa website nina ma matasho iyo qabiil waxay ka hadleen waa nin firadiis wariyaa
waxaad bilaawdeen beentii laguyaqeenay dayniil
walee [[[[[[ ayaad noqeteen ileen been ka ma xishoodanwar ilaahay ka baqa nimaankaan waxaa hadalada xun kakeenaya waa dhibta ay umada u geesteen baykabaqayaan in uun malin lagula xibsaatamo
maraka isaka dhaafa hadalka aqiradiina idiin seejinaya waa iga talo ninka aad ugafeesana iska dhaafa
ogaad ninkii uu ilaah uqaroubaa heli waxa waliba oo iilahay uu qorin ninama mahelo maraka wawa iga talo itaqulaah ilaahay usoo labta meshaanma umedaan furan in aad naar kugashaan oo aad maantoo dhan qof danbigiisi aad idinka saas ku qaadateen , wabilaahi toowfiq.
Wadar iyo waaxid midkee ayaa waalan? Sheekadaan raxanreeb kahor ayaan maqlay maqalo kale lagaqorey website yo uu ka minyahay raxanreeb laanta.net iyo kuwa kale marka wax baa ka jira.
Raxan reeb waad mahad santihiin
2 qofkastaa oo somali ah hadii u kufikaraa in dantiisa kujirtaa wanaaga iyo
Midnimada soomaaliyeed somaliya weey hagaageeysaa
Waxba yaan Raxanreeb la xag-xagan. Dalkan Keenya waxaa aad looga daneynayaa Cabdi Weli Gaas oo ay u arkaan nin ay waxay rabaan ku shuban karaan. Waxaan la yaabay sida dadweynaha caadiga ah xitaa ay ugu dhegtaagayaan doorashada Soomaaliya, islamarkaana jecel in Gaas ku guuleysto si ay rabitaankooda uga fushadaan. Tan kale, Cabdi Weli Gaas sow maaha ninkii sida indho-laa’aanta ah u ogolaadey in ciidamada Kenya si sharuud la’aan ah ku soo galaan ciidda Soomaaliya…. “Madaxweyne mar i dhaha” ayey ka joogtaa…Allow Alle…
War nacaska cabdi wali Iyo sakiin labaduba waa ay og yihiin ineysan meelna gaareen
Cidna waxbo kuma faleeso midkoodna tabar malahan horey Ayaa loo ogaadey
Amxaaradii ay ku qasaartey odeygii cawaanka ahaa Ayaa Dan shisheeye meel Marin waayey macadalaa mid inta badan kaligiisa is la hadla wadanka an taladiisa dad bey ka godaa dadkaana waa reeraha mudug ilaa xuduuda Kenya daga waa saas hadaad xamar marti ku tahay siyaasasada somalina marti Ayaad ku noqon
[...] Website Name Warbaahinta http://www.Raxanreeb.com Ciwaanka Warka : Shariif Xasan oo Safar Deg Deg ah ku Jooga Nairobi Iyo Qorshaha Safarkiisa oo Warar Hordhac ah Ka Soo Baxayaan (Sir Culus) Links : http://www.raxanreeb.com/2012/08/shariif-xasan-oo-safar-deg-deg-ah-ku-jooga-nairobi-iyo-qorshaha-saf… [...]
