Wararkii Ugu Dambeeyay Tartanka Doorashada: Loolanka Ka Dhex Taagan Labada Shariif oo Meel Adag Maraya Iyo Korjoogtada Beesha Caalamka oo Muqdisho Imaaneysa
Muqdisho (RBC) Waxaa saacadba saacada ka dambeysa sii kululaanaya loolanka iyo xifaaltanka siyaasadeed ee ka dhex taagan hogaanka Dawlada xilligeedu dhamaaday ee Soomaaliya iyadoo maalmaha ka dhiman doorashada madaxweynaha ay sii gurmayaan.
Labo toddobaad oo kaliya ayaa ka harsan xilliga loo ballansan yahay inay ku dhacdo doorashada madaxweynaha iyo tan afhayeenka baarlamaanka oo ku beegan 20-ka bishan Agoosto, iyadoo la rajeynayo in isbedel uu dhici doono sanadkan.
Waxaa sii xoogeysanaya loolanka ay wadaan, si gaar ah Labada Shariif (madaxweynaha xilkiisu dhamaanayo Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo horey u ahaa afhayeenka baarlamaanka) oo labaduba ah musharixiin u ordeysa kursiga madaxtinimada dalka ee dawlada cusub.
Weli wax xal ah lagama gaarin dooda ka dhalatay shirkii lixda saxiixayaasha ee Nairobi, halkaasoo ay ka dhalatay in Shariif Axmed uu ka soo caroodo shirka kadib markii la soo jeediyey in doorashada madaxweynaha la soo hormariyo halka ay ahayd in tan afhayeenka baarlamaanka la qabto marka hore. Arintaasi waxaa illaa hadda qaba Shariif Xasan oo sida la sheegayo raba inuu marka hore tijaabiyo tartanka madaxweynaha.
Maxaa soo kordhay?
Iyadoo weli ay socdaan ololayaasha ay labada nin sida kala goonida ah u wataan ee ay kula shirayaan Soomaali iyo ajnabibacid kasta oo ay u arkaan inay ololahooda gacan ka geysan karto ayaa haddana waxaa saavadihii u dambeeyay ay labada dhinacba masraxa soo saareen siyaasiyiin ay kala wataan si ay ololahooda ugu xoojiyaan.
Shariif Xasan oo raba qorshe uu Shariif Axmed ku dhabar wareemo ayaa saacadihii u dambeeyay musharax jagada afhayeenka baarlamaanka ka dhigtay Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish) oo ka mid ahaan jiray hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ee sanadkii 2006 awooda looga saaray dalka.
Cumar Finish waxaa uu ka soo jeeda beesha madaxweyne Shariif, waxaana soo xulista uu Shariif Xasan keensaday Cumar Finish ay ka dhigan tahay qorshe meesha looga saarayo hamiga Sheekh Shariif, maadaama beesha Hawiye ay leedahay mid ka mid ah sadexda kursi ee ugu sareeya dawlada kuwaasoo haddii midkood loo sharaxo Cumar Finish ay adkaaneyso in Sheekh Shariif booska soo galo. Waxaa qorshaha Shariif Xasan uu ku qaabeysan yahay in isagu noqdo madaxweynaha, Cumar Finishna ka dhigto afhayeen baarlamaan halka kursiga raysul wasaarahana loo wado siyaasi ka soo jeeda beesha Darood oo isaga xulufo la ah.
Ilo wareed ku dhow Cumar Finish ayaa u xaqiijiyey Raxanreeb in xitaa uu diyaarsaday KHUDBADII afhayeenimada ee uu jeedin lahaa haddii uu ku guuleysto xilka Shariif Xasan usoo xushay ee ah afhayeenka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa isaguna saacadihii u dambeeyay miiska keenay Prof Maxamed Cismaan Jawaarey oo ka soo jeeda beesha Raxanweyn si uu ugu sharaxo kursiga afhayeenka baarlamaanka (maadaama xilkaasi ay weligood qaadan jireen beelaha Digil iyo Mirifle). Prof Maxamed Cismaan Jawaarey waxaa uu horey u ahaa gudoomiyihii guddiga madaxa bannaan ee dastuurka.
