Ururka Dhalin-yarada degmada Xarfo ee gobolka Mudug oo dhaliilay wax-qabadka maamulka degmada
Wararka Raxanreeb ay ka helayso degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa soo sheegaya inay dhalin-yarada deegaankaasi ay wadaan abaabulo ku aadan muujinta cabashooyin ku aadan waxqabadka maamulka.
Cabdi Maxamed Xaashi oo sheegtay inuu yahay gudoomiyaha Ururka dhalin-yarada ee degmadaasi oo la hadlay Raxanreeb ayaa sheegay inay ka cabanayaan gaabis dhanka hormarkaa oo uu haabanayo maamulka, waxayna dawladda ugu baaqeen inay soo fara galiso arimahaasi.
Maxamed Xaashi ayaa sheegay inay tahay waxyaabaha ugu waaweyn ee ay doonayaan in wax laga qabto inay ka mid yihiin dhismaha iyo dayac-tirka jidadka degmada iyo kor-u qaadista Sportska degmada oo aad u liita sida uu sheegay, dhianac kale dhalin-yaro reer Xarfaa oo soo booqday Daljir Gaalkacyo ayaa sheegay inay ka digayaan dibad-baxyo ka dhaca degmada oo ay tilmaameen inay saamayn dhan walbaa ka dhalan karto.
Xiriiro aynu la samaynay maamulka degmada ee ugu horeeyo gudoomiyaha degmada Xarfo C/laahi Faarax Bayle ayaysan inoo suura galin inaynu taleefoonka ku helno.
Degmada Xarfo oo xiligii maamulkii Gen; Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) loo aqoon-saday degmo ahaan ayaa muddooyinkii danbe ka soo koraysay dhanka maamulka inkastoo ay jiraan cabashooyin ka imaanaysa Dhalin-yarada.











[...] Read the original post: Ururka Dhalin-yarada degmada Xarfo ee gobolka Mudug oo dhaliilay wax-qabadka maamulka degmada [...]
Waa in maamulka dagmada xarfo iyo kan guud ee puntland wax kaqabtaan cabashooyinka iyo baahida ay tabanayaan dhalinta dagmada.. Waxaan kadigayaa in degmada xarfo uu kadhaco mudahaar aan kayareyn kii kadhacay dalka masar ee ay horboodayeen dhalinta wadankaas, deg deg waa in wax looga qabtaa baahida dagmada