Soomaali Ku Dhimatay Dagaalada Syria
Damascus [Radio RBC] Wararka ka immaanaya dalka Syria ayaa sheegaya in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalkaas ay ku dhinteyn dad Soomaali ah.
Ugu yaraan seddax qof ayaa ku dhintay in ka badan shan kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn ciidamada dowladda Syria ay ka geesteyn deeganno ku dhow caasimada Damascus
Sahro Maxamed Ismaacil waxa ay la shaqeysa UNHCR , ayaa u sheegtay VOA, in Ilaa seddax nin oo Soomaali ah ay ku dhinteen dagaaladii ugu dambeeyay ee dhacay dalkaas.
“ Ilaa hadda seddax nin oo uu ku jiro oday ayaa ku dhintay duqeyn ka dhacday tuulo ku taalo caasimada, waxana magacyadooda lagu sheegay Cabdu Qaadir, Abuukar iyo Maxamed Cumar, marka Maxamed lama soo qaadim meydkiisa, oo wali isaga kuwa kale waxa ay yaalaan meel ay ku dagaalamayaan mucaaradka iyo dowladda” ayey tiri
Waxa kaloo ay shegtay Sahra in qoosas Soomaali ah ay ku xayiran yihiin magaalooyin ku yaala dalka Syria, gaar ahaan magaalada Luweyda.
Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Syria ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 20-qof, magaalada xuduuda ku taallo ee Cazaz.
Dalka Syria ayaa in ka badan hal sano waxa ka socda dagaallo u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda, kuwaasoo ay ku dhinteyn dad ku dhow 20,kun oo qof, tan iyo bishii March 2011-dii.
Waa markii ugu horeysay ee si rasmi ah loo shaaciyo in dagaalada ka socda Syra ay wax ku noqdeen dad Soomaali ah.
Soomaalida ku nool dalka Syria ayaan ilaa hadda la ogeyn tiraooda, laakin waxa jira qoosas badan oo halkaas dhowr iyo tobbon sano dagaanaa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi










