Tababar Khilaafaadka iyo Dhismaha Nabada Lagu Baranaayey oo Boosaaso Lagu Soo Gabagabeeyey[Sawirro]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Boosaaso[RBC Radio] Tababar lagu  baranaayey Qaababka looga gudbo  Khilaafaadka iyo sida kaliya ee ugu  haboon ee wax loogu qaban karo  dhalinyarada reer Puntland ayaa maanta  lagu soo gabagabeeyey gudaha magaalada  Boosaaso.

Muddo laba berri ah oo u ka socday  Tababarka Machadka Caafimaadka ee  magaalada ayaa Ujeedada laga lahaa ay  ahayd sidii ka qeybgalayaasha oo u  badnaa dhalinyaro wax looga bari lahaa  hababka loo horumariyo awoodaha  Hoggaamiyaashu u leeyihiin Xallinta  khilaafaadyada iyo dhexdhexaadina  wadaxaajoodyada.

Guddoomiyaha Dallada Ururada  dhalinyarada gobolka Bari ee ABYAN  Cabdirisaaq Xiddig Warsame oo  Gabagabada Tababarka la hadlay  Shabakada Raxanreeb ayaa faah-faahin  ka bixiyey Ujeedada loo qabtay  Barnaamijka iyo Qaababka ku haboon ee  loo Xalin karo khilaafaadyada iyo  arrimaha dhalinyarada.

Md. Cabdirisaaq Xidig ayaa sheegay in  Ujeedada looga golahaa Tababarka ay  ahayd in dhalinyarada ogaadaan  khilaafku waxa uu yahay,waxa keena iyo  sida khilaafka looga gudbo,sidoo kale  in la horumariyo awooda  Hoggaamiyaashau u leeyihiin xallinta  khilaafaadyada.

Guddoomiyaha Dallada ABYAN Cabdirisaaq Xiddig Warsame

Waxa uu tibaaxay sidoo kalena in  Tababarka Casharada lagu baranaayey uu  qeyb ka ahaa sidii dhalinyarada loogu  Tababari lahaa dhexdhexaadin,waxa ay  tahay wadahadalku iyo hababka ugu  haboon ee loo bilaabo wadahadalada  iyadoo la hagaajinayo dhanka  Nabadgelyada.

Guddoomiyiyuhu waxa uu xusay in  Tababarkan ay ka qeybgaleen ku dhawaad  50-qof oo u badnaa dhalinyaro,waxaase  uu intaas ku daray in sidoo kale ay ka  faa’ideysteen ururada haweenka iyo  dawladda hoose ee magaalada Boosaaso  madax ka socotay.iyadoona dhaqaalaha  ku baxay ay gacan weyn ka geystaya  Hay’adda Save the Children.

Xubnihii ka qeybqaadayey Tababaraka  ayaa soo bandhiyey intuu uu socday  barnaamijka Riwaayad ka turjumaysay  Xallinta khilaafaadyada iyo sida wax  loogu qaban karo dhalinyarada.

Hurguf oo ku hadlaayey magaca ka  qeybgalayaasha ayaa sheegay in  Tababarka u socday muddada labada beri  ah ka barteen casharo faa’ido u leh  iyaga iyo bulshadaba,iyadoona uu  tilmaamay in bulshadooda uga Faa’ideyn  doonaan wixii ay barteen.

…”" Tababarkan oo kamid ah  Tababarada waxtarka u leh bulshada oo  khaas ahaan Ummada Soomaaliyeed  khilaafku yahay waxa halkaas dhigay oo  ragaadiyey,waxaan kaga  Faa’ideysaneynaa anigoo ku hadlaaya  magaca Ciyaaraha gobolka Bari sida  khilaafaadka looga horgato iyo hababka  kala duwan ee loo Xaliyo kuwa kalena  waxan ka rajeyneynaa inay uga  Faa’ideeyaan bulshadooda..”"ayuu yiri  Hurgus.

Muddooyinkan danbe loogama baran  gudaha magaalada Boosaaso in lagu  qabto Tababaro kor loogu qaadayo  Xirfadaha kala duwan ee  dhalinyarada,waxaana hadda socda  Barnaamijyo kala duwan oo ay wadaan  Dalladda Dhalinyarada ee ABYAN oo  kaashaneysa hay’adaha Caalamiga ah si  ay u fududeeyaan habsami u socodka  hawlaha adag ee horyaala.

_______________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Share

Tags:

1 Response for “Tababar Khilaafaadka iyo Dhismaha Nabada Lagu Baranaayey oo Boosaaso Lagu Soo Gabagabeeyey[Sawirro]”

  1. [...] Originally posted here: Tababar Khilaafaadka iyo Dhismaha Nabada Lagu Baranaayey oo Boosaaso Lagu Soo Gabagabeeyey[Sawirro] [...]

Leave a Reply