Shir dhinaca taleefoonka ah oo ay jaaliyadda Seattle qabanqaabisay iyo Musharax Cabdiweli oo kasoo qayb galay (Dhegeyso)
Jaaliyadda Reer Seattle ee Waddankaan Maraykanka ayaa qabanqaabisay isu imaatin ballaaran oo dhinaca taleefoonka ahaa, kaasoo looga gol lahaa soo dhawaynta musharaxnimada Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Ali Gaas oo isagu si rasmiya ugu dhawaaqay ka qayb galka hardanka madaxtinimo ee Dalka Soomaaliya oo muddo dhowr iyo toban bari-gudahood ah dhici doona.
Shirkaan oo ay qabanqaabadiisa lahayd Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Seattle, Washington State, ayaa waxaa kasoo qayb galay dad kun lagu qiyaasay oo qaarkood kasoo hadlayey gobolada kale ee Maraykanka, Waddamada Yurub iyo meelo Africa iyo Asia ka mida.
Shirkaan oo saacado badan socday ayaa waxaa soo qaban qaabiyey xubno ay ka mid ahaayeen Nuune diiriye Cabdulle, C/rixmaan Jaamac Warsame, Maxamed Xasan Kabo-jiiq, Maxamed Yuusuf Warsame Awdoon Bishaar C/risaaq Cabdi iyo Xubno kale.
Musharaxa jagada Madaxtinimada Soomaaliya, ahna Ra’iisalwasaaraha xilligaan, C/weli Cali Gaas iyo kuxigeenkiisa Ugaas Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ayaa kasoo qayb galay shirka, iyagoo hadallo kooban ka jeediyey islamarkaasna la waydiiyey su’aalo dhowr ah..
Hoos ka dhageyso Hadalkii Musharrax C/wali Cali, Hadalkii Ra’iisalwasaare ku xigeenka iyo sidoo kale kalmaddii soo dhawaynta ee uu C/rixmaan Warsame jaamac kusoo dhaweeyey Ra’iisawasaaraha.











[...] Originally posted here: Shir dhinaca taleefoonka ah oo ay jaaliyadda Seattle qabanqaabisay iyo Musharax Cabdiweli oo kasoo q… [...]
Wuxuu ahaan lahaaba cabdiweli waxa booskii
tartanka ka saaray markuu faroole
La lasxeexday wax
Been been ah oo Uu ogyahay,in aan waxba
Uga soconayn ,so cabdiweli passporka
UU sito waanu ka qaaday,SOOMAALIYANA
xildanbe kama qabanayo .he is. handy,u sheega,
Ku.Hubiye.
U tag oo ka qaado baasa boorka uu wato pro,Cabdiweli M.C.Gaas.Baasa boorkaa baad ka hadlaysaa waxuu suubin karaa adigoo soo taagan oo qoslaya in uu ku XARAASHO oo adan garanba waxa laga hadlayo.Waryaa adigoo an soomaali ahayn buu isagu soomaali aha.Isagaana ah soomaali run ah.Ma cid baad wax ka qaadi kartaa adigaaba tabcaanee.