Soomaaliya shaki la’aan mar kale dhiig baa loogu wan-qali! (QIII) W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
Rammadaan Mubaarak: Soomaaliya shaki la’aan mar kale dhiig baa loogu wan-qali! (QIII)
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
Alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Agoosto 7 2012
“Anigu sow ma ahi sidii shimbirkii garabka ka jabee ilmuhu qabsadeen, iyaguna aysan garanayn sii daaya asna awoodin inuu ka baxsado iskii u duulo !” waa tix aan ka soo qaaday gabay carabi, tix aan gabayaagas kula qaybsanayo xanuunka uu dareemayay, tix tusaale fiican u noqon karta Siyaasiyiinteena maanta, shacab burburay, laysku diray, la kala dilay, la kala fogeeyay una gacan galay siyaasiyiin aan xil kas ahayn!…xaaladda Soomaaliya u ekaa SHIMBIRKAAS!.. laakiin waa talo Rabbi leh, Alle agtiisana kuwo ka quustay ma nihin mana noqonayno! Inshaa Allaah… mar kale Ramadaan Mubaarak!
Waxaa laynaga maagay waa waxa laynaga arkay! Waxaan aad in badan u fiirinayay siyaasiyiinta casriga ah, ama hadaan si kale u iraahdo siyaasiyiinta aadka wax uga fahmay il-baxnimada reer galbaaedka, run ahaan waxaa dhammaantood ka ay ka simmanyihiin in loo hoggaansamo siyaasadaha galbeedka sax iyo khaladba, waxaadna moodaa in loo sheegay wax geeri ka weyn oo ay ka baqayaan, siyaasiyiinta dhaqan ahaan ku barbaaray dabeecadda siyaasadeed ee Soomaaliya ama Afrika waxay iyagana ka kori la’yihiin dhaqanka qabiilka, eexda, musuqmaasuqa, laba daran adigu mid dooro!
Soomaaliya! Siyaasiyiinteena casriga waxay arkaan aqoon iyo technology aad u horumaray oo dunida hoggaankeeda ah, waxaadna moodaa badankood inay u dhaqmayaan ama ay qabaan annagu waan heshiin waynay mana heshiin karno dowlado kale ha iska kaaya qabsadaan oo aan ka barano Habka Dowladnimo Wanaagga!..waxayna u arkaan Soomaaliya wali inaysan qaan gaarin ama u bislaan fahamka dowladnimo, waxaana dhacda marar badan eraygaas inay dhegahaaga maqlaan markaad la sheekaysato inta badan bulshada reer magaalka ah ama kuwooda wax-bartay…laakiin kaagama jawaabi karaan hadaad weydiiso, Ma jiraa dal la haysto oo leh macnaha aad sheegayso?!
Runtii fikraddaas ma aha mid bilow ah ee waa mid ay siyaasiyiinta noocaan ah ku soo aqriyeen dowladaha waaweyn waana tan manta la rabo in Soomaaliya lagu dhaqo (Waaba Haddii SHacabka Soomaaliyeed Laga Helo E’), siyaasiyiinta noocaan ah waxay badanaa huwanyihiin magaca ah inay yihiin khubaro Soomaaliyeed dowladaha shisheeye ee danayniya arrimaha Soomaaliyana iyagay wax ka weydiiyaan.
KHuburada noocaan ah ayaa si fikir gaaban ah rumaysan inay shacabka Soomaaliyeed aysan wali u jajabnayn maamul siyaasadeed iyo dowladnimo sidaa aawgeed waxay rumaysanyihiin in dadkii iyo dalkii nus qarniga dowladda soo ahaa aysan wali garan waxay iyaga garteen loona baahanayahay in mar kale gumaysi lagu celiyo oo maxmiyad ay galaan si ay dowladnimada u bartaan.. Isla weynaanta heerkaas xataa gabdhaha yar-yar ee quruxda is biday ayaan heerkaas gaarsiisanayn! Yaa!..
Siyaasiyiinta noocaan ah wax weyn uma arkaan inuu dalka yeesho ciidan qaran oo qalabaysan, waxayna aaminsanyihiin inaysan jirin baahi noocaas ah waxa la baahanyahayna ay yihiin ciidamo boliis ah oo keliya, intooda bandanna waxay taas ku sababayniyaan in haddii ciidan xoog leh la dhiso ay miizaaniyad aad u badan ku baxayso sidaa darteedna ay naafaynaso qaybaha kale hay’adaha dowladda.
