Uganda Oo Lagu Qasbaayo In Ay Ciidankeeda Kala Soo Baxdo Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kampala (RBC) Dowladda Uganda ayaa cadaadiskii ugu ballaarnaa kala kulmeysa kooxaha dhaqdhaqaaqa ee dalkeeda, kuwaasoo doonaya in ciidanka ku sugan Soomaaliya lagu soo celiyo dalkooda.

Kooxahan waxa ay ku goodiyeen in ay dalka ka sameen doonaan dibad-bax, haddii ciidanka Uganda laga soo celin Soomaaliya.

Waxa ay hanjabaadan timid kaddib markii dhawaan seddax ka tirsan diyaaradaha ciidamada milatariga Uganda ay ku burbureen dalka Kenya, isla markaana waxa ku dhintay toddobo askari

Uganda Oo Kooxaha Dhaqdhaqaaqayaasha Ay Ku Qasbaayaan In Ciidanka Soomaaliya Ka Jooga Laga Soo Saaro, waxana taasi ay su’aalo ku shakaaltay 6,000 ee askari ee Uganda ka jooga dalka ku yaallo geeska Africa.

Bernard Luyiga, waxa uu madax u yahay koox isbaheesatay oo ka soo horjeeda in ciidanka Uganda lagu hayo Soomaaliya, waxa uu lee yahay ciidanka waa in dalka dib loogu soo celiyo.

Saraakiisha  Uganda ma sheegaan ciidanka looga dilo dagaalada ay kula jiraan Al-Shabaab, waxa ay lee yihiin waxa sameeneynaa nafhurid.

Afhayeenka ciidamada military-ga  Col. Felix Kulayigye ayaa ku gacan seeray hanjabaada ka soo yeertay kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, waxana uu sheegay in Uganda dan ugu jiro Soomaaliya oo xasisha.

Uganda waxa ay lafdhabar u yihiin ciidanka AMISOM ee Soomaaliya, kuwaasoo tiradooda la gaarsiiyay ilaa 18,000 oo askari.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Share

Tags:

13 Responses for “Uganda Oo Lagu Qasbaayo In Ay Ciidankeeda Kala Soo Baxdo Soomaaliya”

  1. Qulqul says:

    baxa dheh, barakada ha beelaanee.

  2. ali says:

    xagee aadaayan waa joogayaan meel ay u socodaana ma jirto ilaa ay dalka soomaaliya ka xoreeyaan ciidan beeleedka maryocalasta iyo BSt ah ee ku sugan Garoowe..Faroole balaaya ku soo foodleh hadduu Shariifka soo laabto, waana soo laabanaa ilaahey iddinkiis. Raxanreebna kama joojin karto…….

  3. B Jameeco says:

    Shariif iyo Jawaaari am Galayr haday yimaadaan Faroole waa dhuumanaya

  4. soyaal says:

    salaam.
    aniga waxan qabaa ina anay ahayn xili ku haboon in lasaaro ciidanka ilaa inta somaliya cagaheeda isku tagayso. walalkay cali waxan kuu shegayaa Faroole inuu isku filaansho jogo manata cidna uma bahna shiekh sharif haduu soo labto umada somaliyeed baa dortay . faroole somali buu ka midyahay .wax kala dhantaal ladheho majirto dowlado ka xoogbadan baa dalka soo maray meshay mareena waa ognahay. qalad yaan la iska dhadhicin – shiekh sharif haduu sobaxo dalka inuu xorayo weeye waana soo dhowaynaynaa iyo cidkasta oo usoo baxda umada somaliyeed. faroole wuxuu ka midyahay madaxda somaliyeed. waana la soo dortay. cidi aan doorana waa qalad inay eedayso. umada somaliyeed cida ku haysa dhibka , dilka iyo barakicinta baa ubahan waxkaqabasho . dowlada iimandoonta.

