Taliska AMISOM Oo Sheegay In La Kordhinayo Ciidamada AMISOM Ee La Gaynayo Gobalada Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Afhayeenka ciidmada Midowga Afrika ee AMISOM Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in la sii kor dhin doono ciidamada AMISOM ee la gaynayo gobalada Soomaaliya

Cali Aadan Xaamud oo la hadlaya warbaahinta ayaa sheegay in ay haatan diyaarsan yihiin ciidamo AMISOM ah oo loo dirayo magaalada Beledweyne isla markaana halkaasi ay dhowaan gaari doonaan.

Wuxuu sheegay in uu qorshuhuyahay in ciidamada AMISOM ay la wareegaan fariisimaha ay leeyihiin ciidamada Ethiopia ee ku yaala magaalada Beledweyne.

Ma uusan sheegin Afhayeenka AMISOM sidoo kale inta ay la egyihiin ciidamada AMISOM ee la gaynayo magaalada Baledweyne laakiin wuxuu sheegay in ay dib ka soo sheegi doonaan taasi.

Dhanka kale Afhayeenka AMISOM Cali Aadan Xaamud ayaa ka hadlay ciidamadii dhawaan la wareegay fariisimo ciidamada Ethiopia ay ku lahaayeen magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadaasi AMISOM ay gabi ahaanba la wareegeen fariisimihii ay ku la haayeen magaaladaasi oo ay waliba mudo ku sugnaayeen.

Ciidamada AMISOM ayaa waxay dagaalo kula kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya, waxaana haatan uu qorshuhu yahay in ay isku fidiyaan dhamaanba gobalada Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Leave a Reply