Run ahaana siyaabo badan oo ay waxa beesha caalamka loogu yeero u wajahayso Soomaaliya waxaa la oran karaa waxaa laga soo min-guuriyay dhaqanka siyaasiyiintan aan soo sheegnay oo iyagu si ay mansab siyaasadeed ugu gaaraan awood shisheeya ka talo bixiya sida Soomaaliya loo qabsan karo, (Soomaaliyada aan ka hadlayo waa tan burbursan ee maanta ee nin kastaaba wax ka damcay).
Waxa maanta socda arag cidda maamulaysana u fiirso, ciidamo aan la xaddidin tiradoodana maalin kasta la soo kordhinayo, waqti la muddeyay aan lahayn, dalka ugu nool sidii ay u dhasheen, sal-dhigyadii boliiska oo la keenay laguna soo daldalyo ciidamo qalaad oo boliis ah, maxkamadihii oo dhowaan la keenayo gar-soorayaashoodii, hanti-dhowr oo isna ku soo daba jira….hadana dowlad baan nahay!!!..siyaasiyiinta noocaan markay kula hadlayaan cabsida ay qabaan waxaad moodaa inay ogyihiin wax geerida ka weyn!.. waxaana dhaqan la yaqaana ah , taariikhdana wax badan laga dheehan karaa haddaad gumeysiga isu dulayso adigoo dulli u ah hadan aakhirka inuu isaga ku dilo!..marka adigu kala dooro
Marka aan runta laga leexleexan, murankana meel layska dhigo dalka heerka uu marayo maanta waxaa gaarsiiyay qabqablayaashii Muqdisho ka kacay oo ay ugu dambeeyeen nimankii maxkamadaha islaamiga ahaa isku magacaabay, iyo kooxda Al-shabaab oo fahamkooda siyaasadda aad moodayso inuu aad uga hooseeyay dabaysha gumaysiga cusub iyo Islaam nacaybka ku salaysan ee dunida ka hana qaaday ilaa iyo 2001gii.
Waxaa intaas ka sii daran nimankii qabqablayaasha ahaa wali ma aqoonsana inay dalka iyo dadka midna denbi ka galeen, heerka ay dadka gaarsiiyeen waxaa iila yaab badnaa hadal uu jeediyay Alle ha u naxariistee guddomiyihii hore ee Benaaderiga Marxuum Max’ed Cusmaan Maye March17, 2005tii, maalinkii ee uu barlamanka KMG ah dalka Kenya isku feeray, “…Ciidamo safka hore ah aa la keenaa, Amxaaraa la keenaa, waa la keenaa annaga Amxaaro hadda naga maqan, waa nala dilaa waa nala dhacaa, wax kastaa nalagu sameeyaa marka Amxaaro ha timaado kuligeen ha isla keen qabsato…”
Kulligeen ha isla keen qabsato! Waaba isla keen qabsatay..Gedo amxaaraa joogta, Hiiraan amxaaraa joogta, Puntland iyo Somaliland tiro ahaan soo galootiga jooga ee Itoobiya ka yimid marar bay kaa qarinayaan tirade dadka Soomaaliyeed ee deegaanadaas ku nool, maxay ku joogaan, weligeed lagama hadlin, cidna isma weydiin? Ma laga baqayaa mise?! Xataa tiradooda lama yaqaan, waxay qabtaan lama yaqaan, qof kasta wuxuu kuu sheegay inay guryaha ka shaqeeyaan, inay xiilaha reer miyiga u raacaan, inay biyaha soo dhaamiyaan…iyo wax la hal maala laakiin maamulada jiraa xog sugan oo ay iyagu dejiyeen oo ay dadkaas ku joogaan kuuma sheegi karaan.
