Warsaxafadeed : CabdiKaasim Maxamed Xassan (Dhagaweyne) oo ku tilmaamey Xaq-daro iyo Cadaalad-darro Xulidii Xubanaha Baarlamaanka ee beesha Leelkase


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Cabdiqaasim Maxamed Xassan (Dhagaweyne)

London (RBC) Mudane Cabdikaasim Maxamed Xassan (Dhagaweyne) oo ahaa musharaxa xubinta Baarlamaanka Dowlada dhexe ee Soomaaliyeed ee Beesha leelkase ee gobolka Nugaal oo la soo xiriirey RBC asagoo u soo gudbiyey Warsaxafadeed dhinacyo badan taabaneysa oo ka hadleysa sida loo musuqmaasuqey ama loo dhaafiyey xubinnimadii musharaxnimo ee Baarlamaanka.

Warsaxafadeed :

1. Anigoo ah Cabdikaasim Maxamed Xassan waxaan xaq-darro iyo cadaalad-darro ku tilmaamayaa habkii loo xulay xubinta Baarlamaanka ee beesha leelkase ee Gobolka Nugaal. isla markaasna ah musharixii kowaad ee kalsooni iyo cod aqlabiyad ah ay siiyeen dhamaan Beesha leelkase ee degta gobolka Nugaal sida Nabadoonada ,Waxgaradka , aqoonyahanda iyo dhamaan Qurba Joogta Beelaha Nugaaleed (Reer Xassan, Maxamed Aadan iyo Maalismoge) marka laga reebo Beesha Maxamuud Cali oo ayagu si gooni ah musharax u watey. .

2. Waxaan halkan ku cadeynayaa inuu Suldaan Subeer Xaaji Maxamuud uu dhinac marey talaadii iyo go´aamaddii Beelaha Leelkase ee dega Gobolka Nugaal asagoo si ula kac ah ama bareer ah u siiyey nin ay isku jifo hoose yihiin, ayadoo la ogyahay sida Beeshu ugu kala badan tahay Gobolka Nugaal intii badnayna ay cod kasooni siin ah i siiyeen in aan ahay Musharaxa u taagan Xubunnimada Baarlamaanka Cusub.

3. Sidoo kale waxaa idiin cadeynayaa in Suldaan Subeer Xaaji Maxamuud uu dhinac marey dhamaan Go´aamadii iyo Balamaddii uu ka qaadey Beelaha Nugaaleed oo u wakiishey howshaas, Issimadda Puntland , Maamulka Puntland anigoo u arka inay tahay khayaamo ama danbi aad u weyn oo Beello iyo maamulba laga galey. Waxa uu soo xulay iyo howshii uu xamar ka qabteyba lagala xisaabtami doono , ayadoo awelba tunno badan laga qabey.

4. Waxaan halkan fariin iyo codsi ugu gudbinayaa dhamaan Beesha Leelkase ee Nugaal inaad la xisaabtantaan ama aad codka kalsoonida kala noqotaan cid walba ha noqoto Suldaan ama Nabadoon oo gudan weyda ama qaadi weyda masuuliyaddii loo dhiibtey idinkoo xilka u dhiibanaya cid aad ku aamini kartaan ama idin hogaamin karta.

Waxaan halkan aad uga mahad celinayaa dhamaan Bulshada beesha Leelkase ee gobolka Nugaal Miyi iyo Magaalaba ee codkooda i siiyey iguna aaminey kalsooni si aan uga mid noqdo Xubinta baarlamaanka dawlada dhexe , waxaan aan idin leeyahay idinma hilmaami doono wanaad ku mahadsan tihiin.

Cabdikaasim Maxamed Xassan

London, UK

Use Facebook to Comment on this Post

Share

14 Responses for “Warsaxafadeed : CabdiKaasim Maxamed Xassan (Dhagaweyne) oo ku tilmaamey Xaq-daro iyo Cadaalad-darro Xulidii Xubanaha Baarlamaanka ee beesha Leelkase”

  1. Wiil Garoowe says:

    Aad baan uga xumahay haddii Aqoonyahankii, Siyaasigii iyo Qurbo-joogiiba haddii oday lacag qaatey ama mid caadhifad nin sokaysi ku dhaqmey ay maanta halkaas marinayaan kuwii samata bixin lahaa dalka iyo dadkaba.
    mudane siyaasi dhagaweyne dad badan ayaa kula qabaa arinkaas waanad ku mahadsan tahay hadba odaygii wax qaloociya ama isdaba mariya in ummada loo sheego, waa dhamaatey waqtigii ay odayaashu odhan jireen ” Aabe maxaan maro kuu gadaa reerka waxna ma dilin lagamana diline” howsha maanta taal waxay la mid tahay taas hore oo ay odayaashu ku dhaqmi jireen , waxaana u rajeynayaa beelaha nugaaleed iyo maamulkuba inay la socon doonaan waxa ay odayaal badani xamar ku xarxariiqayaan waana sida aad sheegtay waa lagala xisaabtami.
    Guul ayaan kuu rajeynayaa mar kale inaad soo istaagtid ee ha niyad jabin
    thank you RBC

  2. NFD_boy says:

    XITAA HADII LAGUU RAACO SIDAAD SHEEGANAYSO OO AH INAAD KUSOO BAXDAY “ONE MAN ONE VOTE”. HESHIISKA ROADMAP KU MA QORAYO IN BEELAHA ISKA SOO XULAAN XILDHIBAANADA EE WUXUU QORAYAA IN ODAY DHAQAMEEDYADA SOO XULAAN

  3. Jeeska says:

    Siyaasi Dhegaweyne aad ayaan ugu faraxsanahay in lagu dhaafiyo booskaas maxaayeelay nin puntland ku xiran baa tahay oo beesha sharafta leh ee Leylkase aan ku xirayn, sorry, faroole ku dheh cid iiga soo xoog isagaa yaqaana sida loo xoogee, waxaad la qaylinayso iyagaad is maqashiinaysaa inaad puntland daacad u tahay isimka sharafta leh ha xagxagan.

