Shariif Xasan Sheekh Adan Oo Sheegay Hadii Uu Madaxweyne Noqdo Inuu ka Shaqaynayo Cadaalada
Muqdisho (RBC Radio) Shariif Xasan Sheekh Adan oo qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ay sheegeen in ay ka qaadeen xilkii haatana ah musharax u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa sheegay hadii uu guuleesto in uu wax badan qaban doono.
Wuxuu sheegay Shariif Xasan Sheekh Adan in loo baahanyahay in laga shaqeeyo cadaalada isla markaana jadii uu guuleesto uu wax badan ka qaban doono cadaalad darida.
Shariif Xasan ayaa ku cel celiyay hadii aan cadaalad lahelin inaan laheli karin nabad, wuxuu balan qaaday inuu ka shaqeynayo cadaalada iyo isku duubnaanta umadda Soomaaliyeed.
Wuxuu tilmaamay in dalka uu u baahan yahay isbedel inuu ka dhaco si loo gaaro nabada iyo horumarkana la doonayo in laga shaqeeyo cadaaladda, wadana iyo dadka intaba.
Shariif Xasan ayaa shalay ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya, taasi oo ka dhigaysa in dhamaanba madaxda dowlada ay yihiin musharixiin.
20-bishs Agoosto ayaa waxaa lagu balansanyahay in la qabto doorasho madaxweynenimo, waxaana tartankaasi isku diyaarinaya Musharixiin farabadan kuwaasi oo ay ku jiraan aqoonyahano iyo rag magic ku leh Bulshada.
Halkan Hoose ka Daawo Musharax Shriif oo ka doodaya Iskuxirista Shahaadooyinka
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho











[...] View original post here: Shariif Xasan Sheekh Adan Oo Sheegay Hadii Uu Madaxweyne Noqdo Inuu ka Shaqaynayo Cadaalada [...]
war meesha kasaara meexun ale gee shaydaan tuuga oo indha adag amxaar aan nixin oo beenaale ah wuxuukuleeyahay cadaalad wuxuuna caawa lamurmayey gudiga sooxulida baarlamaanka oo waydiiyey aqoonsiga wax barasho ee kuxiran inaad noqoto xubin baarlamaan kulahaa shahaadadu suuqa aan kasooqaadaa? ilaahbaan IDINKUDHAARSHEE MIYAAN KUDANBAABAY RUUXAN BAL EEGA HOOGA SOOMAALI SOMALI HAYSTA SUBXAANA LAAH
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk calaadadba mayaqaan micnaheede madaxwaynaad tiriye walaahi baadan maqaaxi xitaa laguu aamini karin waxaad tahay waa la yaqaan dawarsi iyo baryo ayaad taqaanaa iyo diyaarad hadba meel loo raaco, magacaa ba,
Sharif sakiin, Somali ku aminaysa, danbe, ma , jirto,ee raadso, meesha, aad, ku dhuumanlahayd, aduunka, waxaa, xaqiiqa, ah in aad, mar un cadaalad, lagu, horkeeno, laguguna, qaado, denbigii, aad umada, kagashay,
Ma ninkaan baa cadaalad sameenaya????
Wasiir Xoosh bal sida uu ula hadlayo ila daawada bro.
http://www.youtube.com/watch?v=6JYGssB_C5w&feature=share
Shacabka Somaliyed waxaan uga digeynaa ineysan doranin Madaxda TFGda guud ahaan , gaar ahaan XARIIF SAKIIN maxaa yeeley wey ogsoon yihiin waxa ay yihiin iyo danaha ay ka leeyihiin Dawladnimada iyo Maqaamka Siyaasadeed.
Waxaa kaloo jira Xadiith saxiix ah ee uu Rasuulkeyna SSCWS ku yiri ” MU’MINKA IN LABA JEER HAL GOD LAGA QANIINO WAA REEBAN TAHAY” taasoo micnaheedu yahay waa inaan ka taxaddarnaa MUNKARKA iyo kuwa wada , waana nagu waajib inaan la dagallanno sida nalagu farey diinteyna.
Haddaba XARIIF SAKIIN waa nin ku sifoobey DANEYSTENIMO oo aan dan ka lahyn Dal , dad iyo deegaanba, taariikhda ayaa in a bartey shakhsigaan oo ku aad iyo ugu takhassusey XATOOYADA, FITNADA, IYO MUNKARKA kuwaasoo iska dhaafee Somalida xittaa Gaalada iyo Islaamka Caalamka jooga ka yaabisey.