shiikh shariif sun ayuu la wareegayaa…….waa ninkii yiri shahaadada dugsiga sare CABDALLE SHIDEEYE aa laga soo gataaye maxaa xildhinaanadeyda loo weydiinayaa una dhaartay guddiga soo xulista madaxeeda…..ninkaan ilaa hadda ilaa iyo markii madaxweyne cabdulaahi yuusuf joogay Baydhabo dab iyo munaafaqnimuu la wareegaayey…..waana nin aaminsan wax walba in la gadan karo oo qiimo joogaan….wuxuuna arkay dacdarrada xamar taala maadaama waddankii burburay isha keliya ee laga taajiri karo waa in xildhibaanku codkiisa gataa…mana laga yaabo arintaas ineey dhamaato ilaa soomaaliya yeelaneyso dakhliyad lacagaha adag ah shilin soomaaligana qiimihiisii uu aduunka ka lahaa la soo laabto……intaa ka hor Shariif xasan doollar ayaa ka xigta siyaasadda soomaaliya…. waxaase walwal baas leh in KEENYA ay la soo baxday qorshihii ITOOBIYA ay isticmaaleysey 20kii sano ee la soodhaafay ee ay marba hogamiye kooxeed soo adeegsnaeysey… ANIGU WAXAAN ORAN LAHAA HADII ALSHABAAB IYO DHALINTA KALEBA AY HELAAN MEEL AY SHARIIF XASAN/SAKIIN KA HELI KARAAN INEEY XATAA ISKU QARXIYAAN waxa uu la midyahay raggii HOLLAND, DANMARK iyo NORWAY la shaqeynayey NAAZIYIINTA oo xataa ilmahooda la dhufaanay….. KHAYAANO QARAN khaarijin maahee xukun kale ma leh
[...] Website Name Warbaahinta http://www.Raxanreeb.com Ciwaanka Warka : Shariif Xasan oo Safar Deg Deg ah ku Jooga Nairobi Iyo Qorshaha Safarkiisa oo Warar Hordhac ah Ka Soo Baxayaan (Sir Culus) Links : http://www.raxanreeb.com/2012/08/shariif-xasan-oo-safar-deg-deg-ah-ku-jooga-nairobi-iyo-qorshaha-saf… [...]
Maanta Hadii kismayo beylo ahaan lahyd yaa Kenya ka qaban lahaa. Waxyaabaha Al-shabaab in lagu taageeero karo tan ayaa ka mid ah. Maanta in Kenya so haweysato dhulka Somalida waa inagoo aan kala garan dadka at least ku jirto wadaninimada. Kenya maanta waxaa hortaaga Al-Shabaab runta hala isu sheego, waxa Kenya in AMISOM kusoo gabato ku qasbey waa Al-Shabaab ileyn kuwa KMG dan kama laha dalka iyo dada. Fikirkeyga ma ahan hala taageero Al-shabaab ama yaan la taageerin balse in waaqiciga jira la wajaho waa shey loo baahan yahay. Sharika iyo A/weli waxaa qadiyada hada socoto kaga wadidisan Al-Shabab, waxyaabaha kale waa amuuro hada aan meesha oolin. Markii hore Kenyta siyaasiinteeda waaweyn ayaa la tacaamuli jirey madax isku sheegyada Somaliya, balse maanta saraakiil iyo sirdoonbaa loo soo diraa, waana tubtii Ethiopianka ee ilaa hada Gen Gabre looga amar qaato siyaasada Somaliya, walow iminka hakad ka galeen ka dib markii AABIHII wecelada badan ku dhaley Somaliya uu baqtiyey.
