Umuloow: Waraabaha maxaa xiga?! W/Q Bashir M. Hersi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Umuloow: Waraabaha maxaa xiga?!
Bashir M. Hers
Brdiraac@hotmail.com
Agoosto 24 2012

Soomaalidii hore Wadaadada siyaabo badan ayey uga hadleen, ammaan, dhaleecayn, wiirsi iyo maadba isugu jira, mid walbana dhacadeeda ayey lahayd.

Guud ahaan wadaadadu marna Siyaasadda kuma jirin, isuma soo hagoogin, han iyo hawana kama galin, hadallo u yaallay, haaneed ka ilaalinayey iyo habsami la dhawrayey awgeed, haddana wadaadadu si guud qayb ayey uga ahaayeen hagidda qaab nololeedka bulshada iyo maaraynta mashaqooyinka maalmaha.

Dhahdooyinka meelmaray ee dhawaqa dadka iyo dhagahooda ku badan ee ku saabsan WADAAD waxaa ka mid ah: “Ragga iyo Dumarka yaa badan?” jawaabtu waxay noqotay: “Haddii Wadaadada lagu daro Dumarka ayaa badan!” mar kale waxaa la yiri: “Wadaad Dad u eki ayaa ugu dilaa, Abeesana Dhul u eki”.

Marna waxaa la yiri: Wiil labaatan jir ah oo murqo kuus ah ayaa geed ka booday, Wadaad meesha ka dhawaa ayaa asna damcay inuu ka boodo, wadaadkii geedkiina kama boodin, maradii uu guntanaana way ka bidday, markaas ayaa wiilkii wuxuu yiri: “Wadaaddku inuusan Oodda ka boodi karin waan ogaaye waxaa idmanaa in Cawradiisa la arko!” dhanka kale, waata la yiraa: “La joojiyaana bannaan, la jiifiyaana bannaan!” oo wadaad laga soo gaaray.

Uma jeedo dhaleecayn ama caay, ee bal aan dhalanrogga dhacaya wax yar ka dhaho, Diintu waa Raxmad u soo degtay Dadka, waa aqoon looga boxo Jahliga, waa iftiin looga gudbo mugdiyada, waa ambo qaadada Hor-u-marka, bidhaamisada dhabbaha ilbaxnimada, waa aruurisada samaanta, waa kaydka anshaxa iyo hoyga dhaqanka suubban, waa….. waa… Marka laga soo tago ceebaynta iyo cillad u yeeliddeda, ama haaraammada iyo haydaarrada kaga imaanaysa Caqliga iyo Cilmiga, ama cid gooni u colaadinaysa.

Diimuhu markoodii hore waxay ahaayeen erayo aan qornayn, waxay ahaayeen erayo hadal ahaan loo meersho, balse, ka dib qaab fahamka laga qaato erayadaa ayaa wuxuu isu badalaa wax ku lifaaqan oon marnaba ka go’in, ama ka soko mara ishii dhabta ahayd, waxayna keentaa inay Diintu isu bedesho erayo micno la’aan ah, maadama laga soko mariyey xayndaab adag oo ay ku wareejiyeen Dadkii ka ag-dhawaa imaashaha Diinta, la kow saday soo dajinteedii ama laga soo gaaray.

Haddaba, Fekerka Diiniga ah ee ka dhasha qaab macnaynta iyo sida loo jaangooyo erayada, waxaa ka dhasha in la sameeyo jaangoyn aan cidna dhaafi karin ama ka gudbi karin, maxaa yeelay ugu horrayn Diimuhu ma yimaadaan iyagoo qiran, waxay Dadka soo gaaraan iyagoo ah: hadal afeed la maqlo ama la dhagaysto, Dadka ka agdhow darka shanqarta ama jiilasha xiga ayaa u sameeya sargoyn, ku meera xayndaab iyo dayr adag! Ugu dambayn, u xuub siibta inay ka mid noqoto qayb aan ka go’in, waana dhibka jira oo maanta la dhaafi la’nahay, bal adigu hadalladii Wadaadada Madaahibta dhinac u dhaaf iyo waxyaabo badan oo caynkaa ah.

Ugu horrayn, mid waan ka sii afeefanayaa calooshood u shaqaystayaasha Khaliijka ku xiran ee loo soo diray inay jahawareerkaan shacabka in aan la ii arkin inaan qaar ka mid ah taageerayo, sidaa waxaan u leeyahay TOLKA TIMIRTA CARBEED ku midaysan ayaa dhawaanahanba dhawr qayb kala noqday, oo uu dhexeeyaa dagaal qabow, marka yaan loo malayn inaan qolo ka mid ahay u xaglinayo.

Ani ahaan Maxamed Cabdi Umal taariikhdiisa, aqoontiisa diimeed iyo sooyaalkiisa midna kama hadli doono mana dananayaba inaan dhankaa isku mashquuliyo, oo waxaa la yiri: “Dad iyo Dugaagba daymaa iga deeqda!” kuma sii jirto haddayba foolxumo iyo falal qaabdaran ku kacaan, marka waxaan isku dayayaa inaan xoogaa yar ka iftiinsho arrimo badan oo dahsoon, si dadku ugu baraarugaan.

Maxamed Cabdi Umal in badan ayuu ku dhex milnaa siyaasaddan gurracan ee Soomaalida, marka laga soo tago inuu Soomaali yahay, marka laga soo tago inuu wadaad sheegto ama yahayba, marka laga soo tago iyo marka laga soo tago……

Umal wuxuu in muddo ah umadda Soomaaliyeed ee la ildaran abaaraha, gaajada iyo colaadaha ku wareershay sheekooyin diimeed gurracan, mar walbana dhan xun iyo dhabbe qalafsan u jeediya, la yiri: “Ri’ walba Shillinka ay dhigtaa lagu gawracaaye!”malaha shacabka Soomaaliyeed isagaa isu horseeday in arrima caynkan ah oo kale qabsadaan.

Maxamed Cabdi Umal inuu TOLKA TIMRTA ka mid yahay marka laga soo tago, sidii ay u dhasheen balaayadii MAXAAKIMTA lagu sheegay wuxuu si firfircoon u dhexgalay dhaqdhaqaaqyadii wadanka ka socday, si toos ah iyo si dadbanba, wuxuu qayb weyn ka qaatay dhacdooyin xoog leh oo wadanka ka dhacay xilligaa, oo dad badan aysan dareen sanayn, taageeradan kaligiis kuma ahayn, Soomaali aan taageerin wuuba yaraa.

Maxamed Cabdi Umal wuxuu ka mid ahaa wadaadadii aadka u taageeray WADAADADII WAALLIDA WADAYMAXKAMADIHII” oo uu si kal iyo laab  ah u taageeray, haddii awood lagu maquunshay meeshana ka bexeen wuxuu u weecday dhanka gurracan, isagoo JIHAAD ku tailmaamay wixii ALSHABAAB wadanka ka wadeen, GAALAYSIIYANA dawladdii uu hoggaanka u hayeen C/laahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed Geeddi, sheekadaa Culimo kale yaa la wadaagay, qaarkood geeriyaadeen Allaha u naxariistee.

Maxamed Cabdi Umal intaa kuma ekaysan, markii Kooxda Asmaha ee uu horjeege u ahaa Shariifkan haddana madaxweynaha ay go’aansadeen inay wada hadal la furaan Xukuumaddii Nuur Cadde, wuxuu isku dayey inuu Isbaaro u dhigto si aan loo wada hadlin, isagoo si cad uga soo horjeestay in wada hadal la billaabo, Ayaado baas iyo Axaadiis Janna jeebaabka iyo Boorsooyinka kala soo baxay, Wallee waa yaab, Aayado diidaya Sokooye wada hadalaya! Aqriste, macno ma u haysaa?!

Haddii wada hadalkii la isku afgartay, oo la dhisay dawladdii Shariif madaxweynaha ka noqday, ayuu marka kale dhanka kale ka joogstay, isagoo wiilashii gafuurka duubnaa ku caraadiyey inay sii wadaan Jihaadka, kuna boorriyey inay Gaalada iyo Gala raaca la gadaalanaa si ay Janno, Xuuralcayn Indha waaweyn loogu abaal mariyo, aqriste, sidee u aragtaa abaalmarintan galmada laga dhigay?!

Xaalka oo sidaa ah, ayaa waxaa heshiis wada gaaray Jabhad ku kacsanayd maamulka Meles, oo lagu tirsho garab ka mid ah garabyada TOLKA TIMIRTA, oo la yiraa: “Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed ( Western Somali Liberation Front) (WSLF) ” heshiiskaa ka dib, madaxdii ugu sarreyay Jabhaddaa ayaa isa sii taagtay Addis, kulanna la qaatay Meles, Maxamed Cabdi Umal Ayaadahiisii baas iyo Axaadiistiisii Jaan waxba ma tusin, oo ku aaddaan wadaadkaa la hesheeyey Meles,ee wuxuuba u taageeray si kal iyo laab ah, isagoo u daliishaday kelmad carabiya “Musaalaxo waa banaan tahay” Aqriste, hadda sidaan kor ku sheegnay heshiis  walaale Soomaaliyeed ayuu ka gacan taag, waa meeshii Islaantu ka tiri: “Wadaadoow Qiil aad ku bannaysato iyo Qandi aad ku shubato adigaa isku wata”

Xaalka oo sidaa ah, waxaa Gobollada Jubbooyinka iyo Gobolka Gedo loo soo Hindisay Mashuruuc la magac baxay AZAANIA, waxaa horjooge ka ahaa aqoonyahankii hore Prof Gaandi, oo aqoonta ka gaaray ilaa darajada Prof, maantase ku waayey xilkii Xildhibaannimo, inta maanta lagu xasuuqay, marras lagu laayey, Biri ma gaydo la bara kiciyey, marna Maxamed Cabdi Umal Aayadiis baas iyo Axaadiistiisii jaan wax uma shegin ku aaddan xasuuqaa dhacaya! Waxaaba dad badan aragti ahaan qabaan Gaandi aragtayaa Umal aragtay, micnaha kaad aragtaa waa kiisa kale, bal adba sheekada sii dhuux.

Dhanka kale, dawladda Kenya ayaa waareer qaawan ku qaadday deegaannada ay xadka la wadaagto ee Soomaaliya, ujeedka la iclaasnshay waa ARGAGIXISO baan baacsanaynaa, awooddana saaraynaa sidii loo tirtiri lahaa, waxaase qaroosan ujeeddo fog iyo qosrhe hoose oo ah sidii deegannadaa loo qabsan lahaa, Shidaalna looga soo saari lahaa, aqriste, bal adba soo xasuuso heshiiskii is afgarad, ee Prof Ibbi, Ina Cabdi Shakoor iyo Shariif Sakiin, Shariif Shariif iyo Ina Sharmarke la galeen Kenya, heshiiskaa ma balaayo ayaa nooga horraysay?.

Duullaankaa qaawan ee Kenya marna Maxamed Cabdi Umal kama hadal, ma garan umal ma garan waayey in siduu u cambaaranayey wada hadalka dhexmaray Soomaalida is diiddaneyd, uu u cambeereeyo duqaynta Keenyaanku ku hayaan deegaannada koofureed ee dalka? Wallee waa yaab, aqrsite, maxaa kuu baxay?.

Maxamed Cabdi Umal unuu hadal iyo hawraar ka dhaho iska daaye, wuxuu ka joogsaday dhan ka fog, waxaa qarax ka dhacay magaalada Gaarisa, waxaa la beegsaday Kaniisad, shaqsi ahaan Umal wuxuu ku nool yahay Nairobi, sida qof walba oo Idaacadda dhagaysta u maqlay ayuu u maqlay isna, balse, wuxuu Umal caddeeyey in qaraxaa ay ka dambeeyeen wiilal madaxa laga xaday oo dabcan ALSHABAAB ka tirsan.

Weydiinta ayaa ah, maadaama aysan ALSHABAAB sheegan,        maadaama aysan habaarqabayaashiiba isku sixin, Umaloow ma adaa ku saxaya? Waa yaab, aqriste, nin wadaad sheeganaya, diin aqrinaya, oo Kaniisad la qarxiyey ka gubanaya, marnana aan soo hadal qaadin kumannaan la qixiyey, boqllaalka Gantaalaha Sawaariida iyo Hoobiyayaasha lagu xasuuqo, sidee kuula muuqan karaa? Diineey xaal qaado nin duunyo kugu doonay muxuu ku dulleeyey!

Midi waa biya kama dhibcaan, in goob walba oo lagu CIBAADAYSTO ay tahay MUQADDAS, in lagu xadbgudbo ama la waxyeelleeyana ay ku reebban tahay dhaqan iyo diin  mid  oggolaanayana uusan jirin, balse, weydiinta Umal iyo inta ku aragtida hortaal yaa ah: yaa qiimo badan Goob “Kaniisad IWM” ama qof nool oo waliba Soomaali ah? Aqriste, wa filaa inaad diinta wax ka taqaane, bal sii xasuuso Aayaddii ku jirtay Suuradda Almaidda, ee nambarkeed yahay: “32”.

Sida aan soo xusnay, dhib wixii horay u dhacay ama hadda dhacaya Umal wuxuu ka joogsaday dhan weecsan, haddana, wali waa ku joogaa dhan ka sii weecsan, horaa loo yiri: “Boqol tobon iyo afartaan aqaan, kaa aqrismaa yaa ku filan!” haddana, marka ay dhabarjab keenayaan ama dhibaatayn dhalinayaan ama dhalanrog hor kacayaan ama is dhiib hor seedayaan malaha waaba ku sii habboon tahay bay ila tahay, aqriste, adi sidee kula tahay?.

Dastuurkan hadda meelmerintiisa loo qalab qaatay, ayaa doodo badan laga soo jeedshay, dhaliiluhu waxay isugu soo aruurayeen qodobbo ka hormaaniyaa DHAQANKA iyo DIINTA, balse, Maxamed Cabdi Umal wuxuu yiri; “Inta dastuurka rabta dantooda ayey ka arkeen, inta diiddanna dantooda ayey ka waayeen” waaba iga su’aale miyuusan ka waantoobin inuu Soomaali mar walba meel uga dhoco? War qofkii yiri; Qodabka Jinsiyadda, Xuduudaha wadanka, Federalka, Caasimadda iyo inuuba ku meel gaar yahay awgiis ayaan ku diidayaa, ma dantiiisa gaarka ah ayuu ka waayey?!

Nin adduunya joogoow maxaa aragti kuu laaban! Horaa loo yiri, marna miyaad is tiri WARAABAA la cuni doonaa, oo haddana nin wadaad sheeganayaa bannayn doonaa, oo haddana dadku ku qanci doonaan? Alla maxaa dhalanrog dhacay! Waaba Waraabe xalaalayso, oo haddana ha la xishoon! Waa meesha laga yiri: “Waysha Gawrac Wanku ha u quus qaatee!”.

Dhacdada sanadkan ee mahadhada reebtay yaa ah, in la yiri WARAABE yaa xalaal ah, loona cuskaday daliil diimeed, xalaalayntaan waxaa hoggaanka u haya Umal, oo isagu sheegay in la ogaa inuu xalaal ahaa, balse, laga cabsan jiray! Haddaba, waxaan weydiin lahaa Umal: “Adiga haddaad horay u ogeed in WARAABUHU xalaal ahaa, maxaad mar hor noogu sheegi waysay? Maxaad mar hore u soo jeedin waysay? Maxaad mar hore u caddayn waysay daliilka qaba in  WARAABE xalaal yahay?”

Dhanka kale, Maxamed Cabdi Umal hadduu ogaa in WARAABUHU xalaal yahay, balse, dadka ka qariyey sida QURAANKA ku cad DAMBIILE, dabigan wuxuu ku cad yahay Aayadda ku jirta Suuradda Albaqra, ee nambarkeedu yahay “174” oo gooddi daran iyo mid adagba u dirtay kuwa qariya aqoonta iyo cilmiga guud ahaan, gaar ahaan midka diiniga ah ee la xiriira Cibaada iyo dhawrsashada qofka.

Ugu dambayn, haddii wax walba la iskala soo tagay, haddii dhaqan, hidde iyo caado wixii Soomaali lahayd laga dhigay qaar XAARAAN ah, qaar XUN,      qaar XUUNBO ah, qaar laga XISHOODO, qaar laga XARRAGOODO, qaar XASARADO dhalinaya, qaar….

Mar haddii intaa iyo kuwa badan lagu kacay, ee lagu xadgudbay soo jireen iyo jiilalkii hore, oo isugu soo aruuraya DHALANROG iyo DHAQAN HALLAYN, waxaan manta maraynaa inaan u daliil goobanno WARAABE xalaalnimadiisa, haba loo daliil doontee, nin wadaad sheeganaya hadda uu la soo taagan yahay, ayaan darro miyaa dhimman?.

Midse waa inay caddaato, wax badan oo dhacaya, ee magac diin, magac qabiil, magac shirkad, magac siyaasad iyo magac fawdo ku dhaca ujeedka laga leeyahay yaa ah In umaddaan laga suuliyo dhaqankeeda suubban iyo hiddaheeda wacan, hadal iyo waanadiis waxaa dhammeeyey Shiikh Maxamuud Ow Cabdulle Cariif, ugana u daba mari maayoo, waa meeshuu Abwaan Faarax Shuuriye ka yiri:

Nin Cilmiga ku raagee bartaa xaqa hadduu raadsho
Ra’yi gaabtu waa uga hartaa rubac yaleeydaahe
.

Faalladan waxaan ku soo afmeerayaa Geeraar uu tiriyey Abwaan Faarax Shuuriye oo xeeldheere ku ahaa Suugaanta Soomaalida, Geeraarkan wuxuu caan ku yahay: “Ma is raaci karaan?!” kana hadlaya qaybo badan oo nolosha ka mid ah, Abwaan Faarax Shuuriye wuxuu yiri:

Nin Salaadda rumeeyoo
Ruknigeeda yaqaanoo
Rukuucda iyo Sujuudda
Rabbigay ula jeediyo
Kub caddaaga riddoobey
Ma is raaci karaan?.

Ramadaan ninka Soomoo
Soddonkii iska reeboo
Maalintii rudhmo diidiyo
Nin Maqaayadda ruugoo
Hadba Rooti ka qaadan
Ma is raaci karaan?

Nin Masaajid ku raagoo
Cilmi raatib yaqaanoo
Wardigiisa ridaayiyo
Rufiyaanno dulloobay
Ma is raaci karaan?

Bashir M. Hersi

Brdiraac@hotmail.com

=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

45 Responses for “Umuloow: Waraabaha maxaa xiga?! W/Q Bashir M. Hersi”

  1. [...] More here: Umuloow: Waraabaha maxaa xiga?! W/Q Bashir M. Hersi [...]

  2. cabdi says:

    asc war waaba layaabaye haddana ma sh umalaa baxsan la’a waa mucjiso war ilaahay ka cabso ka qoraalka qoroyow hadii wadaad uu san si yaasada ku habooneen ma cilmaani faroole oo kale ah baa ku haboon rabbi halaga baqo

  3. Nuurdhere says:

    Ninka la baxay cabdi,war ilaah ka cabso oo ridii jabtaba faroole ha soo qaadin,walee urursatay dambegiisa,lakiin waxaa halkaas laga garanyaa cuqdada iyo xumaanta kugu jirta,mooduca uu ninka qoray ka hadal adoo buhtaan iyo fitna aan meesha keenin.
    Allaha ku caafimadiyo,

  4. Idris Malaaq says:

    Ragga Salixiinta ah iyo Ducaaddda Diinteena ha jaa’ifeyn.
    Jaahilnimo waa halkeedee markaad kibir hadashid ama internetka ku faafisid aflagaaddo iyo durid la beegsatid culimada iyo ducaadda ugu cilmiga badan Soomaalida, maxaad Allaah ka sugaysa?
    1-Inuu ku asiibo cudur aan dawo lahayn oo dadka oo idil ay ka caraaraan qurunkaaga.
    2-Afku inuu qaloocdo, arag iyo maqal beeshid ood weydid cid ku gergaarta.
    3- Waalalow iyo miyirbeel ay ilmuhu dhagax iyo tuuryo kaala daalan.

    Jaahilnimo haddey kaa tahay, Allaah u tawbad keen, Sheekha la xiriir oo cafis weydiiso.

  5. Yaab Yaab !
    War bal qofkan qariban eega oo cid kale wax kashegaya ,isagii ayaa lunsan waxaana u fah may qoraagu inuu yahay dadka qabyaaladu dilootay oo xanuun sanaya, waxaa intaas udheer Waa qoladan TUSBAXA DHEER ee cilmaaniyiintaa .
    Teeda kale umal waashekh wayn oo macruufa waxad kashekaynasana waa wax nacayb iyo qabyalad iyo belayo iyo baas salka ku haya qof walbana wuu fahmi karaa. Ayaada baas iyo axaadiis jaan markaad leedahay danbiga aad gashay walee waa laguu yaaabaa….lkn akhriste maxaa kuu baxay iyo beer laxawsi iyo qabyalad anagu ma rabno abti . Waxad qortana waa meaning less 100%

  6. geeddi says:

    umal iyo dhammaan waxa wadaad sheegta qof walba indhaha ayuu ku hayaa oo waa og yahay. umal waa ganacsade weyn oo hadba wixii dani ugu jirto diinta ku fiiqda, wuxuu iilka u diray carruur badan oo diin lagu siray, soomaali badan baa masaakiin ah oo aan aqoon lahayn oo gardheeyeyaashu ku amar ku taagleeyeen waana sababta ay u jecel yihiin dad aqoon yar oo ay u laayaan una godobeeyaan aqoonyahannada

    mahadsanid bashir xirsi, waxaan moodi jiray aniga keliya inay ii muuqatay arrintaanu in dheer oo waxaan is lahaa dadku halkee la’yahay!

  7. muuse says:

    War yaa la hadlo aayado sheydaan aa arkan inkaaraa ku dhacday war diin mataqaanidi culumada kalexo tuugyahow xun .

  8. Kismaayo33 says:

    Bashir

    Runtii waxaan la yaabahay jahliga iyo afxumida aad isku darsatay.

    Umal haddii uu masalad diini ka hadlay waxay ahayd inaad diini ah u raddiso laakiin waxaad kortay cay iyo jahli.

    culimadii hore ee islaamka hilibka dugaag iwm way ka hadleen iskuna khilaafeen.

    Qaar waa xalaaleeyeen. qaarna hilibka waraabaha way xarrimeen,. qaarna waa ka aamuseen.

    Aniga waxaan la qabaa kuwa xarrimay sababta ah ciddida iyo micida laakiin in Umal lagu aflagaadeeyo ma qao.

    Raxan reeb web page waa ku ceeb in culimada la xag xagto ee maamulka webkan ama sitekan policigooda dib ha u fiiriyeen.

  9. QUNYAR SOCOD says:

    Bashiirow qarmoon, jahli iyo qabiil ayaa kaa soo urayee ee fadlan isqabo oo afkaaga huurada leh ka culimada

  10. QUNYAR SOCOD says:

    Ninkaad tahayna waa lagu yaqaan xigmadlaawe !

  11. QUNYAR SOCOD says:

    Bashiirow waxaad tahay habaar qabe ayan xilo ku xirmine oo ay sugeyso hanfigii nareed, huuraalow haki naftaada

  12. DALMAR says:

    Waa yaab mamaantaad usoo dhigateen culamadii islaamka birinaa waxaad soo wadiin inaad wax ka sheegtaan asxaabtii nabi muxamad tankuxigtan waa nabiga warwaxmakuu sheegaa ninyahow waxaad tahay wiil kibiray adiga kaliyah isku mash quul aday ku qusaysaa wwwwwwwwwwwwaaaaaaaaaaaaaayyyyyyyyyyaaaaaaaaaaahay

  13. Firirriq says:

    Bashir M. Hersi—– qoraa aan aaad uga helo faalooyinkiisa run sheeg nimada leh,waana af-yaqaan Af-Somaaliga aad u yaqaanna hodanna ku ah Eray bixintana aad ugu wanaagsan.
    SHEIKH UMAL shaatigiisa laguma haystee war kuu sheegay ayaa lagu haystaa? Waraabe waa xalaal asagaa laga hayaa…Culima,caruur iyo ciroolaba warkaas waa u qaadan waayeen aayad qancisana wadaadadii ku qabsaday umuu helin,waa amag amageeyey Odagu.
    teeda kale Odagu firibiga uu afka ku haayo oo Firirriq-da uu ku haayo oo waxartii dhuustaba mikarafoonka inta qabsado uu leeyahay waxar inay dhuustaa waa sax!!!! mayee– waa Edab daran tahay.
    TOLKA TIMIRTA CARBEED-kii noo keenay Diinta new arrival-ka aheyd oo 2006-da aan ay Somalidu soo dhaweysay si ka fiirsasho la’aan ah hayee habartey ma aragtay ay ka raacday ayuu kamid yahay
    waqtigaas NAIROBI waxaa ka socaday sheekadaan (tii kab haysa, tii dahab haysa,tii wiil haysa, kii lacag haaya) waa la iskugu keenaa masaajidka 6-ka Sheikh Umal ayaa ummada Lo’ gizi- ah ka dalbaday inay Jihaadka taageeraan. intii berigaas joogtay baa og. anigu se waa sheegaa ma qarinaayo sababtoo ah wadaadku qeylada naga deyn diiday?!!!!

    TOLKA TIMIRTA CARBEED ka hor wadaad weerara oo warmo wata Ummadda Somaaliyeed ma aanan aqoon…..wasaqdii carabta calooshooda ka soo hartay ayey maraakiib usoo rareen Sumad na waa kusoo dhigeen oo Gar joqof,madax xiiran iyo Surwaal jilbaha wax yar ka hooseeya.
    waxaana lagu yiri(kaan idiin Ekeyn Dila, kaan gar lahayn dila,kii masaajidka ku jira kii usocda dila.kii aqoon leh Dila kii wadaniya dila SOMAALI OO DHAN DILA).

  14. Garyaqaan says:

    mid kaan oo kale waa la yaqaaan waa kuwa somalimemo oo kale oo jiho kale ah asal waxaa warkisa u ah fbi iyo gaalo kale war sheekh umal sheekhul islaamka somalia weeye hada wuxu dhahayona intaan ka aragnay nas diineed buu saaraa bilaahi calayk hadalkaaga waxaa ku cad qaaciidada gaalada muslimka u dajisay ee ah kala saar dawlada iyo diinta waana arin gaalo u adeegeysa.

  15. Ayaanle says:

    Waxaa xaqiiq ah cilmigu diintu in uu u baahan yahay aqoon, akhlaaq, samir iyo isqadarin. Aadaabtii lagu yaqaanay diinta iyo is jacaylkii umadda ka dhexeeyay waxa shaki geliyay qoomkan TIMIRTA IYO CIMAAMADDA ku caanbaxay. Waxa ay qabsadeen oo ay xooga saareen idaacadaha iyo dadka aan lahayn cilmi ku filan oo ay ku kala garan karaan Wadaadka kan cilmiga saxda leh iyo kan la soo baray Presentationka ama sidda loo hadlo, dadkana looga dhaahdiciyo wax aan aqoon fog loo lahayn. Laakiin nasiib wanaag maanta waxa aad moodaa in dadka intiisa baddan ay ogaadeen nimanka kan cilmigooddu aad u yar yahay oo keliya iska doodayaan, taana waxa u markhaati ah, waxad arkaysaa ruux dhalinyara ah oo la leeyahay waa sheikh misana intuu idaacad soo fariisto ku leh MUFTI ayaan ahay oo halkan waxan u fadhiyaa in aan ka jawaabo mas alo kasta oo diini ah, yaabka yaabkiis. Waxan arki jirnay culimmo FIQI keliya bartay oo hadaad wax ka weydiisid ku leh “isug” waan iska hubinayaa ee kitaabaddi dib ugu laabanaya, ileen wuxu waa cilmi diineed oo ma ahan maadiye. Afar sano ayaa la soo dhigtay jaamacadda madiina sidaa waxa lagu yahay caalim diinta yaqaanna. Oo ma diinta ayaa la mid noqotay maadigii oo xitaa haddaad qaadatid Degreega ugu horeeya ee jaamacadda aadan lahayn khibrad kugu filan oo aad ku sheegan kartid in aad tahay khabiir, ALOW SAHAL UMUURAHA. Reer xamarku waxa ay yiraahdaan GADAAL KA GAAR WAA GOOB DUMIS. Culimmo waa climaddii hore ee lagu yaqaanay xishood, xushmad iyo isqadarin oo xitaa xitaa culimaddi hore waxa ay dadka ku cabsi gelin jireen haddii dhiig muslim aad gashid xitaa in aan lagaa cafinaynin hadaad xajka tagtid, markaa ayay dadka u arkayeen dhiiga muslimka oo xaqdaro lagu daadiyo in uu yahay wax wayn, laakiin nasiib daro maanta wiil dhalinyara ah oo shiekh sheeganaya ayaa xabad iska daaye middi madaxa kaaga salaaxaya, ALOOW ALLE,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

  16. liibaan says:

    ninkaagan qoraalka qoroo garo ama ha garan waxaad ku hadashay kalimado diin kabax ah, in aayadihii quraanka iyo axaadiistii aad ku tilmaamtid in ay yihiin kuwo baas waa arin gaalnimo ah weeye. in xuurul ciintii aad kutilmaamtid abaalmarin galmo. waa aflagaado aad kula kacday Allah iyo Rasulkiisa scw sababtoo ah iyaga ayaa balan qaaday in lagu abaal mariyo xuurul ciinta qofkii wanaagsan, hadaba hadii aad sh umal ku kacsantahay wexey ahayd in aad ku gaabsato waxa uu ku qaldanyahay aragtidaada kadib ne ad sheegtid sida saxda ah. laakiin in aad aayadihii iyo axaadiithtii iyo xuurul ciintii kaabaxsawayaan waa qurn qalbiga kaaga jiro, Allah uga tawbad keen gaalnimada aad ku dhacday,,,,,
    hadaad joogi lahayd meel shareecada lagu tadbiiqiyo qoorta iyo madaxa ayaa lakala qaadi lahaa,

  17. cawaale says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk ; umal waa tijaar diimeed,, kulba wixii uurabo ayuu dadka usheegayaa

  18. maxamed says:

    ad baad umahadsantahay waxyaaba badan oo run ah baad ka hadashay waxyaalona waa kaqaldamen haba yaraadeene marka leedahay wadada siyaasad kuma habona yaa ku haboon wadadka isaga ba la rabaaa dadaka siyaasad ahaayn inuu hogamiyo

  19. Libaax-libaax DHalay says:

    Yaab! wiil yar oo af-soomaaliga ka bartay inta lagu murmo, murtina raba inuu kaaga dhigo waxa isaga iyo kuwa aan soo arkay ee Hilowle Galayr caqliga u yahay ee gabayga ku sheegaan baa maanta SHiikh Umal u soo faro baxsanaya, ninyahow Shiikha waxa aad ka sheegtay waa hal aragti oo ah aragti ay hal beel ka qabto waana aragtida beesha sida ahadda cad aad ka soo jeedo, waxba maantoo dhan Soomalii heshiinaysay iyo, kanaiisad la qarxiyo ha ku soo galaangalan, Umal ma aha nin hadda la baranayo sida muuqatase adigu waxaad ku baratay colaadda beeshada u qabto.

    La yaab ma laha, haddii odayaasha beelaha sida adiga iyo Axmed Diiriye iyo Xaad ay Umal caayaan ama afkooda qarmuun ku taagaan la yaab ma laha, waanu fahmi karnaa meesha sarta ka qurunsantahay, hilbo dad baad cunteen oo wali ka findhicilanaysaan, markaasaad xalaashii Alle baneeyeyna diidaysaan oo ka murmaysaan.

    Midda kale nin sidaadoo kale leh “Midi waa biya kama dhibcaan, in goob walba oo lagu CIBAADAYSTO ay tahay MUQADDAS” maxaa xaraan iyo xalaal ka galay, wax kasta waaba u xalaalee, runtii sheekada aad qorayso kuligeed waa calaacal ka yimid odayaasha beesha ee uu hor kacayaan adiga iyo adeerkaa Axmed Diiriye laakiin anigoo aan la joogin baan kugu dhaaranayaa Umal waxa aad beel ahaan is tusteen kuma jiraan mana qabo, waana nin muslim ah oo Alle yaqaan diin iyo dadnimana ka badan kuwa ku soo dirsaday ee adeeradaa ah.

    Dalka Soomaaliya sid auu yahayna Umal kama dhigin, talana kuma lahayn, guri dadowna ma haysto mana qabsan, caruurta Soomaaliyeed ee Islaamka ah buu diinta baraa, kuwo badanna ay agtiisa ka aflaxeen, hadaad doonto waad booqan kartaa nin qarsoon ma aha Nairobi ayuu joogaa waa Imaamka masjidka waddada 6aad ee xaafadda Soomaalida aadka u deggentahay ee Eastleigh.

    Adiguse aan ku weydiiyee DHurwaaga inuu bahal yahay mooyee maxaa kaloo aad ka taqaan? cilmi ahaan maxaad fikrad ka haysataa, akhlaaq xumada waxa ugu weyn midda uu qofku ka hadlo wuxuusan aqoon, waa meesha uu Sangub ka lahaa “Stupid haday caay maxaa af-Ingiriiska loogu daray?!” adigu hadda waxaad taagantahay “Ar hee Waraabaha Xaa bahalad loogu darayhee minow xalaal yahay?!” laakiin waxaa siyaado kugu ah akhlaaq xummada, waxaana ka shakisanahay diinta aad sheeganayso maadaama aad ku celcelinayso “Aayadiis baas iyo Axaadiistiisii jaan” haddee waan garan karaa meel kale ma la’idee arrintaadu waa ninkii uu Sayidka yiri gabay ee yiri “Minow Faraska Futada kor u Qaadyo” …ama aan si kale u iraahdee wiilkii yaraa ee ay hoyadii tiri Allow iiga hadalsii ee yiri “Hooyo…” oo ay hadana tiri “Allow yaa iga aamusiiya” marka hadda Qorista ayaa Taagan “Allow yaa Bashiir iga aamusiiya”.

    Midda kale sida aqoontaada u yartahay marka aad ka hadlaysay dastuurka cusub waxyaabaha aan lagu xusin caasimadda ayaad ku soo dartay adigoo caqli yaridaada caasimadda la simaya xudduudaha iyo jinsiyadda, waxaadna aqoon u lahayn qasab ma aha in caasimadda lagu sheego dastuurka laakiin qodobbada kale waa qasab sida xudduudaha dalka, jinsiyadda qofka dalkaas u dhashay,iyonidaamka dalka ku dhisanyahay, caasimadda siyaabo kale oo loo sheego ayaa jirtawaan wax la xiriira Political Geography, laakiin adiga waxaa kaa guuxaya wixii uu tarzan muddo aqrinayay, Muqdisho Caasimad Soomaaliyeed hadda ma aha waase ahaan jirtay haddii aad rabto in taas aad dadka ka dhaadhicisana, caqligeeda iyo dadnimadeeda la imow.

    Tan kale Tolka Timirta sow kama ay fiicna Tolka Bililiqada iyo Caruur Gowraca, maxaad kuwaas uga hadli waysay, Al-shabaab waxay wax badan ka fiicanyihiin kuwa aad dabada ku haysato hadaysan isku mid ahayn,waxaana kaa waaninaaya arar badan baan ku arkay adigoo wax ka qoraya waxaad aqoon u lahayn wax kalaba yeelkood ee ha ku KHaldamin Cilmiga iyo Culummada, sidaana ma aha sida wax looga qoro culumada ee soo baro hababka iyo anshax dadku kala mudanyahay…

    Ugu dambayn Raxan-reeb, waxaan leeyahay wax kalaba yeelkood awal baan qadyaan idinka joognay marka aad waxyaabaha qaarkod soo daysaan laakiin waa iga talo aqoon ku salaysan dadka Soomaaliyeed wali waxay haystaan dad yar oo faro ku tiris ah haddii ay ahaan lahayd Culumaa’u diin, aqoonyahan, siyaasiyiin, oday dhaqmeedyo, oo wali damiirkoodu noolyahay, marka adinka ha noqonina kuwii lagu dili lahaa oo waliba shakhsi sidaan oo kale rakhiis u ah oo damiir lahayn qabyaalad mooyee, uu magacooda ku baabi’yo… aad baan uga xummahay!

  20. Axmed says:

    Cabdi sxb umul diintii ayuu kuxad gudbay wixii ilaahay xarimay ayuu baneeyay marka waa in dadka googa digaa

  21. muna says:

    asc qofka Islamka inta uusan ku mashquul ceebaha qof kale waa in uu horta eegaa inta uu ceeb leeyahay kuna mashquulaa ceebihiisa sheikh umal waa sheikh weyn hakaa aamgalo dambigana iska yaree carabta aad marwlaba sheegaysana Nabigeena suuban CSW ayaa ka dhashay xasuusnow ….tankale waraabaha aad leedahay sheikha muxuu mar hore noogu sheegi waayey sheikh asaga suaalo la weydiiyey iyo mas’alo ayuu ka jawaabay ee asaga kuma oran somaliyeey cuna waraabaha waa xalaale midna ogow khasab ma aha in mar hore laguu sheego in uu waraabaha xalaal ama xaaraan yahay waayo Allah wxuu na siiyey xalaal fara badan oo an kaga maarano waraabaha umal kaliyana kama hadalin waraahaba sheikh kale oo jooga –>(Canada magaalada Toronoto oo la yiraahdo sheikh Bashiir shiil wuxuuna yiri waraabaha waa xalaal lakin waxaan leenahay xoolo badan oo xalaal ah mana aha in dadka lagu qasbo ama adiga aad tiraahdo waa xalaal waana in aan cuno waana runtiis sheikh Bashiir Allah wuxuu na siiyey xoolo tiro badan Allow waraabo afka hanoo galin haduu xalaal yahay iyo hduu xaaran yahyba lakin adiga in aad tiraahdo maxaa marhore naloogu sheegi waayey miyaad cunu lahyd hadii mar hore laguu sheego? marka ninyahow culimada daa sheikh Umal diinta wuu bartay wixii qalad ah uu sameeyo Allah ayaa la xisaabtami lakin adiga dambiga aad sheikha ka gashaa yaa kaa cafin Culumada oo lagu xadgudbo dhibaato ayeey leeyin ka wantoow akhi arintaas

  22. m'o bossaso says:

    Shiikh umal (waa ku dayashadayda.ugu saraysa) lkn waxi u ku khaldanyahay ku maraacayo. Shiikh umal waa geesi diimeed .waana waaqici dhab ah.(Diyarna uma ihi inan ladodo qof neceb) kan maqalka qorey wuxa ugu filan in aan irahdo meel ayad bas quranka uga jirto weligay ma maqal sido kale xadiis jana ma arag.Ee habar ba beri wexeytiri ?miyad shiikha ku qancinaysa.allah isaga aya ku jeedee haku hanuniyo.

  23. m'o bossaso says:

    Shiikh umal (waa ku dayashadayda.ugu saraysa) lkn waxi u ku khaldanyahay ku maraacayo. Shiikh umal waa geesi diimeed .waana waaqici dhab ah.(Diyarna uma ihi inan ladodo qof neceb) kan maqalka qorey wuxa ugu filan in aan irahdo meel ayad bas quranka uga jirto weligay ma maqal sido kale xadiis jana ma arag.Ee habar ba beri wexey tiri ?miyad shiikha ku qancinaysa.?[BASHIIROW]Quraanka IYO xadiiska IYO shiikha caydhiisa maxaa XIGA???

  24. Run Dheeg says:

    Umal in uu tuug yahay waxaa og qofkii indho leh, in uu ganacsade yahay waxaa og qofkii indho leh, in uu lacag ka sameeyey diin waxaa og qofkii indho leh!

    Waxaa ku faylan inta aan indho lahayn, waxaa rumaaya beentiisa iyo waallidiisa inta dadka ugu aqoon yar.

  25. wadaad yare says:

    Runtii wax badan oo qoraagu sheegey waxbaa ka jira. Waxaanse anigu la yaabbanahey sida dadka soomaaliyeed uu ugu yaraadey isticmaalka garaadku oo xaraf ku dhegnimo aan meel gaarsiineyn ay ugu bateen! Aayadbaa tiri ama xaddiithbaa yiri haddii wadaad ku yiraahdo way iskala boodayaan! War kanaallada xayawaanka miyeydnaan xataa fiirsan? Libaaxu mar ayuu si colaadi ku jirto u dilaa waraabaha dabeedna ma cunee meesha ayuu uga tagaa! Waxa dugaaggii gartey miyaad garan weydey markaasaa qurunka cudurka raabiyada qaba lagu cunsiinayaa? Cilmi hallaguu sheegee cindigeed ma leedahey?

    Hadda waxaan fool xumooyinka adduunka lambarka koowaad ka galnaba haddana ma waraabe cunidbaa nalaku suntayaa oo weliba dad diin sheeganayaa gurbaanka u sidaan?

    Wax walba adduunkaan waa la arkayaa!

  26. wadaad yare says:

    Waxaa kale oon ku darayaa intaas

    Ma waxaan heysannaa diin aan aqligu la socon oo kaligeed ah?

    Mise aqli aan diin wadan oo kaligiis ah?

    Mise diinta iyo aqligaba waan isku wadannaa?

    Haddaad tiraahdo diintu aqliga way ka maarantaa maxaad uga geddisantahey markaas kan lo,da caabudaya oo sidaas lagu dhaley laguna barbaariyey? Haddaad tiraahdo war sidaani si maahanna wuxuu ku leeyahey diintu aqli maahan!

    Haddaba dadka diinta iyo aqliga iska horkeenaya ha ogaadeen ama yeysan ogaane waxey diinta Islaamka kala mid dhigayaan diimaha kale oo iyaguna aqli aan ku socone ab looga har uun iska ah.

    Oo aysan aheyn diinta iyo aqligu isma diidayaane aan isku wadanno labadaba Ilaaheybaa na siiyeye!

  27. Caaqil says:

    Intii nimanka Al-Itixaad, Al-Islaax, Al-Takfiir, Al-Shabaab, Al-Talibaan, Al-Jihaad, waa boqolaal urur oo jahwareeray oo diintii raxmada aheed u rogey diin wax argagixisa. Fiiri maanta meelaha ay ka jiraan nimanka sida, Pakistan, Afghanistan, Somalia, Yemen, Mali, Iraq iyo wadama kale oo badan, waa dad uun ka shaqeeya wixii dalka iyo umada u daran.

    Maqaayad, Masaajid, Shaneemo iyo Suuqyada lagu ganacsado ayay inta ay qarxiyaan ayay dilayaan boqolaal qof oo waxba galabsan; markaas ayey oranayaan jano ayaan tageynaa. Waxaase dhibaata ah in dadka maanta diinta islaamka soo galayo ay heesato dhibaato adag sababtoo ah nimankan ayaa si qaldan qofkii wax ugu sheegaya oo uga dhigaya in diinta ay tahay in wax la dilo waxna la qarxiyo.

    Suufiyada diinta Islaamka waxey caalamka ku gaarsiiyeen si nabadgalyo ah oo aan qasab aheen, laakiin maanta qatar ayaa diintii soo foodsaartay. Gabagabdii, nimankan lagu magacaabey WADAADADA TIMIRTA waa in caalamka laga suuliyaa oo gaal iyo muslimba si isku mid ah loola dagaalamaa.

  28. Gundiid says:

    Maqaalkani asal ahaan wuxuu ku soo baxay oo eey raxanreeb ka soo xigatay webka qabyaalada iyo daarood neceeybka oo uu qoraa ka yahay nin =======ah…….Ninkan qoraalkiisa waxaan ka dha-dhan sanayaa qabyaalad iyo jaahilnimo xaga diinta ah ….Aayadu uu yiri suurad maa’idah ayeey ku jirtaa ma’uusan qorin xataa ma’uusan ku micneeyninj af somali, markaan eegayna waxa uu ka hadlayo iyo aayada isma laha….

    ma’garanayo raxanreeb sababta eey usoo gudbisay qoraalkan ayadoon iska hubinin waxa uu qoraalka ku saabsanyahay.

    Xamar beey jahanama ka dhigeen beey wali soo taaganyihii. Allow sakhir umuuraha.

    waxa uu ku heeysto umul, uma uusan adeegsanin diin iyo axaadiith toona ee wuu iska ccambaareeyay….duf ku bax ilaahaan kuu baryay

  29. Kalafoge says:

    Ku:admin raxanreeb
    War ilaahay ka baqa oo axadkaan
    Ilaahay u carooday wax dambe
    Oo uu soo qoray boggiinna hasoo
    Gelinina war miyaydaan xitaa
    Isha marin intaydaan soodayn
    Wax walba intuu soo dhaafay
    Ayuu quraankii iyo axaadiistii
    Caayay oo ku sheegay Qatari baas
    Iyo axaadiis jaan(jinni) muxuuse kaga
    Duwanyahay gaalkii quraanka ku
    Tilmaamay aayado shaydaan ama
    (satanic verses) waxaad ogaataan
    Wixii dambi ah oo aad boggiinna ku
    Faa

  30. nor says:

    dad fara badan mesha ay ka fiiriyeen maha .in lacaayay umul .balse ninkaan qoralka iska leh waxa u ku hadlay wa gaalnimo aayadihii quraanka ayuu leyahay wax baad .jaano baas .waxa u u socdo waa diin nacayb .wa jahil diinta aad u neceb .raxanreebna waxaas oo kale yaysan usoo gudbin umada islaamka iyo aqristayaasha sharafta leh

  31. Libaax libaax dhalay
    .wanku salamay bro sida aad wax u iftiimisay .ninka qoralkan qoray waa jaahil caqidadisana su,al baan ka keenay anigu kuwa tagerayna waa juhalo diin laawa yaala .
    RAXAN REEB.com
    fadlan maqaalada dadku idin sodiran criteria u dejiya si aad suma cada wepka u ilaalisaan dadka juhaladaahina aysan dadka sharaftooda ugu weerarin N.B. arimaha xaasaasigaa gaar ahaan diinta ka digtoonaada in habar walba ka faalooto sida tan oo kale …ninka waxan qorayna ha towbad keeno kolay uma eka mid khayr qabee ,afka uu ku hadlayaa adakaaa . TOLKA TIMIRTA IYO TOLKA TUBAAKADA,jaadka,xashishada ,qashinka yaa fiican

  32. axmed says:

    Umuloow sheikh Daahir aweeys hilibkiisu ma xalalba-Dameer iyo ey ma la cuni kara? bal ka warran jiirka? maskaxdaadu ma xalaaba in la cuno?

  33. Taagerayaasha Sh. Umal says:

    Nin Salaadda rumeeyoo
    Ruknigeeda yaqaanoo
    Rukuucda iyo Sujuudda
    Rabbigay ula jeediyo
    Kub caddaaga riddoobey
    Ma is raaci karaan?.
    Ramadaan ninka Soomoo
    Soddonkii iska reeboo
    Maalintii rudhmo diidiyo
    Nin Maqaayadda ruugoo
    Hadba Rooti ka qaadan
    Ma is raaci karaan?
    Nin Masaajid ku raagoo
    Cilmi raatib yaqaanoo
    Wardigiisa ridaayiyo
    Rufiyaanno dulloobay
    Ma is raaci karaan?

    Isma raacikaraan… ninkaas wanagsan wa Sh. Maxamed cabdi Umal -XafidahuLAAH-

  34. wadaad yare says:

    Aqliga aadanaha kor waa loo qaadi karaa,haddii la doonayana dabool waa la saari karaa. Madrasada Salafiga la yiraahdo oo hadda geyiga soomaaliyeed sabaalatey waa madraso aqliga kasoo hor jeedda. Aqligu hadduu kobco su,aalo badan ayaa ka dhalanaya kobocaas. Taasna waa midda keenta firqooyinka kala aragtida ah iyo madaahibta kala fiqhiga ah. Si su,aalahaasi aysan u imaan oo loo ahaado rikoor wixii lagu duubo uun sheegaya waa inaan la baran culuumta mandiqa(logic), falsafada, taariikhda shucuubta iyo cilmi seyniskaba. Intaasoo dhan garashada qofka ayey kor u qaadayaan, markaasna inuu su,aalo ka keeno “caqiidada” ayaa ka dhalaneysa.

    “Caqiido”ereyga ah wuxuu ka yimid “minal cuqdah” oo macnaheedu yahey “gunud” oo ah aragtiyo iyo afkaar la isku uruuriyey oo ku saleysan hal firqo fahamkeed ay diinta u fahamtey. Kabbacdina waxaa loo sameynayaa kutub iyo rag difaaca oo heer dowladeed gaarsiisan mararka qaar. Qofkii khilaafa aragtidaasna waxaa laga qaadayaa tallaabo oo “tolka” caqiidadaas rumeysan ayaa bannaanka looga saarayaa, amaba diinta dhan ayaa bannaanka inta laga dhigo noloshiisaba halis la gelinayaa.

    Si aan “tolka caqiidada”lagaaga saarin waa inaadan aqligaaga kobcin oo aad ku ekaato wixii laguu sheego.

    Khilaafkii ugu horreeyey oo muslimiinta ku yimid wuxuu ahaa arrinta ku saabsan “qaddarta” taasna waxey ka dhalatey aqliga iyo aqoonta dadka oo korortey markey aqristeen culuumtii iyo falsafadihii ummadihii kale.

    Mas,alada Qaddarta tusaale aqligu mashaakilka uu soo kordhiyey ayaan ka wadaa waxaanan jeclahey inaan idiin sii faahfaahiyo ee ila socda.

  35. wadaad yare says:

    Waxyaabaha in su,aalo adag la is weydiiyo dadka ku keena waxaa kaloo ka mid ah marka dadku foodda la galo fitnooyin iyo mashaqooyin waaweyn oo is baabi,in iyo naxariis darro iyo xaq darro badan ay arkaan dadku. Asaxaabtii Rasuulka s.c.w ayaa dagaal ba,an dhex marey oo isku halaagsamey, baadilkii Mucaawiye iyo qabiilkiisi Reer Umaya ay wadeen ayaa ka guuleystey asaxaabtii Rasuulka s.c.w markaas ayaa waxaa soo baxdey su,aal in la iska weydiiyo muxuu Ilaahey shartaan iyo xaq darradaan markeedi horeba u qaddarey?

    Kooxdii Qaddariya loo bixiyey ayaa tiri Ilaahey ma qaddarine dadku khiyaar ayey leeyihiin oo iyagaa ficilkooda sameysta wixii ay sameeyaanna ka mas.uul ah.

    Qolo kale oo jabriyo la yiraahdo ayaa bil caksigood istaagtey oo tiri “Ilaaheybaa wax kasta qaddarey oo dadku waa warqad dabeyshu luleyso oo kale”!

    Kuwo kale ayaa dhex dhexaad ka istaagtey su,aashaas adag oo yiri” Arrintaani waa arrin adage Ilaaheybaan go,aankeeda u deyneynaa” nurji,ul amra ilallaah” ayey yiraahdeen.

    Xaraf iyo hal aayad ama xaddiith lala soo ordo su,aasha meesha taali way ka weyntahey xalna ilaa hadda looma hayo.

    Waxaa kaloo ka mid ah su,aalaha adag oon xalka loo heyn “Ilaahey korbuu jiraa” iyo mayee wuu “nala joogaa” iyo mayee “caalamkaan makhluuqa ah oo dhan wuu ka baxsanyahey”

    Qoladii tiri “Ilaahey korbuu jiraa” waxey yiraahdeen markii la weydiiyey oo maxaad ka leedihiin aayadaha badan oo ay ka midka tahey “wahuwa macakum aynamaa kuntum” oo sheegaya inuu meel kasta nala joogo Ilaahey waxey yiraahdeen waa la ta,wiilinayaa oo macne macquul ah ayaa la saarayaa oo Ilaahey kor ayuu jiraa oo caalamkaanna wuu ka baxsanyahey!

    Haddana isla iyagii Ilaahey inuu kor jiro oo caalamkaan ka dhex baxsanyahey sheegey oo sifadana Ilaahey sidaas uga dhigey ayaa intey isi soo geddiyeen waxey yiraahdeen “Ilaahey samada dhow oo adduunyada ayuu habeenka qeybteeda danbe uu usoo degaa”!

    Qofkii su,aalaha caqligu keenayo is weydiiya wuxuu is weydiin karaa:

    “Ilaahey carshiguu ka sarreeyaa oo sarreyntaasina waa sifo uusan marna ka suuleyn” ayaad caqiido ka dhigtey. Haddana “korreyntii” ayaad inta kasoo dejisey ayaad samada adduunyada keentey ee sidee iskula socon karaan labadaas aragtiyood?

    Ma Ilaaheybaa qeybsamaya oo qeybna carshiga korkiisa ayey ku hareysaa qeybna samada adduunyada ayey usoo degeysaa? Mise sifadii ” carshi ka korreynta ayuu ka suulayaa”?

    Ujeedka aan su,aalahaas adag caammada usoo dhex dhigey waxey tahey inaan muujiyo sababaha khilaafaatka keenaya iney tahey aqoonta iyo aqliga wax is weydiinaya.

    Culimadu markey mashaakilkaas caqligu keenayo arkeen ayey u kala baxeen kuwo isku deyey iney su,aalahaas si maangal ah uga jawaabaan waana qolyaha mutakallimiinta la yiraahdo oo muctazilo iyo ashaaciro ay ka midka yihiin.

    Iyo kuwo isku deyey iney indhaha ka xirtaan su,aalahaas oo ay iska dhigaan in ay arrinta u celiyaan inteysan su,aalahaasiba imaan. Laakiin iyagoon is ogeyn ayey haddana lugaha la galeen dooddii aqligu keeney oo dhex dabaasheen. Kaddibna si xagga iyo xagga loo eegin ayey qolo kastaa u sameysey xertooda “guntin aragtiyo diimeed ah” ama caqiido qofkii khilaafa tillaabo laga qaadayo.

    Aqliga dabriddiisína halkaas kuma istaagine waxey usii gudubtey shariicadii iyo axkaamtii camaliga aheyd, ilaa aan ka mareyno “waraabaha waa la qalan karaa ooxaddiithbaa jira”!

    In Ilaahey carshiga ka korreeyo aayado iyo axaadiithbaa jirta. Inuu nala joogo meel kastana aayado iyo axaadiithbaa jirta. Inuu xididka halbowlahaa nooga dhowyaheyna aayadbaa jirta. Inuu samada adduunka usoo degana way jirtaa.

    Wax kasta in lala soo boodo aayad iyo xaddiithbaa jira dadka jaahilkaa oon ogeyn in aayadaha iyo axaadiithtu aysan intaas kaliya aheyne ay badanyihiin ayaa lagu qaldaa. Aayadda iyo xaddiithka aad maqleyso waa kuwo xulasho ah oo hal koox kaliya diinta kasoo xulatey, markaasna kuwo kale ayey kasoo tagtey ee waa inaad la socoto taas.

    Qoraagu markuu leeyahey “aayad baas” ama “xadiith baasna” waxaan u qaatey inuu ka wado fahamka goonidaa oo aayadda ama xadiithka lala xiriiriyey ee uma wado ayaan filayaa aayadda ama xadiithka nafsaddiisa.

    Tusaale

    Salafiyadu waxey dadka u sheegaan in haddii la yiraahdo “Ilaahey meel kastuu joogaa” ay tahey gaalnimo ama bidcinnimo aad u weyn oo Jahmiyennimo loo yaqaan.

    Waayahey markey sidaas leeyihiin ma waxey ka wadaan aayadda Ilaahey uu ku leeyahey “wahuwa macakum aynamaa kuntum” ayaa gaalnimo ah? Mise fahamka noocaas ah oo lagala baxey ayey ka wadaan?

    Haddii iyaga sidaas lagu gaaleeyo ka warran? oo la yiraahdo aayaddii Ilaahey ayey beeniyeen?

    Qofku wuxuu Wahaabi ama Salafi ahaan karaa inta aysan ku dhalan su,aalaha aqliga kobociisu keenayo. Markuu aqligiisu kobcana Salafinnimo way kala dhaqaaqayaan.

    Si dadku caqiidada Salafigaa u heystaanna waa in aqliga iyo culuumta kordhisa laga ilaaliyo!

  36. cabdiqaadir says:

    Sxb af soomaali looma baahna, diin ayaa loo baahanyahay, ee cilmi ku hadal ama iska aamuus,,
    ,,adoo kale waa kuwa haaheeya raacaa, ee carab nacaybka iyo diin nacaybku madax mareen, siyaasada reer galbeedna wax u yeerinyaa,,
    ,, adoo kale waa kuwa aan kala garanayn, xaqaaqiqda iyo waxa ay warbaahintu yeeriso farqiga u dhexeeya,,,
    ,,,way iska cadahay inaadan cilmi diineed iyo ku diin midna lahayn, waxaadse soo minguurinaysaa afkaar laguu soo yeeriyay,, waayo makala saari kartid axwaasha iyo xukuumta ay kala qaadanayaan, diinta iyo qofku waxa u haboon markaas inuu saxo, iyo xitaa hadii khalad jiro, in baniiaadam layahay,,,,

    ,,,,waxaa kaa buuxa nacayb carab, waxaase kugu abuuray warbaahin reer galbeed, waa lagu gumaystaa, taase ma fahansanid,,,,
    ,,, waxaan ka shakiyey islaanimadaada, waxaanse is iri hadana si loo hadluusan aqoon oo maskaxdaada qaybta SUPEREGOda layiraahdaa si fiican uma develope garoobin, hadana waxaan rajaxayaa in aad wax kasta ka istaagto meesha war baahintu ka istaagto,,,,

    ,,,,qof waxaa danbi ugu filan inuu ku hadlo waxkasta oo uu maqlo, ogow hadalada qayb diinta ayaa lagaga baxaa,,,,

    ,,,,be a realistic,,, not haaheeyo raac,,,,,

    ,,, u nax naftaada oo adoo jaahila culimada afka haku taagin,,,,

  37. wadaad yare says:

    Intaasi waa arar ku aaddan naska lala soo ordayo oo caammada caasha loo gelinayo ee aan u gudubno waraabe iyo dawaco iyo baqti hiig in la cuni karo.

    Soomaalida caammigaa haddaad ku tiraahdo tusaale u keen dugaag waxa ugu horreeya oo afkiisu soo qabanayo waa waraabe ama libaax.

    Haddaad baqti hiig ama “scavenger” tusaale u keen tiraahdo wuxuu keenayaa waraabe.

    Weerka weyn oo ariga laaya iyo kan yare xabaale qufka loo yaqaanno oo baqtiga qabriyada ugu dhaca intuba waa wareebayaal.

    Waa xayawaan kan ugu qurunsan oo ugu dugaagsan. Sida Ibnul Qayim sheegey carabtu waraabaha dugaagba uma yaqaannaan ee ugaar ayey u yaqaanneen. Laakiin innagu haddaan soomaali nahey dugaag kan ugu xun oo ugu baqti cunsan ayaan u naqaannaa una jeednaa inuu yahey.

    Haddey carabtu heysato wareebe deeradoo kalaa oo nadiif ah oo cad macaan leh kuma heysannee ha iska cuneen. Laakiin innagu bahal dugaag oo dirty ah oo khabiith ah ayaan waraabaha u naqaannaa.

    Qofku inuu Ilaahey agtiisa ku danbaabayo in kale waa arrin dood geli karto, laakiin qofkii cuna baranbarada, iyo tuqsiga iyo dixiriga iyo kabojaanka iyo yaadaddaba iyo kuuley cali banjarta iyo dhilqaha iyo kud kudaha iyo muqlaha(gafanaha) iyo doolliga ka warran weel wax makula cuneysaa?

