Taageerayaasha Sheekh Shariif oo Toogtay Mid ka Mid ah Taageerayaasha Farmaajo (SAWIRO)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Ugu yaraan hal ruux oo ka tirsanaa taageerayaal maanta u bannaanbaxayey Musharax Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa geeriyooday saddex kalana way dhaawacmeen kadib markii taageerayaasha madaxweyne Shariif oo careysani ay weerar ku qaadeen barxada Sayidka oo uu ka socday mudaaharaad lagu soo dhoweynayey Farmaajo oo maanta Muqdisho soo gaaray.

Ruuxa dhintay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo watay sawirka Maxamed C/laahi Farmaajo waxaana toogtay rag ku hubeysan bastoolado iyo qoryo oo watay baabuur lagu soo xiray sawirka Sheekh Shariif.  Illaa saddex ruux oo kale oo mid ka mid ah yahay raggii amaanka Farmaajo ilaalinayey ayaa dhaawacmay oo isbitaalka loola cararay.

Weerarkan ayaa dhacay duhurnimadii maanta kadib markii 800 ruux oo u dibadbaxayey Farmaajo ayaa galeen barxada Sayidka oo ku taalla degmada Wardhiigley halkaasoo ku dhow xarunta madaxtooyada Villaa Soomaaliya, waxaana goobta markiiba soo weeraray rag hubeysan oo wataty sawirada Sheekh Shariif kuwaasoo rasaas ku furay taageerayaasha Farmaajo u banaanbaxayey.

Bannaanbixii lagu taageerayey Farmaajo ayaa lagu kala cararay kadib markii uu shilku dhacay, waxaana goobta markii dambe la wareegay ciidamada ilaalada madaxtooyada oo kala ceyriyey dibadbaxayaashii.

Wariyaha Raxanreeb oo goobta tagay ayay u suurtagashay inuu sawiradii ugu horeeyay ka soo qaado marxuumka la dilay inkastoo amaanka dartiis aysan noo suurtagalin in wariyaheenu uu sawiro dhaawacyada.

Farmaajo oo hadlay

Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta si weyn loogu doo dhoweeyay magaalada Muqdisho ayaa goordhow shir jaraa’id  ku qabtay hoyga uu ka degan yahay Muqdisho, wuxuuna cambaareeyay dilka loo geystay muwaadinka Soomaaliyeed.

“Waa nasiib daro in muwaadin Soomaaliyeed oo dareenkiisa muujinaya in xabad lagu dhufto. Ma ahan wax dimuqraadiyada iyo ra’yiga xorta ah uu qabo, waxaana ugu baaqayaa dawlada hadda jirta inay baarto kiiska maanta dhacay ee dilka ah ayna maxkamad horkeento gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo wuxuu wariyaasha u sheegay inuu maqlay in madaxda sare ee DKMG Soomaaliya ay saxaafadda ku amreen inaan la siideyn karin wararka ku saabsan musharaxnimada Farmaajo iyo ololihiisa uu ka wado Muqdisho taasoo uu ku tilmaamay inay ceeb weyn ku tahay dawlada iyo madaxdeeda.

“Waxaan ka codsanayaa qalabka warbaahinta iyo wariyaasha Soomaaliyeed inaysan ka cabsan hanjabaadaha loo jeedinayo ee la leeyahay ma siideyn kartaan ololaha Farmaajo, waxaad xaq u leedihiin wixii RUN ah  ee wadanka ka jira inaad sheegtaan” ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed C/laahi Farmaajo.

Xaalada Muqdisho iyo maanta

Magaalada Muqdisho ayaa maanta gashay jawi u muuqday fawdo iyadoo banaanbaxyo iska soo horjeeda ay ka dhecee.  Saaka gelinkii hore ayaa inta badan wadooyinka magaalada waxaa xirtay kumanaan dadweyne ah oo gacmaha ku wata sawirada Farmaajo halka goor dambe oo barqadii ah ay soo bexeen dad gawaari watay oo iyaguna watay sawirada Sheekh Shariif.

