Wadaad Reer Kenya Ah OoTaageero Siinaayay Al-Shabaab Oo La Dilay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

MOMBASA [ Radio RBC] Wadaadka reer Kenya ee Muslimka ah Aboud Rogo Maxamed oo Mareykanka iyo QM ay ku dartay liiska shaqsiyaasad taageero siiya kooxaha argagixisada gaar a kooxda xiriirka la leh Al-Qaeda  dalka Soomaaliya ee Al-Shabaab ayaa la toogtay isniinta maanta, sida ay sheegtay xaaskiisa.

“Gaari naga gadaaleeyay oo na soo daba socday  ayaa seykeyga dhinac midig  ka toogtay,” sidaas waxa tiri Haniya , waxana ay intaas ku dartay in kooxda dilka geestay ay durba baxsadeen markii ay dileen nin keeda oo ku sugnaa magaalada dekadda leh ee dalka Kenya Mombasa.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaariga uu watay wadaadka reer Kenya ay ku yaleen rasaas , waxana taageerayaashiisa ay sii daayeen sawirro muujinaya dhiigiisa in uu gaaray shaaga

“Wuxuu dhintay isagoo isbitaal loola soo cararaarayo , maxaa yeelay waa uu dhintay seygeyga?” sidaas waxa yiri xaaskiisa oo iyado carrurteeda loo qaaday isbitaal.

Kumannaan qof oo careesan ayaa isugu soo aruuray Mombasa kuwaasoo ka xumaa dilka Maxamed, waxa ay xireen wadooyinka, waxana masaajida ka dhacay salaado janaasado ah , waxana ay soo xirteyn dhar ay ku taageersan yihiin.

Qaar ka mid ah dadka waxa lagu soo waramayaa in ay raacdeesteen booliska goobta ku sugnaa.

Sida laga soo xigtay hey’addaha Pooliska, wadaadka Maxamed ayaa la xaqiijiyay in la dilay.

Wadaadkan ayaa dowladda Mareekanka bishii hore ku dartay liiska cunaqabateynta shaqsiyaadka ay dul saartay , iyada loo lagu eedeeyey inuu dagaalyahanno u qori jiray, isla markaana lacag u uruurin jiray kooxda Al-shabab.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa sidoo kale Aboud Rogo Maxamed kusoo rogay xayiraad dhinaca socdaalka ahi iyo hantidiisii oo la xanibay,.

Booliska Kenyan ayaa xiray wadaadkan bishii January,kaddib markii gurigiisa lagahelay hub iyo walxo qarxa.

Waxa sidoo kale lagu eedeeyay weerarkii sannadkii  2002-dii lagu qaaday hotel Israel ay lahayd oo ku yaalay Mombasa oo ay ku dhinteyn 15-qof oo 12 ka mid ah ay yihiin Kenya iyo seddax Israeli ahs — as well as three suicide bombers.

Waxa kaloo uu gacan saar la lahaa madaxii Al-Qaacida bariga Africa Fazul Abdullah Mohammed – kaasoo sannadkii hore lagu dilay Muqdisho.

Waxa uu ka mid ahaa dadkii dambeeyay weeraradii lagu qaaday safaaradihii Mareykanka uu ku lahaa Kenya iyo Tanzania 1998.

Waxa weeraradaas oo ka dhacay Nairobi iyo Dar es Salaam ku dhintay 224 people.

Wadaadkan Aboud Rogo Maxamed,waxa uu ku dhashay magaalada jasiirada ku taalo Lamu ee dalka Kenya, waxa ay da’diisa u dhexeysay 43 ilaa 52 sanno jir, sida laga soo xigtay meelo kala duwan.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

3 Responses for “Wadaad Reer Kenya Ah OoTaageero Siinaayay Al-Shabaab Oo La Dilay”

  1. [...] Link: Wadaad Reer Kenya Ah OoTaageero Siinaayay Al-Shabaab Oo La Dilay [...]

  2. reer qardho says:

    yaa hubay inuu alqacida ahaa wixii larabo layskama sheego ee walagashakiyey macquul ah hadii la ogyahay marhore ba xabisi lagu ilaawi lahaa ee watuhun

  3. Muslim says:

    Ninkaan Muslim ka Macau tahay sababta loo dilay ya ku cadeeyay inuu u shaqayn jiray alshabab waxii la doono baa la iska soo qorayaa Dadka qaarkosna run bay moodayaan ilahay ha xifdiyo misliminta ilAhow gaalada naga qabo

Leave a Reply