Sheekh Shariif oo Maanta Safaaradda Ethiopia ee Muqdisho Booqday Kuna Saxiixay Buuga Tacsida ee Meles Senawi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Madaxweynaha dawlada xilkeedu dhamaaday ee Soomaaliya
Shariif Sheekh Axmed

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha dawlada xilkeedu dhamaaday ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah musharixiinta u taagan tartanka madaxtinimada dalka ayaa maanta booqday safaaradda Ethiopia ee magaalada Muqdisho isagoo mar labaad tacsi u diray raysul wasaarihii geeriyooday ee Ethiopia Senawi.

Sheekh Shariif oo ay wehlinayeen xubno ka mid ah shaqaalaha Villa Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dadka ololihiisa doorashada hogaanka u haya ayaa kulan la qaatay danjiraha Ethiopia u fadhiya Muqdisho C/casiis Aadan. Waxaana kulanka kadib Sheekh Shariif uu saxiixay buug loo furay tacsida Meles Senawi.

Markii uu saxiixay Sheekh Shariif buugga tacsida ee Senawi kadib ayaa hadal kooban oo uu siiyey warbaahinta wuxuu ku sheegay in dawlada Ethiopia ay ka codsanayaan inay adkeyso xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia.

Wuxuu ku tilmaamay Senaewi inuu ahaa nin saaxiib la ah Soomaalida gaar ahaan hogaamiyaasha siyaasadda uuna wax badan ka bedelay siyaasadda Ethiopia ee ku wajahan Soomaaliya.

Dhankiisa danjiraha Ethiopia u jooga Muqdisho C/casiis Aadan ayaa isaguna sheegay in maamulka ka dambeyn doona Senawi uu xiriir saaxiibtinimo uu la wadi doono Soomaaliya.

“Waxaa lagu socon doonaa jidkii uu jeexay Senawi. Ethiopia rag badan oo isagoo [Senawi] kale ah ayay leedahay” ayuu sii raaciyey danjiraha hadalkiisa.

Waa markii labaad oo isla toddobaad dhexdiisa uu Sheekh Shariif u tacsiyeeyo Raysul wasaaraha Ethiopia oo toddobaadkan bilawgiisa ku dhintay dibadda dalkiisa laguna aasay Ethiopia.

Meydka Madaxweynihii Dalka Itoobiya Meles Senawi

Inkastoo siyaasiyiinta Soomaalida ee xiriir la leh Ethiopia ay direen tacsida Senawi haddana waxaa arinta geerida Senawi ka aamusay siyaasiyiin fara badan oo Soomaali ah oo ay ku jiraan qaar ka mid ah musharixiinta ugu cad cad doorashada madaxtinimada Soomaaliya walow aan la ogeyn sababta.

Dhanka kale ururada xuquuqda aadanaha Ethiopia iyo kuwa saxaafadda ayaa si farxad leh yugu damaashaadaya bogaga Facebook, Twitter iyo LinkedIn iyagoo halkaasoo ku soo bandhigay dhibaatooyin iyo tacadiyo Senawi iyo maamulkiisa ku hayeen saxaafadda madaxa bannaan iyo ururada xuquuqda aadanaha. Waxaana fariimaha ay isweydaarsanayaan ka mid ahaa mid ay ku sheegayaan “inuu rawaxay aabihii gumaadka iyo dhiig daadinta geeska Afrika”.

Kaliya ma ahan dadka Ethiopianka, ee waxaa xitaa damaashaadkaasi ka qeybqgalay dad Soomaali ah oo qaarkood ka soo jeeda dhulka Soomaali Galbeed ee Ethiopia ay heysato oo ku kala nool adduunka daafihiisa kuwaasoo weli xusuusta awoowayaashooda iyo hooyooyinkooda ay laayeen ciidamada maamulka Senawi.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

5 Responses for “Sheekh Shariif oo Maanta Safaaradda Ethiopia ee Muqdisho Booqday Kuna Saxiixay Buuga Tacsida ee Meles Senawi”

  1. [...] Read this article: Sheekh Shariif oo Maanta Safaaradda Ethiopia ee Muqdisho Booqday Kuna Saxiixay Buuga Tacsida ee Mele… [...]

  2. wadani says:

    allow na furo. ma maanta ayaa loo tacsiyaynayaa ninkii cudurka iyo dhibaatada ku abuuray somaliya iyadoo wadaad la sheeganayo, kolay umaduna kumeel gaar ayay ka baxday malez ilaahna waa ina dhaafiya kuwa quranka ah oo virus yada iyo bacteriyada ayaa haray oo ah kuwa maamul goboleedyada ahlusuna iyo caadaqaatayaasha kale.
    horta waxaan la yaabanahy ilaah baa idinku dhaariayaye males zanawi ninka ogol in uu adoon u noqdo walaalkiis soomaliyeedna aan wax u ogoleyn sida war somalinimada aan ka shaqayno kolay nin yahaw maxaa quruntahay duf ku bax ee meesha somalidii raga lagu tirin jiray maanta waa xoolo soo hoyda waligoodna sidaan bay ahaanaysa ilaa kacdoon dhalinyaro uu meesha ka dhaco

  3. kani galbey ku kale mooye says:

    waxaa u tacsiyenayaa shariif sakiin sharif ahmed faroole silaanyo iyo gas geridii walalkood zenawi in ilaah iyagana aan ka daba reebi zenawi naarta kulul oo sugeyso insha allah…farxad iyo qeyr bash bashna ilaah ha siiyo agoontii iyo rajadii oo zenawi ka diley walidkoodi….somali ha noolato…ilaahna hanaga qabto musaveni insha allah…

  4. cadaani says:

    kuwa u tacsiyaynaya melez waxaan ilaahay idinkaga baryayaa inuu iskumeel idingeeyo yoomal qiyaame anagu utacsiyayn mayno gaalkaa cadawgaa ilaahay jahanama kugee ayaan ugu tacsiyaynaynaa

  5. [...] dawlada kumeelgaarka ee waqtigeedu dhamaaday ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dhowaan tacsi u diray Senawi ayaa xitaa qiray in Senawi uu ka soo qeybgali waayey shirkii madaxda Afrika taasinaay daliil u [...]

Leave a Reply