Fagaaraha KM4 illaa wadada Sayidka iyo tan tagta garoonka diyaaradaha ayay dibadbaxyada saameeyn ku yeesheen.

Illaa hadda ma jirto ciod ka tirsan DKMG ah oo ka hadashay dilka maanta dhacay iyo eedeynta uu jeediyey musharax Maxamed C/laahi Farmaajo oo mar raysul wasaare ka soo noqday DKMG ah.

FIIR GAAR AH: Sawirada Farmaajo iyo shirkiisa jaraa’id oo waxyaabo badan uu kaga hadlay goorsdhow kala soco Raxanreeb.com

 

________________________________________________

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

32 Responses for “Taageerayaasha Sheekh Shariif oo Toogtay Mid ka Mid ah Taageerayaasha Farmaajo (SAWIRO)”

  1. wadan says:

    marka hore Allah u naxariistu wiil dhalinyarada ah ee lagu dilay micno darada. shiiq shariif awalba anagoo ogeyn in uusan karti shaqsi lahayn ayuu hadana si cad u soo dhigay banaanka jaahilnimadii 21 sano burbursay somalia oo ahayd qabiilkeyga iyo jifadayda. waa ayaan daro. waxaa hoosta ka riixaya waan ognahay waa Mahiga oo og in Farmaajo haduu ku guulaysa kursiga oranaya PISS OFF.
    gunaanad guuleyso Farmaajo ayaan oranayaa. waxa maanta badbaadin kara somalia waa xildhibaanada soo socda

  2. ILAAHOW umada islaamka ugargaar qofkastona culeyska iyo dhibka uu dareemayo ka dulfeyd, bal eega caruurtaas yaryaree looleynayo hebelbey taageerayeen waa wax si weyn looga xumaado hadii damiir iyo muslinimo dadnimo jirto , ILAAHOW masiibada naga dulqaad masiibaa somali ku dhacdaye
    wabilaahitowfiiq

  3. Ayaanle says:

    Maxaad umadda been abuur iyo khalalaase ku abuurtaan.Maalin walba waxaad ka hadlaysaan khilaaf iyo warxuma tashiil maxaa wanaaga idiin diiday? Ma lacag ayaa la idinku siiyaa in aan xumaan niyad xumo ka hadashaan? Tan kale miyaadan ogayn in lagu gudda jiro olole doorasho isla markaana dadku ay u arkaan fursad dhaqaale oo hadba ciddi la soo dhoweynayo lacag fara baddan ku bixiso soo dhoweyntoodda? Dadku weli uma bisla wadaniyad laakiin insha alaah dhowaan ayaa la filanayaa. Waxaa maanta farxad ah in xamar oo dagaalo looga bartay maanta lagu tartamayo anigaa wax qabtay oo mudan in aan xil qabto…………………..

  4. xasan says:

    waa in lagu dacweeyaa QM shariif iyo taagaradiisa ,qofku xor ayuu u leeyahay inuu qofkuu rabo uu taageero.

  5. warsame10 says:

    Laguma jiri karo ‘IJIID, AAN KU JIIDO’! Waxaan ku talinayaa in Somalia laga dhigo 4dal iyo ka badan si loo kala badbaado oo looga baxo silaccaan! Waxaan aaminsanaa waddamada reer galbeedka markaan in ay rabaan dalka Somalia in uu caafimaado, maadaamaa dhibaatada ka jirto Somalia ay gaartay waddamada reer galbeedka sanooyinkaan dambe, laakiin waxaa iiga jiro shaki hadda, maadaamaa aysan madax dowladda kumeel gaarka ah ku amrin in aysan isa soo sharixin.

