Somaliland oo soo dhawaysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya, digniinna u dirtay Xukuumadda KMG-ka ah


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya oo shalay Ergooyinka Muqdisho shirka Dastuurku uga socday aqlabiyad ku meel-mariyeen, waxaanay Somaliland sheegtay inay si farxad leh u soo dhawaynayso hirgelinta Dastuurka iyo dhismaha Qaranka Soomaaliyeed ee lagu hawlan yahay.

Hase-yeeshee, Ergooyin tagay magaalooyinka Maamulka Somaliland oo ka qaybgalay shirka Ansixinta Dastuurka iyo doorashada Baarlamanka cusub ee Soomaaliya ee Muqdisho ka socda, waxaanay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaantay faro-gelin qaawan oo toos ah oo ay Soomaaliya ku hayso Somaliland. Taasoo ay xukuumaddu sheegtay inay keeni karto amni-darro soo food-saarta Geeska Afrika.

“Marka ugu horreysa aad-baanu ugu faraxsan nahay hawlaha qaran dhiska ah ee ka socda Soomaaliya iyo shuruucda iyo hay’addaha Qaranka ay Soomaaliya ku samaynayso, sidii nabadgeliyadeeda, dalkeeda iyo ummaddeeda u aslaaxiso, waayo? In badan Soomaliya waxaa ka tagnayd amni-darro, Xukuumad la’aan iyo kala dambayn la’aan.” Sidaa waxa yiri Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo galabta u warramay Laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, oo ka hadlaya faro-gelinta uu sheegay inay Soomaaliya ku hayso waxaa uu yiri; “Hase-yeeshee, waxa kale oo noo muuqata arrimo aannu u arkayno faro-gelin halkan (Somaliland), tusaale ahaan waxaannu maqlaynay Ergooyin ka socda magaalooyin iyo degmooyin ka mid ah Somaliland oo ay Soomaaliya sheeganayso inay ka qaybgaleen shirka ka socda Muqdisho, arrimaha  xadka iyo goboladda ee distuurkan Soomaaliya loo samaynayaa sheeganayo.”

“Waxaannu u aragnaa arrimahaa faro-gelin toos ku ah Somaliland, waxaannu Soomaaliya ugu baaqaynaa beesha caalamkan aannu u sheegaynaa in arrintaa la joojiyo, waayo? Waxay keeni karta caqabad hor leh iyo amni-xumo hor leh oo ka dhacda Geeska Afrika.” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda maamulka Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi.

Waxa uu sheegay Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar inay Somaliland iyo Soomaaliya sii wadayaan wadahadalka bishii June ee sannadkan u bilaabmay, isla markaana dawladda cusub ee Soomaaliya yeelato sii amba-qaadi doonto wadahadalka dhinaca Soomaaliya, haddii ay Xukuumadda Madaxweyne Sheekh Shariif soo noqotana uu halkaa ka sii socon doono.

“Hase-yeeshee wixii wadahadaladda ka badan ee hadal ah ama sheegasho ah oo haddii ay tahay goboladda Somaliland iyo haddii ay tahay xubno la sheegayo ergooyin intaba waxay u muuqadan faro-gelin,faro-gelintuna waxay keenta colaad hor leh. Annagu waxaannu nahay dal jaar-wanaagga ilaaliya nabadgeliyo kula nool waddamadda geeska, waxaannu jeclnahay inay Soomaaliya arrintaa aad iyo aad u ilaaliso.” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdillaahi.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi mar uu ka hadlayey Ergooyinka dhinaca Somaliland ka tagay ee ka qaybgalay shirka Dastuurka iyo doorashada Baarlamanka ee ka socda Caasimadda Muqdisho, waxa uu yiri; “Ergooyinka la sheegayo inay ka soo jeedan meelo ka mid ah Somaliland ee ka qaybgalay shirkaas waxaannu xusuusinaynaa inay Somaliland leedahay sharci aan u oggolaanaynin in dad Somaliland u dhashay si sharciga ka baxsan u metalaan shacabkan iyo Somaliland, shircigaas oo lagu qaadi doono cidda ay ku caddaato arrintaasi.”

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee ay Xukuumadda Somaliland, soo dhawayso ansixinta Dastuurka cusub ee dalka Soomaaliya yeelanayo iyo shirarka lagu dhisayo Qaran Soomaaliyeed iyo soo celinta amniga guud ahaanba dalka Somaliland.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

 

Share

20 Responses for “Somaliland oo soo dhawaysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya, digniinna u dirtay Xukuumadda KMG-ka ah”

  1. zack-london says:

    Maxamed Cabdillaahi Cumar…………………….warka iska daaa…………beesha caalamkana way ka daaleen calaalkiina………….waxaa ni leeyahey……….marndhowna Gumeysi…ayaad galeysaan………..

