Wararkii Ugu Dambeeyay Tartanka Doorashada: Yaa Ku Guuleystay Xildhibaanimada Yaase Laga Saaray Liiska?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Iyadoo weli meel adag uu marayo loolanka u dhexeeya musharixiinta sii kordhaya ee ka qeybgalaya doorashada madaxtinimada ee wadanka ka dhacaysa 20-ka bishan Agoosto ayaa dhanka kale wuxuu loolan ka taagan yahay xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka kuwaasoo musharixiinta qaarkood ay rabaan in dad iyaga u codeeya ay ku daraan baarlamaanka cusub.

Haddaba Shabakada Raxanreeb oo had iyo jeer dadaal ugu jirta sidii ay ku soo ururin lahayd xogta tartanka doorashada iyo xulista baarlamaanka halka ay mareyso ayaa halkan ku soo bandhigeysa liiska shakhjsiyaadkii ugu dambeeyay ee illaa hadda la xaqiijiyey inay heleen ka mid noqoshada baarlamaanka cusub.

Yaa helay xildhibaanimada?

1-C/weli Maxamed Cali Gaas- (Cumar Maxamuud/Majeerteen)- Waa raysul wasaaraha xukuumadda hadda dhamaaneysa xilligeeda, wuxuu helay mid ka mid ah labada xubnood ee beeshiisa ka heshay baarlamaanka cusub.   Dr C/weli dhanka kale waa musharax u taagan tartanka madaxweynaha, ka mid noqoshihiisa baarlamaankana waxay qeyb ka tahay ololihiisa doorashada ee gudaha baarlamaanka.

2- C/samad Macalin Maxamuud (Habargidir/Ceyr) Waa wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda hadda jirta.  C/samad waxaa soo qoray odayga beeshiisa hase yeeshee wuxuu ku soo baxay talabixin ka timid Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ay xulufo yihiin C/samad.

3- C/qaadir Cabdi Xaashi “Gaabane” (Leelkase).  Waa wasiiru dawlihii qorsheynta ee maamulka Puntland kana mid ahaa ragga sida aadka ugu dhow madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole.  Soo gelida Gaabane ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa gacan ka geystay raysul wasaare C/weli Gaas oo kaashanaya madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole si uu codka u siiyo C/weli Gaas.

4- Dr Xuseen Khaliif Xaaji Jamac- (Cumar Maxamuud/Majeerteen),  wuxuu ka mid ah musharixiinta u taagan tartanka madaxtinimada, hadana xubin baarlamaan ayuu ku guuleystay.  Xog ogaalka waxay noo sheegeen in odayaasha beeshiisa ay u ogolaadeen Dr Xuseen in isaga iyo C/weli Gaas ay u galaan baarlamaanka cusub.

5- Maxamuud Xayir (Cali Saleebaan)  Waa gudoomiyihii rugta ganacsiga Puntland oo dhowaanahan ku sugnaa Muqdisho kadib markii uu isaga soo tagay xilkii uu ka hayey maamulka Puntland.  Ilo wareed lagu kalsoon yahay waxay Raxanreeb u sheegeen in Maxamuud Xayir uu jeebkiisa isticmaalay kadib markii rag beeshiisa ah ay kula tartameen halka xildhibaan ee beeshiisa ku leedahay baarlamaanka sidaasna ugu dambeyntii uu ku guuleystay.

6- Maxamed Qanyare Afrax (Murusade/ Hawiye):  Qanyare inkastoo uu ka mid yahay hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho wuxuu haddana markale ku guuleystay in beeshiisa uu ka helo aqbalaad si uu isaga ugu soo laabto baarlamaanka.

7- Cali Ilkadheere “Cali Ameerika” (Leelkase/ Maxamuud Cali):  Cali Ameerika waa qurba joog ku noolaa 30 kii sano ee ugu danbeeyey dalka Mareykanka waxa uu si bareer ah jeebkiisa u isticmaalay oo uu  gatay Booskii Xildhibaanonimo ee Beelaha Leelkase ee Gobolka Nugaal kadib markii ay aqliyabad Dadka ay soo xuleen qof kale. 