  6. abdulkadir says:

    SCW ………………………. SALAAN KADIB WAXAAN LAHAD LAAYAA SHABIGA SOOMAALIYEED WALAALAYAAL QABIILKA WAA QASAARO YAANAN DIBLOOGU NOQON ……………………MIDA KALE WALAALAYAAL INKA DAAYA CEYDA AD CEYNEYSIIN MADAXDIINA KABILOW MADAX WEYNE SHIIQ SHARIIF ILAA LABADII REYSULWASAARE EE NASOO MARAY WAXWEYN AYEY NOOQABTEEN MARKA OGAADA XOR AYAA UTIHIIN AYADOON QALALAASO LAKICIN IN AAD DORATAA NIN ALE NINKAAD ISLEEDIHIIN WAA HOGAAMIYE FIICAN …………………………SOMALIYEYE DIGNIIN ……………..HADOORANINA NIN CUSUB ILEEN MATAQAANINE DOORTA NIN AAD SHAQADIISA SOO ARAGTEEN SI UU WADANKA MEESHA HADA UU MARAAYO KASII WANAAJIN KARA

    ,,,,,,,,,,,,,,,,,, WABILAAHI TOWFIIQ……………………

  7. warsame10 says:

    Laguma jiri karo ‘IJIID, AAN KU JIIDO’! Waxaan ku talinayaa in lakala jaro Somalia oo laga dhigo 4dal iyo ka badan si loo kala badbaado oo looga baxo silaccaan! Waxaan aaminsanaa waddamada reer-galbeedka in ay markaan rabaan dalka Somalia in uu caafimaado, maadaamaa dhibaatada ka jirto Somalia ay gaartay waddamada reer-galbeedka sanooyinkaan dambe, laakiin waxaa iiga jiro shaki hadda, maadaamaa aysan ku amrin madaxda dowladda kumeel gaarka in aysan isa soo sharixin.

  8. hayaan says:

    wan in lasoo xira ninka waxaas ku kacay wana in sharciga la horgeeya mooryaankaas

  9. Haad says:

    A/C

    Allaha u naxariisto muwaadinkaas gacanta ka xaq darani dishay. Ehelkiisii, Qaraabadiisii, Asxaabtiisii, iyo Soomaali oo dhana Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. Allahuma arxamhu!
    Ilaahoow u naxariiso wiilkaas xaqdarrada lagu dilay, kuwa dhaawacaana caafimaad sii. Aamiin Yaa Allah!

    Waxaa xaqiiqdii cajiib ah in ficillada noocaas ah ee mooryaannimada, Iimaan li’ida, Kalsooni darrada, iyo Fulaynimadaba leh madaxtinimo lagu raadsho. Waxaa hubaal ah in uusan xaqu qarsoomayn dhawaanna ay bulshada Soomaaliyeed si buuxda u aqoonsan doonto dambiilayaasha, mooryaanta, gacan ku dhiiglayaasha ah, maxkamadna lasoo saari doono. Insha Allah.

    Shacabkuna ha ogaadaan, “Inna Macal Cusri Yusran!”. Dhibka waa laga bixin Insha Allah!

    W.T

  10. somalijecel says:

    Meeye kuwii lahaa muqdisho waa caasimadda wadanka?muqdisho dadka ayaa lagu qashaa arrintan waxay ankee fariin u diraysaa musharaxiinta kale oo micnaheedu yahay halkaan ma ahan caasimad sidee wasiiradu ugu shaqayn doonaan magaalo sidaa ah?

    Shariif markii hore ayuu na siray waana khinal wadan khaainal diin mooryaan aan garasho iyo diin lahayn

  11. adem says:

    walaahi arinkaan aad baan oga xumahay, shariif in uu mooryaan yahay waan ogeen, waxaan maqli jiri burcad badeed shariif waxuu noqday yahayna burcad xukun doon ah war sidaan laguma helee umadaa la kasbadaa. illaahoow u naxariisa inankaa yarre micna darada ku geeriyooday.

