Sidee Wax Uga Dheceen Galabta Hoolka Gen Kaahiye ee Ansixinta Dastuurka Maxaase Kala Qabsaday Mahiga iyo Madaxda DKMG (Faahfaahin+Sawiro)
Muqdisho (RBC) Iyadoo galabta hoolka xarunta Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho lagu qabtay xafladii gabagabeynta shirkii ansixinta dastuurka ee mudada sagaalka maalmood ka socday magaalada Muqdisho ayaa markaliya khudbadihii laga jeedinayey isu bedeleen weerar iyo weerar celis ah ay isu direen wakiilka Qaramada Midoobay Augustine Mahiga iyo madaxda DKMG ah ee shirka joogtay.
Markii shirku furmay ayaa khudbadihii ugu horeeyay waxaa jeediyey wasiirka dastuurka, wasiirka maaliyada, wasiirka xiriirka caalamiga iyo wasiirada haweenka iyo xubno ka mid ah guddigii qabanqaabashada shirka ansixinta dastuurka. Waxayna dhamaantood diirada saareen hawshii dheereyd ee loo maray meelmarinta dastuurkan qabyada ah ee shalay ergooyinka 621 ku ansixiyeen magaalada Muqdisho.
Dhamaadkii khudbada intaan la gaarin ayaa markale hoolka isu bedelay sawaxan, waxaana gebi ahaanba la joojiyey sacabkii iyo mashxaradii ay haweenku ku qeylinayeen khudbadihii hore intii ay socdeen kadib markii Mahiga oo mikrafoonka lagu soo dhoweeyay uu bilaabay inuu toos u weeraro digniina u jeediyo madaxda ugu sareysa DKMG ah oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Shariif.
“Waxaan soo gaarnay meel xasaasi ah isla markaana muhim ah, hadda waxaa lagu guda jiraa xulista baarlamaanka cusub oo dooran doona madaxweyne cusub, laakiin waxaan ka walaacsanahay in qaar madaxda DKMG ah ay faragelin ku hayaan xulista baarlamaanka oo ay rabaan inay iyaga keenaan xubno baarlamaanka oo iyaga taageera” ayuu yiri Mahiga.
Ma jirin qof kaliya oo u sacabtumay markii uu Mahiga ereyada culus bilaabay inuu ku tuuro masuuliyiinta DKMG oo isgarab fadhiyey kuraas madmadow oo la dhigay bartamaha hoolka shirku ka socday.
“Waxaan ka digeynaa kuwo raba inay carqaladeeyaan dhamaadka hawlaha geedi socodka nabada ee Soomaaliya, taasoo beesha caalamka ay ku bixisay waqti iyo dhaqaale fara badan” ayuu hadalkiisa ku sii daray Mahiga oo hadalkiisa af Soomaali lagu tarjumayey.
Markii uu qadar dhan shan daqiiqo khudbeeyay Mahiga isla markaana aysan jirin cid u sacabtuntay hoolkiina uu yuus iyo gunuunac hoose ka bilawday, ayaa wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh si deg deg ah ku yimid halkii uu ka hadlayey Mahioga wuxuuna dhegta ugu sheegay inuu hadalka soo gaabiyo. Daqiiqad kadibna Augustine Mahiga waxa uu ka soo degay masrixii uu ka khudbeynayey isagoo si toos ah albaabka uga baxay.
Bixitaankiisa deg dega ayaa kaduwanaa kii hore oo markii uu soo galo iyo marka uu baxayo uu salaan gacanqaadi jiray masuuliyiinta DKMG ah ee gobta fadhida taasoo galabta uusan sameynin Mahiga. Isla casarkiina wuxuu Mahiga raacay diyaarad u qaaday Nairobi.
Sarkaal ka tirsan xafiiska UNPOS oo madasha joogay ayaa wariyaha Raxanreeb u sheegay in Majiga uusan la dhicin qaabka ay maanta wax uga dheceen hoolka shirarka ee Gen Kaahiye, hase yeeshee uu lahaa safar deg deg ah sidaasi darteedna uu uga baxay shirka.
Shariif muxuu ku jawaabay
Madaxweyne Shariif oo gabagabadii xaflada soo istaagay aya isaguna markiisa u jawaabay Wakiilka Qaramada Midoobay Mahiga oo uu ku tilmaamay nin wax aan loo baahneyn ku hadaaqay.
“Saaxiibkeen Mahiga hadduu isleeyahay waxbaa khaldan inuu annaga noo sheegay ahaydee mahayn inuu iclaamka [saxaafada] horteeda iyo dadweynaha kaga dhawaaqo” ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo nasiib darro ku tilmaamay in UNPOS ay hadda ka dheereyneyso doorkii ay ku lahayd arimaha Soomaaliya.
Shariif Xasan iyo Raysul wasaare Gaas iyagu ma aysan soo hadalqaadin khudbadii Mahiga.
