Soomaaliya Oo Laga Hirgalinaayo Suuqa Saamiyadda
Nairobi [RBC Radio] Waxa markii ugu horeysay Soomaaliya laga hirgalin doonaa suuqa saamiga ganacsiga, kaas oo la mid noqon doona kuwa dunidda ee lagu kala wareego sheerarka ama saamiga.
Xaflad weyn oo suuqaas looga dhawaaqay, ayaa shaley ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxana ka qeybgalay Soomaali iyo dad ka soo jeeda dalalka gobalka oo daneenaya in ay saamiyo ku yeeshaan ganacsiga Soomaaliya.
Ugu horeyn waxa faah-faajin dadka ka siiyay masharuucan cusub ee la yiraahod [SSE] oo ah Suuqa Saamiga Soomaaliya, Ciid Badal Maxamed oo ka mid ah aasaasayaasha suuqan.
Waxa uu sheegay in suuqan marka hore laga furaayo magaalada Nairobi, kaddiba loo rari doono dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, si ay xiriir ula sameestaan shirkadaha iyo is-gaarsiinta sida gaarka loo lee yahay.
” Dalalka aan dariska nahay waa ay ka jiraan suuqa saamiga, marka Soomaalida oo ah dad ganacsiga ku wanaagsan, waa in ay yeeshaan suuq saamiyada lagu kala wareega, oo dalka dhaqaale ballaaran soo galiya, hadda waxa aan ku furnay Nairobi, laakin dalka ayaa la geyn doonaa, si ay Soomaalida u iibsadaan saamiga suuqa Soomaalida markasta la keeno” ayuu yiri Ciid Badal.
Ugu dambeyn waxa uu Ciid sheegay in uu ka rajeenayo suuqan in uu soo jiito Shirkadaha Soomaalida iyo kuwa shisheeyaashaba, si ay u maalgashtaan kaddibna ay ka qeybqaataan dib u dhiska dalka 21-sanno ay dagaalada ka socdeenWaxa ay hadda xiriir wadashaqeyn ay la yeesheen suuqa saamiga dalka Kenya, sida uu goobta ka sheegay maamulaha Suuqa Saamiyada Kenya Peter Mwangi oo sheegay in ay diyaar u yihiin siddii ay Soomaaliya gacan uga siin lahaayeen in ay yeelato suuq saami oo lagu soo hirto.
“Waan soo dhaweyneenaa in Soomaaliya ay ka mid noqotay dalalka leh saamiga suuqa ee gobalka, maxaa yeelay annaga waxa aan arrintaas ka caawinay dalka Ruwanda oo hadda leh suuq Saami” ayuu yiri Mr. Mwangi.
Isagoo intaas ku daray in Suuqan uu ahaan doono mid ku saleesan shareecada Islaamka
Si kastaba, Soomaaliya oo dagaallo iyo abaaro ay isku baheesteyn, ayaa hadda waxa soo bidhaameysa rajo fiican, waxa hadda la isku diyaarinayaa in laga baxo KMG ah wixii ka dambeeya bisha August 20-tankeeda.
Dalka waxa hadda iska soo buuxiyay qurbo joog badan, oo dooneysa in ay maalgashi ama dib u dhiska dalka ay ka qeybtaan, iyadoo magaalada hadda uu ka socdo dhadhaqaaq xooggan oo loogu diyaargaroobayo doorashada madaxweynaha, dalkana ay ka dhalandoonto dowlad rasmi ah
RBC Radio
———————-
Xafiiska Wararka Nairobi .










