Tartanka Quraanka Kariimka oo Maanta Ka Furmay Masaajidka Al-Huda ee Garoowe[Sawirro+Codad]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garoowe[RBC Radio]  Tartan Quraan aqris ah ayaa maanta ka furmay Masaajidka Al-Huda ee Magaalada Garoowe Caasimada Puntland iyadoona ay ku tar tama ardayda wax ka barata Dugsiyada Quraan ee kuyaal deeganada Puntland.

Ardayda ka soo qeybgashay tartankan Quraan Aqriska ayaa waxa ay tiradoodu garayaan 29 arday,waxaan ardaydan ay ka kala yimaadeen qaar ka tirsan
deegaanada Puntland ee kala ah Boosaaso,Qardho,Galkacayo,Garoowe,Laas caanood,Ufeeyn,Goldogob,Xafro,Carmo isla markaana wuxuuna noqon doonaa
tartanku ahaan doonaa mid ay ku tartamaan Saddex qeybood oo kala ah 10 Jus,20 Jus iyo Quraanka oo Dhan waxaan tartankan uu socon donaa mudo dhan3
maalmood wuxuuna marayaa Tartankan
sanadkii 2aad.

Kulankan oo ah tartanka Quraan Aqriska ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyin uu ka mid yahay Duqa Degmada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor iyo Mauuliyin ka socotay Shirkada Golsi iyo Muasasada Al-Minhaaj iyo Salama Bank,waxaana fulinaysa Mu’asasada Al-Minhaaj Waxaan Maalgalinaysa Shirkadda Golis iyo Madxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiraxmaan Shiikh Maxamuud Faroole.

Furinaatnka Tatanka ayaa waxaa ka hadlay Duqa Degmada Garoowe Cabdi casiis Nuux Cilmi koor oo isna kulankan ka hadlay ayaa waxa uu
tilmaamay in ka degmo ahaan ay soo dhaweynayaan kulamada noocan oo kale oo lagu tartansiinayo ardayda ku hawlan barashada Quraanka Kariimka
ah,wuxuuna timlaamay in tartamada sidan oo kale ah ay qeyb muhiim ah ka qaadanayso Kor uqaadida barashada
Diinta islaamka.

Madaxa Suuqgeynta Shirkadda Golis Siciid Xuseen Ciid

Madaxa Suuqgeynta Shirkadda Golis Saciid Xuseen Ciid ayaa isna ka warbixiyey qaababka ay had iyo jeer u taageerto Golis barnaamijyada diiniga ah sida Tartanka oo kale isla markaana wuxuu Xusay in shirkadu ay sanadkii hore ay qeyb ka qaadatay qabsoomida tartanka Quraanka Kariimka.

Shiikh Cabdirashiid oo ka mid ah Culumada kunool magaalada Garoowe ayaa isna waxaa uu ka hadlay kulankan oo ah Tartanka Quraan Aqriska ee lagu Qabtay Guriga Alle ee Masaajidka Al-Huda waxaana uu ku dheeraday Sharafta uu dhanka EEBE ka leeyahay qofka Xaafidul Quraanka ah iyo Mujtamaca uu la noolyahay isla mar ahaantaana waxa uu ku booriyay Waalidinta in ay kudaydaan ardaydan maanta halkan ku tartameyso si Ubadka ay dhaleen uga soo
qeybgeliyaan.

Tartankan ayaa waxa uu socon doonaa Mudo 3 maalmood ah,waxaan uu xiligan marayaa sanadkii 2aad iyadoona sanadkii 1aad lagu qabtay isla masaajidkan Al-Huda,waxana uu sanadkan kaga duwanyahay kii lasoo dhaafay iyadoo lagu kordhiyey hal Jus oo dheeri ah halka uu kii hore ka ahaa 2 -jus.

Duqa degmada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor halkan Guji

Madaxa Suuqgeyta Shirkadda Golis Siciid Xuseen Ciid Halkan Guji

Shiikh Cabdirashiid oo ka mid ah Culumada kunool magaalada Garoowe Guji Halkan

____________________

Mahad Abdi Ali
Nakal143@gmail.com
RBC Radio
Xafiiska Garoowe

Share

Tags:

7 Responses for “Tartanka Quraanka Kariimka oo Maanta Ka Furmay Masaajidka Al-Huda ee Garoowe[Sawirro+Codad]”

  1. wadani man says:

    waa ku waan dadka xaqa ku taagan marka ilaah waxan kabarya somali oo dhan in uu diinta usoo jeediyo inta ee qabiil iska cunaayaan

  2. saalax saciid says:

    WADAAD uma baahnin mar danbe. Wadaadu waxay ka mid noqdeen dhibaatada Somaliya ka taagan. dalka ayeey wax ka burburiyeen

    Wadaad iyo waranle ayaa wadanka baabba’shay, iyagoo kitaabka ku gabanaya.

  3. Subxaana llaah saalax saa ha oran waxaad leedahay labo magac oo saalax &siciida
    diin ta ha dhibsan hadaan wadaad la helin yaa dadka runta usheegaya
    illaahow wadaad hanoo waayin kanaoqo kalmada qaldan saalaxow

  4. Saalax Saciid says:

    TO; GABAR SOOMAALIYEED

    Huuno, wadaadadii hore ee nabada jeclaa baad ku qaldeysaa kuwa hada jooga. Wadaada hada jooga ee isu bedelay siyaasiyiin. Wadaado qabiil ku dhaqma, oo aan garta kala goeyn karin. Wadaado eex iyo lacag u shaqeeya. Wadaado u adeeg gacmo shisheeye, oo shilimaad ka qaata Saacudi ama Qadar, iyo waliba wadaado dadka laynaya. Waad oran kartaa, wadaado fiican baa jira, waa run, laakiin ma muuqdaan maanta
    Tan kale, wadaad ha u ekaado dugsi quraan iyo diinta iyo masjidka, iyo wixii wax laga weydiiyo, ma aha inay ku dhex milmaan qabiil iyo quran kale.
    Adiga waxaad u egtahay inaad ka midtahay gabdhaha ay wadaadada maskaxda ka heystaan, ilaahey ha kaa hanuuniyo, oo dhinaca kale wax ha kaa tuso

  5. odaywarfaa says:

    DHIDHNACA KALE WAA KEE SAALAX EE AAD GABDHA U WADDID HADAA DHINICII MUSLIMIINTA CAYAYSID YAAAAAAAAAAAB

  6. ninka salax la dhaho wad khaldantahy 100% hadu dadku wadad iyo wax wada wayo yaa hagaya ma moryaan baa hagaya ilaah ka baq …………..subxana lah

  7. Eng Sacad says:

    A//c/w/w/w dhamman ummada Somaliyed Ramadan Kareem ban idin leeyahay,salam ka dib ad iyo ad banugu faraxsanahay tartanka quranka ee lagu qabanyo magalada Garoowe,waxaan leyahay dhammanta in ku howlan hirgalintiisa shaqo fican bad qabtateene Alla ha idinka abaalmariyo,halkaas ka sii wada insha allah
    Mahadsanidiin

Leave a Reply