Somaliland oo wax ka beddel ku samaysay qaabkii ay u bixin jirtay Ruqsadaha Kalluumaysiga


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Xukuumadda Somaliland ayaa wax ka beddel ku samaysay qaabkii ay u bixin jirtay ruqsadaha Kalluumaysi ee ay siiso Maraakiibta, Doonyaha iyo Shirkadaha Kalluumaysiga ee waddaniga ah iyo kuwa ajaanibka ahba.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Somaliland, ayaa baahisay xeer-nidaamiye ku saabsan diiwaangelinta iyo ruqsad siinta Maraakiibta iyo shirkadaha kalluunka. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), Agaasimaha Maamulka iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaaradda oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xarunta Wasaaraddaas, ayaa sheegay inay si rasmi ah Xeerkan u dhaqan-galaayo maanta oo ay taariikhdu tahay 05/08/2012. Waxaanay Shirkadaha Kalluumaysiga ka ganacsada ugu baaqeen inay dib isu diiwaangeliyaan, kuwa cusub ee aan ruqsadda haysanna Wasaaradda sida ugu dhaqsaha badahan ruqsad uga qataan.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Geel-jire oo isagu faahfaahin kabixiyey xeer-nidaamiyahan ayaa xusay in xeerkan uu wax weyn ka tari doonomaamulida ganacsiga kalluumaysiga. Wasiir Geel-jire waxa uu shacabka kula dardaarmay inay iska dayaan dhaqanka wastada ku dhisan ee Cuqaal iyo Salaaddiin loo soo kaxaysanaayo maamuladda dawladda.

Wasiir Geel-jire waxa uu iftiimiyey hay’adaha iyo dalalka caawiya,isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay arday deeq waxbarasho loogu diri doono dalka Iran. waxaanu xusay inay dhawr hay’adood uga soo socdaan mashaariic kala duwan kuwaas oo ay ka mid yihiin Baanka Adduunka,Midowga Yurub,UDP,iyo FAO iyo dawlado kale oo daneeya sidii ay inoo caawin lahaayeen Wasaarada Kalluumaysiga. Waxaanu intaas ku daray in caawimadooda soo marin doona oo Midawga Yurub, iyo Denmark waxa uu Wasiirku sheegay in deeqdan waxbarasho ay ka faa’iidaysan doonaan labaatan arday.

Ugu dambayntii Wasiirka Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Geel-jire ayaa sisexeexay xeer-nidaamiyahan cusub, kuna dhawaaqay inuu waqtigan laga bilaabo si rasmi ah u dhaqangeli doono.

Waxa kale oo Wasiirka Kalluumaysigu uu farriin u diray Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland, isagoo u soo jeediyey in xeer-nidaamiyahan cusub iyo xeerarkii horeu  jiray ay ku ilaaliyaan dadka ku hawlan kalluumaysiga oo dedaalkooda laban-labaan, isagoo sidoo kalena qaybta garsoorkavee gobollada Somaliland ka codsaday inay si buuxda ugala shaqeeyaan xeerkan marka la horgeeyo, caddaaladdana  mariyaan dadka la horkeeno ee lagu soo eedeeyo inay ku gafeen xeerarka kalluumaysiga iyo shuruucda kale ee Badda ku saabsan.

Agaasimaha guud ee Kalluumaysiga Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), ayaa isagu shirkadaha iyo ganacsatada kalluumaysiga ku wargeliyey inay dib isaga diiwaangeliyaan Wasaaradda Kalluumaysiga. Xeerkan-nidaamiyahan cusub ee Wasaaradda kalluumaysigu sida rasmiga ah u baahisay waxa uu si toos ah uga hadlaayaa nidaamka diiwaangelinta shirkadaha kalluumaysiga iyo ruqsad-siinta Markaabkiibta kalluumaysiga oo laga beddalay qaabkii hore ee loo bixin jiray.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share

Leave a Reply