Warar Dheeraad Ah : Nimco Dareen Oo Ku Dhaawacantay Nairobi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Dhowr qof oo ay la xiriirtay Shabakadda RBC Radio, ayaa u xaqiijiyay in uu dhaawac yar soo gaaray Fannaanadda caanka ah ee Nimco Muxumad Xasan oo ku Magac dheer (Nimco Dareen) oo xaley lagu dhaawacay magaalada Nairobi.

Wariyaal ay la xiriirtay RBC Radio ayaa u sheegay in fannaanada ay ku dhaawacantay bandhig faneed ama Show ay ka dhigeysay magaalada Nairobi gaar ahaan deegannada ay ku badan yihiin Soomaalida.

Wariyaasha waxa ay in oo xaqiijiyeen in wax la soo tuuray ay ku dhaawacantay Nimco Dareen, taasoo madaxa uu uu ka haleelay, dabadeena loola cararay isbitaal.

Laakin dad kale oo si aad u la socday dhacdada ayaa sheegay in lagu weeraray fannaanada Tooreey ama ableey oo mid ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Bandhig Faneedka uu ku dhaawacay.

Si kastaba, waxa la xaqiijiyay dhaawaca Nimco dareen in uu ahaa mid abaabulan, oo ay ka dambeeyeen dhallinyaro Soomaali ah.

Nimco Dareen waxa ay ka mid tahay gabdhaha fannaaniinta ee waa yaahan dambe soo galay Fanka ee heesaheeda aadka loo jecelyahay.

Meelo badan oo dalka dibeddiisa oo ay ku jiraan dhulka deeganka islaamulka dalka Ethiopia ayaa waxa ay ku qabatay bandhig faneedyo aad looga helay.

Ma jiro koox sheegatay ama cid loo qabtay weerarka ay ku dhaawacantay Nimco Dareen, waxana ay dadka ku dhaqan Nairobi ee Soomaalida ay lee yihiin tani waxa ay cabsi ku abuuri kartaa fannaaniinta kele ee ku howlaan siddii ay bandhigyo uga sameen lahaayeen Nairobi oo ay ku nool yihiin Soomaali badan.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

19 Responses for “Warar Dheeraad Ah : Nimco Dareen Oo Ku Dhaawacantay Nairobi”

  1. [...] See the article here: Warar Dheeraad Ah : Nimco Dareen Oo Ku Dhaawacantay Nairobi [...]

  2. Faarax Soo Kude says:

    Soomaalidu ineey bilaa xishood, bilaa edab, bilaa caqli OO XAASIDIIN yihiin waxaad ku garan sida Arxan darada ah eey ula dhaqmeen GABAR SOOMAALIYEED ! CEEB CLAYK!

    MA dumarkii ayaa maanta la weerari????? Biri yaa ku xiga ma cirooleeyda & ilmaha???

    War waxu maxeey ka sameysanyihiin, Soomaalida kuligood waxaad moodaa ineey isku meel la’yihiin, ama Galbeed, ama Waqooyiga, ama Koonfurta, ama Bariga, ama Bartamaha, Soomaalidu waxaa la haray oo aduunka ka reebay waa CILMI LA’AANTA, NAXARIIS LA’AANTA IYO DIIN LA’AANTA!

    Qashin!

  3. Gundiid says:

    Waxaan u maleeynayaa Ina Ileey ayaa koox u soo diray oo eey u tumi jirtay ka dib markii eey ka goosatay kana gaabsatay Aidhis qabaha-xaar weyeny

  4. Puntland boy says:

    Waaka xumahay Dhaawaca Soo gaarey nimco Dareen , Criminals Dhinkaa u geystay Gabdha waa in Kenya Soo qabataa , Fanaaniinta Soomaaliyeed Soomaalidaan Hada Joogta Maahan Kuwii jiri jiray Waa gii hore , Abti waa ladilay, Hooyaa la dilay , Aabaa la dilay , Dariskiibaa ladilay Hadana Dhurwaa baa lacunayaa, Fanaaniinteey Amaanmiina Suga Waxa ugu yar aad awoodaan waa Habeenkaa Bandhig Faneedka Leedihiiin 3 Qof oo istaafa Sameysta Meeshaa Bandhiga lagu Qabanayo Dadka baara , Viva Puntland & Soomaalia

  5. nuunow says:

    kkkk warkaasaan rabaa ani

  6. Dada amin says:

    Waxan jecelahay in an salan udiro inti muslin gabadha kenya inta timid hadana show ku qabane kalsonin badana miyeysan ogeyn in mesha ragu jogo dhawac wa kuyaraday e waxa larabay in ladabxo

