Waraabe iyo Wadaad Maxaa kala Haysta!! W/Q Eng Abdihakim Hersi Noor


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

WARQAD FURAN OO KA SOCOTO WARAABAYAASHA KUNA SOCOTO WADAADADA
Abdihakim Hersi Noor( Engineer)
Abdihakin234@gmail.com
Agoosto 22 2012

UJEEDO: – MANA NOOLIN WARNA NA RAAC

Mar hadii Wadaado isku kay qabsadeen, Waxaanan Ahayna la igu tilmaamay, In aan hadlo way ii Banaantahay. Beryahaan waxaan maqlayey waraabuhu xalaal miyaa mise waa xaaraan? Soomaaliduna waxay igu xamataa in aan Luuqadaha wax ka ka garanayo.

Waraabaan ahay, war Iguma harin waan, Waalan rabaa, Wadaadaa ii soo jeestaye war iga hooya”.

Wadaadow waxaan ahay Waaraabe Cunistiisa la idin xalaleeyey, idinkuna waxaa tihiin wadaado isugu jira, kuwo Diinta si sax ah iyo si qaldanba wax u sheegaya, si kastaba ii cunteene xalaaltinimadeyda shakiga halaga daayo, waraabe waa xalaal ama waa xaaraan yaan la isku qabane hadaaba marba I cuneysaan xalaalnimada hala ii daayo, si idinkuna aad u noqotaan kuwo hilib Xalaal ah Cuney shakiguna idin kaga baxo, oo anigana markaad I cuntaan aan shahiid u noqdo, Isla markaana illaahna ugu mana sheegto in aan idin gaajo bi’iyey maalintaas, xalaatinimo idinka baryimaayee ilaah baaba I xalaaleyey meel la igu xaaraantimeeyena aniga ma Ogi, tan iyo Asxaabtii baa la icunayey Bisinka iyo Allaahu Akbartaa la igu xalaalaynayey, Diinta Islamka iyo Kutubtuna ugu qornaa, ee doqon iga dharagtey Duceynwaydana hanoqonina.

Hadaba waxa jira wadaado in ay I cunaan aan jeclayn, Laakiinse in ay iduleeyaan jecel oo markey idilaan Dadka Jinka, Sokorta iyo Dhiikarka qabo Hilibkeyga Dawo uga dhigtaan, iyadoo waliba si xaaraan ah u cunsiisaan, maxaa yeeley neef aan bisinka loo qaban Xalaal ma noqdo, kuwaas waxaan leeyahay adinkana ha is Dembaajinina, Dadkana ha dambaajinina anigana ha I duleynina, duf ku baxee caamo waa idinkoo kale.

Hadaba waxaanan marnaba Ogolayn in la ii Nisbeeyo ama la igu sheego waxaanan aheyn , waraabe xalaal ma ahan ima qabato, Sababtoo ah Wadaadkuba ma ogola In lagu sheego Sifooyin ay kamid yihiin, Murtad ama Mushrik .

Sidaas si lamid ah , ma Ogoli in la I Aflagaadeeyo, oo la iyiraahdo waraabuhu waa Af Qurmoon yahay “Huuraale”, Bakhtiguu Cunaa “Huuraale”, Waraabe wax ma reebo, sida ayba wadaadaduba u ogoleyn in la gu sheego Tilmaamaha ay kamidka yihiin “Waa Dufanle” “Dufle Cunto U joog ah, “Wadaadku waa Dariiqo”, “Wadaadku waa seef la bood” iyo “Wadaadka miskiinka ah”, iyo wax la mid ah.

CODSI

Culimooy Caadifada iska dhaafa, oo waxaad Cuntaana Jubooyinka kama Aydaan waayine, Dadka ha igu dirina, intaa aad wax la Cunana haysataana aniga wakhti hala isiiyo, Calafna waa meeshiisa, mid anaga naga mid ah haday dan iyo daawo idiin gashayna Cuno illaah baa idin xalaaley bisinka iyo Allahu Akbartana ha ka tagina, Sidaasaan Idiinku xalaalobayaa.

CAAMADA WAXAN LEE NAHAY

Caamow Awalba isma aynan heynine, Hishiiskii inoo yaalay haka bixina oo yaan la isku keen dirin, wax la Cuno aniga iga badana waa haysataan ,Walina Waraaban ahayee Maalin wacan, waad itaqaaninee Maalin wacan ,Culimaan is heynaayee Maalin wacan, aan kala Nabadgalnee Maalin wacan.