  12. xusen says:

    kkkkkkkkk waxaan layaabanahay shariif muxuu ka wadaa waxaas midda kale Ayaale muxuu ku haystaa websetka warka too tabinaya maxay tahay sababtu Ayaanle waa nin ——— ah sidaas darteed ayuu ku haystaa websetka wuxuu taageersan yahay shanba ceyn

  13. Ismahan says:

    Inalilaahi wa ina ilahi rajacuun ilahay ha unaxaristo wiilka ku dhintay ilahy samir iyo iiman hakasiyo walidkii uka geriyooday ilahow hana ceebayn mamadaxdii dowlada sassamaysay subxan alaah

  14. mudug matale says:

    Ala haw naxaristo
    marxunka
    Farmajana haguulaysto

  15. Puntland boy says:

    Meeshu waa mogdisho Maxaa ula yaa beeysaan Dilka Wiilkaas yar oo mujinayay waxa ugu yar oo Qofmawaadina Uu xaq uleeyahay, Dadka raacsan Farmaajo Waxaa muuqata waxay ku raacsan yihiin Soomaaali nimo & xoriyadooda, Waxaan aamin sanahay Waxa dhibaatda ka geystay Sayidka waa Iska cadahay (Tarzan) Su’aashu waxay tahay Mogdisho Ma istaa hishaa Magaalo madax ?. indhaha In laistiro maahan Magaalo Dad gooni u sheegtaan See loo dhihi karaa Waa Capital city , Ilaa & Hada lagama wada hadal waxii k dhacay 1991 , Marxuumkii waa lagula dagaaley Aun in Yuusuf Ragbaana abuuray Afduubka , Farmaajo & Ina Yuusuf Lama kala jecla Haduusan aheyn Status code, Marka macnaheedu waa Soomali ma heshiin Waxii dhacayna Wax laiskama weeydiin, Siyaasiyiin baa cararaya Dantooda wata IWM, Hadii aad guri dhisanaysid waa inaad kabiloowdaa foundation fiican Intadan roofka ka saarin , Caqligaas baa ka Socda Soomaalia, Viva Puntland & Soomaalia

  16. raxan reeb sawirada ay soo galinayso haka fiirsato waxay meel uga dhacays ethics ka saxaafada waayo website ka waxaa access garaysanay underage people

  17. HIIRAN BOY says:

    walaahi ayadoo lamarayo
    2012 in ciidamadii dawlada loo adeegsado arin siyaasadeed oo waliba gacan kahadal ah waa ceeb ceeb io fadeexad dadku waa xor ninkii ay u arkaan in uu wax uqabankaro oo daacad ah ayeey taageerayaan farmaajo asaga ayaa shacabka is jeclaysiiyay waa nin dhalin yara ah oo xaaran daacadnimu ay wajigiisa kamuuqato iyo wadaniyada
    hawl kar ah oo aan fariisan
    ilaahay ha unaxariisto ninkaas dhalinyada ah waa shahiid asaga oo cadaalad iyo wadaniyad banaaka utaagan ayaa latoogtay
    kuwa moodaya in ay na.aamusin karaan waxaan usheegaynaa nama aamusin kartaan
    dal iyo dibadba EX R W farmaajo ayeey taageero u hayaan

  18. wadani says:

    raxan reeb walalayal idinka meesha jooga sheekh sharif iyo inta taageersan waa inaad qaldkooda tustan soo bandhigtan waad ujeedan inay dadkii kale laynayan xitaa booqo radio muqdisho waxay badaleen raysal wasaraha xaladii uu kusoo bandhigay musharaxnimadiisii oo waxay ku qoreen waxqabdkii xukuumada isku fiiri malinkii horene waxay ku qoreen xaflada mushaxnimada waxan idinka codsaneyna inaad wax kaqabatan waxas hadii aad tihiin saxafada xorta ah oona aydan nin iyo qabiil aydan u eexan .

