Warqad Ka timid Muqdisho W/Q Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle)
Warqad Ka timid Muqdisho
Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle).
Agole205@hotmail.com
Agoosto 28 2012
Ka:- Muqdisho
Ku:- Soomaali
L/h:- geeska afrika L/h:- Aduuka oo dhan
Marka hore salaan.
Marka xigga Muqdishaan ahay Magaala madaxdii dalka Soomaaliya, jawigaygu waa mid dhex dhexaad ah qabow badan maleh, kulayala badana maleh , naacaw macaan ayaa ka soo dhacda dhinca xeebta bad waynta hindiya taas oo ay ku raaxaysta dhamaan inta dushayda joogtaa, biyahaygu waa macaan in badan oo cabtay ay igu xasuustaan, qoraxdu sidee dii ayey aroor hore uga soo muuqaata dusha biyaha siman ee badwaynta hindiya, waa maalin waa habeen sidii aad igu taqaaneen waxba iskamay badalin, wali maanan qaxin, dhibtuse dushayda way ku badnayad, dhaawac badan ayaa jiray, wixii i helay hadal kuma soo koobi karo, basaas badan baase iga muuqatee burcad miyaad ii wadeen?
Maalamahan dood iyo muran baan maqlaa, dushayda baryahaan buuqbadan baa ka jiray, ifa-faalo(calaamad) nabadeed ayaan arkaa, iftiin badan baan arkaa, dad badan oo daalan baan arkaa, dumar qaylinayaan maqlaa, dhamaan dantooday raadiyaan, kuraas baa lagu hardamin, in badan baa kuraas heshee intii waydaay ha iga ooyinee ii aamusa, kuraas badan baa banaan, intiina joogta hadaay hoos haddaad ii eegtaan anigaaba idinka badan, dushayda in yar baad ka joogtaan, sidoo kale dalka intiisii kale Gobolo, Dagmooyin, Tuulooyin iyo Miyiba way mar yihiin, in dhihiinu xagee u jeedaan?
Runtii intiina hadda joogta iyo in kaloo badan iyo soomaali oo dhan waan ku filahay.
Maxaad nabada iigu diideen?
Maxaad dulmiga iigu fasheen?
Maxaad iigu heshiin la’dihiin?
Maxaad ajaanibta iiga soo buuxiseen?
Maxaad adoonsiga ku fasheen?
Maxaad dhiiga iigu daadiseen?
Maxaad? Maxaad? Maxaad?……………?
Ma garanayo waxaad ku jaawib doontaan, wali miyaadnaa ka daalin colaadii?.
Dhamaan soomaaliyee warqad baan idiin soo diroo jawaabaan idinka sugi, Aniga iyo dhamaan Gobolad, Dagmooyinka, Tuulooyinka iyo Miyiga aan caasumada u ahay nabad baan rabnaa, nolol baan rabnaa, iftiinbaan rabnaa, aqoon baan rabnaa, midnimaan rabnaa, sinaan baan rabnaa, cadaalad baan rabnaa, aduunkii waa naga tagee horumar baan rabnaa, dadaal badan baan rabnaa, hiilkii hooyanimo baan rabnaa.
Midkaan habayoon u heesahayoow
Midkaan horaadkayga nuujiyoow
Anigu hiil baan kaa rabaa
Xaquuqdii hooyanimo.
Soomaaligii na hanan karoow maanta waan kuu baahanahay, runtii waan qaawanahay, runtii waan basaasanahay, dunida kama liidanee dadkaygoow maxaad qabtaan?!!!.
By. Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle).
Agole205@hotmail.com
Tel. 254713521856
Nairobi Kenya
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











ASC, dhamaan, waa mahadsantahay Cabdifataaxow, sida “creative” ag ee aad u curisay warqadaan. Aniga waan ku maqlaa, walaalaha Somaliyeedna waxaan ka rajeeynayaa in eey fariintaada fahmaan, hadii eey wax yar oo Somalinimo ku jirto jirkooda, oo aan shidada aan gacmaheena ku keensanay iska deeynaa. Walaahi waa run in Somali oo dhan eey Mogadisho ama hal gobol xataa buuxin karin, mase ogin oo waa kan maalin kasta eey dadkeena u dhimanyeen maalaayacni 23 sano, sidii in la dhahay is dabargooya. Thanks, brother.
very nice article mr bayle
masha allah runti wa inan ugurmana caasimada qoraga so qorayna wdku mhdsnthy wadka baxsatay runtii
micnana maadan sheegine cidlaad soo bacaaac tiriye
dr.c/fitaax waa dadaashay lakin macno weyn iiga dhadhamin maqaaalkan.
@Mohamed &@bashir nur waxaad tihiinbaan filayaa kuwa Muqdisho ka dacwooneyso, macnaha kaweyn ee laydiin sheegilahaa waa maxey, ubucdii dalkeena, hooyadii dalkeena, Caasimadii dalkeena ayaa barooraneysa, dhulkii iyo cirkii ILAAHEY inagu abuuray ee qayb inoosiiyey ayeynu sabab u noqoney in gumyste qabsado, weyna kuu dacwoonayaan oo kuleeyihiin waar dhibka iga daaya kuligiin waan idinku filanahee anigu dhamaanmaayee idinku ha dhamaanina ayey ina leeyihiin inana waan diidanahey,
ILAAHEY Qoomna ma dulmiyo hadaaney iyagu is dulmin
mahadsani bayle
soomaalidaan waan layaaba dadkana wax uma faa’iidaynayaa dadka u faa iidaynaya waan caynayaa, great job mr bayle
mugdisho way jirta mar ay magaalo madax somaliyeed ahayd balse hada waa migaalo qabiil yehay
somalida yaa ku maahmahda
duc ninkii laha daba hayaa ma hinqato
marka mugdisho ragii kalaha ee ubad kooda iyo cayladoodu ku noolayd ayaa nabadaynteedu u taala
Hadal intan oran laha horey ba rag uliqay ee mahadsanid doctor c.fataax
K,k
Adeer, waxaa ka hadleyso wax kula fahmaya ma jiraan. Hamar cadeey dad baa fiiqdey, Marka qof waliba meesha uu ku yamid buu dib ugu noqday. Fitaah gobalkii aad ka timid waad garaneysaaye maad dib ugu noqotif oo horamrkiisa ka shaqeysid