Wakhtiga La Qaban Lahaa Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Dib U Dhacday


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho RBC Radio) Iyadoo maanta oo ka liya ay ka harsantahay xiliga loogu talagay in la qabto doorshada gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo waliba ku xigeenadiisa ayaa waxaa la sheegay in ay arintaasi dib u dhacday.

Wararka ayaa sheegaya in dooradaan ay dib u dhacday mudo labo maalmood ah isla markaana la qaban doono 28-bishaan oo ku beegan maalinta Talaadada ah ee soo socota.

Gudiga doorashad gudoomiyaha baarlamaanka iyo waliba ku xigeenadiisa ayaa xaqiijiyay in mudo labo maalmood ah dib loo dhigay xiliga doorshada.

Afhayeenka guddiga doorashada Xildhibaan Cusmaan Libaax ayaa rajo ka muujiyay in wax kastaa ay ku qabsoomaan wakhtiga loogu talagalay oo ah mudadaasi.

Qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa u taagan Lix musharax, halka xilka Guddoomiye kuxigeenka koowaad ay u taagan tahay Sagaal musharax iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad oo u taagan tahay Sadax musharax.

Maalinta barito ah oo Axad ah ayaa lagu balansanaa in la qabto doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo waliba ku xigeenadiisa sidii horay loogu balamaba.

Lama Garanayo sababta keentay in doorshadaan dib loo dhigo, xili Musharixiinta qaar lagu eedaynayo in ay faragalin badan ay ku leeyihiin doorashooyinkaan laqabanayo ee hogaanka baarlamaanka Soomaaliya.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

1 Response for “Wakhtiga La Qaban Lahaa Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Dib U Dhacday”

  1. [...] View article: Wakhtiga La Qaban Lahaa Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Dib U Dhacday [...]

Leave a Reply