  7. dhuusa weyne says:

    kkk nimcaaaaaaa waa istaahishaa ilaahay ayay ku caasiday ee waxaan oran lahaa ilaahay utoobad keen

  8. Axmed yare says:

    Kkkkkkk war ILLAAHOW dareen Hana galin. Muxuu yahay gabadha magaca Aad ku sheegaysaan, haa haa, hadaan gartay. Markii hore ayayba qiimo beeshay oo duliga Iyo shaydaanka raacday. Iska daa dareenkeeda ha wadatee. Adeer dareenka Ayaan kugu ognahay.

  9. sabrie says:

    Somalia, haweenkii loo diid xaqoodii in 30% ay barlamaanka ka mid noqdaan. La yaab ma laha dhacdan: xulashada xildhibaanada, rag kaliya ayey ka timi. Gafku waa kaa. Haweenku waa in ay ka qeybqaataan xulashada xildhibaanada. Taa waxa lugu gaari karaa, iyada oo doorasho xalaal ah ay dalka ka dhalato. Haddii taa dhici weydo, waxa ka dambeyn, in sida Iran iyo wadamo kale (oo Islaam ah), gabadhaha loo diido, waxbarasho. Haweenka Oqoon kororsi la’an laga dhigo waxa ay keeni in waddanku hor ummar gaarin. Weerankan lala doontay Nimco wa la dagalanka hor u’ kaca haweenka
    Sabrie

  10. Waa waax lagu farxo lol ciiyalka eey rabta inee haleeso

    Im not hating her but she need to dress normal WHO want to see
    Her N@KED?

  11. somaliking says:

    Soomaalidi waxay noqdeen dad wild ah oo dhaqankii iyo xishoodki ka tagay… Bal gabar soomaaliyed oo walaashuudu kali ah maxaay ka dilayaan ,maxay qof dumar ka dhibyaan.

  12. Ahmed says:

    Waxaa dhici karta in ilaahay umadda ka qabtay sharkeeda iyo fidnadeeda umadda islaamka ay kula dhex jirto.

  13. Sorry waan ka xunahay fanaadada nimco dhibta soo gaartay
    laakiin nimco ayadana ha is asturto oo waa fanaanad la jecel yahay
    balse waxaa laga sii jeclaan markay is asturto inshaa allaah
    allahana caafiyo nimco kuwii dhibta ugaystayna allahaha soo ifiyo

  14. Ahmed Nur says:

    waxaa la shegay in ay ka dambeeyen dhalinyaro reer Ogadenia ah oo ka xumaa sida islaantu u taageertay maamulka ethiopia hoos taga,.. waayo Kenya waa meel ay ku xooganyihiin dadka ethiopia neceb,..marka walashey ha iska adkeeyasto ayadaa amxaaaro gumaysi tageertay

  15. Ismahan says:

    Wanku faraxsanahy dhawaca sogaray sababto ah wax ilahay ralika ahayn bay waday kuwa kaloo shadadinana o sosocday way baqayan adban usodhawaynaya dhawac nimco ma ihi qof xun ama xasin lkn suasha meshatal iyadu ma waxficanbay waday mise wax xun wa wax xun abalkeday heshay

  16. waxgarad says:

    Faarax soo kuday.
    Soomaalida aad sheegaysid dad badan oo caqli leh, wax garanaya, waxyaqaan baa kujira. Kuwabadan oon wax fahmeen, iska hadla, waxay kadahlaan aan garin oo waalan sidaado kalena waykujiraan.

  17. caraseedo says:

    Waaaaaaaaaaar hablaha ka xishooda,arintaas guuuuuuuuuuul laguma gaaaaaaaaaaaareeeee,waana arin ku ceeeeeeeeeeeeeeeeb ah dhaqanka soomaalida,ee soo jireeeenka ah,waad ku ceeboowdeen dhaawaca inantaas loo gaystay,waa arin fool xun,oo dhul laguma xoreeyo hablaha waxyeeladooda.

  18. puntlander says:

    Aniga waan ka xumahay dhibtaas lkn Gabadha somaliyed oo Sawirkas leh awal ayey Meel ugu Dhacday Diinta iyo Somalinimada Waana Mudan tahay in Lagu Qaado waajibkaas

  19. somalian boy says:

    qofkii diintiisa meelkadhac kusameeya ilaahbaa kajaraya ee saa u ogaada yaanan la ixtiraaminna

Leave a Reply