Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Soo Dhoweeyay Howlaha Booliska AMISOM Ka Wadaan Muqdisho [ War-saxaafadeed]
Muqdisho [Radio RBC ] Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Generaal Sharif Sheikhuna Maye ayaa si rasmi ah u soo dhoweeyay ciidamada booliska Uganda oo la abuuray kuwaasoo laga hawlgaliyay Muqdisho iyagoo hoos imaanaya AMISOM.
Isagoo ka hadlaya isu soo baxa ciidamada booliska la abuuray ee AMISOM, Generaal Sheikhuna ayaa muujiyay sida uu uga faraxsan yahay in midowga afrika ay ciidamo boolis ah ka hawlgaliyaan isla markaana sii wada taageerada ay u hayaan in Soomaaliya ay nabad noqoto. Wuxuu sheegay booliska cusub in Soomaalida ay wax weyn ka sugayaan.
“Rabitaanka iyo waxa ay Soomaalida idinka sugayaan waa inaad xoreysaan luuq walba oo ay ku jiraan Al-Shabab. Bulshada adinka ayay idinka sugeysaa inaad sharci iyo kala dambeyn ku soo rogtaan wadanka,” ayuu yiri.
Taliyaha ciidamada booliska AMISOM Dr. Charles Mkono ayaa sheegay in koox kale oo ciidamo booliska ah oo ka socda Nigeria la filayo inay wadanka soo gaaraan kahor intuusan dhamaan sanadkan si ay ugu soo biiraan saaxiibadood Ugandeeska ah.
“Hawsha ugu weyn ee laga rabo ciidamada booliska la abuuray ayaa ah inay sugaan ayna xoojiyaan ammaanka magaalada Muqdisho. Tani ayaa la sameynayaa iyadoo la tiigsanayo roondo ay sameynayaan ciidamada iyagoo la shaqeynaya ciidamada booliska Soomaaliyeed,”ayaa yiri Mkono.
Hawlgalinta ciidamada booliska Uganda ayaa noqonaya midi ugu horeysay ay midowga afrika ka hawlgaliyaan Muqdisho kadib markii ururka midowga afrika la aasaasay sanadii 1963 kadibna loo bedelay midowga afrika sanadii 2002.
RBC Radio
=================
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] (RBC) Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Gen Shariif Sheekhuna Maye oo ka mid ah wafdi ku simaha wasiirka arimaha gudaha dawlada Soomaaliya uu hogaaminayo oo wadanka [...]