  19. Rooraaye says:

    S/calaykum shalay ayey aheyd markaan lahaa shariif la taliyaashiisaa xun waxaa maanta dhacay ceebtii ugu xumeyd ever qof maskiin soomaali ah oo xoriyadiisa cabiraya ayaa dharaar cad la toogtey anagu maan baran kaligii taliye xoog umad la doonayo in lagu maquuniyo away united nation awey united state awey midowga yurub shariif most go

  20. Rooraaye says:

    War aduunku waa isbedelay liibiya tuniisia masar yemen suuriya aawey madaxdii dadka xooga ku muqiiniyey bal isweydii this is it

  21. cawaale says:

    shariif waligii waxuu ahha argagixiso maantana sawirkiisaa dadka lugu dilay wax udhiman majirto oo ah ceeb ddanbiile sawirkaaga ha qaato adoo madaxwaynihii ah taasi waxay mooqaal utahay in wax karaamad ah uuna lahyn oowalibana uurabo in shacabka soomaaliyeed uucabsi kuxukomo

  22. Dr Abdi Dahir says:

    Soomaaliga dhabta ahow bal dib u fiiri sawirka 2 marxuunka waxaa sida 5 ruux midka ugu yar waxaan ku qiyaasay 7 jir bal mar kale ku noqo, waxaan ula jeedaa waxaan ahay Aabe ku nool 26 sano Canada da,ahaan ku dhow 60sano, waxaan la ilmeeyay markaan arkey dilka loogeystay mawaadinkaas Soomaliga dhabta ah, ee aysan jirin cid uu danbi ka galay,lagu dilay maxaad shucuurtaada(rabitaankaaga) u muujisay, runtii waa arrin cid walba oo ay ku jito in yar oo Soomaalinimo ah uu ka guban karo, bal dib u fiiri sawirka 5 wada waa kuwa ugu baahi badan in ay helaan dawlad xalaal ah oo ku dhisan cadaalad, waxaa uu noo jeexay (marxuumku) wadadii lagu raadin lahaa cadaaladda iyo sinaanta ee Soomalidu ay muddo ku taamaysay,waxaan kula talin lahaa Soomaaliga dhabta ah in dhacdadaan maanta dhacday loo sameeyo Taariikh loona sameeyo Fundation looguna magac bixiyo marxuunkaas. Waxaan kula talin lahaa Somaaliga Dhabta ah oo jooga xamar iyo agagaarkeed in ay ka qaybgalaan Aaska,siiba kuwa u tartamaya doorashada si loo ogaado waxa ay sheegaan in ay run ka tahay, haba ugu horeeyo farmaajo.waxaan bilaabi doonaa hadii Alla yiraahdo marka aan helo magaca marxuunka abaabulida u sameynta xasuus galinta Taariikhda.Waayo wuxuu mudan yahay in Tallo loo dhiso.Waxaan kaloo kula talin lahaa dawladu in soo qabato cidii ka danbeysay falkaas Bini~aadnimada ka baxsan,si mudankiisa loo mariyo.Ogow Soomali waligeed wey jireysaa,adiguse waa tagaysaa(dhimaneysaa) marka jiilka danbe u hiili;

  23. mudug matale says:

    Sh. Shariif waa burcad kha in
    qabyaladaystaa
    walahay haday ku soo celiyan falalka noocaasa mesha waa lagu kala gurayaa . Qurunka burcadaaa, oo dad cunkaaaa
    anigaa iska leh ayay u egtahay cid kalena kama hadli karto ,waar xishoda imanka waayeee

  24. Boqor says:

    Dilkaa waxa uu lamid yahay kii kadhacay Boorame ee wiil yar oo agoon ah oo aan hooyana lahay seexan jiray darbiyada oo gaajo iyo dhibaato ku koray subaxa subaxda kamida qaatay dareenkiisa soomaalinimo markaa ayuu huwaday calankii baluugaa haa ooshan xidigood kuleh bartanka mudo ka dib ayaa waxa arkay nidaamka soomaali land markaa ayay xabad halbowlaha ku jeexeen. Tan maanta xamar kadhacday waa lamid tii boorama kadhacday ee dareenka wiilkaa soomaaliyeed ee aan cidna wax ugaysan lagu dilay. waxaa usaba shariif iyo tarsaan iyo cabdieali.