  4. zack-london says:

    Dhagaweyne……………waala gaa badiyey……..markaa xamaalka xalaalka aheed ku noqo oo xamaalo……..saxiib ……

  5. Haad says:

    @ Wiil Garoowe

    Aflagaadada odayaasha la aflagaadeeyo ma haboona. Cida aad ku xadgudbaysid oo aad leedahay lacagbay qaateen dadbaa doortay oo ay Suldaamo u yihiin. Ninyahow waxaan ku dhihi lahaa Aflagaadada aad geysatay raalligalin ka bixi.

    Waa hadii aad tahay nin wax garwaaqsanaya. Odeyaashana markale ha ku xadgudbin awalbaan Bararafkii Mahiga ahaa meel aan ka dhigno weynee.

    Jj

  6. galkacyo says:

    war ninyahay waxaan layaabanahay dadkii qurbaha ku wareeray oo dhami xukun baa kacararay, anigu waxaan dhihi lahaa qofka doonaya inuu somalia jago kaqabto halagu xukumo inuu wadanka 3-5 kunoolado intan loodhiibin hoogaan. Musharaxa waxaan dhihi lahaa hadii arrinta aad sheegayso ay run tahay, qaab san wax kuraadi oo beelaha kale ee leelkase sidda kuwa reer mudug dacwadada u’gudbi, haddii waxaad sheeganayso ay jiraan waa dhab in beeshu qaladka kula saxi doonto. Iskana ilaali aflagaadada oo dhinaca wanaagsan marwalba wax ka eeg.

  7. acww dhamaan dadka xiiseeye rbc oo idil, tan labaad waxaan nin yahoow kaaga mahad celinaayaa warbixinta una dhoow run maadaama aan aqaano isimadda soomaalida qaabka ay u dhaqmaan oo ah mid afaaroqabiil ah haddii ninwalba uu usheega sidaas oo kale xal bay soomaali helilahayd, talkale hadaad laaluush bixinlahayd waad helilahayd nin yahoow kalsooni iyo daacad wax laguma helo ee shaqayso lacag aad laaluush kubixisid , hadaad ubaahantahay xildhibaan hana raja dhigin ee soo koorsee 5 sano nabadeey saxiib dhegoweynoow

  8. kingfaysal says:

    Dhagaweyne saxiib waa ku tacsiyeynayaa wana mid lagula qabo mana ahan mid ku gaar ah suldan subeer kaliya

  9. kawarhaye says:

    mudane dhagaweyne aad baad kugu mahadsantahay warbixinta aad usoogudbisay beesha leelkase ee nugaal dagan, waana wax sax ah in la iska qabto wixii musuqmaasuq wada iyo habartay habartay, Suldaan Subeer Xaaji Maxamuud markii hore baa qalad loogu doortay suldaanimada maxaayeelay ma ah nin matalikara leelkasaha nugaal dagan. Ee waxay aheeyd in loodoorta suladaanka beesha maxamuud cali, ileeen iyada ayuu yaqaan sidiii kursi loogu boobilahaayee.

  10. Garoowe2012 says:

    waxaan dhihilahaa waa in Odayaasha Reer Hassan ee Garoowe eey Soo xulaan Suldaan ina matala hadii aan nahay Reer Hassan, toosna aan ula xariirnaa Dawlada Federaalka ee Muqdisho.

    Sheekada halkaas halagu soo gabagabeeyo!

  11. RUNTA 1 says:

    waan ka xumahay mudane dhagawayne waxa kugu dhacay lakiin horey ayay soomali u maah maah day nimaan talinjirin haduu taliyo nimaan tagi jirin ayaa tago suldaan subeer waxaa la dhaadhiciyay maanta magaceena ku dhimo balse suldaan nimada rerkiisa uma dhiiban taas buu ilooboy intuu islahaa magaca ku dhimo maanta

  12. A. SH. says:

    Kar ninkaani soo ma’aha ninkii Faroole hadiyadda wayn iyo shahaado sharafta gudoon siinayay oo ubax qoorta u surayay markii Faroole London yimid asagoo xasuuq kagaystay Garsoor oo daadshay dhiigii shacabkii Leelkase.
    Waxaa layaab leh haddii asaga iyo raggii lahaa argagixisaa Garsoor lagula dagaalamayaa, ay Leelkase shahaado sharaf iyo abaarinno ay kasugayaan.Ninyahow adiga ragga kula mid ahi waa in ay is xisaabiyaan inta aysan wax raadsan oo aysan Isimada jaa’fayn.

  13. Xaaji muuse says:

    Dhagaweyne islaan ciise kursi u raadso

  14. Xaqa ku dhaqma says:

    Dhagawayne Leelkase abaal uguma laha Kursi xildhibaan laakiin waxaa xaqdaro ah oo kadaran in GAABANE xildhibaanada Leelkase katala bixiyo oo qabiyo asagoo xildhibaankii kowaad isku qoray, iswaydiinto waxay tahay, yaa danbi badan kii talada weerarka kula jiray Faroole ee lahaa argagixisada laaya iyo kan gurbaanka xaflada soo raacay, loona dhiibay shaadada in uu u Faroole u dhiibo si loogu sawiro, dantuna ahayd wakaa Leelkase waa mid i garab fadhiya iyo mid shahaadada i gudoonsiinaya, intakalena waa argagixiso.

Leave a Reply