Shirkadda Golis oo Qalabka Dabdamiska Gaarsiisey Dekedda Bosaaso[Sawirro]
Boosaaso[RBC Radio] Shirkadda isgaarsiinta ee Golis Talecom Soomaaliya ayaa qalabka dabdamiska “Fire extinguishers” gaarsiisey dekedda magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Qalabkaas ayey shirkaddu waxay ku wareejisay Aggaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Mudane C/Majiid Samanter. iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen madasha lagu wareejinayey qalabka qaar ka mid ah maamulka iyo shaqaaalaha dekedda Bosaaso iyo masuuliyiin ka socdey shirkadda Golis iyo weliba shakhsiyaad ka tirsan ganacsatada puntland.
Hoggaanka Xiriirka Dadweynaha ee Shirkadda Golis Talecom Mudane Faarax Xaaji Mire oo wareejiyey qalabkaas ayaa ugu horayn ka hadlay munaasabada waxaana uu sheegay in Shirkadda Golis ay qalabkaan ugu deeqday dekedda Bosaaso ka dib markii ayaragtay khataraha dab ee soo noqnoqday oo waxyeelo weyn u geysta gaadiidka iyo badeecadaha dekedda Bosaaso.
Hogaanku wuxuu sidoo kale sheegay in aysan ahayn markii ugu horaysey ee ay Shirkadda Golis gurmad kan oo kale ah ka geysato dekedda Bosaso iyadoo” tilaabadani ay ka tarjumayso sida shirkadda Golis ay ugu taagantahay waxtarka bulshada iyo ilaalinta hantida dadweynaha.
Waxaa gabagabadii munaasabadaas mahad celin iyo bogaadin u soo jeediyey hirkadda Golis Aggaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha Puntland C/Majiid Samanter Jaafaan oo sheegay in shirkadda Golis ay ka mid tahay shirkadaha sida wanaagsan uga qayb qaata arimaha bulshada,isla markaana waxtarkoodu uu yahay mid wax-ku-ool ah.
________________________
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso






















golis waa shirkad isgaarsiin oo aan u malaynayo inay tahay tan ugu baxaada wayn
markaan cinwaanka aqriyay waxaan u qaatay inay dhowr gaari uga qayb qaadanayso horumarinta bulshda
laakiin markaan arkay waxay bixisay waxay ila noqotay qosol… waayo waxaan u malaynayaa qalabka ay bixisay oo la dhihi karo waa wax aad u qiimo hooseeya oon u qalmin heerka ay shirkada ka jirto dhaqaalaha
puntland.
marka sida uu u shaqeeyo aduunka aad fiirsid shirkadaha isgaarsiinta waxay canshuur u bixiyaan ku dhawaad 25% hadana waxay ka qaybqaataan arimaha horumarinta bulshada oo malayiin ku bixiyaan sida caafimaadka cayaaraha iyo kuliyado ay iyagu maalgaliyaan iwm, haday wadamo muslim yahiina waxaa u dheer sakadii ooy ku daran 2.5% . marka ay xisaab xirka sanadkii sameeyaana shirkadaha soomaalida waxa uu bangiga aduunka ku qiyaasa midiiba ( waa kuwa ugu waaweyne) 40milyan oo doolar oo safka hore ugu jirto shirkadan golis , marka dadwaynoow maxaad ka oran lahaydeen bandhiga golis ee weydka ama caatada ah ///////
Yusuf Jaama waxuu bidhaamiyay waxay Golis la soo shir tagtay iyo waxa mujtmac ay ka faa’iido ,iydoo dib ugu celisay waxii ugu liitay oo aan laga filayn waxaase ka liita kuwa ka qaatay ee maamula dekeda wayn ee Boosaaso .