Shakhsiyaad laga saaray liiska

1- C/raxmaan C/shakuur Warsame (Habargidir/ Ceyr)-   Waa xildhibaan hore, waana musharax ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha.   C/raxmaan C/shakuur wuxuu dadaal ugu jiray inuu xubinimada baarlamaanka helo kadibna musharaxnimadiisa sii wato si uu ololohiisa uga dhex bilaabo baarlamaanka cusub laakiin cadaadis hoose oo Sheekh Shariif uu saaray nabadoon Cabdi Daahir oo ah nabadoonka beesha Ceyr ee hadda xubnaha beeshaasi xoo xulaya ayaa sababay in C/raxmaan C/shakuur laga saaro liiska waxaana booskiisa la qaatay haweeney magaceeda aan ka helnay “Jawaahir”.

2- Yuusuf Maxamed Siyaad “Indhacade” (Habar gidir/Ceyr)-  Inkastoo Indhacade baarlamaankii hore ku jirin haddana midkan cusub wuxuu iskudayey inuu ka qeybgalo,balse si la mid ah C/raxmaan C/shakuur waa laga qadiyey.  Xubno ku dhow Indhacade waxay Raxanreeb u sheegeen in uusan weli quusan oo weli orod ku jiro.

3- C/raxmaan Xoosh Jibriil (Leelkase) Waa wasiirka dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya oo si weyn loogu xusuudto kaalintii uu ka qaatay meelmarinta dastuurka cusub.  Mudane Xoosh waxaa la sheegayaa inuu galaaftay C/qaadir Gaabane kadib markii talobixin ka timid Madaxweynaha Puntland darteed lagu bedelay C/raxmaan Xoosh.

Shabakada Raxanreeb ayaa ogaatay in C/raxmaan Xoosh wuu ku qancay markii loo sheegay in magaciisa laga saaray liiska musharixiinta baarlamaanka, laakiin warar lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in ballanqaadyo loo sameeyay ayna dhici karto inuu helo xubinimada baarlamaanka.

4-C/shakuur Mire Aadan (Cali Saleebaan)-  Inkastoo C/shakuur waayadan uu ku sugnaa Muqdisho wada xaajoodyo fara badana la yeeshay odayaasha beeshiisa haddana uma suurtoobin inuu xilka xildhibaanimo helo.  Wuxuu la loolamay Maxamuud Xayir oo ahaa gudoomiyihii rugta ganacsiga Puntland oo hadda liiska lagu daray.

5- Cabdi Maalik Yuusuf “Cabdi Suldaan” (Habargidir/Ceyr)-   Cabdi Maalik oo dadka qaar u yaqaanaan Cabdi Suldaan waa mulkiilaha idaacadda Shabeelle, dadaal dheer oo uu u galay helistaanka kursi baarlamaan kuma guuleysan.   Waxaa la sheegayaa in uu eersaday rag ay isku heyb yihiin oo booska ka horgalay.

Warar kale ayaa sheegaya in Cabdi Maalik aan laga jecleyn xarumaha dawlada sababo la xiriira idaacadiisa oo loo arko mid toos u weerarta dawlada, sidaa darteed madaxda sare ee dawlada ay ka hor joogsadeen soo gelista baarlamaanka.

Illaa hadda liiska baarlamaanka ee loo gudbiyey guddiga xulista baarlamaanka waxaydhaafi la’ yihiin 1oo xubnood (inta la aqbalay) waxaase jira illaaboqol kale oo guddigu dib u celiyeen kadib markii sida la sheegay shuruudihii laga rabay baarlamaanka cusub aysan soo buuxin dadka la soo xulay.

Sidoo kale waxaa aad looga walaacsan yahay in odayaasha dhaqanka ee qabiilada aysan rabin in haween ay u soo xulaan xildhibaanadooda marka laga reebo tiro oo min hal haween ah keenay halkii laga raabay illa afar xubnood reer kastaba.

________________________________________________________________

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

36 Responses for “Wararkii Ugu Dambeeyay Tartanka Doorashada: Yaa Ku Guuleystay Xildhibaanimada Yaase Laga Saaray Liiska?”

  1. Adeerayaalow haddiiba Maxamed Qanyare beelo keensadeen maxaad Cali Ismail Cabdi-giir cidlada loo dhigay ” raqba waa ku rageedee ” . mida kale sida ii muuqata reer Goldogob wax ma kala reebaan miyaa sida aan maqleyCabdulqaadi Gaabane oo faroole ka socda ma ahee raga meesha la keenay maxay soo kordhinayaan maxaa beesha idhaha loo tirey. wallee reer indhaha iska ridayow adigaa cidla ku habsan !

