Shariif Xasan Oo Sheegay Inuu Yahay Musharrax Madaxweyne
Muqdisho (RBC Radio) Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta shaaciyay inuu u taagan yahay xilka madaxtinnimo ee dalka Soomaaliya.
Munaasabad uu ku qabtay Hotel Plaza ee magaalada Muqdisho, ayaa Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu ka sheegay, in sababta uu ugu tartamayo xilka madaxweynaha Soomaaliya ay tahay in uu wax ka qabto amniga iyo dhaqaalaha dalka,.
Waxa kaloo uu sheegay, haddii uu ku guuleestay xilka madaxweynaha, in is badal ka sameen doono ammaanka isagoo xusay in uu la iman doono isbeddel haddii loo doorto ay ka mid yihiin arrimaha ammanaka iyo dhaqaalaha dalka.
Waxa kaloo Shariif Xasan uu tilmaamay haddii uu noqdo madaxweynaha in dalka Soomaaliya ku hoggaamin doono siyaasad ku saleysan caddaalad iyo midnimo.
Waxa ka qeybgalay, olihiisa madaxweynaha Shariif Xasan taageerayaal badan, kuwaasoo dhaweeyay in uu noqdo musharax madaxweynimo.
Waxa maalmahan magaalada Muqdisho ku soo badanaya tirada musharraxiinta doonaya inay u tartamaan xilka madaxtinnimada ee Soomaaliya oo wax ka yer labo toddobaad ay ka harsan yihiin marka la gaaro 20-ka bisha August oo lagu wado inay dhacdo doorashada
Ma cadda in doorashada madaxweynimada, in ay dhaceyso xiligeeda, iyo in kale, iyadoo ilaa hadda aan la soo xulin xubnaha baarlamaanka cusub ee 275 mudane, kuwaasoo dooranaya Madaxweyne, Guddoomiye Baarlamaan.
Soomaaliya, ayaa marka ay dhamaato, xilliga KMG ah, waxa ay ka dhalan doonto dowlada rasmi ah, taasoo 21-sano ee la soo dhaafay dalka ay kajireen dowladda KMG ah.
Halkaan hoose ka daawo Musharax Shariif isaga oo doodaayo arimaha Shahaadooyinka ee la isku xiray, waxay doodu ay dhax martay Wasiir C/Raxmaan Xoosh
RBC Radio
———————————
Xafiiska Wararka Muqdisho












Madax waynow xaalqaado godoomiyihii xildhibaanow, xaal qaado, ayaa, yiri musharax ilayn ceeb looma dhinto
tuug rabi iyo islaan ka furtay wax aad xadid maahe waxba soo kor dhin maysid
beelaha waaweeyn oo joogaan miyuu rabaa in uu noqdo madaxweyne riyo ayuu haayaaa
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
WAA WAX LAGU QOSLO WALLAHAY. AMAANKA IYO DHAQAALAHA KU LAHAA, MA ISAGAA KASOO BAXAY SECONDRY SCHOOL-BA KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK
ALLOW ALLE. ALLOW KUWAN NAGA QABO AAMIIN.
waa nasiibdarrro iyo inkaar ee somaaliyey yar iyo weynba shabaab iyo ikhyaar miyirka hala isku soo cceliyee halllla midoobo ee nidaamkaas ha la raaco kuwaas dawldaa heeganayana dagaal la”aan iskaga tuura
Ninkaan Ma Haysto Shahaado Dugsi Sare ——- Soo Tii La Yiri Qof aan Shahaado Dugsi Sare haysan Madaxweyne iska daaye Xitaa Parlamaanka kama mid Noqon Karo ????
Dastuurka Hadii Sidan Sahlan Looga Tallaabsanaayo Maxaa Waqtiga La isaga Luminaayay???
Saxaafada Waxaan Ka Codsaneynaa inay Gudiga Parlamaanka Weydiiyaan Sababta ay Xilkooda u gudan La’yihiin ????
Wixii qofka Illaahey u qorey ma gafayo, haduu calafkiisa ku jiro waa heli hadii kale wuu seegi ee QABIIL ama SHAQSI si kasta ha u awood badnaadaane hor istaagi karta AMARKA ALLAH ma jirto, ee qabiilka iyo nin tooxsiga is daaya. Soomaali dhan baa wada musuqmaasuq ah ka bila min madaxweyne ilaa kuwa jidka xaaqa. Musuqmaasuqana ma ahan keliya midka wax dhiibey ama dhacay balse kan la share gareeyey. Hadii aad askari Kenyati aad lacag xuduuda kaga gudubto bixisey taasi waxay ka dhigan tahay musuqmaasuq. Hadii wadaad macawis u iibisey si cunugaaga ilgaar ah laguugu eego waa musuqmaasuq. Marka Soomaalida waa in ay is xisaabisaa inta Illaahey xisaabinin.