Galabta casardhicii waxa iyagunaMuqdisho ka dhoofay Labada Shariif oo wada raacay hal diyaarad oo u qaaday magaalada Nairobi, waxaana berito kadaba tegi doona raysul wasaare Gaas si ay ula wada kulmaan xoghaye Hillary Clinton oo Nairobi soo gaartay.
Kala iibsiga kuraasta baarlamaanka
Arintan waxay ku soo beegmeysaa xilli si weyn magaalada Muqdisho ay uga socoto kala iibsiga kuraasta baarlamaanka oo halkii kursi uu haatan marayo lacag u dhexeysa $15,000 illaa $20,000. Waxaa wararku sheegayaan in Labada Shariif ay heleen tirada xildhibaanada ugu badan ee baarlamaanka kuwaasoo odayaal dhaqameedka qabiilada ay ka iibsadeen.
Walaaca ugu weyn ee hadda la qabo ayaa ah in baarlamaanka cusub uusan noqon doonin mid ka duwan kii horey loo burburiyey, Waxaana walaacan sheegaya wadamada deeqbixiyaasha oo Mareykanka ugu horeeyo kuwaasoo bilaabay inay shuruud ku xiraan taageerada dawlada cusub.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














Labadda xaniinya laawe (shariif sakiin iyo Gaas) waxaan ku dhihi lahaa dufku baxa duli iyo damiinimo maxaa kuwaas iskugu duubay, shariif afgaduudna waxaan ku dhihi lahaa madaxweynahaaga Dr. Mahiga qalaydu uma roonee ha ku qaylinin.
Qowlaysatadii waxay ka bixi waayeen maa naloo ceeb qariyo, laakiinse maxaa la sameeyaa arrintii haddii ay gudo qarsi dhaaftay oo iska badatay?
kkkkkkkkkkkk bishii malabka ee arooskii macaanaa wuu dhamaaday waayo mahiga deeq bixiyaasho waxay ka raban waxya ku qancaan meesha looma rabo ragga hada jooga markaasu asna rabaa in uu oola hadlo si ay ku tagaan ceeb olaaban majirto ayagoo madax sheegqanaya in ay gataan dadkii soo dooran lahaa taasi waxay moojinaysaaina ysan haysan wax akhlaaq iyo diin midkoodna
Mahiga waxaan qabaa inuu ka daacad San yahay dhamaan Madax ku sheega Soomalia Waa 3 daba 2 shariif & gaas, Waxa qolka kujira kuligood waxay u gadan yihiin iyaga waa 3 daase, SoomLiyeey aan iska deyno Nin jecleysiga Gaas dad baan u xigaa hadana shaqsi iyo wadanka kee baa weyn ? Aan iska deyno Qabyaalada waa waxa Wadan keenii Halkaas dhigay, Mahiga waxuu fah may Tuuga nimada Madax ku sheega wadanka, Hadii mar kale naloo sooceliyo Parlamaan ku sheegii hore oo kale madaxweyne Noocee ah beey noo keenyaan ? Waxaan u baahanahay liidher fiican oo ilaahey & Maalinta qiyaame kabaqa Dadkiisana ku maamula daacad nimo, 20 sano waa kaharnay Caalamka mise waxaan rabnaa wadanka in lakala googooyo ? Soomaliyeey waa bil ramadaane Ee qof walboow madaxa kor u qaad geeshaagana fiiri una hiili qofka fiican Reerkuu rabo haka Dhashee Waan qabaa inaan fiirino Samatar waa ra yigeeyga , Viva Puntland & Soomaalia
Kkkkkkkkkkk
adeer albabka nooga sooxira galka galku dhalay dannooma wadee
walle shariif koofi dheere waa galbaday ha is ceebayn iska daa murashax nimad sakiin asagu waa caqli miiran markii arko xaaladu meeshay marayso isma sharaxayo shariif laakiin is maqiiq nimo ayuu wadaa ina gaas asaguna waxaa fiican in uu saaxiibkiisii keenay meesha kursigana ku fariisiyay ayaa murashax ahe ha taageero oo tafaraaruqa iyo kala socodka hadaayo
sida ay umidoobeen 8 da murashax ee muqdiso ku midoobay samar iyo c/ shukuur midnimo ayaa wax lugu helaa
ninkaasi runbuu ka hadlay tuugada madaxda isku sheegaysana geed baa lagu xirayaa.
Wan idin salamay dhamantin walalkey wata magaca puntland talada wanag san iyo fikirkisu wa mid sax ah somali hadaynu nahayna isago kale wey nagu yar yihin tnxs bartha somalay cidna qabiil haku tagirina somalay runta shega wa wada raysa nayna by dhaman
[...] Halkan Riix si aad qoraalka cinwaankiisu kor ku qoran yahay aad uga bogoto. [...]