    Ka warran iyada bahal higlada iyo maroodiga iyo jeerta iyo yaxaaska iyo diinka iyo waalo sandheerta iyo saangurta iyo dabo caddeeyaha iyo dabo gaallaha iyo xoorka? Xoorka saad aragtey u urka badan ma xaddiith iyo aayadbaa loo helayaa ayey idinla tahey si gooniya uga hadlaya? Mayee nafteennaa noo sheegeysa inuu qurun yahey oon la cuni karin. Waraabaha intaan la qalan intaad soo qabatid bal sanka u dhowee xoorka kama ur yara! Muuqaalkiisana waad taqaannaan.

    Reer dameero qashe ninbaa usoo jiidey ayaan maqli jirey. Haddana innaga soomali ah Reer Waraabe Qashe haddii naloogu yeero waxaa noo soo jiidey nimankii fatwadaas dhiibey!

  38. Soomaaliweyn says:

    Salaama Calaykum

    qoraagu arimo badan ayuu ka hadlay wax saxan iyo wax qaldanba way leeyihiin:
    1- Sheekh Umal: waa lawada ogyahay sheekh umal inuu yahay nin qabyaaladayste , diintana magac ku raadsada , oo aan soomaaliya dan ka lahayn waayo markasta wuxuu ka hadlaa ama dhaleeceyaa dhibaatada ethiopia ka wado Kilil 5 (dds) muxuu uuga hadli waayay isbahaysiga reerkooda iyo kiiniya ay donayaan inay ku qabsadaan Jubooyinka iyo xasuuqa maalinwalba ka dhaca duqaynta kiiniya soomaaliya u gaysato,Labada gaal (Kenya iyo Ethiopi) muxuu u kala jeclaystaa isga uun maaha ee macaal faarax macalin waa la mid ,abwaan reer hargeysaa o dagaalkii labaad ee aduunka ka hadlay ayaa yidhi:
    Bal maxaa laba gaaloo
    abtirsiimo gudboon
    Midkood aan u gumayn
    Midna guusha u siin
    Maxaa iiga gidhiisha
    ………………ma intasu garan waayay umal. labada gaal ee dhulka inaga haysta midna taageer midna cay way isu kay qaban wayday!.

    2-Arinta waraabaha waa masalo khilaafiya oo culimada islaamku laba aragtiyood o kala duwan ka qabaan taa anigu ka hadlimaayo.lakin dhaqan ahaan soomaalida waa ku ceeb in dugaag la cuno.

    3-Gef dhinaca diinta ah oo uu ku kacay Qoraaga bashiir. horta in arimaha diinta la maskaxeeyo ama garaadkaaga wixii aan galay laga horyimaado ma fiicna, waayo diinta ilaahay ayaa soo dajiyay isagaana inooga xogogaalsan markaa weedhaha gafka ah ee qoraalkaaga ka buuxa ilaahay uga toobad keen.

  39. Idris Malaaq says:

    Weligey website ka Raxanreeb waan jeclaa, waa bogga ugu horreeya aan eego, hayeeshee maanta ishaydu way qaban la’day markaan ku arkey qoraalkan Bashiir uu qorey.

    ka tiritira wasakhdan uu soo qorey ninkan gaaloobey. Bashiir diinta Islaamka wuu ka baxay.
    Ayaatkii Rabbi iyo axaadiistii Rasuulkeena Suubban ayuu jaa’ifeeyeey, oo uu wax sheydaan iyo jaan ku sheegey.
    Aacuudu Billaahi min Sharrik wa min sharri sheydhaan.

    Bashiir waa gaal……. qadhcan…. lacnatullaahi calayhi.

  40. m'o bossaso says:

    Bashiirow alla kudufay duli badtahaye culumada haku cadaab mutaysan adiga iyo inta commentiga ku gu taageersanba wax xunba naga doonaysaane diinta sheki ha gelinana. Bal qaarbaa waxay soo qorayaan diintu waa feker yaahu baan ina niriye diinta gefka ka daaya.

  41. m'o bossaso says:

    Bashir M. Xirsi maxaad wax uga qori l’adahay qoftaad isu magac egtihiin .(ayan Xirsi)??? waa yaab kelimad waxan ugu necbahay (waa iska caadi) qofka jawaab ka dhigta .

  42. Ahmed says:

    WADAAD YARE, waxad tahay qof aad u caqli baddan sidda qoraalkaaga ka muuqata, xaqiiqaddu waxa ay tahay qofka garaadkiisa iyo aqoontiisa waxa aad ku garan kartaa 5 ilaa 10 minutes marka uu kula hadlo amaba aad akhrisid maqaal uu qoray. Waxan filayaa haduu jiri lahaa qof si degan u akhriya amaba u dhuuxi kara maqaalka yar ee aad ka qortay qolyahay Wahaabiga ee dhaqankoodduba yahay Halaag, burbur, dhalan rog, dil, gaalaysiin iyo wax kasta oo xun oo ay sal u tahay FUDAYD waxan filayaa in uusan u baahnayn in uu Coments kale ka bixiye e, kaaga ayuu kugu taageeeri lahaa. Waxan ka soo qaatay qoraalkaagan gaaban sidda soo socota “Qofku wuxuu Wahaabi ama Salafi ahaan karaa inta aysan ku dhalan su,aalaha aqliga kobociisu keenayo. Markuu aqligiisu kobcana Salafinnimo way kala dhaqaaqayaan.” Codsi,, Waxan kaa codsan lahaa in aad inoo soo qortid maqaal buuxa oo ka hadlaya Fudaydka iyo Qabyadda nimanka kan. Wxan ku soo gaba gabaynayaa comentskan gaaban, “The more you know the more you know you don’t know.

  43. wadaad yare says:

    Axmed
    Walaal waad mahadsantahey. Runtii hadda jahlibaa calan taagtey oo ummaddii meel ku xareystey. Qofkii wax bartood u billaabanyihiin oo wax sheeg is yiraahdaa waxaa lagu sameynayaa sidii dadka aqoonta lagu sameyn jirey “Middle Ages Europe” oo caammo gaas dhegoolaa ayaa lagaa adeejinayaa markaasey intey ku gaaleeyaan hilibkaaga ku dirirayaan!

    Taas waxey Yurub u keentey in aakhirkii qofkii aqli leh oo su,aalo is weydiin kara iyo diintu kala dhaqaaqaan, maantana ay diin la,aan Yurub tahey.

    Anigu in caalamul islaami waddadaas ku socdo ayaan u jeedaa oo diinta iyo aqoon yahanka la is nacsiinayo. Arrintaasna xowli ayey ku socotaa dheereynaya.

    Diinta dad aan aan laheyn cilmi ay jiritaankeedaba ku difaacaan oo fadeexo ah ayaa u haraya. Inta aqoonta lehna waa laga ceyrsanayaa.

    Markey dadkaasi isku soo haraan yadaadufkaa oo intellectualku diinta colleystaan waxaa la sugaa waa halista Yurub ka dhacdey oo kale.

  44. wadaad yare says:

    Midda kale walaal comments aan ka bixiyey maqaal lagu raddinayo midkaan aan hadda dooddiisa heyno ayaa jira oo isla Raxanreeb ku qorane bal isagana eeg inshaa Allaah.

    Maqaalaadka qaarkood ayaan comments ka bixiyaa. Maqaalaatna ma qoro,sababtoo ah soomaalidu hadda waxey qafaal ugu jiraan kooxaha Wahaabiyada xaraf ku dheggaa oo meel kasta iyagaa buuxa. Caammadu waa masaakiin haddii farta laguugu soo fiiqo way ku dardarayaan iyagoon dheg la qabto laheyn ayeyna kugu soo qamaamayaan.

    Commentska aan bixiyo waan dheereeyaa sababtoo afkaar iyo aragtiyo fikri ah oo falsafi ah labo erey laguma gudbin karo. Taasna waxey ka mid tahey waxa aysan dadku jecleyn oo nin war badan oo hadal dardarey ayey ii heystaan.

    Hadday soo deynayaan inaan maqaal soo qoro waan isku deyi doonaa inshaa Allaah.

    Adiguna waad ku mahadsantahey mar labaad dhiirri gelintaada. Sababtoo ah wax i hujuuma ma ahane wax i dhiirri geliya way yaraan jireen.

  45. Mahad says:

    @ Wadaad yare.
    Walaal xigmaddan ha lagugula wadaagee, noo soo badi, midda kale, sida muuqata qoraaga maadaama aad tihiin isku uaragti, isaga la kasho inuu kaa saacido faafinta, marka aad isla turxaan bixisaan.
    Mahadsanid.

Leave a Reply