Uganda Oo La’ Diyaarado Helikobters Ah Oo Ku Soo Jeeday Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

KAMPALA[ RBC Radio] Dowladda Uganda ayaa shaacisay in tiro diyaaradaha milatariga dalkeeda la la’yahay, kaddib markii lagu waayay hawada dalka Kenya Axadii shaley.

Sida ay sheegayaan saraakiisha Milatariha dalla Uganda , diyaaradahan ayaa la sheegay in ay ku soo jeedeen dalka Soomaaliya, si ay uga qeybgalaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Waxa ay lee yihiin milatariga , diyaarado helekobtar ah, oo ka tagay magaalada Entebbe, ayaa la waayay meel ay jaan dhigeyn, waxana kaliye la helay hal diyaarad oo ku degtay magaalada Wajeer ee dalka Kenya, halkaasoo shidaal ay ka qaadan lahayd, ka hor inta aysan u duulin Soomaaliya.

Wasaaradda gaashandhiga Uganda, ilaa hadda ma sheegin tirade diyaaradaha helicopters-ka ee maqan iyo dadka la socday.

“Waxa socda baaritaan, ma ogin sida dhabta ah ee wax u dhaceyn, laakin baaritaano ayaan wadnaa, markaas ayaan ogaan doonaa sida wax u jiraan,” sidaas  waxa yiri afhayeenka ciidanka UPDF Felix Kulayigye oo la hadlahy wakaaladda wararka  Reuters.
Ciidanka Uganda ka socda ayaa laf dhabar u ah ciidanka midowga Africa ee howlaha nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee (AMISOM) in Somalia.

Ciidanka Cirka Uganda ayaa sheegaya in diyaaradahan ay ka soo baxeyn bishan  August toddobadeeda waxana ay ka qeyb qaadan lahaayeen dagaalka lagu jiro Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa weerar ka geesatay caasimada Uganda ee Kampala bartimihii -201, halkaasoo ay ku dhinteyn in ka badan 70 qof, kuwaasoo daawanaayay ciyaar kubadda cagta oo  TV-ga  ka socotay.

Ciidanka midowga Africa, oo ay ku jiraan kuwa Kenya iyo  Burundi, ayaa qorsheenaya in howlgal ka geestaan magaalada ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab ee dekadda leh Kismaayo ka hor bisha August 20.

Horaantii bishan, Muqdisho waxa lagu ansixiyay dastuurka Soomaaliya, kaasoo badalaya siddeedii sano ee Kumeel-gaarka oo soo dhamaanaya August 20-keeda.

 

RBC Radio

———————–

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

2 Responses for “Uganda Oo La’ Diyaarado Helikobters Ah Oo Ku Soo Jeeday Soomaaliya”

  1. [...] Read More: Uganda Oo La’ Diyaarad Helikobter Ah Oo Ku Soo Jeeday Soomaaliya [...]

  2. cadaani says:

    ASTAAHIL AWALBA DADKA SOOMAALIYEED EE SHACABKA AH AYAY KU GUMAADILAHAYEEN ILAAHAYBAA UGA FILAADAY WAXAAN WADA OGNAHAY SHACABKA TOBANAANKA KUN AH OO AY XAMAR KU GUMAADEEN INTAY SHABAAB LA DAGAALAMAAYEEN

Leave a Reply