  2. deeqa says:

    qoraalkani ragbadan ayuu sonkarta ku kicinayaa gaaska iyo olyada ayaa laykudarayaa gaar ahaan xaajigayga marka fadlan qoraalka nagasaxa

  3. khadija says:

    qanyare maxaa keeney soowtii la yiri qabqable No waa yaab mana yara allow sahal amuuraha.

  4. Amakaag says:

    War heedhaha .!!!!…. war xildhibaanadii ]]]]]]]]]]]]] ma dugaagii faroolaa iska fagtay…!!! war waa maxay sidatani.!!!!… war anagaa wax aragnay waxna noo laaban….!!!!

  5. Caalin says:

    Gudiga Parlamaanka hadey dad wax isku Falaya yihiin Qanyare parlamaanka haka saaraan . ileen waa tii la yiri qof dhiig iyo dambiyo soo galay looma ogolee

  6. Mukhtaar says:

    Beel Dad QUALITY leh soo gashatay Parlamaanka waxaa ka Jirta ””””””. Inta kale waa iska wada WARLORDS…. QANYARE, INDHACADE, IWM … Parlamaanka sida haloo dhaamo

  7. zack-london says:

    C/raxmaan Xoosh Jibriil ………….sidey ku dhacdey Inuu soo farageliyo……faroole…….in booskiisa la qaado…….aniga ninkaan la yiraahdo………..Fuutoole…………

  8. xaashi ////////////////// says:

    anigu waxa dhan intaan ayaan ugu jeclahay
    waayo haddaan nahay ;;;;;;;;;;;; waxa ///////aan kawayno waxaan ka helnaa walaalahayaga /////// hadhow bay nadhayaan maxuu gaabane noo qabtaa may kursiga geeyaan marka hore sida
    boqortooyada
    3- C/qaadir Cabdi Xaashi “Gaabane” (///////////). Waa wasiiru dawlihii qorsheynta ee maamulka Puntland kana mid ahaa ragga sida aadka ugu dhow madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole. Soo gelida Gaabane ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa gacan ka geystay raysul wasaare C/weli Gaas oo kaashanaya madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole si uu codka u siiyo C/weli Gaas.

  9. Jamac says:

    cabdulqadir Hashi has Goldogob support and his region puntland . Educated people we need!

  10. Caqil Somaali says:

    =========== maxay noqdeen habartii faroole?

  11. cadaalah says:

    adeer qabiil dhan baad leedahay faroole iyo gaas baa ku daray se ey ugu codeeyaan, nina wey ka saareen aaway Ugaaskii taladiisii mise wuxuu noqday nin laaluush qaata, war meesha ceeb baa ka dhacday.

  12. Puntland boy says:

    Qanyare masoo gal karo waa in laga saaraa asap

  13. Puntland boy says:

    Indhacade isagana waa in lagasaaraa aawey wixii lagu heshiiyay warlord soow lama oran masoo gali karaan

  14. QANYARE,, INDHACADE,,MUSE SUDI,, M,DHERE,,CUMAR FINISH,, CABDI WAAL,,INAQEYBDIID,, SALAAD,CALI JEELLE,,CISMAN CAATO,, kuwaan sow maaha kuwii QAARNA AY DADKA IIBSAN JIREEN, QAARNA HOOBIYAHA IYO MADFACA KU NASIIBIN JIREY, QAARNA DAROOGADA DHOOFIN JIREY,,QAARNA DADKA MIIZAAMI JIREY,, see LOOGU DARI KARAA BAARLAMAANKA la yiri waxaa lagu soo dooranayaa SHURUUDO,, meesha ma BAARLAMAANKA DADQALATOYINKA.

  15. Abukar Awale says:

    Qanyare,Indhacade, ???

    Baarlamaanjka Ciyaara halagadaayo.

  16. Abukar Awale says:

    Ninbaa wuxuu yiri Adeer hantina waa iga intaas hagarna waa iga walaahi,ninkalena wuxuuyiri waxaad ceebta utaqaan ragbay camalkooda tahay,

    Waxaan umaleynayaa waan ku deg degnay aniga iyo Inta kaloo ila fikirka ah. Inaan,dhahno Qanyare iyo indhacada yaan loo ogolaan baarlamaanka,
    Miyaan la oran karin labadan Nin reerahoodaa soo doortayoo cid dhaanta mahayaan
    Waxan aan ka eed sheeganayno iyo hogaamiye kooxoodna adeer raf bay camalkooda tahay hadaad Adigu ka yax-yaxayso.

    Marka intuu qilaaf imaan lahaa hala daayo laakiin haloo diro,koorsooyin tabaro ( Anti Spaaro lesons)
    Maaneed iyo Mirafadlena halageeyo koordine kale layiraahdo ( sida loo quuto xalaasha )

  17. Atoore says:

    War soo tii la yiri ma aha laguma daridoono Baarlamaanka qof an haysan shahaadada dugsiga sare.
    Haddana waxaa meesha ka dhex muuqda kuwo la yri waligood school uma jarmaadin ama an waxna qorin waxna aqrin.Waxaaba taas ka sii daran Qanyare iyo inta la dambi ah oo la yiri mar kalaa la soo magacaabay.

    Hase ahaatee dadka la soo magacaabay waxaa ku jira dad badan oo aqoon yahan ah,laakiin ma aqaani dadnimadooda iyo wax qabadkooda.Kolba dadka la soo doortay puntland waa wada Jaamici aqoon sare leh dhankasatab.

  18. Bahdoon says:

    Sida qaybtu u dhacayso kaley marwalaba cid baa ku dulmanaandoonta waxayse ku haboonaan lahayd in ay ku dulmanaadaan Dagaal-oogayaasha iyo wax la halmaala. Meesha Qanyare soo galay Indhacadane soo miciyo lisanayo uma eka in lagu lulan doono.

    Teeda kale, meesha waxa lagu qadiyey mucaadradkii. Dawlad aan mucaarad adag lahayni waa iska hashii Axado gabay.

  19. Rooraaye says:

    Dhamaan isku soo wada duub waa qaran lumey anigu talo ahaan wadankaan maxmiyad hala geliyo waa wada tuugu dad umad wax u haya maaha wadniyiin maaha ilaah ka cabsimajirto qaranimadii qabiil ayaa ka horeeya qofkii jago loodhiibo sharcigoow ku tumanaayaa laaluush bolb aan geed luugu soo gambaneyn I dont know iseek and tied wax aan aamino magaraneyno

  20. Axmed says:

    You’re giving Faroole more power than he has in this selection. Yes he may of had a bit of influence in the selection, but the traditional elders must of had been convinced.

  21. Mr.muwaadin says:

    Eheey eh maahmaahda Somaligaan ku liitaa. Lol
    =========== (gaabane) waa aqoon yahan Tolka ah
    Oo xaq u leh Jago, laakiin Wuxuu cidda wax ugu qaban karaayey xagga Puntland.
    Xilligii uu joogayse sidee waxqabadkiisu?

    Ina ILka Dheere waxqabadkiisa lama arag Good or Bad.
    Waxaan aad u qabaa C/qadir Gaanane rag ka mudnaa inay jiraan. Maxamuud Ugaas iyo isimaduna way ku dhaceen taas.
    Cali Muumin, Cali Ismaaciil , Azhari raggaas ayaa qaskaan u bisil.
    Gaabane Also waa shaqsi Jilicsan too loose and cannot handle this level of crises environment in my opinion.
    Nabad qabaa dheereeya. Lol

  22. RUNTASHEEG says:

    deeqa waad iga qoslisey meesha waxan raxanreeb sooqodhay madhabaa mise waa riwaayad ee dheh waxaad moodaa rodmab iyo sheekadii duudaa duu daa da ahayd inay hayso oo keliya suudi YALAXOW WAAYO saaxiibkii QANYARE SAWKAN SOOGALAY indhacadena waa sooscdaa FARLOOLE MAISGAA ============== USOOXULAYA SIDA================KIISA KOLAY waxaa ii muuqda qiyaano QARAN OO KADARAAN DOONTA KII 565 KII SHARIIFAYN2 ALOOW USAHAL SOMALI WAXAA UGU HOREEYA ALL MACAANJECEL KKKKKKKKKKKKK

  23. Naneys says:

    Qanyare sanadka damba wa tuura tolkisa dad u badalo dhaama maleh kan ugu dhow 4 sano kadib u gaara xildhiban