Xulitaanka Prof Jawaarey ayaa u dhigma xulitaanka Cumar Finish ee Shariif Xasan sameeyay.
Rag ku dhow labada dhinac ayaa Raxanreeb maanta u sheegay in talaabooyinka ay qaadayaan labada nin ay isu bedeleen kuwo adag haddana xasaasi ah, weliba waxay xaajadu sii adkaatay markii Shariif Xasan ku adkeystay inuu doonayo in ka hor doorashada afhayeenka baarlamaanka la qabto tan madaxweynaha oo uu isaga isu diyaarinayo inuu ku guuleysto, halka Sheekh Shariif oo xulufo baarlamaanka cusub iyo taagerayaal banaanka ah dhistay uu ku kalsoon yahay in isaga uu guuleysan doono.
Korjoogtada beesha caalamka
Waxaa magaalada Muqdisho ku soo qulqulaya korjoogto ka socota Qaramada Midoobay, Midfowga Afrikam IGAD, Midwga Yurub, dawladaha ciidamada ka joogaan oo ay ku jiraan kuwa deriska si ay goobjoog uga noqdaan doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka ee aan weli lagu heshiin sida ay u dhacayso. Kor joogtada waxaa hogaaminaya Augustine Mahiga oo laftiisa Muqdisho ku soo fool leh saacadaha soo socda.
Beesha caalamka oo ay ku jiraan wadamada deriska waxay macquul u arkaan fikirka sheegaya in markan xilka madaxweynaha Soomaaliya lagu tijaabiyo cid aan ahayn beelihii horey u soo qabtay ee “Hawiyaha iyo Daaroodka” taasoo Shariif Xasan laftiisu uu wax badan ku dooday, inkastoo waxbarashadiisa dood laga keenay.
Dhanka kale illaa toban musharax oo ka mid ah kuwa u tartamaya madaxtinimada dalka oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa iyaguna wada inay sameystaan isbahaysi ay ku doonayaan inay ku wajahaan cadaadiska laga yaabo inuu kaga yimaado isbahaysiga uu dhisayo Shariif Xasan, waxaana musharixiintan ku jira qaar isku beel ah oo hadda wada sidii ay hal nin ugu tanaasuli lahaayeen si ololahooda uu u noqdo mid awood leh.
Si kastaba cida waxaan oo dhan go’aanka ka gaareysa ugu dambeyna madaxweynahacusub ee dalka dooraneysaa waa “275? mudane oo cusub kuwaasoo ninkii iyaga kasbada, siduu rabo haku kasbadee uu xilka madaxweynaha ku guuleysan doono.
RBC Radio












war nila sii .. shariif sakiin waa is walaya ma ahee waxba meesha kuma hayo…
waa mida koowaadee : iska daa in uu madaxweene isku soo sharaxo ee xata kuma dhaco in uu ku guuleesto doorashada gudamiyaha barlanka ..tusaale ahan waxa la wada socona in shariif sakiin barlanki hore cod aqlabiyad leh uu xilka uga qaaday ..hada sharci daro ayu ku jooga oo ma aha gudoomiyaha barlanka .
Markan u nimaano arinta doorashada . doorashada gudamiyaha barlanka iyo tan madaxweynaha teeba horeso sharciga caalimiga marka la fiiryo.. sida shuruucda calimga qabta wax ay tahay hadii barlaman cusub wadan doorto waxaa waa jib eh in uu marka hore barlamanka doorto shir gudoon ka dib loo gudbo doora shada madaxweynaha wadanka. marka tan waxa ay meesha ka saaresa in an barlaman shir gudan la an eh uu san dooran karin madaxweynaha qaranka wadanka.
Marka hada usoo noqdo arinta hada taagan nimankan lagu sheegay saxiixayasha road map-ka waxa ay shirarki hore ay ku heshiiyen marka hore barlanka la soo xulo ka dibna gudamiye ay doortan then madaxweyne … lakin hada marki nairobi la tagay oo loo aday arn helliry chilinton oo kulan hellry dhamaday ayaa shariif sakiin filinkan cusub la soo banan baxay …lakiinsa sh.shariif oo ciyarta fahmay ayaba ayaga dhan usoo qabtay si uu dood iyo buuq an loojoogin ugalo … waana iska fahmi karaa qofki wax garad eh ..
Arinta doorashada gudomiyaha barlanka waa iska cadahey inuu san shariif sakiin ku guulesan karin maxa yeelay [[[[[[[[[[[[[ oo eh besha oo ka dhashay ... lakinsa beelaha kale ee soomaliyed sida [[[[[[[[[[[[[ intasa badan sida =====iyo [[[[[iyo ]]]]]]]oo farmaje ka dhashay wax cod eh ay siinayan ma jirto shariif sakiin in uu noqdo gudimye barlamanka maxa yeelay waa lada og soonyahay in uu yahay ninka farmaajo in xilka laga qaday sabab u ahaa uu yahay shariif sakiin ..
markan fiirino shariif sakiin yaa kula tar tamayo xilka gudimayaha barlanaka waxa joogo meesha nin la yirah prof.jawaari oo ah ninka dastuurkan dhan hada soo diyariyay ka hor inta aysan farta farteen qolyahan saxiixayasha .. waa nin aqoon yahan eh oo xilkas eh wax garad dagan profasor jamacadeed eh.. shariif sakiin aqoon maleh oo xata dugsi sare kama bixin jamacad warkeeda iskaba daa… marka sidii uu ku doonaya in uu kaga guulesto prof .jawaari.
doorasha barlanka natiijada waxa ay noqonesa marka aan saaliyo sidan
proff. jaawari waxa dooranayo beelaha soo socdo ( ]]]]]]]]]]]]]] )
shariif sakiin waxa dooranayo ( ””””””’)
waxan iloobay maanta meesha la jooga waa muqdisho .. meel ay ka shaqeeso ma ahan taagero wadamada dariska eh iyo adunka igarab tagan …muqdisho waa meel qofkasta codkiisa u madax bananyahay …waa la wada socona wixi doorashoyin nairobi ka dhici jiray qofki ka hor yimada waxa ay itobiya iyo kenya raban in shirka laga saari jiray oo in dhagta la qabto bananka loo tuuri jiray..
laa kiin maanta sheekada waa ka duwan tahay waxa la jooga muqdisho oo filinkas kama shaqen karo ..
shariif sakiinow hadey itobiya ku jeceshay ama faroolo adeer xamar aya dhax fadhisa ee adaa cirka roob ku oh
kkkkk CUMAR FINISH kkk kulahaa wuxuu sii diyaarsadey KHUDBADII uu jeedin lahaa MARKA LA DOORTO,kkkkk WAXAAN IS WEYDIINAYEY KHUDBADAAS,, 1-ma MADFAC baa?? 2-ma HOOBIYAA?? 3-ma JIIB baa?? 4-ma DAD LA MIISAAMAA?? 5-ma ISBAARAA??,,yaab iyo amakaag, TAN KALE sow tii lalahaa BAARLAMAANKA waa inuu noqdaa QOF AAN DADKA IYO DALKA midna DAMBI KA GALIN!!,,, SHARIIF SAKIIN,, asagaa SAKIIN nagala daaley makii FINISH umada ka siin lahaa buu usoo wadaa?? ALOW ALLE
@MA@ kkk sxb hadii SHIRARKII hore ee etopia iyo kenya dhegta la is qaban jirey oo dibada looga saari jirey dadka HADA meesha la joogo DIBADA dadka looma saaro ee AAKHIRO ayaa loo saarayaa TAN KALE maxaa ka wadaa MUQDISHO
War ileen indho adeeg looma dhinto, war ninkani intii uu inta iska fariisto ummadda somaliyeed cafis waydiisan lahaa ayuu meesha wuxuu la yimid damac intaas le’eg.
Anigu waxaan soo jeedin lahaa in haddii Baarlamaanka cusub soo doortaan Shariif Hassan in kuligood xabsi la wada dhigo oo mid mid loo ugaarsado, waayo taasi macnaheedu waa in Somalia waligeed wax horumar ah gaarin.
Waa la fahmi karaa haddii dadka qaar u codeeyaan Sheikh Shariif iyo C/Wali waayo labaduba wax bay qabteen in kastoo dhaliilo badani jiraan, laakiin taageero waa heli karaan. Bal qofka maanta Shariif Hassan codkiisa siiyay.. muxuu ku siinayaa?? Waligiin ninkaas oo taagan meel umad somaliyeed wax loogu qabanayo ma aragteen?
Anigu waxaan aminsanahay in Shariif Hassan uu ka dhib badnaa qabqablayaashii dagaalka, waayo waa ninka curyaamiyay dhamaan dowladihii ku meel gaarka ahaa. Waa Ethiopian agent (wuxuu u adeegaa danaha Ethiopia)..rag asaga la mid ah waa jiraan, laakiin waa ninka ugu wayn oo Ethiopia ku lahayd dowladihii ku meel gaarka ahaa oo dhan. kaas ilaahay meel ha noo dhaafsho… dadkii u bixiyay SAKIIN walee waa la heleen.
Ma shariif sakiin nin la jecelyahay ma aha laakiinse nin laga guuleystana ma aha. ilaahay un baa fadligiisa ka mid tahay in uu ninkaas la qaban. hadeer in doorashada madaxweynaha laga soo hormariya tan gudoomiyaha baarlamaanka oo ansaxiya doorashada madaxweynaha waa wax maskaxda gali karin hadana waa wax uu ku shubtay faroole iyo gaas iyo mahiga. Ninkaan hadii laga guuleysto saaxiib anaga xataa waan kula dabaal dageynaa Ma kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
salaan labada nin haday noqoto aniga waxaan aaminsanahay shiikh shariif axmed waa ka daacadsanyahay waana ka wadanisanyahay waana qof diinta wax weyn ka bartay waana laysku aamini karaa quyar socod weeye hadii la doorto wax badan buu wax ka qabandoonaa daawada anigu waan arkay
kkkkkk ma iska hadale mesha xamar sidii hore walga badalay ============= alle hawnaxariistee dadkii xumaana sifeeyey dhamaantood maanta nin walba muqdisho waxuu ku jooga awoodaa amisom oo alshababa naga celinaysa xitaa shariif oo reer muqdisho ah kaare ayuu ku jogaa marka meesha dadkii lahaa ayaa yimaaday ader sheko xamar weydhamatay shariif yuuku talxiilin adig afaroolana muqdisho 100/60 isgaa dhulka iyo guryaha leh kkkkkkk wwwww waan arkaynaa sakiin waa raysalwasaraha cusub gaas madaxweynaha cusub gudomiyaha baarlamnka idinkaa leh cidaad doontaa siiyaa waaba baryey 20 sano guryaha iyo isbaarada xoolaha aadka hesheen haydinku filnaandeen adiga wa ma says ah de adeer adigo xoolaha waadku dhaltay o aabha ayaa kuyiri anigaa leh waxba maad ogid alkiin markii cag lagaga saaro ayaad ogaan ama dhaforka lagaa toogto viva muqdisho caasimada solaia hada ayaan u aqnaa
Dadku political science ka waa inay bartaan marka qofku ka hadlayo siyaasad meesha qofku siduu rabo uma dhaqmi karo dhagtaa laga garaacin qofkii musuqmasuq layimaada mida kale muqdisho hadii lajoogo yaa fowdo ku samaynkara hoolka doorashada GUANTANAMO BAY ayaa sugaya kaas mida kale nimankan been ayay iska daalinayaan waxa lugu dilayaa 2shariif political waxa meesha jooga american man dr.gaas asagaana la dooran
Walee ninkan Sharif Xasan ah gacan baan u taagay – wax badan oo aan siyaasada Soomaaliya laga aqoon buu soo kordhiyey , waa kan hadeerna dhisay isbaheysi adag oo 4.5 ah halka nimanka la tartamayaa ay ku tiirsan yihiin beeshooda kaliya! Walee waxaan qirayaa in Shariif Xasan hala doorto ama yaan la doorane uu taariiq iyo tusaale lagu daydo uu reebay.
Walee ninkan Shariif Xasan ah gacan baan u taagay – wax badan oo aan siyaasada Soomaaliya laga aqoon buu soo kordhiyey , waa kan hadeerna dhisay isbaheysi adag oo 4.5 ah halka nimanka la tartamayaa ay ku tiirsan yihiin beeshooda kaliya! Walee waxaan qirayaa in Shariif Xasan hala doorto ama yaan la doorane uu taariiq iyo tusaale lagu daydo uu reebay.
Abbaaye Suldaano cadeey ma yaraantii baad is taqaaniin Shariif Xassan?See buu ahaa waagaas?
Ma cayaar badnaa?Gabloow Shimbirka ma cayaari jirey?
ASC, dhamaantiin, iyo Raxanreeb Media. Een, walaalayaal Somaliyeey yeeysan idin qaadin cudurka wadankeena baaba’shay oo nakala qeeybiyay ee qabiilka ah, taasoo meesha aan maantay taaganahay na dhigtay. Aniga waxaan aaminsahay Madaxweeyne Shiiq Shariif in uu markale Afar Sano wadankaan hogaamiya, ogaada waxaan idin xusuusin waa afar sano oo kali ah, ma ahan labaatan sano sida dowladaha Afrika oo kale amaba dowladii hore ee Somaliyeed. Waxaa suurta gal ah in uu Madaxweeynaha hada uu meel ka fiican meesha aan hada taaganahay in uu wadankeena gaarsiiyo, oo dadka Somaliyeed inta cudurka qabiilka ka bogsoodaan, fahmaan mudadaas Afarta sano ah in danteena naga dhaxeeysa ee qaranka Somaliyeed ah ee ka muhiimsan tahay danta shaqsi ama qabiil gooni ah. Madaxweeyne shariif sababa badan ayuu maantay uga fiican yahay raga banaanka isa soo dhigay ee is sharaxay in ee Madaxweeyne noqdaan (yaab waxey ka badan yihiin labaatameeyo), kuwa kale oo is qarinaa ayaa jira, marka waxuu dhamaantood uga fiican yahay arrimo badan oo aan halkan kusoo koobi karin, laakiin aan kasoo qaadanyo kaliya codsi aan idiin jeedinaya oo ah maadaama maantay Technology iyo record jiro, waxaad raadisaa tobankii qudbad ee ugu dambeeysay eey jeediyeen President Shiiq Shariif, Prime Minister Abdiwali, Speaker Shariif Hassan, Faroole oo aan aamin sanahay in uu yahay biggest spoiler in Somalia, and a threat to Somali unity and brotherhood, maadaama uu cudurka qabyaalada dadka kula dhex jiro, taasoo dadka in eey sii kala fogeeysa maahanee aan isku soo dhaweeyneyn, iyo waxaan hilmaamay side-kick caalin oo meeshuu qaswade Faroole aado asagana ka daba aado, what a moron!
Markaad intaas oo nin qudbahooda dhageeysato, waxaan ku kalsoonahay in uu Shiq Shariif yahay candidate ka aad u codeeyn laheeyd, maadaama uu ilaaheey siiyay IQ and intelligence ka sareeysa dhamaantood. Ogaada, uma shaqeeyo mana aan aqaan walaahi Shiiq shariif, taas waa iga afeef.
Waa hoog iyo halaag iyo dal u dhamaatey hadiiba soomaali laba shariif isku haystaan
soowtii dastuurka lagu darey qabqable inuusan ka mid noqon karin uma leyn maayo in sakiin gacantiisa isku gowracayo waayo sixiiroolayyashii saxiixayaasha ayuuba kamid yahay sharciga ay sameysteen ayaa qabanaya sheekh shariifse jawaari haduu keeno wuu asiibey waa nin aan debi ka gelin soomali waa hore iyo waa danbe waana mta calin sharci yaqaan.
Sxbiyaal waxba yaa la isdaalin sanadkan maxtinimada waxaa is ka leh shariif xan sheek adan gudomiyaha barlamanaka waa cumar finish risel wasaare waa gas mid ha ilowina dorashada mar hore ay dhacday waxayna noqotay san idin shakay 20akost dorasho majiro ee waxaa jira maaweelo iyo hees iyo ciyaar
ilaahoow shariif xasan shartiisa somali mooti oo wax kaqayr roon ugu badal 4.5na ilaahoow kasaar
somali xalaali imanmeyso inta ay 4.5 wax ku qaybsanayso. ‘