XARIIF XASSAN waa ruuxii ay ka shaqeyn waayeen Dawladihii uu isaga ka ahaa Guddomiyaha Baarlamaanka , Wasiirka Maaliyadda had iyo jeerna abaabuli jirey isku dirkooda, kala geyn tooda si uu uga faa’iideysto dhexdooda, una ahaado Ruuxii aamusnaanta badnaa oo sakiintana hoos ku haystey, kooxdii u timaadana gacmaha ka dhunkan jirey kuna oran jirey Idinkaa Jid leh oo waa idin taageersanahay , sidaasna uu ku soo gaarey ilaa iyo Xilligaan.
Waxaa kaloo intyaas u dheer inuu soo magacawdey, gacan ku rimisna ku soo sameystey Dhaqan Bug ah ee uu ku magacaabey Dhaqanka Digil iyo Mirifle iyo Koox uu wato oo ku magacawdey Guddiyada Xalinta Khilaafaadka iyo kan Farsamadaba oo kulligooda uu ku keensadey Musuq maasuq, Laaluush iyo Qabiil sida ninka la Guddoomiyaha u ah Guddiga Farsamada Mr Xiireey oo ay Qaraabo yihiin una joogo si uu Xariifka ugu soo xulo Cidda dooran lahayd.
Somalidu waa iney ogaataa in XARIIFKANI iyo inta uu wato ay yihiin Dhurwaa ama Waraabe mana daynayaan iney Hilib cunaan , rabaayadna ma galaan, haddii ay ku soo noqdaan Madaxtinimada Dalka , waxey sii kordhin doonaan XATOOYADA, siina xaalufin doonaan kheyraadka yar ee ku harsan Dalka iyagoo sii iibsan doono Badda Somaloiyed inta ka harsan maxaa yeeley waan ognahay Jaziiradaha hadda ay Kenya kaa baareyso batroolka inuu XARIIF XASSAN ahaa ninkii qorshahaas soo dhameeyey , kana saxiixey SHARIIF AF GADUUD, CABDI SHAKUUR IYO IBBI.
Ugu dambeyntii XARIIF XASSAN waa eedeysane lagu soo eedeeyey Xatooyo Hanti Qaran oo ay Kooxda daba galka UNka si cad u soo caddeyeen Jeegagii uu Xadey iyo Xisaabaha uu ku shubtey , eedeyntaas oo weli taagan miyaad rabtaan inaad doorataan XARIIF XASSAN ? KKKKKK Haddii ay taas idinka suurtowdo WALLAAHI BILLAAHI WAXAAD NOQONEYSAAN MUNAAFAQIIN oo ka furtey ILAAHEEY iyo DIINTA ISLAAMKABA, idinkoo ogsoon in MUNAAFAQA uu galaayo qeybra ugu hooseeyso ee NAARTA , Allaha naga bad baaditee, Somaliyey indhahiina wax ku arka, dhegahiinana wax ku maqla.DULMIGANA SI TOOS AH ULA DAGAALLAMA.
Looool. Waa wax. Lagu qoslo shariiif sakiin baa cadaalad u adeegaya. Waxaan aad uga naxaa. War bixintii laga soo saaray iyo xiliga. Ay qaateen lacaqta lagu eedeeyay. Oo ahaa xili abaaro iyo ma caluul ay haysatay shacabka soomaaliyeed. Runtii xiligaad dad baa ilmahoodii cunay gaajo darteed. Qarkalana ayagoo arkaaya bay katagen ilmahoodii gaajo darteed oooh aad baan uga naxaa markaan soo xasuusto.kuwa manatay u o lalaynaya inuu madax noqdo runtii nabsi baygalayaan laakiin maoga ama caqli baysan lahay.ilaaahoow qof daacad ah madax nooga dhig aamiin
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk…………………………ramadaan ayaa lagu jiraa………….beentana ……..
kkkkkk Haddii indho adeeg bilad lagu qaadayo Shariif Sakiin ayaa ku guulaysan lahaa.
war ninku miyuusan fayowbeen, Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Dawaco meesha ay macal uga baratay ayay macaluul ugu baqtidaa”
Ninkani wuxuu ku caajisay kursiga gudoomiyaha Baarlamaanka, markaas ayuu ku fakaray in uu Madaxweene noqdo. Walaahi waa maalinkii Somaliya la iska iloobi lahaa maalinka ninkaasi dowladda ka soo dhex muuqdo mar danbe, iska daa madaxweene e xataa xubin Baarlamaan xaq uma laha, waayo shuruudihiiba ma buuxin.