Waa isha dhaqaalha puntland ,,dekada maamulkeedu waxay awoodi waayeen waxa 1000 dollar kayar inay ku bixiyaan hama yar yar ee dabka lagu demiyo, iskadaa inay u gadaan halgaari oo dab demisee
dakhliga ka soo xerooda waxaa lagu qiyaasaa sanndakii bqolaal milay oo dollarka maraykanka halka gaari iyo doon dab demisa ay kaga bixilhayd dhwar kun oo dollar .ceeb kam xishoodaan ganacsatada dhiig miiradka ah ee malaayiinta ka hela mujtamac.sidoo kale maaulka aan lahayn hanka ee keenta u yaqaan.
Assalamu Calaykum walaalaha muslimiinta ah, su’al yar aan weydiiyo ragga dhaliilaya Golis idinka maxaad u qabateen Dalka ? middaas waa iga su’aal, midda labaad Golis waxqabadkeeda kuma eka haamaha dabdamiska oo qura, hadii aan wax idinkaga sheego illeen waxma ogidine ama waad iska indha tireysaan. 1. Road Safety Project…waa mashruuci calaamadeenta laamiga from Bosaso to Galkacyo sido kale Garowe to Laascaanood maalgelinta Golis Telecom keliya 2.ka qeyb qaadashada mashruuci Furidda iyo hagaajinta wadada LafaGoray ee RaasCaseyr Badda Hindiya 3. ka qeyb qaadashada Dhismaha cusub ee Bosaso General Hospital 4. Talaagadda Meydka ee Bosaso General Hospital maalgelinta Golis Telecom keliya 5. ka qeyb qaadasha masiibooyinka dabiiciga ah sida (abaaraha,daadadka,iwm) ka qeyb qaadashada arimaha bulshada sida (waxbarashada..Tartan aqooneedyada ka socda idaacadaha iyo TV-yada Puntland sanad kasta bisha barakeysan inta badan hadeysn kulli aheyn– waxey Golis dhiirigelisa ardayda ka qalanjebisa heerarka waxbarasho noocyadiisa kala duwan..min dugsi hoose illaa heer jaamacadeed waxbarashada diiniga ah iyo macaahida sare-na qeyb libaax ah ayee ka qaadata sida PIDAM oo kale..dhismahooda wey ka qeyb qaadata) (caafimaadka..barnaamijyada wacyi gelinta caafimaadka iyo daaweynta iyo baaritaano bilaasha ah ayee bixisa oo ay kala qeyb qaadato ardayda caafimaadka barata iyo xarumahooda wax barasho) lama soo koobi karo waxtarka ay bulshada u leeyihiin…Mahadsanidin
Cid kasta oo wax qabata waa ku mahadsan tahay lakiin shirkad sida golis oo kale ah waxqabadka loga fadhiya kuwa ay mujisay ee waa mid kaweyn manta cid puntland dhaqalaha ay kasameyso kasameysa majirto dhaqalahas 5% hadey ku celiso arimaha bulshada & kabayasha dhaqalaha waxay ahan laheyd cida kaliya ee puntland wax qabatey mamul&ganacsatoba mudada aad jirtan & wax qabadkiinu isma laha ee 0 ayu dhama wax qabadkiinu wax u qabta sidii campany weyn oo deganka & dadkuba xaq kuleyihiin waxad qabatan aya adun&aakhiraba idin anfacaya marka walalayal ugudba wax kaqabashada arimaha bulshada & kabayasha dhaqalaha dekada bosaso dhaqalaha kasoo xaroda hadii sanadkii 1% ayada lagaliyo 4%kiibana lagaliyo arimaha bulshada & kabayasha dhaqalaha puntland waxay ahan laheyd astan&iftiin somali ku dayato nasiib daro mahelin mamul&dad dacad u ah dalkooda & dadkooda bal boqda mamulka somaliland &kabayasha dhaqle u heysto & waxqabadka muqda ee u kasameyey inta u u taliyo (Ayaan Daraney Puntland Dhul & Shacab waan ku ilmeyn) Allow Daruur Cafimad Allow Dayrtan Dajiyoo Dadkan Bahalobey DadkaKudar Oo Dambinkooda Deganka&Dadkaba Kasaroo Dabeyl Dib No Celisa Naso Mari
N,b Puntland Dadkedey Sugeysa Waa Mahadsan Tihiin.