Waa mashruuc si ula kac ah ay dowladda Itoobiya dano uga leedahay, waayo dadkan marka ay Itoobiya ka soo baxayaan lama celiyo, oo waayo? U fiirso waa shacab Itoobiyaan ah, dowladda Itoobiya ammaankooda iyo noloshooda xil baa ka saran, side marka raali uga noqotay in dadkaas iska soo galaan xuduudda Soomaaliya?! Waa mar labada shacab taariikh ahaan dad wanaag ka dhexeeyay ma aha, waa marka labaad Soomaaliya ammaankeeda ma aha mid dad shacab oo dowlad leh, lagu halayn karo, iyadoo aysan jirin dano sidaas kalifaya? Marka maxay dadkaas ku joogaan dalka?! …
Mas’uuliyiinta xilalka sheeganay maxay uga aamusanyihiin oo ay uga hadli waayeen una qeexi waayeen waxa ay ku salaysantahay joogitaanka dadkaas? Ma ka baqayaan kolayba waxaan dareemayaa inuu yahay mashruuc dowladda Itoobiya si ula kac ah u samaysay oo ay ujeedo ka dambayso, waana mashruuc muggisu weynyahay oo barbar socda kan ay guud ahaan ay Soomaaliya wadaan waxa beesha caalamka loogu yeero.
Soomaaliya noqon mayso way murgacatay wayna ka kacaysaa hadduu Alle yiraahdo, noqonna mayso SHimbirkaas garabka ka jabay!… waxaana jira waxaysan ogeyn kuwa damacu wado oo ah in dad-weynaha Soomaaliyeed aysan shaki ka qabin qaranimadooda iyo inay yihiin dowlad madax banaan oo leh dal xudduudihiisa la yaqaan, astaantiisa la yaqaan, iyo shacab in la guumaysto ka xiga geeri…. Soomaali Ninkuu Alle Ka DHigay Baa Nasiib Leh!
“Alle Weyne Ilaahow, Aduunka Kii Lahayow, Ifka Kii Uumayee, Aakhiro la magansanayow, Ammaan Yeel Arligeena, Arxan laawe Iimeeya gudaha Iyo dibaddaba, Ka Ilaali Cadow Aafo U geysta.”
=Aammiin=
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











[...] See the article here: Soomaaliya shaki la’aan mar kale dhiig baa loogu wan-qali! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan [...]
[...] Originally posted here: Soomaaliya shaki la’aan mar kale dhiig baa loogu wan-qali! (QIII) W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooya… [...]
waa wx jira qoraalka Mr Soyaal uu ku tilmamayo dhamaan dadka siyaasinta ah ee baneystay dhiiga umada iyo xoolahoodaba wxna balan ah maalin aan fogeyn in ay ka dhici doonto dhagay fareey iska cuna oo iska dilaa shacabka oo ha udanqanina bulshdiina somaliyed kaliya fiirsada jeebkiina iyo cabsi aad ka cabsaneysaan dowladaha idin siisay sharciyada taasoo aan ula jeedo sumadii xoolaha lagu dhigi jiray si aad uga garato xoolaha baadida ah.wxaa kale oo mqleysaa qof loogu caga jugleynayo cunaqabateeyn ayaan kugu sameyneynaa war ilaahi idin abuuray ka cabsada asaga ayaa irsaaqada idin balan kaaday inta ad nooshihin ee dalkiina iyo dadkiinaba ha gadanina oo daacadnimo ugu shaqeya.mahadsnid mr soyaal
MASHA allah ilahey aqliga iyo garashada ha kuu siyadiyo inaba caadi maahan siwacan ayad uga faalotey waana xaqiiq inbadan ayaa kula qabta rayigaas laakin sidaad sheegteyba rajan qabnaa allah kheyr baan ka rajeyneynaa in ilaah duliga naga dulqaado mahadsanid asc
Waa cajiib dhamaan wuxuu ka hadlay qoraagu
Waa wax jira qormadan uu diyariyay qoragu .LKN hal erey ayaan su,aal kaqabaa ? Waxa weye ‘NASIIB WAXAA LEH NINKIi ALE SOMALI KADHIGAY ‘ ? Ma runbaa ? Ma niyad dhisashaa ? Madhiri galinbaa ? . Marka wadadkeenii dadka dilo,professorkii, dhulka gadayo , DR .KIIna gargaarka xadayo dhalintiina aabayaashod ay ka dhaxlayan qabyalada ,oo ay tahay hantida maguurankaa ee maanta layskala dar daarmo , are we very lucky ! ??? ?!!…. JAWAAB buuxda ayan rabaa . I beleif that we are worst scty inthe glbe..
Asc, maashaa allaah, waa sax hadalka qoraaga aad baan ugu raacsanahay waxa uu sheegayo oo dhan. Mahadsanid.