Bal fiiriya Video kore, waxaa kale oo laga hayaa Video kale oo uu ku cadeenayo in uusan dugsi sare iyo mid dhexe ka bixin. Marka sidee ninka aan Shahaado dugsi sare haysan uu isugu sharixi karaa Madaxwayneninmo oo la isaga baahanyahay Shahaado Jaamacadeed???
waxaa asaga ka daran kuwa wali daba socda, shalay xafladda uu iska sharaxay waa la buuxay… oo dad badan oo la garanayo ayaa inta soo istaagay umadda horteeda yiri ” waxaan aaminsanahay in Shariif Sakiin wadanka hogaamiyo” .. maxaa iimaan laawe/damiir laawayaal meesha jooga.
Qolooyinka gudiyada sheeganaya iyo kooxda Mahiga oo maalin walba hanjabaada wada, bal waxaan sugaynaa meesha ay Shariif Sakiin uga soo haraan!!. Haddii Shariif Sakiin xubin Baarlamaan noqdo ama laga aqbalo in uu musharax madaxwayne noqdo .. meeshaas waxaa ka cad in ninkaan qole kale wadato oo film been ah naloo dhigayo.
Bal aan sugno halka ay ku danbayso.
Illaahay Waa ujeedaa falka uu kukacayo oo ah maatada uu xaqoodii cunayo kuna sii indhacadyahay kuwaasoo daadsan ceelasha ilaa qaxootiga dhadhaab
Shariif xasan cadaaladdiisu,waa mid isaga sugaysa in la horkeeno ummaddii ay halageen isaga iyo kuwo kale oo la mid ah,cadaaladeey xaal qaado,boobka dalku ma cadaaladbaa,qayaanada shacabku ma cadaaladbaa,jahawareerku shacabka ma cadaalad baa,Alloow sahal ammuuraha,!!!!!!!!!.
Waar waa maquustayaal,Alle ha noogu badalo kuwo ka khayr roon[[[Aamiin]].
War ILLAHAY yaa yaqaan oo qofkaas ummadda dhaafiya.War kaas iyo caddaalad way kala fof yahiino soomaali ha iska qabato.Sidaan qabo yaan wax dambe lagu aaminin.Anigu ma oranayo waxbuu dhacay laakiin waxaan nacay habka uu u dhaqmo.Bal fiiri hadda suu ninka wasiirkaa ul hadlayo.Ka waran hadduu Ina Xoosh afka ku dhufto waxaas saas u hadlaya.Kana xoog badan kana aqoon badan 100kiiba boqol.War waa Eelay la fasaxay.
Yaa muslimiin waa wakhti Ramadaan oo waliba aynuu joogno maalmihii u dambeeyey oo Nabigeenii Muxammad (scw) inagu yiri waa kuwa ugu fali badan Ramadaanka.Ramadaan iyo markaleba an dambiyada iska ilaalino Insha Alllaah.
War ninkaan uma qalmo in uu xataa laba neef raaco, saa xoola raacida karti ayeey u baahantahaye. Ninkaan kartina malahan, shahaado high school na ma heysto. Waxaa nasiib daro ah, in markii horeba Gudoomiya baarlamaan noqdo, iskaba daa Madaxweeyne Soomaliyeed oo uu hada soo haweeystay. Marka, soomaliyeey, silic ku noolaatoy, walaahi hadii aadnaan sida isku dhaamin, ninkaan jaahilka ah ee shariif sakiin iyo wax kasii liito, ayaa idin hogaamin. Umadna markii eey kuwa ugu jaahilsan, ugu liita hogaamiyaan, maxaad ka filan umadaas, waa in eey fashilmaan, dawaqmaan, meel eey u socdaan iyo meel eey kasocdaan eey fahmi waayaan. Inta xukunka ugu sareeysa rabta in eey qabtaan waxaan ka aheeyn dad yar maahanee intooda badan waa losers, oo intay shaqooyin kale waayeen, is dhahay, shaqada Madaxweeynaha wadankaan fashilmay ee Somaliya ayaa ka sahlan shaqooyinka caadiga ee dibadaha kuwaasoo shahaado high school iyo wax ka sareeyso la’isku xiro, lol, marka Madaxweeynaha Somaliya ayeey kuli wada rabaan, nijaas nijaas lagu soo koriyay waaye badankood.