UGU DAMBEYN:-

Waxaan mahad balaaran u celinaya illaaheygii I xalaaleyey, waxaan Abaal u hayaa dadka sida sharafta leh Nafta iiga gooya, Isla markaana Bisinka iyo Allaahu Akbartana ii qabta, in aan Xalaal ahay oo Xaaran aheyna igu tilmaamey, Dadkana u sheegey. wax laxaaleeyo ama la xaarantimeeyana Illaah keliya bay u Sugnaatey ee ogaada.

Maanta wixii ka horeeyey waxan Cafis Illaah uga Dalbayaa Dadkii I duleeyey, sida xuna iilaa dhaqmay,Xaaraana igu sheegey ,
Maanta wixii ka dambeeyana Dadka iduleeya ama xaaraan igu sheegana maalinta Qiyaamaha baan la xisabtamayaa.

Ii soo jawaabana idin ma lihi , jawaabna idinkama sugayee janadaa inoo balan ah.
Cafalaahu camaa salaf.
Wabilaahi towfiiq.

W/Q: Abdihakim Hersi Noor( Engineer)
Email:abdihakin234@gmail.com

=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

11 Responses for “Waraabe iyo Wadaad Maxaa kala Haysta!! W/Q Eng Abdihakim Hersi Noor”

  1. falis says:

    waa qormo wacan mahadsanid qoraa adiga iyo webkaan sida aadka ah aan uga helo loogana daba dhacay

  2. cabdul says:

    dufku baxa dhurwaa hala cuno xagee lagu sheegay axaadiista sida ay la sheegay waxa lagu sheegay bahal u qaab eg dhurwaa oo maskiin ah oo xiligaas jiray – miyeysanse ogsooneyn axadiista lagu yidhi yaan la cunin kan micida leh

  3. shigshigoow says:

    wadaadada in ay umadaan jahwareerka 21 sano heysatay inta ya dadkii laayeen hadana ay waraabo waa la cuni karaa waa wax aan macquul aheyn xoolo mala waayey ma waxaa la joogaa waqtigii la yiri baqtiga waa xalaal

  4. shamis says:

    waraabaha waa uu ka garhelay wadaadada kkkk

  5. [...] Originally posted here: Waraabe iyo Wadaad Maxaa kala Haysta!! W/Q Eng Abdihakim Hersi Noor [...]

  6. cali wardhiigleey says:

    waa ay waasheen nimankaan maalin walba waxlee keynayaan dadkii ay kasoo faraxasheen waxa ay usoo jeesteen xayawaankii ugu danbeeyey ee soomaaliya ku haray maxaa xigi doona shabaab keeni doonaan

  7. wadaad says:

    waraabo rali noqo anigu wadaad ban ahoo warabuhu way iga xaran alana iga xaran ti nimee yay adoon ku aqaano daye xayawaanka wax ugaarsadoo dhan ba xaran iga ah

  8. Garas says:

    Eng. Abdikariim saaxib aad baan kaga mahadcelinaya qoraalkan oo aan si gadis ah kula kulmay. Runtii aad baan ula-dhacay qaab ka ama hanaanka ay u dhisantahay sheegadu waa sidaas iyo Jannada Ino balan ah warkuba. Aad baan ku salaamaya.

  9. wadaad says:

    sxb wadaada meel ayaad kaga dhacday sxb lakiin meel ayaanu saari waraabha waana noo banaanahay c/xakiin soo raac bal kaalay iga dhici adigu wadankana maanta anaa haysta dhinac walba

  10. Guuleed says:

    Wadaad qofka qarnigaan rumeeya ayaa ka daran oo ugu doqonsan!

  11. Idris Malaaq says:

    Aqoon gaab iyo jaahil baa ku kulmey halkan.
    War diinta Islaamka soo barta, dabadeed hadla.

    Marka aad duraysaan Ducaaddda Islaamka ugu cilmiga badan, Fuqahaa’da iyo Salixiinta Allaah jecelyahay sida Sh. Umal, sow kama baqanaysaan Rabbigey inuu idin halaago.

    Ka fiirsada hadallada kibirka ah iyo ereyada aflagaaddada ah ee aad qoreysaan. Wallaahi haddeydaan ka towbad keenin ciribtiina dambe lama mahadin doono.

Leave a Reply