Sidiik Warfaa oo Raxanreeb Wareysi Gaar ah La Yeelatay Kana Hadlay
Minneapolis (RBC) Waxaa Shabakada Raxanreeb u suurtagashay inay wareysi markii ugu horeysay ay la yeelato Sidik Warfa oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo u tartamay kal hore doorashooyin labada aqal ee gobolka Minnesota ee wadanka Mareykanka.
Sidik Warfa ayaa sheegay in sababta uu Siyaasada uu ugu soo biiray ay tahay kadib markii uu arkay dhibaatooyinka joogtada noqday eek u dhacaya jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Mareykanka, kuwaasoo aan heysan masuuliyiin u dooda xuquuqdooda.
Arimaha ugu waaweyn ee Sidik Warfa uu soo qaatay waxaa ka mid ah dhibaatadii dhowaan soo foodsaartay shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida oo culeys uu ka soo wajahay bangiyada waaweyn ee dalka Mareykanka kadib markii bishii Disembar ee sanadkii tagay ay bangiyada diideen inay la macaamilaan shirkadaha xawaalada ee dadka Soomaaliyeed lacagaha ay u marsiiyaan eheladooda.
Sidik Warfa wuxuu wareysigan ay la yeelatay Raxanreeb ku sheegay in isaga iyo masuuliyiinta xawaaladaha ay tageen magaalada Washington halkaasina ay aqalka congress-ka Mareykanka uga hor marqaati keceen in xawaaladaha Soomaalida ay ahmiyad weyn u leeyihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.
Carruurta la qaato
Musharaxa Sidik Warfa wuxuu kaloo soo hadalqaaday in sidoo kale xal ay u baahan tahay dhibaato weyn oo beryahan dambe soo wajahday waalidiinta Soomaaliyeed eek u nool Mareykanka kuwaasoo illaa labaatameeyo qoys carruur ay dhaleen loo kaxaystay dagaalada ka sovcda Soomaaliya halkaasna qaarkood ay ku dhinteen qaarna weli la la’ yahay halkan dhanka kalana ay dhibaato ka soo wajahday waalidiinta booliska Mareykanka oo raadraac ku haya falalkaasi.
Mudane Sidik Warfa wuxuu cadeeyay in Dadka Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Mareykanka ay yihiin dad tiro badan hase yeeshee ay u baahan yihiin cid masuul ah oo dawlada ku jirta oo dhibaatooyinkooda ay kala xiriiraan taasina ay isaga ku kaliftay inuu xilka doorshada golaha deegaanka isu soo taago.
Ugu dambeyntii Sidik Warfa wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay noqdaan dad yaqaana xuquuqdooda iyo waxa laga rabo isla markaana aysan hilmaamin wadankooda, gaar ahaan dhalinyarada inay ogaadaan indalkoodii Soomaaliya uu iyaga u baahan yahay.
RBC Radio
Minneapolis
Tell (612) 615-9556












maanshaa alaah mudane sadiiq wuu dadaalay ilaahay halagarabgalo mudane dadaalka meeshaa kasiiwad soomaalidana waxaan leeyahay ladadaala mudanaha lana shaqeeya wuxuu idiin soo jeediyana qaata waa mahadsantihiin