Madaxweynaha Soomaliya Dr. Mahiga……iyo Eedo hilary Clinton……..,,,,,,,,,raggaan qashinka ayaa lagu darayaa…………maalinta beri ah…ayaa la u sheegayaaa…………..lacagta aad xadaan Eedo hilary ayaa leh……………..
ASC, maanta maanta maanta waa maalin weyne maanta, anoo ku mahadinaa waxaa i soo xasuusiyay erayadaa iyo kuwo kaloo badan oo somalinimo leh, puntland boy. Inti aan ra’yiga dhalinyarada aqrinay ma arag maanta mid iiga fiican saa meeshi cayda waxaa galay talo keen & hanuuniye.WBL-TOWFIIQ.
Mahiga daacad ah kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk, Puntlan boy raali gelin ka bixi waa ramadaan, madaxdii Somaaliyeed inaad eedaysid Mahigana amaantid.
KA WARAMA hadaan HIIL QARAN iska TAAGEERNO maxaa yeeley waxaa MUSHARAX u ah NIN AQOON LEH, IYO SOMALINIMO, waana 2 da SHEY ee ka DHIMAN dhamaan RAGA doonaya iney ISU SHARAXAAN MADAXNIMADA DALKA
Puntland Boy: waad fiicnayd markii hore oo qoraalkaagu wuxuu ka tarjumayey wadaniyad dhab ah, waayo waxaad tilmaantay in maanta loo baahan yahay in wadanka daacad loo noqdo nin jeclaysigana layska daayo, haddana waxaad ku khatintay , SAMATAR. !!!!!
Weey noo dhamaatay…waa laba daran mid doore….mahiga oo shisheeye ah ama 3da gabdhood uu qabo(2 Sharif&gas)
ASC, HIIL QARAN. WBL-TUWFIIQ.
Mahiga sidii loogu sacab tumi jiray looguma tumin, iyo Shariif ayaa u jawaabay. guul ka weeyn oo aad raadin laheeydeen Soomaaliyeed iima muuqato. ee maseerka intaan iska deeysaan Madaxweeyne waa heeysanaa waana shariife ee ha la taageero, ama af gaduud dheh ama gus gaduud dheh
hhhhhhhhh waryee waxaan leeyahay Mahiga waa Runtii laakin waa beenaale waa shaydaankii abuu hurayra oo kale waxba yaan la is wareerin ;;;;;danbe majiri doonto ee lacagaha ha iska qasaarin cid idin doonayso majirto Abihiina mahiga hadii sidaas uu leeyahay maxaa haray?
MAHIIGA
SHARIIF
IS ARKE
KEEHARIN
YAKULE
KOWMAJOOGTEEH KEEBKA UHAY
Afguduud ma jawaabine sidii gabar la kufsadaybuu u hadlay. Ha la i qariyo ku lahaa. Waxay noqon laheydba, it’s too late to respond! Bararafka Mahiga ah dantii uu lahaa wuu gaaray waqtigii la badali lahaana wuu joogaa. Wax kastoo uu Afguduud yiraahdo, Bararafka xagiisa waxay ka tahay, ” Habar aad dhabaysid dharbaaxadeedu wax kaama tarto”. Laakiin malaayiinta Somalida ah, Afguduud labo shaqsi kaliya un buu xaga Ahbalnimada ka yara sokeeysaa;
Miyaad qiyaasi kartaa labadaas Axmaq? Ishaad ka tuurtay hadii aad tiri, Fuurrax Gaas iyo Sakiin Aadan. Waa labo dulli oo aan dantooda iyo dan dadkale midna aqoon. Labaduba waa jaahiliin murakab ah, waxba yuusan calalka qoorta ugu xiran idin sirin. Afguduudkaad aragteen ee xoolaha ah dadka uu dhaamo soo kuwo bakhtiyay oo aad u liita ma ahan? Aleylehe inay yihiin. Dullinimo sadexdaasay harsatay.
Jj
Kkkkkk, war mesha dagaal ayaa ka dhacay, lkn , waxaan qabaa anigu mahiiga shalay maradii baa kadhacday wana ku farxay, tankale Gaas iyo sh.sakin waa laba fuley , wadnaha wax laydin dhig daba dhilifkiiyow , lkn af casaaa kusoo caan baxay ! Wale waa wiil haduu reaction ka sameyay hadalki mahiga fool xumo
[...] Arimahan waxaa ka walaacsan deeqbixiyaasha iyo Qaramada Midoobay oo sheegaya in shuruudo adag ay hor yaalaan doorashada soo socota, waxaana walaacaasi ugu weyn kii uu Wakiilka Qaramada Midoobay Augustine Mahiga shalay sida bareerka ah uga sheegay xafladii xiritaanka shirkii ansixinta dastuurka. Akhri walaaca Danjire Mahiga [...]
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk