Ugaarsiga Ka Dhanka ah Salaadiinta oo Gacan Ka Hadal Isu Bedelay Iyo Mahiga oo Garta Qaadaya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Iyadoo ugaarsiga iyo hanjabaada tooska ah ee loo dirayo odayaasha dhaqanka iyo xubnaha guddiga xulista ay weli ka socota Muqdisho ayaa dhanka kale waxaa hadda bilawday in gacan ka hadal toos ah uu dhexmaro odayaasha iyo siyaasiyiinta xilka waayey ee israadnaya.

Wariyaha Raxanreeb ayaa gudaha xerada Xalane ku daawaday dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmaray mid ka mid ah salaadiinta beelaha Soomaalida iyo nin xildhibaanimo loo qoray hase yeeshee markii dambe booska waayey.

Dhacdadan oo dareen iyo xiisaba lahayd waxay dhacday habeenimadii Isniinta ee Talaadada soo galeysay [20/08/2012] oo ahayd habeenkii la dhaariyey mudanayaashii ugu horeeyay ee baarlamaanka iyadoo ay goobjoog ahaayeen saraakiisha beesha caalamka, kuwa Qaramada Midoobay, guddigii farsamada iyo xildhibaanada cusub.

Ninka weerarka soo qaaday iyo Suldaanka waa isku beel, hase yeeshee wuxuu ninkan [oo aan magacaabeyn] uu ku cabanayaa in suldaanka uu khiyaameeyay kadib markii uu ka hormarsaday lacag uu ku sheegay $18,000 doolar (Toban iyo siddeed kun doolar) si uu booska xildhibaanimada beesha ugu qoro, laakiin sida uu sheegayo dacwoodaha waxaa booska markii dambe loo qoray nin kale oo malaha lacag ka badan tiisa bixiyey sidaasina uu ku waayey kursiga baarlamaanka.

Dadka xaflada dhaarinta joogay waxba kalama socon sida dagaalku ku bilawday, waayo markii hore labada nin [waa suldaanka iyo ninka dacwoonayey] inay sheeko caadi ah wataan baa loo maleynayey, hase yeeshee mar dambe ayaa meel dhinac ah oo dhir badani ka baxday ayaa laga arkay gacan ka hadal FEER iyo FARALAAD ah oo labada nin u dhexeeya, inkastoo Suldaanka la xoog weynaa aadna loo garaacay.

Suxufiyiintii iyo dadkii goobta joogay waxay mar qura soo buraarugeen kadib markii toban ka mid ah askarta AMISOM iyo qaar ka mid ah booliska Soomaalida ay iskudayeen inay labada nin kala furtaan taasoo xakaar badan laga maray, illaa markii dambe ninkii weerarka ku qaaday Suldaanka lagu xiray saldhiga garoonka diyaaradaha Muqdisho.

“Lacagteydii oo aan shilin dhineyn baan rabaa” ayuu ku sii hadaaqayey ninka oo ay garwadeen askarta AMISOM si loo soo xiro.
Meesha dagaalkaasi ka dhacayey waxaa dadkii daawanayey ka mid ahaa Sheekh Shariif, gudoomiyaha maxkamada sare Ceydiid Ilkaxanaf iyo Augustine Mahiga oo ah wakiilka Qaramada Midoobay.

Mahiga oo garta qaada beryahan

Caadiyan haddaaad tagto garoonka diyaaradaha iyo xerada Xalane oo uu ku yaallo xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay waxaad arkeysaa odayaal Soomaaliyeed oo toban toban usii galaya xafiiska iyo qaar ka soo baxaya.

Waraaqo ay ku qoran yihiin magacyo ayaad ku arkeysaa gacmaha odayaasha. Waxaase xiise leh in xitaa mararka qaarkood si ay ula kulmaan Mahiga ayey xog wareysi la yeeshaan cid aan xafiiskaba ka tirsaneyn, oo xitaa wariyaasha ayey odayaashu ku khaldoomaan iyagoo u heysta in cidii meeshaasi joogta ay ka shaqeyso xafiiska Mahiga.

Odayaasha waxay mar walba ka hadlayaan boosas beelahooda laga boobay, dad la soo celiyey iyo beel beel kale ka dacwooneysa.

Laakiin sida iiga muuqatay Mahiga doodahan oo dhan ma wada dhageysto taasaana keenta in had iyo jeer odayaashu soo noqnoqdaan, ama mararka qaar Mahiga wuxuu kula taliyaa in beelaha dib isugu laabtaan oo iyaga isa soo xaliyaan amaba wuxuu u diraa guddiga xallinta khilaafaadka oo magac u yaal uun ah waayo cidna dacwad uma geysato.

Mid ka mid ah xildhibaanada cusub oo isagu beeshiisa aaney dood ka dhex taagneyn oo qadar saacad ah wada sheekeysanay ayaa ii sheegay in sababta odayaasha dhaqanka ay maanta marti ugu yihiin Mahiga si uu arimaha dhexdooda ugu kala xukumo ay tahay “kalsooni darro u dhexeysa Soomaalida iyo qabiilada oo iyaga laftooda is aamineyn”.

Sidaasi darteed ayaa hadalheynta dadka reer Muqdisho waxay tahay “Mahiga oo gartii Soomaalida goynaya!!!”

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

——————————————————————————————-
DIGNIIN: Shabakada Raxanreeb waxay u digeysaa website-yada caadeystay inay xatooyada ku sameeyaan warbixinada Raxanreeb. Raxanreeb iyo RBC Radio waxay weli ku guda jiraan baaritaan lagu hayo kuwa xatooyada ku caanbaxay iyo kuwa ku been abuurta warbixinada.

Share

3 Responses for “Ugaarsiga Ka Dhanka ah Salaadiinta oo Gacan Ka Hadal Isu Bedelay Iyo Mahiga oo Garta Qaadaya”

  1. B Jameeco says:

    Nin xaqiisa la dhacayo m sabrayo goor ay ahaataba waa soo ceshanaya waxaa ka mmaqan

  2. sareeye says:

    waxba kama jiraan waa sheeko la alifay waxaan la xiriirnay dad kala duwan oo saacadaas meesha joogay ma dhaafsiina wariya iyo wepsitke sida ay inoo sheegeen Goob joogayaal

  3. said dheere says:

    dhan walboodka eegataba isma dhaanto weeyoo dhi daraa issugu haray dhulkii waw dhameeyeen
    …….odayaasha dhaqankuna dharkaysoo dhinteeno ka dhaqaaq xishoodkii siyaasigu ma dhowrsado dhibku wuxuu ku dhacayana waa dhalaanka hooyoo inta dhowrsan oo idil.dhanbaal waxaan u dirayaa dhalinyarada ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,dhabtu waa ma guuraan runtu waa ma dhaafaan ……………………………….hadaan dhagartay laga qaban dhuuxaa shumahayana dhiig joojin loo helin,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Leave a Reply