WARARKII UGU DAMBEEYAY: Loolanka Musharixiinta Dawlada, Rajada Ay Qabaan Iyo Qodobada La Isku Dooranayo (Warbixin Falanqeyn ah)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Iyadii waqtiga doorashada madaxtinimada ee Soomaaliya aysii dhowaaneyso ayaa dhanka kale waxaa sii kordhaya isbedeladaay sameynayaan siyaasiyiinta ka dhex sharaxan dawlada KMG ah, gaar ahaan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Raysul Wasaare C/weli Gaas iyo Shariif Xasan oo dhammaantood u ordaya kursiga madaxtinimada dalka.

Saacadihii u dambeeyay ayaa musharixiintan waxay isbedelo waaweyn ku sameeyeen ololayaashooda gudaha iyadoo mid waliba uu xoojinayo orodka iyo dadaalka uu ugu jiro sidii uu kursiga ku heli lahaa, wallow aan la garan Karin cida ugu dambeynta guuleysan doonta.

C/weli Gaas oo Sharaxay Goodax

Raysul wasaare Gaas ayaa isaga iyo xulufadiisa ay beryahan wadeen kulamo ay kula jireen odayaal, siyaasiyiin, haween iyo cuqaal ka kala tirsan beelaha kala duwan ee Soomaalida. Ilo wareedyo aad ugu dhow xafiiska C/weli Gaas waxay Raxanreeb u sheegeen in odayaasha kulamada lala yeeshay ay ku jiraan kuwa beelaha Hawiye, Daarood, Dir iyo Digil iyo Mirifle waxaana raysul wasaare Gaas uu odayaashan ka xaqiijiyey taageeradooda si uu isaga ugu soo baxo kursiga.

C/weli Gaas wuxuu saacadihii u dambeeyay xilka gudoonka baarlamaanka u soo sharaxday C/laahi Goodax Barre oo ah wasiirkiisa qorsheynta ee xukuumadda hadda, ahna nin ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Sida ilo wareedyada u sheegeen Raxanreeb C/weli Gaas ayaa wada qorshe ah in xildhibaanada isaga taageeraya ay codka gudoonka baarlamaanka siiyaan C/laahi Goodax Barre, taasi bedelkeedana waxaa Goodax uu isaguna olole ugu jira sidii u u soo ururin lahaa tiro xilshibaano ka tiraan beesha Hawiye si ay ugu codeeyaan C/weli Gaas madaxweynanimada dalka.

Mudane Goodax wuxuu beryahanba faragelin ku hayey xulista xildhibaanada ka soo jeeda beeshiisa ayaa la sheegayaa inuu keensaday tiro xildhibaano ah oo uu gacantiisa ku soo qoray, isagoo xitaa bedelay rag uu Wakiilka Ugaaska guud ee Xawaadle uu soo qoray arintaasoo muran weyn ka dhexdhalisay beesha.

Shaxda C/weli Gaas ayaa ah in Beelaha Hawiye ay qaataan gudoonka baarlamaanka iyo tiro wasiiro ah, halka raysul wasaarahana la siin doono beelaha Digil iyo Mirifle.

Dhanka kale waxaa jira isxulufeysi goor dambe soo baxay oo C/weli Gaas la sameynayo Shariif Xasan. Illaa hadda waxaa Raxanreeb loo xaqiijiyey in taageerayaasha Gaas ay diyaar u yihiin inay codkooda ku taageeraan Shariif Xasan [haddey wax isbedelaan]; saacadaha u dambeeya ee doorashada ayaana tan la arki karaa.

Sheekh Shariif oo keensaday Jawaarey

Madaxweyne Shariif oo laftiisa waayadan aan nasan ayaa weli sii wada ololihiisa oo hadda meel adag soo gaaray, kadib markii xubno uu aad ugu kalsoon yahay oo ka mid ahaa kooxda Aala Sheekh laga soo saaray baarlamaanka, arintaasoo madaxweynuhu aad uga qeyliyey labo maalin ka hor markii uu ka soo laabtay safarkii uu ku tagay magaalada Barakeysan ee Makka al Mukarama.

Sheekh Shariif wuxuu dagaalka ugu weyn kula jiraa Shariif Xasan oo beri ay saaxiib ahaayeen iyo C/weli Gaas oo ka mid ah ragga kursigiisa damaca kaga jiro. Dagaalkaasina wuxuu hadda si fiican uga dhex muuqdaa xafiisyada saddexda nin oo habeen iyo maalin qaabilaadu ka socoto isla markaana lagu gorfeynayo qorshayaal uu mid waliba dhanka kale ku hargardaameynayo.

Tusaale ahaan; Sheekh Shariif oo aad uga welwelsan dhaqdhaqaaqa Shariif Xasan wuxuu gudoomiye baarlamaan u sharaxday Prof Maxamed Cismaan Jawaarey oo horey u ahaa gudoomiyihii guddiga dastuurka.

Prof Jawaarey waxaa loo arkaa nin la loolami kara Shariif Xasan maadaamaay isku gobol [Baay iyo Bakool] ka soo wada jeedaan.

Prof. Jawaarey wuxuu hadda helay kursiga xildhibaanimada oo uu gacan weyn ka geystay Sheekh Shariif, waxaana lagu ballansan yahay inuu Sheekh Shariif u keeno codka xildhibaanada Digil iyo Mirifle si uu SHEEKHA marlabaad “madaxweynanimada ugu soo laabto”.

Warar aan si madax bannaan loo xaqiijin ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu hadda wado wada hadal uu kula jiro Maxamed C/laahi Farmaajo si ugu yaraan ololaha ka dhanka ah Shariif Xasan uu ula kaashado. Dadka yaqaana labada nin waxay sheegayaan in DANTA kaliya ee mideyn karta Sheekh Shariif iyo Farmaajo ay tahay la-dagaalanka Shariif Xasan, waayo Shariif Xasan wuxuu injineerkii dejiyey qorshihii Farmaajo meesha looga tuuray sanadkii 2011 markii la isku qabtay waqti kororsi saddex sano ah oo Shariif Xasan uu rabay.

Shariif Xasan oo keensaday Cumar Finish

Dhankiisana, Shariif Xasan wuxuu wax ka arkaa dhanka kale oo wuxuu aaminsan yahay in la gaaray xilligii uu dalka madaxweyne ka noqon lahaa, kadib markii uu ku CAJISAY kursiga gudoomiyaha baarlamaanka. Damaciisan madaxweynanimada wuxuu sababay inay kala tagaan isaga iyo Sheekh Shariif sidaasi darted ayuu dejiyey qorshe aan la garan karin halka uu gaarayo.

Shariif Xasan wuxuu keensaday Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish” oo ka mid ahaa qabqablayaashii dagaalka ee Muqdisho.

Sharaxaada Cumar Finish waxay Shariif Xasan u leedahay micne gaar ah, waayo Cumar Finish waa nin reer Banaadir ah, dhanka kalana ay isku beel ka soo wada jeedaan isaga iyo Sheekh Shariif.

Cumar Finish oo dhowaan Raxanreeb weydiisay qorshihiisa wuxuu cadeeyay inuu diyaar u yahay qabashada gudoonka baarlamaanka, laakiin ma bixin faahfaahin kale. Warar kale ayaa sheegaya in Cumar uu kulamo la sameynayo odayaasha beeshiisa ee soo xulaya xildhibaanada si uu uga dhaadhiciyo inay codka siiyaan Shariif Xasan.

U tartanka Shariif Xasan ee xilka madaxweyne, wuxuu isbedel weyn ku keeni doonaa isu dheelitirka habka awood qeybsiga qabiilada oo sidii looga bartay ku saleysnaa in Hawiyaha iyo Daaroodka ay kala qaataan Madaxweyne iyo Raysul Wasaare, dhaqankaasoo Shariif Xasan uu geed dheer iyo mid dhowba u koray si uu u burburiyo.

Halkee kala marayaan saddexda nin?;

Saadaal hordhac ah oo qeybtii ah oo Shabakadan Raxanreebay ku sameysay codadka ay heli karaan saddexda nin ee ka sharaxan DKMG ah [TFG] eek ala ah Sheekh Shariif, C/weli Gaas iyo Xasan waxay muujineysaa in midkiiba uu hadda ku dhow yahay min 50-cod (tirada xildhibaanada la soo xaqiijiyey in codka ay siinayaan).

Marka la eego qaabka saadaasha waxaasuurtagal ah in saacad kasta ay wax iska bedelaa, waayo waxaa mar walba jira gorgortan waxyaabo kala duwan ku saleysan oo lagula jirto xildhibaanada, odayaasha beelaha iyo xitaa dad siyaasiyiin ah oo saameyn leh taasina waxay keeni kartaa in codadka musharax ay hoos u dhacaan ama mid kale ay kordhaan.

Sidoo kale waxaa jira musharixiin ka baxsan kuwa DKMG ah oo iyaguna saameyn leh, walow ololaha dagaal ee ka dhex socda kuwa dawlada aysan ku jirin.

Qodobada doorashada

Raxanreeb waxay ogaatay in illaa afar waxyaabood ay muhim u yihiin in xildhibaanka uu codkiisa bixiyo kuwaasoo musharax kasta uu ku saleyn doono ololihiisa doorashada.

1)GORGORTANKA LACAGEED: hoose oo ku saleysan qiimaha lacagta; Waxaa suurtagal ah in xildhibaanada qaar ay codkooda ku saleeyaan imisa ayaad i siineysaa, sidaasi darteed ayaa codka halkii xildhibaan wuxuu hadda marayaa illaa $100,000 doolar (boqol kun doolar)???

Badanaa, arinta dhaqaalaha way ka adag tahay qodobada kale oo waxay u baahan tahay iskontorool iyo dabagal, waayo waxaa dhici karta in hal xildhibaan uu lacag ka qaato labo musharax o kala duwan, taasoo welwel ku ah musharixiinta.

2) MABDA’A IYO FIKIRKA: Iyadoo dhaqaaluhuna jiro ayaa haddana mabda’a siyaasiga ah iyo kan diiniga uu yeelan karaa saameyn uu xildhibaanka codkiisa ku bixiyo. Arintan waxaa si fiican looga garan karaa qaabka baarlamaanka hadda uu ku saleysan yahay oo ay ka jiraan xulufooyin kala duwan.

3) QABIILKA: qabyaalada waxay sidoo kale leedahay saameyn doorasho xilligan oo kale. Waana wax iska caadi ah arinta qabiilka, gaar ahaan siyaasadda Soomaalida oo markeedii horeba lagu soo dhisay 4.5.

4) DAN SIYAASI AH: Arinta afraad oo muhimka u ah xildhibaanada codka bixinaya waxay tahay helitaanka ballanqaadyo xil loo magacaabo mustaqbalka, iyadoo dhaqaluhuna uu jiro. Sidaasi darteed xildhibaanka wuxuu codka siinayaa musharax ugu ballanqaadka weyn.

RBC Radio
Nairobi/ Kenya

——————————————————————————————-
DIGNIIN: Shabakada Raxanreeb waxay u digeysaa website-yada caadeystay inay xatooyada ku sameeyaan warbixinada Raxanreeb. Raxanreeb iyo RBC Radio waxay weli ku guda jiraan baaritaan lagu hayo kuwa xatooyada ku caanbaxay iyo kuwa ku been abuurta warbixinada.

Share

26 Responses for “WARARKII UGU DAMBEEYAY: Loolanka Musharixiinta Dawlada, Rajada Ay Qabaan Iyo Qodobada La Isku Dooranayo (Warbixin Falanqeyn ah)”

  1. [...] Continued here: WARARKII UGU DAMBEEYAY: Loolanka Musharixiinta Dawlada, Rajada Ay Qabaan Iyo Qodobada La Isku Dooran… [...]

  2. Wiil-mudug says:

    Shiikh Shariif Socdaal baa waaley runtii, asagoo olole doorasho ku jira ayuu safar iyo waxaan loo joogin bibaabay, markaas baa laga faa’iidaystay. Anigu waligay shariif sakiin ma doorteen, waxkasta oo lagu jabaniyo waan taageerayaa, maxaa yeelay cidkasta wuxuu yahay waa ogtahay, hogaamin aqoonteedna malahan, car yaa arkay shariif xasan oo taagan xero barakacayaal ama masaakiin wax siinaya, ama ciidan booqanaya, waligay ma arag runtii, maxaa yeelay waa nin mabada aan lahayn, kaliya lacag wax ku socodsiiya, Qofka kaliya oo wadanka badbaadin kara, dadka koonfurta degan midayn kara, ay kalsooni ku qabaan, aan qabiil aqoon Waa madaxweynaha, yes daldaloolooyin wuu leeyahay laakiin runtii waxaan qabaa in waqtigiisii la jooga, C.wali waxaan dhihi lahaa waqtigaagii lama gaarin, wadanku ha xasilo.

  3. Ismahan says:

    Kkkkk kkkk kkkk wawaxlaga yabo dad ba rajaynaya dowlad cadilah illahow ada dowladbadan subxan allaah wan rajaynaya in uukugulaysto farmaajo

  4. MAXAMAD says:

    Waa taxliil wanaagsan- well said Raxanreeb.

  5. F.B.I says:

    alaylehe websetka RAXANREEB.COM waan ka helay sida wax uwadaan waana webka ugu xawaaraha badan bulshada dhexdeeda waxana idinka codsanaynaa hawlaha sidan uwada sxbayaal@ololahan anugu waxan ka helay midka ay kudhexjirto siyaasada iyo aqoonta ee dr.gaas asagaana madaxwayne ah

  6. QARAN-JECEL says:

    SEDEXDAAN NINBA KHEYR MA LAHA EE RABBI HA KEENO MID DIINTA,DALKA IYO DADKA U DANEEYA… AMIIN

  7. cawaale says:

    porof cabdi wali ma sakiin buu noosoo wadaa, profka soomaliyeed wakaa

  8. Duubane says:

    Aad baad u dadaasheen…Inta badan GORFEYN hufan oo noocan oo kale ah aad bay uga arradanyihiin website-yada kale….Aad baan idiinku mahadcelinaynaa.

  9. Abuuna says:

    Sida aan hada warar xog ogaal ah aan ku heleyno ayaa sheegaya in Shariif Hassan laga qaadan doono lacag looguna shubeynin wax cod ah, ayada oo ay qof kasta daneyneyso lacagta, codeyntana aysan aheyn waan kugu shubay ee fiiri, Waxaa loo qaadayaa cod qarsoodi ah

  10. sharma,arke says:

    waa iska muuqdaan ,waxaani 3dooda midkoodna ragbay ushaqay nayaan ,

  11. takar says:

    welldone ayaan leeyahay raxanreeb.com… waad ku mahadsan tihiin wax qabadkiina. suaalese hadaan idin waydiiyo macquul ma tahay in aad makarafoonka la dhexqaadaan musharaxiinta laftooda?, sidoo kale baarlamaanka cusub oo aad soo gudbisaan rayigooda?

  12. galdogob-gobolka-xiriir says:

    shekadu wa ha is cayrsato allow dalkaan ada u maqan meeshan damiir dhimay oo qadiyad dhimatay wa fadlan lacag ku shubo waxanse rajayanay inay waxan un wanagsan kasoo baxan insha lah

  13. Saddex kala daran mid dooro says:

    Ilaahay u naxariisagii baa laga sheegay, “Cali daahir markii la arko aw Warsamow maandhow”, hadda waxay u egtahay markii la arko GAAS indhabucor iyo SHARIIF sakiin, SHARIIF afguduudow madaxwaynaheenow.

  14. cabdullahi says:

    Cumar Filish liiska xildhibaanada la shaaciyey kuma jiro. Tolkiisna waxaa laga yaabaa ineey nin kale xildhibaan ka dhigtaan. Marka shaxdiinu waa mala awaal iyo been sababtoo ah arinta Cumar Filish anigaa idinka og.

  15. Abdullahi farah says:

    Anyone but not Shariif Hassan…I don’t think he will add any value to any position(President, Prime Minister or the speaker of the house). I think he caused tremendous damage since 2004 when he was elected as the speaker of the house.

  16. aarlibax says:

    @ F B I kkkk waad iga qoslisay raxanreeb markii ay soo qortay c/wali ayaa wax isku xirxiraya waad amaantay maalinkii war aan ku farxad gali ay qortana waad caydaa oo waxaad dhahdaa waa beenloowyaal war aan sal iyo raad lahayn ayaad qortaan heer kulka qabyaalada halkaas ayuu ku marinayaa alla qabyaaladu xumaa

  17. waxaan leyahay Farmaayo ayaan tageer sanahay qabyalad waxba tari maysee
    an tageero ninka wax qaban kara ama gabarta wax qaban kartaa

  18. kkkkkkkkkkkkk waa saxsantahy shaxda hada socotaa ama c/weli ayaa madaxwayme noqonayaa ama sakiin ama dowlad la,aan ama dowlad halku dhigu waa saas

  19. hussein says:

    wiil mudug runta ayaad ka hadashay waxaan aaminsanahay in aad xaqiiqada jirta aad fahansantahay m.shariif waa kan kaliya oo isku keeni kara umada soomaliyeed qabiilna aan aqoon

  20. mida kale shariif sakiin wxabuu ogyahy wxuu ogyahy in shariif afguduud uu ciyaar ciyaar kursi ku helay isgaana ka danbeeyay in uu shariif mrs afguduud madaxwayne noqde forogsamabal ah marka nin ciyaara maaha lacagna waa haystaa jarakaboodkana waa yaqaanaa sida hada warka lagu helayo 200 kun iyo ayuu ka ciyaarayaa dalakan waa dal dadkiisu habaar qabaan mxaa yeely qabyaalad ayaa wareerisay wx u roon ma yaqaanin marka belo alle ku salido lawaynmayo inta soomaali nadiif noqonayso waa dad wada jirane dowlad hasugina dadow cadowga gudaha ayaa ka badan ka dibada kun jeer maxaa sugaysaa dowlad iska tabar yar oo mucaarad badan yeelata mxaa yeelay reer haebel ayaa madaxwayne noqday bay oranayaan ayaa dhalanaysaa oo africaan qurmay oo sinji xun oo daanyeer u eg dabada ku haysa haday u badato soomaalida ka fiiriya dad dowlad raba maw egyihiin waa maya waa maya

  21. Mahadsanidiin raxanreeb… Waxaan rajaynayaa inuu kugueyso ninka dadka iyo dalkaba wax uqaban kara prof gaas

  22. sanaag bari says:

    waxaan codkayga siin lahaa inta maanta sharaxan EE KAsharaxan Dawlada kumeelgaarka ah ee xiligiidii dhamaaday kowii hore ee lashaqeeyey iyo kuwan maanta shaqaynaya 1 waa ninkii la oranjiray ex raysalwasaare waa maxamed cabdilaahi farmaajo oo runtii ilaah dartii iyo muslinimo daacad nimo somalinimo qalbiwanacan oo leh naxariis insaan gudana kara xilkaas oo somali jeceyl shaqsiyad wanaag qabyaaled yaraan iyo kelmatu saalixa oo ah hadal nasteexo leh baan ku arkay deeqsinimo umadjacal geesinomo iyo wada tashi waxaana aan dooran lahaa inta muuqta farmaajo anoo kafog qabiil qarmuun oo halkaa nadhigay waxaana intuu xilka hayey uheshiiyey kuwo aan liibaanin oo fashil kudanbayn doona? idam ale aamiin walaal qofkii ilaah unaxariistayoo DOORO MID NOONAXARIISTA wabilaahitafiiq

  23. sanaag bari says:

    waxaan aad uguqoslaykkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk markahore ciidmubaarag dhamaan umadaislaamka ah ee afsoomaaliga kuhadasha ciid wanaagsan baanleeyahay TANKALE waxaan aad iyo aad iiga qosliyey ninka shaqsiga wata QARAN DUMIYE HADII LADOORTANA DHISE KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK WALAAHI SHAQSIGAA WAAN LA YAABAY SIDA KOMMET KIISA KAMUUQATA IYO MAGACA UU KUSOOGALAY KKKKKKKKKKKKK WAXAANA LEEYAHAY CIIDMUBAARAG MEESHAAD JOOGTABA

  24. sanaag bari says:

    WAXAAN AAD UGU QOSLAY CODKA DOORASHADA WAA QARSOODI OO GACANTA WAX TAAGI KARAA MAJIRAAN?KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK WALEE MEESHA WAXAA KASOOSOCDA waraabihii soo shukaansi tegay ee isagii lashukaansaday oo soomaalidu waxay tiraahdaa cun OO CUN CUNIWAA BAA KADANBAYSA OO SAKIIN IYO QOLYAHA LACAGTA UMADA LAGADHACAY DOORASHADA KUGELAYA WAA XAQII CUNI LAHAA OO WAA LAGA QANIIMAYSANAYAA?KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK AAN EEGNO NINKII POR dr gaasna masaas baa siyaaasadiisu ilaah meel kadhow oo xaqa iyo muslinimadaba nagudhaqa hanoosahlo aamiin iyagana xaqa ale hatuso haday geesmareen koley kitaab kuma arkee? amiin

  25. MAHDIGA says:

    LACAGTEENII AY NAGA XADEEN AYAY DOORASHO KU DOONAAYAAN

  26. jilbis says:

    Sadexdaa sheikh Sharif baa ugu jilicsan oo booskii farmaajo marahaya. Nin jilicsan Somali u daranaa.

Leave a Reply