WARARKII UGU DAMBEEYAY: Kala Iibsiga Kuraasta Baarlamaanka oo Mareysa $50,000 Iyo Liiskii Xildhibaanada oo Gabagabo Maraya
Muqdisho (RBC) Waxaa heerkii ugu sareeyay maraya kala iibsiga kuraasta baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo saacadihii u dambeeyay sicir barar xoogani ku yimid, kadib markii ay soo dhowaatay waqtigii lasoo gabagabeyn lahaa liiska baarlamaanka ee ay qabanayaan xubna guddiga xulista ee ku sugan Muqdisho.
Qaar ka mid h dadkii ugu dambeeyay ee helay xildhibaanimada baarlamaanka ayaa Raxanreeb u sheegay in ay bixiyeen lacag dhan illaa $50,000 doolarka Mareykanka halkii kursi ee baarlamaanka, halka ay jiraan xubo laga qaatay illaa $60,000 doolar.
Odayaasha dhaqanka qaarkood ayaa hadda heysta shaqadii ugu fiicneyd ee abid Soomaaliya gudaheeda laga qabto uguna faa’idada badan taasoo ay ka sameeyeen faa’iido malaayiin doolar gaareysa. Waxayna sida Raxanreeb ay ogaatay lacagaha lagu shubaa xisaabo bangiyada gudaha [bank account] uga furan odayaasha dhaqanka halkaasoo si toos ah lacagaha lagu kala wareejiyo.
YAA UGU LACAG BADAN?
Dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ee saacadii u dambeeyay dhacay waxaa ka mid ah in rag horey u bixiyey lacag u dhexeysa $20,000 doolar illaa $25,000 doolar laga casilay boosaskii loo ballanqaaday kadib markii ganacsato lacag badan wadata ay ku dul faliseen qiimihii horey looga qaaday xubnaha baarlamaanka doonaya qaar ka mid ah. Rag magac leh oo horey qaarkood ugu jirey xildhibaanada baarlamaankii hore ayaan sidan ku waayey boosaskii ay filayeen, waxaana ragga wax ku waayey sidan ka mid ah rag ka tirsanaa kooxda Aala Sheekh.
Dhowr maalin ka hor qiimahacaadiga ah ee kursiga baarlamaanka wuxuu marayey lacag u dhexeysa $15,000 doolar illaa $30,000 doolar [AKHRI WARBIXIN], waxana tan xitaa ku kala duwan beelaha iyo shakhsiyaadka, tusaale ahaan qabiilada qaar waxay odayaashooda qaadanayeen illaa $30,000 doolar, halka beelo tiro yar ay kala qaadanayeen $10,000 doolar. Sidoo kale ganacsatada iyo shakhsiyaadka dhaqaalaha heysta ayaa kaga dhow helista baarlamaanka kuwa aan lacagta badan heysan.
Sababta keentay in xilligan sare u kac ku yimaado qiimaha kala iibsiga kueaasta baarlamaanka ayaa lagu micneeyay labo waxyaabood oo kala ah; waa tan koowaade in waqtigii qaabilaada liisaska ay dhamaad ku sii dhowdahay sidaa darteedna ciddii rajo ka qabta inay kursiga hesho waxay ku qasban tahay inay ogolaato sicir bararka oo ay iska bixiso lacagta si kasta oo ay u badan tahay.
Tan labaadse waxay tahay, in siyaasiyiinta qaar ee u badan musharixiinta ay cadaadis ku hayaan odayaasha dhaqanka sidaa darteedna waxaa sii kordhay gorgortanka u dhexeeya odayaasha lacagdoonka ah iyo siyaasiyiinta xildoonka oo si firfircoon suuqa wax ugu kala gadanaya. Akhri
Dhanka kale, sida Raxanreeb ka ogaatay xubno ka mid ah guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda la shaaciyo liiska xubnaha baarlamaanka Soomaaliya kadibna si rasmi ah loo dhaarin doono.
Waqtiga doorashada afhayeenka iyo tan madaxweynaha ayaa la filayaa inay dib uga dhacdo 20-ka Agoosto maadaama xulista baarlamaanka iyo hawlaha kale ee harsan ay weli ku jiraan gaabis [Akhri warbixin].
