Uganda Oo Ka Digtay Weerarro Argagixiso Oo Dalkeeda Ka Dhaca
Kampala [Radio RBC] Dowladda Uganda ayaa ka digtay weeraro ka dhaca dalkeeda iyo dalal dariska la ah sida Kenya.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Al-Shabaab qorsheeneyso in ay weeraro ka geesato dalalka Uganda iyo Kenya.
Dowladda waxa ay ugu baaqday shacabka dalkeeda inay muujiyaan feejignaan iyo taxaddar dheeraad ah inta lagu gudajiro maalmaha ciidamada Soon qaad.
Dhinaca kale, war aan kaas kAa Dukaanadda, Hotelada iyo meelaha sida weyn la isugu yimaado.
Sidoo kale waxaa waddooyinka magaalada Kampala ee caasimadda Uganda lagu arkaya ciidamo si aad ah ula socda dhaqaaqa ay sameenayaan dadka oo heegan ku jira.
Uganda sannadkii 2010-ka ayaa qaraxyo labo lagu qaaday goob lagu daawanaayay ciyaar kubadda cagta, waxana ku dhintay dad kor u dhaafaya ilaa 74-qof kuwa kalena waa ay ku dhinteyn. waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab.
Uganda waxa Muqdisho ka jooga ciidanka ugu badan howgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi











[...] Read More: Uganda Oo Ka Digtay Weerarro Argagixiso Oo Dalkeeda Ka Dhaca [...]