Sharif Xasan waa mas’uul Soomaaliyeed hadii wax musuqmaasuqey in lala xisaabtamo waa waajib oo isaguna isku difaaco balse ka caamo ahaan inaga shaqo kuma lihin inaan qof dembi saarno hadana xukuno.
Illaahey ha inaga saaro jahliga, xiqdiga, ceeb raadinta, tafaraaruqa iyo qabyaalada naga saaro.
Waa nasiib daro in Gudoomiyaha baarlamaanka oo markii horeba si qalad ah ku helay gudoomiyanimada maadaama uusan xataa dugsi sare kasoo bixin, jaamacad iska daaye, hadana uu yiraahdo Madaxweeyne ayaan u tartamayaa. Gudiga farsamo waa in eeysan ogalaan in qabqable dagaal, nin aan shahaado heysan, iyo qofkii aan sharuudahaan oo dhan soo buuxin uusan ka mdi noqon baarlamaanka cusub. Gudoomiya Shariif Xasan waxaa maantay ayadoo cod ah aan arkay, asagoo Wasiirka dastuurka ku dhahaayo “shahaada aad sheegeeysiin waan soo gadaneeynaa oo suuqa ayeey taala”, waliba waxuu Gudoomiyaha u hadlaayay si aad u kulul, marka waxaan Somaliyeey idinka codsanayaa in Gudoomiya Shariif Xasan, arrinkaan uu asaga afkiisa ka dhahay la weeydiiyaa, oona arrinkaan uu ninkaan weeyn oo mas’uuliyada sheeganayo uu misana u bareeray.
Balaayo afdheer ku cuntay wuxuu yiri madaxweynaan noqonayaa. Waxaan daawaday video clip lasoo galiyay kismaayo24.com oo muujinaya asagoo la doodaya Xoosh Jabriil iyo rag kale oo inta lagu xiray shahaado dugsi sare uu leeyahay shahaado suuqey dhoobantahay iyadoo lacag ah intii la rabaana lasoo iibsan karaa ..kkkk
Ka fiiriya webkaas adinkaa arki doona Axadkaan xawayaanimadiisa…Kkkk Duqa Xoosh yaab iyo qosolbaa kasoo haraya. Balaayo wax kuu dhiibatay Waa lax caadi ah..kk
As wr wb dhammaan bahda raxanreeb iyo somaliweyn, salaan kadib aad baan usook dhaweynahayaa Siyaasiga waddaniga ah shariif xasan iyo utartankiisa doorashada madaxweynanimada Somaliya, waxaana aaminsanahay inaad Ku guuleysan doonto, somali waa istaqaan, waa qabiiliisteyaal, cadaqaatayaal calooshood ushaqeystayaal jaajuusayaal iyo kuwo gaajo heyso oo wax qado siiya keliya raadinaya, Marka mudane shariif xasan, Guusha Adigaa leh, isticmaal caqligaaga, xirfaddaada iyo jeebkaagaba……..
Ninkan Cabqariga ah baa Soomaali u talin kara. Prof. Dr. Eng., lawyer & rugcadaa badan buu meelsaaray howlo badan oo cakirana kala hufay. Maxaa u diidaya in uu noqdo madaxweyne?? Caqli iyo xikmad rabaani ah na allaa ku maneystay – meesha u maanta joogana cid u ogaleyd ma jirin ee his wit & wisdom buu ku gaaray..
oomiyiin nan arag asagoo ladoodaya wasiirka dastuurka oodhahya waan soo samaysan doonaa shahaado dugsi sare CABDILLE SHIDEEYE
Soomalida qaar iyo kuwa halkan wax ku qoray wax badan ka qaldan, kuwa markay ra’yigooda cabirayaan waxaa ka muuqda jaahilnimo,bodownimo, qabyaalad iyo caadifad xun oo qaab darran, waana wixii dalkan dib u dhigay. sharif xasan waa muwaadan Soomaliyeed oo wax badan u soo halgamay inuu dalkan ka saaro xaladda uu ku jiro waxuu xaq u leeyahay inuu kursi kasta u tartamo, kuwa leh qabiilooyinka waaweyn, qabiilooyinka waaweyn aad sheegaysid waa kuwii dalkan burburiyey, awalba dalkan waxaa dhisay oo horumarka u keenay waa qabiilooyinka yaryar, adeer dalkan qabiil gaar u leh ma jiro iska saar bodownimada nin kasta oo muwaadin ah kursi kasta ayuu u tartami karaa haddey awoodiisa gaarsiiso, kuwa leh shahaado ma haysto adeer ma adigaa xaqiijiyey?, waxaadan caddeyn karin sideedaba qof laguma dhaleceeyo. qabka islaweynida meel ku gaarimeysid. Shariif Xasan waxaan u rajeynayaa guul si u dalkan dib ugu dhiso GUUL.