RBC Radio











Yaa oday dhaqameed iga dhigo miyey mareeysaa:D
ciday parlaman u noqanayaan ilaah ha u sahlo.mooryaan mooryaani dhashay Waxii wax iibiyay iyo kuwa iibsadayba nacdal baa saaran aakhriyo iftiinkaba.
arimahaa awgeed ayaan somaliland waligood ula midoobayn
kkkkkkkk Dawalad noocaa ku timid ma tahay mid ummada somaliyeed meel gaarsiin doonta?Madaxweynuhu wuxuu ku khasbanaan doonaa inuu lacagtaas ka sameeyo dhiigga ummadda somaliyed oo marba qolo loogu yeero ummadan illahay ayay lee dahay
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk…………somalia waa hore ayey dhimatey ……………maskiintaas ayaan ka naxayaa habeen iyo maalin walba qaxayo caruur iyo hooyo………….
waxaan idin waydiiyay Baarlamaanka dadka galaya guddi ayaa jira kala xulaya oo qaar dib u celiyay, ma jiraa guddi kala xulaya dadka Madaxwaynaha isu sharaxay??
Dadka wax laaluushaya waxaa ugu horeeya Shariif Sakiin oo cadaystay in waxbarasho aysan muhiim ahayn, marka asaga sidee ugu suura gashay in uu Madaxwayne isu sharaxo asagoo xataa ka soo bixi sharuudii Baarlamaanka?? Haddii loo sheego in uusan tartan madaxwayne ka qaybgali karin, waa dhamaan lahayd laaluushka lagu bixinayo baarlamaanka.
Somaliyeey hadii loo ogolaado in Shariif Sakiin tartanka madaxwayne ka qayb galo, waxaad ogaataan in ninkan awood kale gadaal ka wado. Waxaan is lahaa inta saaxiibkaas Zenaawi uu koomo ku jiro ayaa Sakiin dhinac u dhaafi doonaa siyaasadda somaliya, laakiin waxaad moodaa in wali cid kale wadato oo uusan sahal ku tageen.
Ninkaas haduu na dhaafo wax badan ayaa hagaagaya taas waa la hubaa.
Beeluhu waa ku kala horeeyaan laaluushka iyo xishoodla,aanta lknse magacii simaaliteed baa in ka dhexeeya oo aan inoo kala qaybsamayn
Kkkkkk ilahay ha u naxaristo somaliya samir iyo iiman hanagasiyo dhamanteen waxan ku raja waynen dowlad ayaa idin dhalanaysa lkn tan hada muqata wa khiyaano iyo xaran horey ayey somali hadal udhamaysay hal xarana nirig xalalmadhasho haduu marayo barlamankii xaladan xageeh garaya madaxwaynaha iyo gudomiya barlamanka iyo raysalwasaraha subaxan alaah ialahaow yeysan caruruta naga gadan
Xildhibaan Parlamaan Somaliya ma istaahilo $60,000. — qofkaasi waa dhacanyahay
allah maxaa meshaa doqon ka buuxaa war ma shaqo yeeltaan waxaa raga badan oo xarago isla godaya lkn ay gabari dhaantaaye. dalkii baa burburiseen oo ku burburiseen ama lacag a ma ficil ama taageero ama qabiil idin ka buuxa iyo naceyb dowladu sidee u imaaneysaa barlamanku waa idinnkoo kaloo iska fadhiida macaa ay dhici karto in aad meesha ku qayileysaan.
Soomaliya kii noolaana ciil buu u dhimanyaa kii dhintay Waa lagubayaa …halkaas ayaa arinkeenii maryaa oo ma helayo meel lagu aaso
waxaan oganahay xabaalaha qurbuhu ee qofka in dhawr sano ka dib laga saaro lafaha oo la gubo dabdeedna lagu sayriyo hawada dambaska .
qofka aduunka korkiisa XURMADA KU LIHI ,waxuu aduunka ku leeyahay waa afar meter oo uu u hoydo iyo meel uu u shaqo tago…markii uu dhintona laba meter oo dhul qabriya oo lagu aaso ayuu u baahan yahay.
Inagu xishamadii iyo noloshii afarta meter ahayn isu diidanay…Caalamkuna hada waxay inoo diideen labadii meter ee aaska.
Soomaliyi waa halkaas xaalkoodu.
Hadaba indhowyd waxaan lahayn nolol iyo rajo baa soo ifaysa,waxaanse liqnay rajadii markii ay isu soo sharxeen soomaaliya Nimankii horboodayay 20kii sano ee burburka .
Waxaan jecalaan lahaa in sida looga joojiyay xertii Barlamaanka laga joojiyo Shariifyo iyo Gaas.
waayo /waa laba tuug iyo saxiibkood.oo fahamay in ay wada shaqeeyaan.
Bal eeg raga sharaxan ….Quus baanu ka jooganaa sanadaha danbe Soomliya inay noqoto wadan sii jiraya idnku waxaad ka hadlaysaan inay ka baxdo waxa loogu yeeray ku meel gaar.