  2. [...] Somaliland oo soo dhawaysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya …Hargeysa(RBC):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya oo shalay Ergooyinka Muqdisho …www.raxanreeb.com/…/somaliland-oo-soo-dhawaysay-ansixin… [...]

  3. Wadani says:

    Maxay ku nuugtaa ama ka nuugtaa faruuryo iyo naasaba la,e ,.Duboo Somaliland,shalay huguntoo hadhuub gaalkiyo hugii ka ambadey, Duboo murush murush!!!!!

  4. Sandoon says:

    Cabdillahi Maxamed Omaar waa doqon abaal laawe shacabka Somaliland waxeey ku doortey inaad soo dhicisaan qadiyaada iyo ictiraafka maa maanta keenten inaad kooxdii iifka anu uu necebnahay (waa maamuulka cunsuuriga ee TFG ) aad uu durbaan tunto.

    Waa in Somaliland wada-hadalkan beenta ka baxda oo dagaal fool ka fool isku diyaarisa. Wale inaan hablaha laa idinka guursan hadaad gumeysigaan ogolataan.

    Gerridu marbeey nolosha daanta.

  5. Fadumo says:

    Wasiirku waa ku mahadsan yahay hambalyada qaran dib u dhismaya. Tan kale waxaan walaalkayo leenahay Somaliya iyo Somalilandba labduba way daaleen! Somaliya Dagaal and meel uu u socdo la gadhanyn bay ku daashay! Somalllandna waxay ku daashay say ictiraaf u goobaysay marka labduba ha garwaaqsadeen Every thing has an end so Enough is Enough marka labduba waxay baahan yihiin in runta loo soo noqdo oo ah Somaliyana ma kala go’e kadha! Dagaalna laguma jidhi kadho!

  6. daljirka says:

    Lax lagawracay geeda kama waabato, Waa khiyaaali kunool odaygaani kkkkkkk, geeska africa hargaysa iyo burco maxay ka yihiin wuxuu yiri Geeska africa amaandaraa ka dhici doonta, waa nin filim jilaya camal ,, war waxaan cuqdada qaba yaa soomaalida ka dhex kexeeya reer ka oo hintoodii baa ilaa ka gees ka gees aduunka gaartaye … Wixii loshego ayun bay maqlane ma fakaran

  7. cali darwiish says:

    Wadani @ kkkkkk kalmad kama fahmin waxaa aad soo qortey ma af bantuba mise waa wx kale looool

  8. wixii somali neceb hajabaan. says:

    to- sandoon: and magac labaxayaasha somaliland… .somaliland maxaad is waashena oo dagaal yaad wax kaga qaadey saana oo heedheh soomaliya oo dhan hadii ay idinku soo jeesato oo waa la idin wayeyaaye .. tii siyaad barre idinku dhigey mid kaweyn ayaa idinku dhaceysa hadaad dagaal isu maleysaan in aad wax kuqaadeysaan .marka horta dagaal waxba kuma qaadeysaane ee halkaas naga dhiga taas waan wax aanu ognahayee ..aduunka idin ma ogala soomaalina idinma ogala aqoosiga aad la ordeysaana ..soomaliya dastuur bey yeelatey hadana waxaa loo maga caabayaa baarlamaan oo kasoo jeeda hargeysa .marka ooya labaatan sano ayaan wadan aheyn kulahaa…war waad is waaleysaan ee umada soomaliya kamidnoqda is waal horey ayee wax idinku qabanweydey.. ..

  9. wixii somali neceb hajabaan. says:

    soomalilan waad is waashenoo. is dajiya .kana midnoqda umada soomaliya.

  10. daljirka says:

    wadani
    kkkkkkk ,
    luuqadaas aad isticmaashay maahan caadi waa luuqad cajiiba lkn yar yarku ma fahmayan
    camel lnge

  11. qabqabsey says:

    @wixii somali necab hajabaan

    Horta uma hadlayo ninka Sandoon la baxay ee afka kuu galiyay somaliland.
    Somaliland waa wadan wadamada somaliya ka mid ah waana somali halka aad ka keentay somalibay necab yihiin garan maayo.
    Dawladii siyaad bare waxay dhacday markay isku dayday dagaal ka dhan ah Dadka somaliland waa mid aanad beenin karin oo xaqiiqo ah,mana aha dad dagaal jecel ,dagaalkana uma qabaan in uu yahay ka qoriga oo kaliya .kaa nin ku guulaystaa ma jiro,waxa se jira kan qalinka oo aan qabo in dadka reer somaaliland aad ugu horeeyaan.
    Mida ugu dambaysaa waxay tahay dadka somaliya marka ay ka hadlayaan qadiyada somaliland Waxa ay mar soo xidhaan shaadh qabyaaladeed iyaga oo ka dhiga in gooni isu taaga somalland uu yahay mid hal beel ahi ay rabto oo aanay kuwa kale aanay rabin taas oo ah nid xaqiiqada ka fog.
    mar kalana waxa ay soo xidhaan shaadh la yidhaa waxa aan raadinaynaa midnimo somaliya iyaga oo ka indha la taa sida lagu keeno oo xitaa tusaale ahaan midayn kari waayay GAALKACAYO oo laba maamul oo qabiil ku dhisani ay kala maamulaan markaa intaanad odhan somaliland waa gu i kartaa iyo ma GADHO horta Gaalkacayo magaalo qudha oo maamul qudha leh ka dhiga saaxiibayaal,mise wax aad u baahantihiin AMISON in la idiin keeno maahee si kale wax kuma qabsan kartaan.

  12. xamar cadey says:

    Waraa ””””””’ colaadna waa kasayan nabadna waa kaasayaan markaa wa ku faraxsanahay inay noohanbalyeeyaan

  13. SIHAAM says:

    NEEF LA GOWRACAY GEEDO KAMA WAABTO WAXBAAN LADAGAALEYNAA MIYEY TALO JOGTAA WARHEEDHAHA IS DAJIYA UMADDA SOMALIYEED WAXLASOO QAYBSADA OO CADKIINA CIIDA INTAAN LAYDIINKU TUURIN KA CESHADA DAGAAL MAXXAD KUFALAYSAAN WAXAAD DHAMEEYSEEN UMADII SOMALIYEED IYADOON WAXBA IDIIN DHIMIN SI IHOOSE WAAYO RABSHADAHA IYO DILALKA QORSHEYSANBA IDINKAA LAYDIIN TIIRINAYAA EESOMALI KUDHAMAATEY ALSHABAABNA IDINKAA FANGAREEYA XAGEE WAXAASOO DAMBI AH CUQUBADIISA UGA BADBAADEYSAAN? GOBOLADA AAD SHEEGANAYSAAN MA IDINKAA LEH MISE XOOGBAAD WAX KUMAQUUNIN KARTAAN OO KUHAYSAN KARTAAN SOO DAD NOOLI MALEH OO AAN IDIN DOONAYN INUU IDIN LAGOO HADAAD NIN LACAG IDINKA QAATEY KU QABSATEEN OGOOW DADKII LAHAA AYAA IDINKU HAYSTEE.

  14. Sandoon says:

    ninka laa baxay “wixii somali neceb haa jaban”;

    50 sanno baad dadkeyga xaquuqdoodi cuneyseen oo dagaal cunsuurnimo ku heysaan 50ka sanno madaxweynasha, dhaqaalaha, casimaada, safaraada dibeeda kuli waxeey ku jireen gacanta reer konfuur. In laa isbaarto baa fiicaan hadaad inaa moodeyso dad yar oo dulmi iyo xoog lagu heysan karo iyo system cunsuuriyaada ee 4.5 sanka laga gelin karo.

    Adiga iyo beesha bey Somalia sharaf ku tahay oo samigoodi ku helaan. anigu intaan noolahay gumeysii ogolaan maayo.

  15. daljirka says:

    Sandoon
    qab qbsay

    RIYO WAABEEN, khiyaaliga kabaxa, waxaan idin waydiinayaa hadaad tihiin beel wayn maxaa cuqdada idinku abuuray oo aad meel walba ula taagantihiin waa nala dilay !? ? Somalidoo dhan baa is dishaye , walaahay waxaad ka mooral iyo kalsooni liidataan beelaha ugu yar yar oo soomalidu yasto ,kuwaasaa idin dhaama , tankale gumaysiga shisheyahaba dabadaad u ruxdaane maxaad somalida udiidasaan ? ? ? ? ! Dagaalka aad ka hadlaysana somalidu waa xaafad wayna istaqaanaaye taas iyada cidna hawgu sheekaynina ,lkn haday qayb katahay khiyaaliga aad 21 sano ku jirtan iska wata inta laydin samata bixinayo, ‘Galkio’ dad somalinimadu ku wayn tahaa degan oo aa british iyo italy toona u naagayn. Marka fadlan xishood muujiya sheekada sheeka murqaankaa ee burco iyo hargaysa yaala plz umada hakula kaftaminina waa wax reer u ah khaase , Reeraha kale hala hor imanina , xataa beelaha sharafta le ee soomalida jecel ee soomali land degan kuma habona in lagula shekayso iskaba daa meel ka foge,. Wayo waa xigmad daro qaawan oo NaC NAca , w.t

  16. qabqabsey says:

    @daljir

    Malaha sida loo doodo ma garanaysid ,balse aan in yar ku idhaahdo oo xaqiiqa ah
    1) cida gaalo wadataa waa somaliya
    15000 askar gaalo ah yugandhan brundi etoobiya iwm halka ay ka taliyaan waa taqaan.
    2)lix madaxwayne iyo alshabaab dhulka ay ka taliso waa la yaqaan
    3)dhac iyo boob iyo xatooyo musuq maasuq halka ay ku jirto waad taqaan
    4mahiiga halka uu ka taliyo waad taqaan
    5)dil qorshaysan oo dadka masaajidka u hor fadhiisto waa taqaan
    6)Gaalkacayo oo laba madaxwayne oo laba beelooda waa taqaan.
    su aashu waxay tahay
    wadan leh dastuur,golayaaal barlamaan dimuqraadiyad dawlad nabad galyo ka dhex dhalisay beelaha dagan wadank oo dhan dadku sharciga u simanyahiin ciidan kala duduwan leh mala midoobi karaan wadanka aan dusha ku sheegay.
    Markaa inta aanad ka hadal midawga soomaaliyo dhan bal horta mideeya inta lixda madaxwayne iyo alshabaab iyo budhcadbadeedu ka taliso oo samayso ciidan garan kara masuuliyada saaran oo nabadgalyada wax ka qabta.
    inta aad sidaa isir nacaybka ah ee aad u qabtid beel ka mida beelaha somaliland uma malaynayo in aad
    garankartid qadiyada midowga

  17. hani says:

    @ qabqabsey

    ruunta adigane isku sheeg horta,
    1.maamul gobaleed sida khaatumo, awdal, iyo makiir state wa la wada og yahay
    2.dagaal mar walbo la gashiin belaha idin rabin waa la og yahay
    3. mar walbo laascanood madaxda la togto waa la og yahay
    4. adiga mar walbo kheyradka ee bada sida fish la idinka qaato oo waxba ka sameeyn karin waa la wada og yahay
    5. alshabab dadka madaxda ka ah ee 2 ka mid ah idinka tihiin waa la wadaa ogyhay
    marka walal, ruunta isku sheeg, beel oo beel kale la dagaaleyso oo rabto dhulkeeda inee xoog ku qabsato wax fican ma’ahan marka galakcayo wa beelo is rabin marka wee ku qasban yihiin inee sameeystaan labo mamuul sida buuhodle oo calanka buulga ka babinaayo ee somalilandna seeganeyso.

  18. qabqabsey says:

    @hani
    been baad isku madadaalinaysaan.
    in yar xaqiiqada ha ka boodin gobaladaa yaa ka taliya ,
    buu hoodle waa tuula qudha oo ay fidmo ka jirtay taana waa la xaliyay maanta oo xagla toosiye waa ka hargaysa jooga isaga iyo isimo fara badan oo ka soo jeeda buu hoodle anaa Sool ka imid una dhashay Sool walaahi wax khaatuma la yidhaa kama shaqayso waligeedna somaliland bay ahaanaysaa beel qudha ahina ma dagto ee horta deegaanka soo kala barta yaa siiyay Cali baba mulkiyada dhulka?

    Sida Cali khaliif iyo Garaad binti ay dambiilayaal uga yihiin Somaliland ayaa labada nin eed sheegtayna ay dambiilayaal qaran u yihiin .
    Car waa kaase calikhaliif ha yimaado Laas caanood walaahi jeelka ayuu ka cawaynayaa.

    waad ku mahadsantahay in aad u gurmatid miskiinka Daljir is ku sheegay ee wax aqoona uu lee yahay jirin.

  19. hani says:

    @qabqabsey

    mamuulka khaatumo iyo isimo oo joga mogadishu waa la og yahay marka ma idin rabaan ee buuhodle kaliye ma ahan. walal dadkaas dad dagaal rabo ma’ahan, masha’allah. meeqo mar ba buuholde dagaal ugu tagteen ee ku guul dareysateen ?

    walal dad ma lagu qasbo maamul ee rabiin, khatumo wee tasatay ee mamuul cusub ee sameysatay anigane waa og tahay inaa been shegeeynin ee meelo badan side cayn iyo meelo kale oo sool bee ka talasaa, inta kale wee imaneeysa marka weli waa bilow hada.

  20. hani says:

    hadalkaada sii uu firi horta, dhulka yaa leeh ? ma idin rabaan, hade indin rabaan maxaa ku qalifay inee sameeysataan maamul goboleed oo 3 garaayo ee hada khatumo ee hurumuud ka tahay ? dadka dhulka leh hade ayahooda ka tashteen ma waxee yihiin dambilee ? kkkk wallahi yaab ba ledihiin

Leave a Reply