Wararkii Ugu Dambeeyay Tartanka Madaxtinimada Somalia: C/weli Gaas oo Muqdisho Ku Sii Jeeda Iyo Xaflada Caleemo Saarkiisa oo Goordhow Bilaabaneysa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Raysul wasaaraha xukuumadda waqtigeedu dhamaanayo ee Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas oo beryahan ku sugnaa magaalada Nairobi oo uu kaga qeybgalay kulankii kooxda saxiixayaasha qariirada tubta ee loo yaqaano roadmap-ka ayaa saaka ku sii jeeda magaalada Muqdisho isagoo la filayo inuu goordhow ka duulo garoonka Jomo Kenyattaee magaalada Nairobi.

Waxaa C/weli Gaas wafdigiisa ku jira siuyaasiyiin iyo xubno ka mid ah u ololeeyashiisa dhanka tartanka madaxtinimada waxaana lagu wadaa in maanta ay gaaraan caasimada dalka ee Muqdisho.  Waxaana la filayaa in isaguna maanta si weyn loogu soo dhoweeyo garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho halkaasoo taageerayaashiisa ay isugu imanayaan.

Wariyaha Raxanreeb ayaa soo sheegaya in dhanka kale goordhow magaalada Muqdisho ay ka bilaabaneyso xaflad ballaaran oo C/weli Gaas kaga dhawaaqi doono afkiisa inuu yahay MUSHARAX madaxweyne markii ugu horeysay.  In ka yar 15 maalmood oo kaliya ayaa hadda ka harsan waqtiga loo ballansan yahay doorshada madaxweynaha walow saxiixayaasha laftooda ay isku khilaafsan yihiin doorashada sida ay u dhacayso.

Xafladan waxaa hormuud ka ah qabanqaabadeeda marwada raysul wasaaraha Drs Hodan Ciise oo beryahanba ololaha doorashada qeyb ka qaadaneysay.  Waxaa lagu wadaa in C/weli Gaas uu khudbad ka jeediyo xaflada caleemo saarkiisa uuna kaga hadlo arimo kala duwan oo ay ku jiraan waxqqabadka xukuumadiisa mudadii sanadka ahayd ee ay jirtay.

Sheekh Shariif oo loo banaanbaxayo

Dhanka kale waxay xaflada caleemosaarka C/weli Gaas barbar socda bannaanbax ballaaran oo madaxweynaha waqtiga ka dhamaanayo Sheekh Shariif uu ka qeybgalayo kaasoo lagu maamuusayo bixitaankii ururka Al-Shabaab ay ka bexeen magaalada Muqdisho oo ku beegan 6-da  bisha Agoosto oo maanta ku beegan.

Dibadbaxan oo uu qabanqaabiyey gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxaa kaloo lagu taagerayaa madaxweyne Shariif oo shalay shirkii kooxda saxiixayaasha ka soo baxay kadib markii saxiixayaasha dhexdooda ay iskhilaafeen.

Lama oga in raysul wasaare C/weli Gaas uu tagayo mudaaharaadka Muqdisho ka dhacaya oo qabanqaabadiisa ay leeyihiin taageerayaasha madaxweynaha.

La soco Raxanreeb si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah.

 

RBC Radio

Share

Tags:

26 Responses for “Wararkii Ugu Dambeeyay Tartanka Madaxtinimada Somalia: C/weli Gaas oo Muqdisho Ku Sii Jeeda Iyo Xaflada Caleemo Saarkiisa oo Goordhow Bilaabaneysa”

  1. Gundiid says:

    Suuqa waxaa ku jira in aan la rabin madaxweyne ka socda Darod ama Hawiye….besha caalamku wexeey ku doodeeysaa musharax kale aan labadaas qabiil ka socon…..waxaa kaloo xusid mudan qorshe in muda ahba socday oo eey Siyasiyiinta woqoyi bari ka shaqeeynayeen , kasso ah in lakala fur-furo ;;; iyo ”” oo hada Faroole iyo Sakin u qayileeyn Afghuduud Shirkii Nairoby oo hada go’aamo la’aantii kasoo bexeen, waxa la’goaamiyana ma yaqaan, Dugsigiisa ha ku noqdo maskiinka weey ka waaleen, lugooyov intaa ugu filan…….Warkan xaqiiqadiisu 100% ma sugi karo lakin waa dood miiska saaran…..

  2. Gundiid says:

    Shxda Dowlada soo socota

    Raxanweeyn Madaxweeyna

    Daarood Gudomiye Barlamaan

    Hawiye Raiisu wasaare, wasiirada lagu qabsado

    Intaa ka dib si Raxanweeyn u helaan taageerada beesha [[[[[[oo eey ugu guuleeystaan kursiga Madaxtinimo,wexeey taageerayaan qorsha hada socda oo ah in Casimada loo soo wareejiyo degaan ””,(Kismayo ama Garowe) Ayagu ha ka fa’iideeystaan buuqa ka dhexeeya HWYE iyo DROD

    Anigu waxaan aaminsanahay kuwa xamar sheegta in eey afar xabo yihii oo eey /// ,/// ,/// iyo //// ka dhaadhiciyeen //////////waa waraabe iyo wax idiin ma ogola…..fikirkaas waa in aan tirtirnaa…….Xamar ma ogola somalinmo iyo Qaranimo…Wadadeediina ma hayaan…

    Waagii Xamar booska Siyad Bare (AUN), haduu ku fadhin lahaa nin Puntlandi ah Ma dhici leheey wixii dhacay…Ama Nin Absame oo ayaga dhan xabsi ku yaala bada dhexdeeda kuwad guri lahaa

    War qurbo waan ka daalay….Wadankeeygiina waan u xiisay lakin yaa ila fahma

  3. khadija says:

    c/weli dadka uu neyrobi ka keenayo ileyn xidhibaano maahee ma lacagta ayey qeybinayaan oo wuxuu rabaa kurisi uu gatey ee marabo kursi uu shaqeystey oo dadku doonayaan c/weliyoow waxaan kuu hubaa inaad taageero badan ku weydey faroole raacidiisii faroole waa bil sadex beraadana waa kaa saartaa mid kalena kuma geyso wixii ku dhacay caalin baa adna kugu dhacay ee ka xaaxaabi faroole maxaad moode marxuumkii geeriyoodey kasaa wax kula qaban lahaa kuma khiyaameyeen balse faroole idinkoo khilaaf dhexdiina yaalo baad misana aamintey hadee haduu banaanka ku soo taagayey bal aan aragno, inta lacagta kaa qaadata cod ku siinmayaa waxaaba layiraahdaa ka cun ka qaado kana codee maanta hebel baa dadka casumey waa kacun hebel baa lacag qeybiyey waa ka qaad hadhowna kaad rabtey codka sii tolkaa ugu dir xageen ka doonaa baa maanta ku haysta adaana is yeeley kuwii kuu balan qaadey codka adaa uga baxay oo faroole raacay.

  4. axmed says:

    sharaf ma laha uu Gaas…..

  5. real maakhiri says:

    Cabdi wali cid dooranaysaa ma jirto

  6. MUSHARAX AYAAN AHAY EE HALII DOORTO ANIGA

  7. somaali diid says:

    GUNDIID SXP ADABA MUCJISAHE
    kadaa belaha hakala gurine,wuxuba waa hal reere..

    DR.gaas nin wuu ahan lahaye farola sharfti ka qaday, SIfooyinkii reer mudugana Gaas malaha magarowuu horta ku dhashay mise qurbaha ? Mudug shaqa kuma lehee .MARXUUNKII oo kalaa mudug laga filayaye ,
    candha dambasle farole hagayo waa ku ceeb G.mudug !
    Lkn sakiin ayaa iigu daran aniga bela kula style fool xumatay,
    ILAAHAYOW SHARKISA NAGA DUW Khayr kiisa ma rabnee.

  8. jama says:

    Alloow faroole aan waayaa in ina Gaas la dooraneen. Guri ba’ay. Mahiga waa sidii uu rabay. madaxa ayuu isku galiayay. Shariif xassan doqonsanaa oo damac waalanaa. mise sixirkii ayaa shaqeenaya.

  9. somali says:

    R/wasaaruhu in uu xilka madaxweyne isku soo sharaxo xaq uu u leeyahay oo waa soomaali laakiin R/wasaaruhu hadii uu tartan adag la galo Madaxweynaha kuna guuleeysan waayo in uu noqdo madaxweynaha Somaliya ee uu Shiikh shariif mar kale madaxweyne noqdo C/Weli ku soo laaban maayo R/wasaare ee ma faroole ayaa raba inuu R/wasaare noqdo?C/Wali wuu u muuqdaa nin kursiga uu ku fadhiyo laga dagsanayo isaguna aan garan karin damaca qarsoon ee kooxda faroole ku wareegsan wuxuuna R/Waasruhu daacad u noqday rag ey reer kasoo wada jeedaan oo iyagu qorshe kursiga isaga looga tuurayo wato wuxuuna laad ku qaaday damaciisii siyaasadeed ee wixii ka dambeeyo 20 agoosto.Kursigu laga yaabee in markaada hore ad reer ku heshay laakiin kol hadii aad ku fadhiso reerku kuugu adkeeyn maayo hadii aadan adigu adkeysan.mida kale faroole ayaa u balan qaaday inuu ku taageero ayaa la leeyahay R/wasaaraha laakiin ma leys weydiiyey Faroole qudhiisa hadii uu R/wasaaraha ka dhigi karo madaxweyne faroole isagaa iska dhigi lahaa oo waan wada xasuusanaa abril 2011 kolkii shiikh shariif iyo shariif xasan muranku ka taagaanaa faroole waa kii u hanqal taagayey in uu madaxweyne noqdo.marka nin isaguba aan madaxweyne noqon karin in uu dhagta kuugu sheego anigaa madaxweyne kaa dhigayo oo aad aqbasho waa wax lagu qoslo ee R/wasaare kursigiina lagaa daji midka dhagta laguugu sheegayna gaari meysid ee kolka aad shaqo la’aan noqoto 20 ka dib Faroole booska wasiir dowladiisa hakaaga raadio:D

  10. Cadaad Hurumbe says:

    Marka hore Faroole waxaan leeyahey hesheeska adiga iyo C/Weli idindhexmarey waan garan karaa oo waxa uu ku saleysan yahey QABIIL. Waa nasiib darro ninka doonaya inuu waddanka hogganka u qabto inuu adeegsado qabiil. Waxaan leeyahey C/weliyoo waxaad ku dheeshey magacii aqoonyahan qaabkaad ku kacadeyna waxba kuma dheefi doontid. Marka labaad, Mr. Faroole ma wuxuu noqodey Dhaqan beeleed beesha Dholbahante ah maka uu leeyahey liiska xildhibaanada Dholbahante anaa soo qoraya . Dhaqan beeleed kasokow, ma yaanu oggeyn in beesha dholbahante ku abtirsato Gobolkooda KHAATUMO oo u digma Puntland kana madax bannaan maamul kale oo uu hoos yimaaddo. Waxaan kula talin lahaa Dr. Faroole inuu miisaan iyo maskax ku hoggaamiyo masuuliyadda ummaddu u dhiibatey.

  11. Foolbiir says:

    Waxa ay ila tahay gundiid kismayo yaa iska leh soo magaalo ============ soo ma ahan mise moorgan baa isleedahay wuu soo noqon karaa fulaygii awalba dabayacadu oradkaa waa lagu yaqiinay 1991 soo kuwii cararayay miyaysan ahayn teeda kale garowe musqusha lagu saxaroodo waa fuusto dhul dhagax ah waaye biyo la,aan ah .

    garoowe soo tuulo miyaysan ahayn mise meel ari lagu raaco miyaa noqon karta caasimad .muqdisho laba wabi ayaa dhinacyada ka mara moos,canbe babay ,isbaandhays ,saytuun yaanyo kabash nuuc walbo oo qudaar ah ayaa dhinaycyada beerihii ka maraan afgooyo oo dhinac ah iyo balcad.
    garoowe maxaa yaal aan soo ranee almiina baydhabo maad dhahdid ,marka,jowhar ,baladweyne ,buule barde, xaradheere,cadale meelahaas barwaaqada ah.
    mise bariis cad iyo caano miyaan siinaynaa umada caaasimada dagi doonto adigoo reer puntland ah kuma qanacsanid dhulkaaga oo waxaa lagaa hayaa boowe bariis caano leh iyo bari laga raysaykkkkkkkkkk

    waryaa waa la idinka soo rarayaa garoowe awalba ============ ayaa deganaa.teeda kale kuwa puntland ka yimid oo dhn madaxdooda dhul aysan lahayn ayay ku dhasheen ,madaxweyne sharmaake xaradheere ayuu ku dhashay, gaas dhuusamareeb,c/laahi yusuf galkacyo iyo ina cabdirashiid muqdisho aaway madaxdii boosaaso garoowe iyo qardho mise wax xadaarad ah kama jirto meesha waryaa isku xishoo ka bilaw galkacyo illaa kismayo ayuu hawiye degaa ma aragtay isagoo dhul islaameed raba meeshiisaas ayuu canbaha ku dhuuqayaa adiguna dhagax iyo saxra baad ku noolaanee.

  12. Mohamud says:

    Abdiwali waa nin kasoo jeeda somaliya gaar ahana Puntland marka hore Khadiijoy Walaal Faroolana Waa oday somaaliyed sumeecadna kuleh meeshuu jooga

    Marka abdiwali waxa uu helayaa cod ka fiican kan madaxweyne shariif waayo isaga Kumacad inuu wato sodagiis iyo waliba dad badan oo uu soo gatay gaas marka eedo sharafta wiilka meel ha uga dhicin.

  13. Libaax says:

    Madexweynaha cusub waa Nin dhalasho Mareykan ah haysto una dhashay Beelaha ;;;;kana sii yahay ””””””’ da’ diisuna yahay 54 jir.

  14. maska says:

    khadiijo adeer waad salashay sidaan foilayo orod adigu wax uqabo xiligaan gaas inaase gasho adigu hawlo rag adeer maaha adiga waxaanu wax kaa weydiin gurigaaga iyo caruurtaada waa labab nin oooo midna adiga ku aqoon iskana kaa jecel marka adeer qajil ooo xishood waxa tahay dumare xaaladu waxay utaalaa rag xiligaan meesha loogama bahna caleemo rux iyo buraanbur adeer marka sug xiligeeda hadaa tahay fanaanad iskana saar cuqdada faroole waa nin masuula gaasna waa nin masuula midna kuma yaqaan isdaji adeer

  15. Mr kaahiye says:

    Xamar nin aan sh.shariif ma xukimi doono hadii kuwa isku shegay besha calamka ey nin kale kenane waxow dalku gela dagal aan kadhicin 20 sano

  16. qoslaaye says:

    Kkkkk gundiidow horta waxaa cadeysay in aad xunuunsantahay ,waxaa kaloo sheegtey inuu farmaajano isagana wax xiraa

    yo ee waad hutudaaye toos

  17. qoono says:

    ninkii mahiga seedigiisa ah ayaa madaxweyne noqonaya,@@@@@@@@@@@

  18. haashim says:

    kkkkkkk khadiijo adiga naag ayaad katahay siyaasada foolana afkaaga kadhaaf hadii aad cuqdad qabtidna de inta xanuusan hoos ayey kahabaaraan ee adna habaar mida kale isku xishood naag ayaad tahay iska dhaaf afdheeraanta iyo madaxda ad waxka sheegaysid sharfta aadku faanayso balse maxay tahay adigu yaaab

  19. sanadkaan bahashu waa isku cakirantahay

  20. mahmed abdikarim says:

    Kkkkkk wiil musafeeni dhalay oo soomaaliga labarey 3sano oo ugu dambaysey oo beesha.5naad kamid ah baa madaxwayne inoo noqonaya.,armuu dhaamaa wiilka ======= iyo kan ============= oo caqligoodu jifadiisa dhaafsiisnay

  21. dufow says:

    asc soomaaliyeey beribaa gabadh boqol halaad iyo qori rayfala lagabixiyay nin dabato ah is yidhi garab sagaaro kushukaanso ninkii dabatada ahaa waxaa kadhigan SAKIIN oo doonaya kursi boqolaal wiil naftooda kuwaayeen

  22. Caddaawe says:

    Cabdiweli waxna ma dhicin gacmihiisana dhiig malaha, aqoon sare buu leeyahay. Waa u qalmaa Madaxweynenimo ama mar kale Ra’iisul Wasaarenimo..

  23. Fadumo says:

    Salaan dhamaan,
    Xaqiiqadii haddaan la xaqireyn Professor abdiweli gaas waa istaahilaa inuudalka hogaamiyo nin kaga haboon inuu soomaali hogaamiyo maba soo marin waayo:. waa nin degan, caqli badan, waa nin go’aan qaadan kadha,waa nin qadarin badan, waa nin tacliin leh, waa nin dadaal badan, waa nin ku xeel dheer sida international community loola xisaabtamo, waa nin naxariis badan oo dalka iyo dadkaba u naxa! marka nin leh intaas oo quality ah oo sida dayaxa u cad waxaa xaqiri kadha shaqsi dan kale leh!!

  24. Atoore23 says:

    KU.Khadiijo.
    Jaalle waxaad maqashay waxbaa la sheegaa markaas baad gidaaro jiirtay.Haddii hada lagu weydiiyo waxa uu Ina Faroole kaa xumeeyey indhahaad or u taageysaa ama ma taqaanid wax ad ku jawaabtid.calaa kulli xaal haddii ad tahay qof dumara ha ka tagin xishoodka.Haddii kale way kula fakan doontaa markaasaad cagaha wax ka dayi doontaa.

  25. Saa-Danbaad-Garan says:

    Waar Shariifka aragnaye, bal Professorka ha lagu eego, malaha waa caqli iyo cilmima dhaamaa Shariifkaan haa iyo maya hal suaal kaga jawaaba.

  26. Saa-Danbaad-Garan says:

    Waar ragoow gabdhaha ha maagina, waar gabdhow idina xishooda

Leave a Reply