saxafada somalia lama amini karo waayo ma jirto saxafad somalia leedahay oo dhex dhexad ah shaki kuma jiro in imada somaliyeed anay donayn in markale lasoo celiyo madaxdii hore ee wakhtiugii kadhamaday
ACWW:Awalan waxaan idinku salamayaa salaantaa qiimaha badan,article wuxuu iigu muuqdaa mid aan laga fiirsan.Dawlad dhul dalke boobi kartaa ma ay jirto,waxaan hubaa in Abdiwali uu yahay qabiilayste wadani aan ahayn xukunkuna ku weyn yahay balse shaki ayaa iiga jira in uu Kenya dhul badeed uu awoodo inuu siiyo waa nin reer Puntland ah kama xishoodo in dalkoo dhan uu ku wareejiyo madaxweyne hala i dhaho sidii Allah u naxariistee Abdullahi yuusf 40 kun oo wiil waxaan ku wayay Red Carpet in aan ku socodo oo dadkii ay ka ilmeeyeen.Sidoo kale dawladan waqti kuma luminayso dal fragaile ah.Waxaa ha horeeya Abdiwali ma ku soo bixi doonaa dooraashada?Nin reer Puntland waliba reer Garowe ah Koonfurta muxuu ka qaban karaa oo aan ahayn wixii dhintaa wixii qaxaa shaqo kuma lihi.Somali maanta wey isbaratay siyaasiyiinta reer Puntland waqtigoodii wuu soo dhamaanayaa muddo aad u yar yayna karaamadii kuwaayeen waxaa ku shaabadaysan qabiil,musuqmaasuq,gaalo raacnimo,axmaaro jecely intaasna somalidii maanta wey aragtay waana in la iska qabtaa.Parlamanta waxaa looga fadhiyaa si xalaal ah in ay u shaqeeyaan insha allah.Ta aad leedihiin Shariif Xasan MP ayuu ku gorgortamayaana waa iska mala awaal aan jirin ragga lagu gorgortamayo xoolo ma ahan waa muwaadinin garan kara meesha dalka dan u ah waana la bartay shariif xasan
Raxanreeb wad mahad santihiin wadank xilbaa inaga wada saaran ama warbaahin ha ahaato ama shacab ha ahaato c/wali waa kii saxeexay in ciidamada kenya galaan somalia wayna isku dhawyin danteedana way ku gaadhi karta sheekh shiriif marku diiday waa laogaa culayski lasaaray markas markan arkay war bixinta waxan xasuustay xiriirki hore
[...] Website Name Warbaahinta http://www.Raxanreeb.com Ciwaanka Warka : Shariif Xasan oo Safar Deg Deg ah ku Jooga Nairobi Iyo Qorshaha Safarkiisa oo Warar Hordhac ah Ka Soo Baxayaan (Sir Culus) Links : http://www.raxanreeb.com/2012/08/shariif-xasan-oo-safar-deg-deg-ah-ku-jooga-nairobi-iyo-qorshaha-saf… [...]
Raxanreeb iyo web kale aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin soo gudbinta wararka.
Walaalayaalka soomaaliyeed waxaad ogaataan in Shariif SAKIIN uu sun yahay Waxaase kasii daran waa Abdiwali Iyo Faroole oo misirkii soomaaliyeed midna kenya geeyay mid amxaaro wakaa faroole ushegaya Meles oo meyda waxii dhaafay ilaa dhimashadiisii.
Tankale Ina cabdirashiid ayay ahayd waxii fadeexada bilaabay waxaan joojiyay Farmaajo hadana cabdiweli waar horta reer putland xagee ayay kamartay soomaalinimadii miyayna ku kalsoonayn dadkooda ciidooda diintooda dalkooda. Hayaay war mahbarnimada joojiya.
khaatumo state
shaki la,aan intaan khaatumo state soo qorto inan siyaasad ka hadlen bal iska daa tageero sheikh shariif, odayadii idiinku waweena yaa guryaha isku sooxiray marka meeshan inad dacaayad fidisaan iyo warka malyuun siyasad idiinku filan laakin siyasada marka ay booskeeda joogto waa taqaanin booska aad ku leedahiin rer khaatumo, mida kale waxan dhahii lahaa raxanreeb warkaan laguma aqoon ee maanta wax baa isbadalay waayo ma,an hufnaantii aan ku baranay , balse waxan oran lahaa khalad hal maalin ah ku tagi maynee meesha saxa khaldkiina oo malyuun cadayn ka keena .
Duqsiyow aruur oo haan buji.
Ilaa iyo hada inaad cay iyo cuqdad halkaas la fadhidaan maahane wax cadeyn ah ma haysaan.arinta kale. Badda soomaliya xagee lugu qaatay iyo goormaa kenya qaadatay mise dhici kartaa qarnigaan in dad afrikaan ah ay soomaaliya dhulkeeda dhacaan. Damac waa jiraa laakiin xagee ka soconayaa.
