WARARKII UGU DAMBEEYAY: Magacyada Shakhsiyaadka Saacadihii u Dambeeyay Laga Soo Celiyey Liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub
Muqdisho (RBC) Iyadoo weli meel xasaasi ah ay mareyso xulidii xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya in shakhsiyaad cusub saacadihii u dambeeyay laga soo saaray liiskii xildhibaanada cusub ee ay gudbiyeen odayaasha dhaqanka ee beelaha qaarkood.
Xubnaha la soo celiyey oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah ayaa lagu eedeeyay inay shakhsiyaadkan ay celiyeen ay ka mid ahaayeen qabqablayaasha dagaalka isla markaana hanjabaado ay u gudbiyeen xubnaha guddiga xulista ee baarlamaanka.
Haddaba dadka la soo celiyey oo Raxanreeb ay heshay magacyadooda waxaa ka mid ah;
1- Xasan Macalin (beesha Hawiye)- Wasiiru dawlihii hore ee madaxtooyada DKMG ah sidoo kalana xildhibaan ka ahaa baarlamaankii hore. (Xasan wuxuu ka tirsan yahay kooxda Aala Sheekh)
2- Sheekh C/qaadir Cali Cumar (beesha Hawiye)- oo ahaa gudoomiyihii maxkamadaha Islaamiga ee gudaha ee loo yaqaanay “muqaawamada”. Sheekh C/qaadir wuxuu kaloo wasiir arimaha gudaha u ahaa xukuumadii Cumar C/rashiid ee la dhisay 2009.
3- Dr C/casiis Sheekh Yuusuf (beesha Dir)- oo ah wasiirka caafimaadka ee hadda (xukuumadda C/weli Gaas). Dr. C/casiis wuxuu sidoo kale wasiirka caafimaadka ka noqday xukuumaddii Cali Maxamed Geedi.
4- C/laahi Sheekh Ismaaciil (beesha Dir)- oo DKMG ah mar ka noqday wasiirka arimaha dibadda, mudo dheerna ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka KMG.
5- C/raxmaan Xaaji Aden Ibbi (beesha Dir)- oo wasiirka kalluumeysiga ka soo noqday xukuumaddii Cumar C/rashiid 2009, sidoo kalana xildhibaan ka ahaa baarlamaanka. Ibbi waxaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu u hanjabay xubnaha guddiga xulista baarlamaanka oo uu ugu goodiyey dil.
C/raxmaan Ibbi weli wuxuu ka tirsan yahay kooxda Aala Sheekh.
Soo celinta xubnahan ayaa waxaa ka dhalatay dood adag, kadib markii odayaasha beelahooda ay sheegeen inaysan aqbalayn sida guddiga xulista ay wax u wadaan, waxayna odayaasha beelaha ay raggan ka soo jeedaan ku goodiyeen inay baarlamaanka ka bixi doonaan haddii aan laga aqbalin ragga ay keensadeen. Haddiise ay dhacdo in guddiga ay dib u aqbalaan xubnaha ay celiyeen waxaa dhici karta in beelihii horey dadka qaar looga celiyey ay iyaguna so laba kacleeyaan.
Waxaa isaguna booska xildhibaanimada waayey Sheekh Daahir Maxamuud Geelle (oo ah wasiirkii hore ee warfaafinta) haatana hogaamiya Madasha Daljir inkastoo la sheegay in Daahir isqabqabsi dhanka beesha uu ku waayey booska xildhibaanimada.
Dhanka kale, sida xubnaha guddiga xulista ay u sheegeen Raxanreeb waxaa liiska xildhibaanada baarlamaanka ay hadda marayaan 240 mudane oo ah tirada illaa hadda la aqbalay, waxaase laga warsugayaa in beryaha soo socda la dhameystiro tirada ka dhiman xubnaha guud ee baarlamaanka oo ah 275 mudane.
Xubnaha guddiga xulista ayaa rajo wanaagsan ka qaba in maalmaha fooda nagu soo haya si rasmi ah loo soo afmeero xulista baarlamaanka cusub kadibna la gudagalo doorashooyinka loo ballansan yahay in dalka ka dhacaan.
RBC Radio
______________________________________________________________________
Sixitaan: Tirada guud ee baarlamaanka waa 275 ee maahan 284 sida ku jirtay qoraalkeenii hore. Wan u mahadcelineynaa akhristayaasheena sida deg dega ah noo soo wacay, kuwa emailada nasoo gaarsiiyey iyo qaar kale oo commentiga ku soo qoray intaba.











I am happy that the mooryans kicked the DIR out. I am eager to see
what happens to these sell-outs once they go back to Somaliland.
But then again, they all came from abroad or nairobi. There is no
place for traitors .
Al shiikh oo kaliya miyaa la soo celinayaa?kooxdaan waxaa la sheegaa ineey taageeraan madaxweyne shariif sidaas darteed soo celintooda waxey ka dhigan tahay in madaxweynaha taaageerayaashiisa la bartilmaameedsado si xiliga doorashada madaxweynaha looga guuleeysto waana qorshihii Faroole Shariif Xasan C/Wali iyo Mahiiga muxuuse madaxweyne shariif ka dhihi doonaa in baalashii uu ku duuli lahaa loo diido in ey xildhibaan noqdaan.?
Gudiga xulista barlamaanka Runti hdii aan nahay dadka somaliyeed ee jecel wadanka nabadiisa wxn leenahay waa ku mahadsntihin sida quruxda badan aad howshiina ugu howlantihiin tankale khaa imiinta somaliyeed ee wadanka iibsaday ayaga iyo oday dhqameedka lacagta ka soo qaatayba banaanka ha loo tuuro sidaasaana somalinimo ay ku heli karaan nabad iyo dowladnimo.Raxanreebna waa ku mahadsanyihin sida qurxoon ay wararka u soo tabinayaa Socond by Socond Thanks All
Barlamanka dhan baa 275 ah ee see wax u wadaan Raxanreb 284 baad sheegaysaane, ma qoraalkaa idinka khaldan.
haddii Baarlamaanka dhan ka kooban yahay 275 maxay tahay tiradaan kale ee aad meesha ku soo qorteen. waxaa tiri waxaa la hubiyey 240. taas micnaheedu soo ma ahan waxaa haray 35 xubnood? intee 284 ta laga keenay ?
Aad ayaan ugu faraxsanahay gudigana waxaan leeyahay dhagar qabayaasha ka dhowr qaranja masiirkiis odayaashana waxaan leeyahay dad nadiif ah keensada
asc hadii kuwan lasoo celiyo dadko idilna hala soo celiyo ayan isleyahay
Waad Mahadsan Tihiin
Sixitaan: Tirada guud ee baarlamaanka waa 275 ee maahan 284 sida ku jirtay qoraalkeenii hore. Wan u mahadcelineynaa akhristayaasheena sida deg dega ah noo soo wacay, kuwa emailada nasoo gaarsiiyey iyo qaar kale oo commentiga ku soo qoray intaba.
Hanbalyo habalyi wan sodhawayna xibnaha qas wdayasha larebay wan ku farxsanahy gudiga xulista barlamanka sida hufa ee ay ugu shaqaynayan umadoda
asc wr wb aad ayaan ugu faraxsan nahay in ceeriyo Aala sheikh iyo sh sheriif iyo sh aaden, maanta dalka waxaa hogaaminaya ruuxii waxbarta waxna uqaban karo waana laga baxay in xildhibaano lakeensado baarlaamnaka waxaa maanta socota maxaa taqaanaa waa dhamaatey yaa taqaanaa. Waxaana codkeeygii siiyey Dr Abdiwali Ali Gaas Allaha Haka Dhowro Cadowga waa nin qualify u ah hogaaminta soomaliya Allaha haku guuleeyso shaqada culus ee hortaala isaga iyo inta dhalin yarao ah ee wax usoo baratay dalka soomaliya. Waxaa kaloo aad ugu faraxsan nahay in Mr xoosh yahay halyeey kale lamid ah Dr Gaas ee labadooduba ka badbaadin karaa shacabka soomali musiibadii ku habsatey the 22 years. Waxaa somali lee yahay waalaga baxay qabiil maanta waxaa taalo maxaa taqaanaa ruux aan waxbarinoo waxbara hadder inta aanay qoraxda kuugu dul dhicin.
asc wr wb Ramadaan Kariim.
ASC/ASXAABTA WAXAAN FILAYAA WAXAA LAGAARAY XILIGII TUUG IYO TUUG KALKAALKA LAGA TAGILAHAA EE LADOORAN LAHAA HOGAAN XALAAL AH ILAAHOO LABADA SHARIIF IYO C/WELIGAAS HANAGU SOOCELIN ADAAN KUBARINAY EE WAA SADEX TUUG OO DHACAY HANTIDII UMADA LOOGU DEEQAY SOOMAALIYEEY DULIGA ALE HANAGA QAADO
The most interesting result will be if Shariif Sakiin wins. He will be the equivelant of George W. Bush with a dash of Chaney.
kkkkk kkkkkk kkkkkkkk maxey magac dawladnimo jecelyihiin, oo maxaad ku faleysaan ?
Mise waa mindidii aad u qali lahydeen Masaakiinta? Kuna dhici lahaydeen Hantida Qaranka iyo tan Shacbiga/ kkkkkk
Kkkk that goes aroun cames arounsheik shariif maalintii jabuuti lagu yiri 275 baan kuugu daraynaa xildhibaanada ee Hal qof kala imoo kuwiihore si aad madaxwayne u noqotid wuu farxayey maantase xaalku waa kaduwan yahay isagii baa larifayaa isna waa waashay
Waxaan oran kanna waa heer wanaagsan oo wadaninimada aynu ka gaarnay, mar hadii aynu maanta hortaagannahay koox aan horay loo hor istaagi jirin. waana guul ay soo hoyiyeen G/Farsamadu waxaan leeyahay guulaysta oo hanjabaadda ha u dabcina.
Dastuurka waxa Lagu qoray qof aan shahaado dugsi sare haysan kama mid noqon karo Parlamaanka.
Shariif Xasan ma haysto shahaado dugsi sare.
Shariif Xasan muxuusan uga mid ahayn dadka loo diiday parlamaanka?
Shariif Xasan Ma Laga Baqayaa?
waa dadaalayaan gudiga xulista somalidana waa soo jiiteen hanaga celiyaan wixii nin taageeraya ee aan somali taageerayn nin jeclaysi o buu naga dhigay……
war waa yaab oo nin hogaamiye kooxeed ah waa lagartay ee mahada ayeey keeneen in eey yiraahdaan ibbi ayaa u dhaartay qolada wax soo xuleyso prof ibbi waa nin aqoon leh ayaan qabaa nin hubeysana ma ahan ee sifican ha u yirahdan kuma rabno balse eed malaha ayaan qabaa ee somaliyeey dhibka hala joojiyo Aala sheekh na waxaa ubadan madaxdi somaliyeed hadii ladiidayo iyo hadii kaleba