Talyaaniga Iyo Britain Oo Soo Dhoweysay Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Roma (RBC) Dowladdaha Talyaaniga iyo Britain ayaa soo dhoweenayaan baarlamaanka cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo dhawaan lagu dhaariyay Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladahaas ayaa lagu sheegay in Roma iyo London ay soo dhaweenayaan golaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, oo ay tilmaameen inay rajeynayso Soomaaliya inuu u horseedo dowlad cusub, nabad iyo xasillooni.

Wasiirka arrima dibedda Talyaaniga Julio Tazi ayaa sheegay Soomaaliya in ay cagta saartay dhabihii nabadda sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in ay ka go’antahay in ay sii caawiyaan Soomaaliya.

Dowladda Britain ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii wadi doonto kaalmada ay siiso dowladda Soomaaliya, si ay ugu suurtagasho fulinta waxyaabaha ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

Labada dowladood ayaa ku booriyay xubnaha baarlamaanka cusub in ay soo dedejiyaan doorashada guddoomiyaha cusub iyo labadiisa ku xigeen, iyo mida madaxweynaha.

Dhinaca kale madaxa siyaasada arrimaha dibedda Midowga Yurub Catharine Ashton ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso baarlamaanka cusub ee Soomaaliya yeelatay, waxana ay ku tilmaamtay tallaabo horrumar leh.

Waxa ay ugu baaqday baarlamaanka cusub in ay ka ku dedaalaan siddii Soomaaliya ay uga bixi lahayd dhibka ay ku jirtay labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Si kastaba, beesha caalamka ayaa si weyn u soo dhaweysay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo dhawaan lagu dhaariyay Muqdisho.

Ilaa hadda waxa la dhaariyay ilaa 211-mudane, waxa jira buuq iyo is-qabqabsi baahsan oo ku aadan soo xulida baarlamaanka cusub.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

1 Response for “Talyaaniga Iyo Britain Oo Soo Dhoweysay Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya”

  1. [...] See the article here: Talyaaniga Iyo Britain Oo Soo Dhoweysay Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya [...]

Leave a Reply