  25. [...] Reports indicate that at scuffle broke out between supporters of President Sharif and ex-PM Farmajo at the rally after Pres. Sharif’s loyalists drove through the protests in two cars and opened fire on Farmajo supporters, killing at least two people, including a TFG soldier who tried to subdue the attackers. [...]

  26. [...] ayaa dhacay duhurnimadii maanta kadib markii 800 ruux oo u dibadbaxayey Farmaajo ayaa galeen barxada Sayidka oo ku taalla degmada Wardhiigley [...]

  27. [...] Eye witnesses at the scene told RBC Radio that armed men who were driving small vehicle and holding the pictures of president Sharif attempted to disperse the pro-Farmaajo demonstrators and opened fire on them. [...]

  28. Puntland boy says:

    Wiilkaa yarka ah hala raadiyo Sida uu Dr Abdi Sheegay waa in Taalo loo dhisaa Waa qofkii Ugu horee yay Si gardaro Cad lagu Dilay Sabab tuna aheyd Maxaad Mawaadin Soomalia Adigoo Mawaadin Soomalia Ugu Soo banaan baxaday Adigoo Raacsan , Wiilkaas yarka ah Dagaal Qabiil kuma dhiman Kuwaan Diinta Beenta kasheegayana Kuma dhiman Wiilkaas yar Waa in Taalo loo dhisaa Sidii sayidka IWM. Hooyadiis samir & Imaan alaha kasiiyo Waxuu iila eg yahay 14 Jir Haduu Qaan gaar Yahayna Alaha unaxariisto Aamiin Aamiin, Viva Puntland & Soomaalia

  29. qaran says:

    taalo ha loo wada dhiso kuwii gaaladu dishay oo farmaajano taangiga ugu dhex jiray markey dilaayeen guryihii madaafiicda la la dhacaayey meeqa saqiir ah aa ku dhimahaayey.garbaharey ha la aado banaabixiisa iyo garoowe iyo meelaha aa dagantihiin unika kali ah aa ku dhigayna gobol gobol aa la yahay iyo federaal marba wax ha noo sheegina muqdisho caasimada muqadas waaye hadii aa ka dhigi kartaan meel kale ka dhiga hadal ma la rabo wakhti aa socodo nacnac joojiya 90kii ey nacnac dhamaatay hada maa la bilaabi karaa been ahaa

  30. Oday Nuur says:

    Si dalku u badbaado o meesha uga baxaan Mahiiga iyo
    qorshaha la doonayo in Soomaaliya loo dhiibto dad la
    adeegsan karo, waxaa talo iga ah in Musharraxiinta oo
    dhan ee mucaaradka ah aay sameeyaan hal dallad oo
    aay sameestaan hal qof oo madax ah awoodana aay
    wada qeybsadaan. Dalku waa weynyahay, shaqaduna waa
    badantahay, dhaqaalaha iyo wax soo saarkana waa
    naga badanyahay. Walaalayaalow taladeyda raaca.
    Wiilka dhintay Allaha u naxariisto.

  31. maxamed says:

    talyaani rooma joogo ninkii ka soo horjeestaa saanaa sugeysa!!!!!!!!! Viva Shariif iyo ]]]] ]]inta soo hartayna are minority kabo ka weyn bey isku jimeyhayaan

  32. [...] ayaa ogaatay in taliska AMISOM ay kala hadleen Farmaajo arimo ku aadan amaanka, ayna weydiiyeen dhacdadii shalay ay ku dhinteen labada ruux ee ka midka ahaa taageerayaal u bannaanbaxayey soo dhoweynta Farmaajo oo shalay Muqdisho ku soo laabtay. [...]

Leave a Reply