Waligiinba daacayad raqiis ah baad meesha la soo shir tagtaan.warkayga waxaan kusoo xoorinayaa anaga reer puntland siyaasada soomaaliya nagama maaranto anagana kama maarano soomaalida kale.siyaasada iyo xukunka waligeen waan ku jirnay.dadkii xoriyada soomaaliya u dagaalamayna waxey ubadnaayeen puntland.
cuqdad baa idin ku jirta aad Dr.c/wali ku dhaleeceyneysaan , walee aqoonta aan u leeyahy c/wali baanan idin kaga qaadaneyn warkiinaan beenta ah , waa Muwaadin dhab ah aan kana raali ahayn faragalin shisheeye .
asc dhaman akhristayasha iyo aliba qoraaysha websitkan hadan u gudbo figradayda run ahanti waxay u muuqatah figradan in figrada dhan u janjeerta tahay waayo qofka madaxda somalia ah kaligiis go,an kama gaari karo badan somalia baramanka somalia baa hadaa ka soo horjeeda mooshinkan iyaga baa hor istagi kara marka wax qof lagu dhaleecen karo ma ahan abduwali ali gaas waa masuul ka suuban wax yalaha halkan ka muqda websednkan waa websed run ahanti aan tagero lkn figrada khaldan ma ahan in websedka iska soo qoro mahad sanidin
wadankii aan lahayn waa loo tashaday sida aan wada aragno waxaa utashaday dad aan anaga ahayn oo gaala ah waxa xogta siiyayna waa kuwo anaga naga mid ah oo indhoola yaal aan ubixiyay oo uu kadan san yahay iftiinka wax lugu fahmo ama wixii markaa taagan looga doodi karo,kuwaas oo kamid ahaa xukuumadii cumar cabdi rashiid.sikastaba ha ahaatee somaali hada maxaa lagudboon,qofkastoo muwaadin somaliyeed ah waxaa laga rabaa inuu kahoryimaado arima kenya kudoonayso inay kufuliso arimeheeda ay oogu talagashay inay kuqabsato magaalada kismaayo taasoo aan ilaahay karajaynayo inay kufashilmi doonto, nin raga nalaka waayi maayee xildhibaanada cusub iyo madax waynaha ay dooran doonaan waxaa laga rabaa inay arintaa kaga horyimaadaan awood dowladnimo,inta yada aan xildhibaanadaas aan kamid ahayn ee shacabka iyo waxa lahalmaalana waxaa nalaga rabaa inaan meel kastoo aan joogno kashaqayno midnimada iyo qaran nimada dalka waa in meel kastoo aan joognaa aan hilmaanaa qabiil qabiilka oo aan tahniyad iskugu dirnaa wixii namidayn kara waa in aan isjeclaanaa kuna abtirsanaa maga soomaliyeed qadarinaa cidkasta oo magacaas ah ee aanaan isku tix gelin qabiil iyo wixii lamid ah, waa in cudur kii nabaa bi iyay aan helnaa dawadiisa cudur kasta saad ogtihiin wuxuu leeyahay daawo qabiilka daawadiisuna waa midnimo ilaahay waxaan karajaynaynaa somali midnimadeeda iyo isku tiirsigeeda. dhamaan umada somaliyeed meel kastoo ay aduunka kajoogaan waan uhambal yaynayaa
been raad ma laha maxaa iminka keenay warkii been abuurka ah ee lola jeeday in lagu xumeeyo sumcadda Dr.AbdulWali oo soomaali oo dhan marqaati ay ka tahat howshii wanagsaneed ee uu qabtay oo kuwii ka horeyey qaban waayeen so ma odhan karno cadowga Dr.AbdulWali oo ka baqanaya in mar labaad loo doorto raiswasaraha dalka, Nin waliba wuxuu ummadda u qabtaa waxa xusi taarikhda