TACSI: AXMED CIID MAXAMED XASAN CAWAD


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

EEBBE HA NAXARIISTEE WAXAA MAGAALADA BOSTON EE DALKA MAREYKANKA KU GEERIYOODAY AXMED CIID MAXAMED XASAN CAWAD, WAXAANA GEERIDIISA LA OGEYSIINAYAA EHELADIISA OO MEELO KALA DUWAN KU NOOL GUDAHA IYO DIBADDABA.

MARXUUMKU WUXUU AHAA NIN DHALLINYARO AH OO SI WANAAG- SAN U SHAQAYSTA , ILAAHAYNA SIIYEY DABEECAD IYO ASLUUB HAGAAGSAN, UMMADDII BARATAYNA AAD UGU JECLAADEEN, HASE YEESHEE MUDDO DHAWR BILOOD AH WUU XANUUNSANAYEY

WUXUUNA U DHEXEEYEY GURIGIISA IYO ISBITAAL, WUXUUNA GEERIYOODAY GALABNIMADII BISHA AUG.23KA, AHAYD, 24KII OO JIMCO AHAYDNA WAA LA DUUGAY WAXAANA AASKIISII KA SOO QAYBGALAY UMMAD TIRADOODA AAN LA SOO KOOBI KARIN.

SIDAAS DARTEED, WAXAAN GEERIDA AXMED CIID MAXAMED XASAN TACSI IYO OGEYSIINBA UGU DIRAYAA XAASKIISII, CARRUURTIISII, WALAALIHIIS, EHELADIISII IYO SAAXIIBADIISII, WAXAANA RAXMAANKA KA BARYEYNAA IN UU SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO, ISAGANA JANNADA FARDOOWSA GURIGIISA AAKHIRO KA YEELO, INSHA ALLAAH, AAMIIN.

AAMIIN, AAMIIN.
WABBILLAAHI TAWFIIQ
MUUSE XAAJI ABEES

Share

2 Responses for “TACSI: AXMED CIID MAXAMED XASAN CAWAD”

  1. [...] Read the original post: TACSI: AXMED CIID MAXAMED XASAN CAWAD [...]

  2. Nafisa Nur Osmaney says:

    Innaalillaahi wa innaa ilaaheeyhi raajicuun, aniga oo ku hadlaayo magaceyga iyo magaca reer Nur Osman waxaan tacsi u dirayaa dhamaan qoyska iyo ehelada uu ka baxay Marxuum Axmed Ciid gaar ahaan xaaskiisa Walaashey faadumo foodey iyo caruurtiisa, iyo dhamaan qoyska reer ciid maxamed qalbiga allaha u qaboojiyo asagana Allaha u naxariisto dambigiisana allaha dhaafo qabrigana Rabi ha u waasiciyo.

Leave a Reply