  24. Naneys says:

    Somaliyey caqligu ha shaqeyo website nin qoray ayaa dhiga isugu kicineysan faroolena waaba ehlu janno sababto ah dambiyada laga dhaqayo allow u saaidi kkkkkkkkkk Aloow wax no shaqeya ajar hano waayin war nin nasib badana

  25. nin aduunyo joogow maxaa aragti kuu laabaan ‘waxaan filaynay xildhibaano aqoon lagu sooxulay oo cadaalad kudhisan mawaxay noqotay si loo kal qabqab laysan yahay in loogalo xildhimanad? faroole mawaxuu keensaday gaane waa wax lugu qoslo hadii lageenay ra aan qaymo kudhex lahayn beelaha aykasoojeedan waxaa ladhowrayaa dhanka ay udhacdo 20 agoosto waxaan sugnaa waa ninkkii qabqabla bata kadibna ay ucodeeyaan inta dhibta somaaliya lajecelna artaageeraan

  26. Tutankhaamuun. says:

    @ Bahdoon, xaa Qanyare kaa galay, maad ka hadasho Abukaato Xoosh loo musuqmaasuqay. Guushii uu hoyiyey laga xadey, see weeye xaalkaagu qaryamaansanidaa.

  27. Warsame says:

    Waryaa xishood oo adiga yuusan ku fagan

  28. maxamedoos says:

    Adeega sahal isimo uu u furan yahay oo dardar leh ayaa hada shaqeynaya reer galdogob fadhaye ayaa ka socday asigna ina shoole ayaa faroole u gaday!!!!!

  29. cajabo says:

    WAR HORTA NIMANKAN AAD IDINKU U ARAGTAAN QABQABLE YAAL REERKOODAY HERO U YIHIIN IYAGAANA SOO DOORTAYE U DAAYA ADIGUSE BAARLAMAANKII AYNU WARKOODA HAYNAY DAD AAD KA NAXAYSID MA U DIRI LAHAYD WAXAAN KA NAXAY RAGA REER PUNTLAND OO CILMIGA LEH OO MEESHAAN LOO DIRAY WARBA LA ISUMA HAYO WAR NINBA NINKIISAA LOO DIRAA WAXAA LA RABAY INAANU JIRI SOO RAADINO SI AY BARLAMAANKA U GALAAN.

  30. caraseedo says:

    Kuwii dhiigga qubi jiray miyaa marinka soo taagan.
    Indhacade,Qanyare,Yalaxoow, iyo kuwo kaloo badan
    Alla ma wax dhaama bay waayeen reerku,Caqli iyo cilmi ma jiree,
    Dad iyo daltoona sheekadu ma joogtee,waar meesha lacag baa socota,
    iyo xaaraan ku naax,[[ka'acuudi Billaahi]].

  31. road map hooyadiis says:

    akhyaarta bishaaro road mapkii iyo dastuurkii fashin cusub ay soo saareen,waxaanse idin waydiiyey dadka commetka aniga waa kahelaa because hadii dadka fayow wax qoro dadka waalan maxay samayn lahaa yeen commet lee kkk.tankale qolada qanyare keensatay haday nin uga fiican waa yeen kawarama,saan filayo raxanreeb dadka is ka leh waa ikhyaar ileen comment bay idin siiyeen,cidbaa dr gaabane oo nin mutacalin ah keensatay wax baa laga sheegi ,cidii qanyare keen satay wax baad ka sheegaysaan

  32. Mahamed says:

    Fadhaye asaga maku dadatay

  33. mr mohs says:

    raxanreeb dadka caydaka daaya dadka madaxda idiin ah wax magadanin

  34. [...] 1-Maxamed Qanyare Afrax (Waxaa keensaday beeshiisa. Wuxuu ka soo jeedaa Murusade/Hawiye)  Akhri warbixin hore [...]

  35. leyla says:

    amakaag iska dhaafee fajac hakuugu dhaco waa midkaa la baxay amakaag
    faroole ku qalyee ka aamus madaxda putland afkaaga ha ku taagin waji qaanjeertii aa ku dhashayee

  36. [...] Qanyare Afrax (Waxaa keensaday beeshiisa. Wuxuu ka soo jeedaa Murusade/Hawiye) Akhri warbixin hore 2- Bootaan Ciise Caalin “Xaaraan ku Naax” (Waxaa keensaday beeshiisa. Wuxuu ka soo jeedabeesha [...]

Leave a Reply