  5. ahamednsir says:

    @ali hadii ciidankii puntland ciian beelad lagu sheegey kuwa reer xamarna iman manayan puntland iyo kuwa kale toona waxii dhaca waa la arki donaa ninkasta dhulkiisa isagaa leh hadii cid puntland neceb timaado puntland kama mid noqoneyso somalia taasna idinnkaa arki doonaa dhawaan.

  6. xog ogaal says:

    Faroole waa shaqsi, doorashadiisana waa dhawdahay, balse ma aaminsani in dhamaan Bulshada reer Puntland isku raacayso inay ka hor yimaadaan yididiilada iyo horumarinta dalka, soo bixitaanka waa nin iyo nasiibkii,waxaanse odhan lahaa Puntland haloo duceeyo, sababta aan sidaa u leeyahay in muddo ah waxaa hor boodayey Hogaamiyayaal jecel caadifada iyo qabaliga, Koonfur muddo ayuu xanuunkaasi hayey, haddase waxaay u taagan yihiin Soomaalinimo, Gobolada kale ee Soomaaliyeed oo dhami waxay isku raacsan yihiin Soomaalinimo, Puntland waxaa lagu kala ogaanayaa inay Soomaalinimo rabto iyo inay laqdabo rabto Dowlada Cusub ee timaada, Haddii sidii loo^ga bartay ay tidhaahdo, yeeli mahayno, warkeeda waa cad yahay markaas haddiise ay la jaanqaado, dadkeedaa dhinac ka raacdo waa walaalo Soomaaliyeed, Raxanreeb yaan lala yaabin, Doorashaday ku jirtaa, Qabiilada Soomaaliyeed inay kala soocdo ayay bilowday, war xun mooyee mudooyinkan wax wanaagsan lagama aqriyo, dhawr jeer ayaa Aqristayaashu talo usoo jeediyeen laakiin ka malafan bal aan aragno iyaguna inay Soomaali diid noqdaan ””

  7. Ali waan soo laabanayaa ee walaaleey usheeg.

  8. awoowe says:

    dad badan cudur faroole ah in laga daaweeyo bay u baahanyihiin

  9. C/qadir says:

    Yugandha hajoogto ama habaxdee wlh ineysan kaga badbaadi doonin xattaa wadankooda illaa yugandha gudaheeda ay kanaqato sida muqdisha ay hobiyaha iyo pm ugu garaaceen

  10. Run sheeg says:

    Waxan jira dad badan oo soo jeedka Faroole iyo Pland ugu qarwa cudurkas hadan laga gubin na waa halis inay u dhintaa mesha ciidan Ugandan ah oo muqdisho iyo nawaaxigeeda jooga laga hadlayay maxaa keenay farole iyo Pland? yase shariif so noqoshadiisa logu goodinayaa asagoo lugaha boodh ku leh buu Garowe yimid o lagu soo dhaweyay madaxweyna asagoo Pland madax ka ah muqdisha booqday ma dhicin halkasana laga arkaa cida baahan iyo cida loo bahanyahay.

  11. zakariye says:

    Ascw garoowe iyo deegaanada puntland midna ugandho matagi karaa cidii isku maaweelisana waa cid dano kale leh dad nadaam leh oo hal nin kamar qaata maxay ku falayaan ugaandhees

  12. AIRPOR GALACYO says:

    TO ALI faroole waa wiil [[[[[ ee haku dagdagin yey hajada kaaquban
    dalka somaliyo waxaa awlo amri ka ah waa rer puntland wiligooda siyasada
    waday ee [[[[[ shaah cabiya howshaan wax kama qabankaran waxaa iska
    leh faroole joogso oo gooso yey daal kula tagin dadkaan ilaahay baah kor u
    qaaday laagam waxba sheegimiyo lool

  13. Abshir Warsame says:

    rxr waxaan idinleeyahay waxa laga hadlayo cidda wax kabaxsan ka hadlaya haddaad soo daysaan waxay lamid tahay inaad laqabtaan Ciidanka Ugaandda ayaa laga hadlayay joogistooda Maxaa Faroole
    meesha keenay oo Cali aad warkiisa u soo qorteen haddaan idinku aydaan ku dirayn Faroole.

Leave a Reply